Iman Jama
18.4K subscribers
1.05K photos
504 videos
1 file
176 links
Journalist
Download Telegram
UPDATE: Israa’iil ayaa sheegtay inay duulaan horleh ku qaadi doonto waqooyiga Qasa, iyadoo wargelisay dadka deggan xerada Jabalia inay u guuraan goobo nabdoon, sababo la xiriira howlgallo militari oo ay halkaa ka fulin doonaan, tan ayaa ku soo aadaysa iyadoo sidoo kale howlgal ay ka wadaan ciidanka Israa’iil koonfurta Qasa illaa Rafah.
Fiiro gaar ah;

Siddeed bilood oo uu socdo dagaalka Qasa, waa markii u horreysay oo si isku mid ah ay u doonayso inay dabka wada gaarsiiso Israa’iil dhammaan marinka Qasa illaa Rafah, mar kale ayay sidoo kale Israa’iil muujisay jahwareerka qorshaha dagaalka Qasa, maaddama ay sheegayaan 8 bilood kaddib halkii u horreysay ee duulaanka ay ku qaadeen ee waqooyiga Qasa inay dib ugu laabanayaan, iyagoo ku andacoonaya inay dib usoo laabatay awoodda Xamaas ee waqooyiga Qasa. Haddii aad xasuusatis faalladii u dambeeysay ee dagaalkan aan ka qoray; waa natiijo aysan waligiid arki doonin Israa’iil inay ciribtirto Xamaas , taa beddelkeeda waxay ku socon doonta Israa’iil inay xasuuq kula kacdo rayidka.
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
UPDATE: Telefishinka CNN ayaa soo bandhigay warbixin naxdin leh oo ay ku jireen sawirro si qarsoodi ah loo soo qaaday oo soo muujiyay xabsi ay Israa’iil ka hirgelisay saxaraha dulleedka Qasa, halkaa oo lagu xiray maxaabiista ragga ah ee Qasa ay ka soo qabteen tan iyo 7 October.

Maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa loo ciqaabay si darran oo naxariis darro ah , waxaa laga jaray xubnaha jirkooda, waxaana loo ciqaabay iyadoo aan laga rabin in laga hadalsiiyo ee ciqaabka looga aargudanayo weerarkii Xamaas. Kuwa dhaawaca daran loo gaysto waxaa laga xiraya gacmaha iyo lugaha intii sariirta la dulsaaro, iyagoo xiran xafaayad, cuno ahaanna maxaabiista oo dhan waxaa la siinaya cows , warbixintana waxay sheegtay in goobta ay tahay mid aad usoo uraysa oo kaliya dhawaqa ciqaabka ay la kulmayaan maxaabiista laga maqlayo, loomana oggala inay maxaabiista hadlaan.
UPDATE: Afhayeenka guutooyinka hubaysan ee Xamaas, Abu Cubayda ayaa horraantii caawa sheegay in mid ka mid ah maxaabiista Israa’iil oo haysta dhalashada Ingiriiska uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray duqeymaha diyaaradaha Israa’iil.

Nadav Bublabil, oo 51 ah ayaa warbixinta lagu sheegay inuu u geeriyooday daryeel xumo, sababo la xiriira go’doominta iyo beegsiga goobaha caafimaadka ee Israa’iil.
UPDATE: Wargeyska Washington Post, ayaa isagoo xiganaya ilo sirdoon, wuxuu soo bandhigay warbixin uu ku sheegay inuu Mareykanka usoo bandhigay Israa’iil inay siin doonaan xog sir ah oo la xiriira hoggaamiyayaasha Xamaas ee ku sugan Qasa iyo gododka muhiimka ah haddii ay Israa’iil ka laabato howlgalkeeda Rafah. Warbixinta ayaa intaa ku dartay inuu sidoo kale Mareykanka u sheegay Israa’iil inuu ka caawin doono dhismaha magaalo teendho ah oo qalabaysan oo loo daad-gureeyo dadka rayidka ah ee deggan Rafah.

Sidoo kale , warbixinta ayaa soo muujiysay sida ay Masar diyaar ugu tahay soo afjarida gododka, iyadoo Mareykanka uu sheegay inay Masar si dhow uga wada-shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa marinnada dhulka hoostiisa mara ee xadka u dhexeeya Masar iyo Rafah.
Qorshaha Trump ee Ukraine haddii uu madaxweyne noqdo;

•Maraykanku waxa uu raadin doonaa xabbad joojin la dhagax-dhigo Ukraine iyo Ruushka.

•Haddii Ukraine iyo Ruushka wadahadlaan,Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa bixinta hubka iyo xoojinta difaaciisa.

•Xubinnimada Ukraine ee NATO ayaa dib loo dhigi doonaa.

•Ruushka waxaa laga yaabaa in loo soo bandhigo fududeynta cunaqabateynta saaran.

•Ukraine waxaa loo ogolaan doonaa in ay ku adkeysato soo celinta dhammaan dhulalka ka maqan.

•Waxa suurtagal noqon doonta in gebi ahaanba laga qaado cunaqabataynta Ruushka,kaddib marka uu saxiixo heshiis nabadeed oo ay si buuxda u aqbali karto Ukraine.

Xigasho: Buugga siyaasadeed ee Trump; America First.
UPDATE: Telefishinka Dawladda Masar ee Alqahera News, ayaa shaaciyay inay Masar joojisay wada-shaqeyntii ay la lahayd Israa’iil ee dhinaca gudbinta gargaarka, taa oo ka dhigan inuu gabi ahaanba istaagay gargaarkii la geyn jiray Qasa, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay Masar uga jawaabayso qabsashada Israa’iil ee xadka Qasa iyo Masar. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay inay Masar ka caraysantahay xaaladda sii xumaanaysa ee ku dhacaya sababta Israa’iil.

Dhinaca Israa’iil, telefishinka Channel 12 ayaa ku warramay go’aanka Masar ay ku joojisay isku-dubaridka iyo soo gudbinta gargaarka la gayn jiray Qasa inay caqabad ku noqonayso howlgalka Israa’iil ee Rafah,sababo la xiriira inay cadaadis caalami ah ka dhalanayso joojinta gargaarka gaadiidka lagu geyn jiray Qasa.
UPDATE: Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa lagu warramaya inuu ku soo daray la-taliyayaashiisa aqalka Kremlin-ka , Sergei Karaganov, oo ah 71 jir ku xaal-dheer siyaasadda iyo sayniska, ninkan wuxuu caan ku yahay magaca Professorka qiyaamaha (Professor Doomsday),ujeeddada hadda uu ugu biiray aqalka looga arrimiyo Ruushka , waxaa lagu sheegay si uu u bixiyo tallooyin la xiriira habka uu Ruushka sare ugu qaadi karo carqaladeynta reer galbeedka oo ay ugu horreeyaan reer Yurub, sida ay sheegtay jariirada Mirror ee Ingiriiska.

Professor Doomsday, wuxuu dunidda ku qabsaday inuu marar badan ku celceliyay, haddii uu ka mid noqon lahaa la-taliyayaasha Putin inuu u sheegi lahaa waddamada Yurub inuu ku dhufto nukliyeer , si loo jabiyo isla waynidooda,loona tijaabiyo ballanqaadka Mareykanka ee difaaca xulafadiisa, waxayna ku biiristiisa Kremlin-ka ku soo aaday xilli ay sare u kacday xiisadda u dhaxaysa Ruushka iyo reer galbeedka.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
🎥Tababaraha kubadda cagta ee u dhashay Spain, Pep Guardiola oo u muuqda inuu ka hadlayo xasuuqa ay dunidda daawanayso ee Falastiiniyiinta , wuxuu sheegay inay dunidda buuxisay ‘cadaalad darro’, ka hor hadalkan wuxuu yiri; "Qof walba wuxuu daneeyaa gurigiisa, ma aha deriskiisa… Eeg waxa dhacaya maanta, adduunka oo dhan— Annaguna halkan ayaanu iska fadhinaa. Waa halkan! Waad ogtahay, maalin maalmaha ka mid ah ayay halkan iman doonta.“
Laakin ma aha kaliya Falastiiniyiinta ee cadowga kale kala kulmaya cadaalad darrada cidda wajahaysa, xata dalkeenna ayay ka jirta in la fiirsado dhacdooyin xun oo hadda gaarsiisan nacayb bulsheedana dhex taal oo aysan jirin cid ka hadlaysa ama tallaabo lagu joojinaya qaadaysa, ma aragtay maanta kaliya inay Soomaaliya ka soo muuqdeen labo dhacdo oo inooga filan inan nahay dad ka gudbay xadka bani’aadamka, waxaan ka hadlaya dilal si foolkun loo soo gudbiyay! Maanta dadkeenna waxay joogaan heerkii u hooseeyay ee dadnimo xumada, ka warran qofka ajanabiga wuxuu awoodda si dhibyar gees ka gees inuu dalkeenna ku socdo, tusaale ma aragtay beddel beddelka ajanabiga ah cid xata la hadasha? laakin meelaha qaar waxaa ka dhacday sida Mudug in dad walaal ah aysan isku tallaabi karin oo kaliya masaafo 1 km aan dhammeyn aysan isaga gudbi karin, tani ma aragtay cid ka hadashay hoggaamiyayaasheenna illaa bulshada waxay noqdeen dad xun , oo kuli wada danaystayaal ah oo waliba xaaran iyo dhac u carara , haddii aysan Dadka Soomaaliyeed dib isku eegin, oo sida ay u noolyihiin toobad iyo isbeddel u rogin, dhabtii si xun ayay meeraha uga tirmi doonaan!
UPDATE: Ruushka ayaa horumar ka sameynaya dagaalka Ukraine, iyadoo warbixinnadii u dambeeyay ay soo muujiyeen ciidanka Ruushka inay kaliya 20 km u jiraan magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, kaddib markii ciidanka Ruushka ay la wareegeen inta badan magaalooyinka ku hareeraysan Kharkiv oo waqooyiga Ukraine ku taalla.

Fiiro gaar ah;

Ruushka haddii uu gaaro Kharkiv, waxay xaaladda ku xumaysanaysa ciidanka Ukraine , sababo la xiriira furimaha dagaalka ee Ruushka uu ballaariyay, halkaa oo uu u adeegsan karo Ruushka , saldhig weerar oo dhibaato u geysanaya ciidanka Ukraine ee dib u gurashada ku jira, xilli Ukraine ay ka cabanayso inaysan wali soo gaarin taageerrada militari ee Mareykanka oo si dhammeystiran aan u gayn dalkaa hubkii ay u baahnaayeen.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
UPDATE: Golaha Baarlamaanka ee uu kala diray Amiirka Kuwait, ayaa taageerro weyn ka helay baraha bulshada, kaddib markii dib loo baahiyay hadallada guddoomiyihii Baarlamaanka iyo xubnihii kale ee Baarlamaanka oo si adag uga hadlaya xaaladda Falastiiniyiinta oo ay ku dhaliilayaan dalalka islaamka sida ay uga aamuseen, waxaa kalo si dhiirran ay u cambaareyn jireen Israa’iil, taa oo qasabtay in la is waydiiyo suurtagalnimada kala daristooda inay ka qayb ka tahay cadaadis ka yimid dibadda.
UPDATE: Wargeyska New York Times, ayaa isagoo xiganaya saraakiil Mareykan iyo Israa’iil ah, wuxuu sheegay inay wajahayso Israa’iil xaalad adag oo la yiraahdo Yaxye Sinwar, iyadoo ay intaa ku dareen saraakiisha Israa’iil ee warbixintu xiganayso; “Maaddama uusan ahayn hoggaamiye adag oo keliya.. Waxa kale oo uu leeyahay xirfado gorgortan oo weyn— Sinwar ayaa Israa'iil ka hor istaagay in ay guul ka gaarto goobta dagaalka… Waxaan wajahaynaa cadow naxariis daran iyo siyaasi xirfad leh oo caqli badan, waxa uu khibrad iyo sirdoon u leeyahay fallanqaynta bulshada Israa’iil oo uu u habeeyo siyaasaddeeda si waafaqsan.”

Fiiro gaar ah;

Warbixintan lagu muujiyay habka uu Sinwar, u maareeyay dagaalka siddeeda bilood socda oo la rumaysan yahay goobta dagaalka iyo dagaalka fikirka ku dhisan inay labadaba ku ganac sarreeyaan Xamaas, ayaa ku soo aadaysa xilli ay wali Xamaas ku adkaysanayso inaysan geli doonin heshiis aan soo afjarayn dagaalka, si tan oo laga soo dabciyo waxay Israa’iil ku dhaqaaqday cadaadis kasta oo ay saari karto illaa kumannaan kun oo Falastiiniyiin carruur iyo haween u badan la dilay, si xuna loo ciqaabay ragga maxaabiista ah ee ay xireen Israa’iil, wali Israa’iil waxay gaari la’dahay soo bandhigista sawir guul ah oo la xiriira dagaalka iyo inay jabiso adkaysiga Falastiiniyiinta.
UPDATE: Israa’iil oo bilooyin ka hor sheegtay inay burburisay awooddii Xamaas ee waqooyiga Qasa , ayaa mar kale shalay sheegtay inay dib howlgallo uga fulinayaan waqooyiga Qasa gaar ahaan xerada Jabaliya, sababto ah waxay yiraahdeen Xamaas ayaa mar kale goobta isku aruurinaysa oo awoodooda dib usoo celiyay, laakin ka warran in isla maanta ay Xamaas gantaallo ka soo rideen waqooyiga Qasa , iyagoo dhaawac iyo dhimasho gaarsiiyay Israa’iiliyiinta ku sugan dhulka ay qabsadeen ee ka fog Qasa!
Fallanqeeyaasha Mareykanka ayaa u arka wax aan dagaal horey loogu arag , inay Israa’iil wax walba sameysay si ay u burburiso awoodda Xamaas ee waqooyiga Qasa, haddana wali waxay u muuqdaan koox aan waligeed dagaal lagu soo qaadin, sida uu soo bandhigay telefishinka CBS ee Mareykanka , oo warbixinta uu soo bandhigay ku sheegay inaysan Israa’iil haysan qorshe guul ay ku gaari karto. Dhinaca kale , xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Blinken wuxuu si cad maanta u sheegay inay aaminsanyihiin oo ay u muuqato Israa’iil kaliya waxa ay dilayso inay yihiin rayid oo dhimashada kooxda ay la-dagaallamayaan inay ka badan tahay tan gaartay rayidka.

Sawirka weerarradii u dambeeyay ee Israa’iil ay ku duqeysay xerada Jabaliya;
UPDATE: Masar ayaa si lama filaan ah u sheegtay inay si rasmi ah ugu biiri doonto dacwadda ka dhanka ah Israa’iil ee Koonfur Afrika ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, si loogu ciqaabo xasuuqa ay ka gaysanayso Qasa iyo dhulka Falastiiniyiinta, waxay noqonaysaa Qaahira dalkii labaad ee islaam ah oo dacwadan ku biira, kaddib Turkiga oo isagana dhawaan sheegay inuu ku biirayo.
Fiiro gaar ah;

Ku biiritaanka Masar ee dacwadan , Alon Liel oo ah agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil, ayaa u sheegay Al Jazeera inay "Dharbaaxo diblomaasiyadeed oo aan la rumaysan karin ku tahay Israa'iil.. Masar waa albaabka joogitaanka Bariga Dhexe," ayuu yiri, isagoo intaa ku daray “Xiriirka ay maanta Israa'iil ku leedahay Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, oo ay ku jiraan Jordan, Imaaraadka iyo Morocco, dhammaantood waa natiijo ka dhalatay wixii Masar ay samaysay 40 sanno ka hor… Tani waa waxa aan ka digayay,waxay ka imanaysaa dhowr jiho. Israa'iil waa in ay dhegaysato adduunka - ma aha oo kaliya in ay rayiga dadweynaha Israa'iil oo weydiisanaya hadda aargoosi.”
UPDATE: Ciidanka Israa’iil waxay shaaciyeen 50 askari in looga dhaawacay Qasa 24-kii saac ee la soo dhaafay , tan oo ka dhalatay iska caabinta iyo howlgallada qaabaysan ee kooxaha Falastiiniyiinta.

Fiiro gaar ah;

Shaacinta 50 askari in la dhaawacay iyadoon looga baran Israa’iil si dhab ah inay uga warranto khasaaraha gaara, waxay ka dhigantahay tobannaan askari in laga dilay , marka loo eego dagaal jabhadeed lagu dhaawacay 50 askari. Mar kale ayay Israa’iil la kulmaysa burbur la mid ah maalintii koowaad ee dagaalka, kaddib markii ay maalin ka hor shaaciyeen inay dib usoo celiyeen howlgalladii waqooyiga Qasa.
UPDATE: Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa xilka ka qaaday saaxiibkiisa muddada dheera ee Wasiirka difaaca , Sergei Shoigu oo xilkaa hayay tan iyo 2012, wuxuuna ku beddelay dhaqaale yahan rayid ah , Andrei Belousov, tan oo la sheegay inuu Putin uga dan leeyahay inuu Ruushka ku xiro dagaal dhaqaale isagoo isku dayaya inuu si wanaagsan uga faa'iidaysto kharashaadka difaaca iyo ka faa'iidaysiga hal-abuurnimo si uu ugu guuleysto Ukraine.

Shoigu, lama dhigin shaqo la’aan wuxuuna Putin doonaya inuu noqdo xoghayaha golaha ammaanka ee awoodda badan ee Ruushka, isagoo beddelaya Nikolai Patrushev oo xilka haya, waxaa intaa u dheer oo uu qaadan doonaa mas'uuliyada dhismaha militariga iyo warshadaha, sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka.
UPDATE: Qoysaska askarta ciidanka Israa’iil ee lagu dilay saacadihii u dambeeyay Qasa ayaa weerarray wasiirka amniga Israa’iil, Ben Gvir oo ku sugnaa qabuure lagu aasayay askarta, iyagoo ku eedeyay dambile haligay carruurtooda.

Fiiro gaar ah;

Kacdoonka qoysaska ciidanka Israa’iil oo muddo uu iskudayay Netanyahu in la xaddido ayaa hadda u muuqda inaysan shaqeynayn dhammaan iskudayadaa, sababo la xiriira soo if-bixida diidmada ehelada ee carruurtooda in lagu hayo gudaha Qasa, tan oo saameyn ku yeelanaysa askarta. Howlgalka ay dib uga billowday Israa’iil waqooyiga Qasa ayaana sare u qaaday dhimashada ciidanka Israa’iil.
UPDATE: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Iran , ayaa markii u horreysay shaaciyay inay Iran haysato hubka Nukliyeerka, oo muddooyinkii u dambeeyay la hadal hayay inay Iran joogto heer ay ku soo saari karto bambooyinka Nukliyeerka.

"Aragtideyda, waxaan ku guuleysanay hubka Nukliyeerka, laakiin ma shaacineyno, waxay la macno tahay siyaasadeena in aan haysano bambooyinka nukliyeerka," ayuu yiri xildhibaanka hadalkan laga soo xigtay , Axmed Bakhshayesh Ardestani.