Iman Jama
18.7K subscribers
1.2K photos
530 videos
1 file
179 links
Journalist
Download Telegram
UPDATE: Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Turkiga ee CHP, Özgür özel ayaa usoo jeediyay guddoomiyayaasha magaalooyinka Turkiga ee xisbiga CHP , inay joojiyaan ololaha ay ku mamnuucayaan , islama markaana ku fujinayaan magacyada iyo xarfaha kale ee ku qoran luuqadda Carabiga ee lagu dhajiyo wajaahada hore ee goobaha ganacsiga Turkiga, isagoo sii hadlayana wuxuu yiri; “Ha yeelin sidaan, ha faragelinin luqadda Carabiga…. Luuqadda Carabiga waa luqadda Qur’aanka”.
UPDATE: Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horreyay xaqiijiyay in dagaalyahanno ka tirsan Xamaas lagu daweynayo gudaha Turkiga , isagoo si deg deg ah uga falcelinayay shir jaraa’iid oo ay wada-jir u qabteen waxyar ka hor Ra’iisul wasaaraha Giiriga, Kyriakos Mitsotakis oo urur-argagixiso ku sheegay Xamaas , balse Erdogan ayaa ku qasbanaaday inuu hadalkan ku soo laabto , isagoo leh ; “Waxa jirta qodob aanan kugu raacsanayn, kaas oo ah in aanu Xamaas u aragno urur argagixiso, sidaa ma aha Xamaas waxaan u aragnaa dhaqdhaqaaq iska caabin ah oo u dagaallamaya dhulkooda la qabsaday… Waxaa jira illaa 1,000 dhaawac ah oo ka tirsan dagaalyahannada Xamaas oo lagu daweynayo Turkiga— Marka la soo koobo, tani waa sababtoo ah uma aragno Xamaas urur argagixiso,waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah inaan ku qasbi karno Israa’iil inay aqbasho xabbad-joojin.”
Ra’iisul wasaaraha Giriiga oo hadalka ku soo laabtay isagoo dhoola-caddeynaya, wuxuu dhankiisa yiri; “ Aan ku heshiinno inaan ku isku khilaafnay Xamaas...laakin arrinta aan ku heshiinnay ayaa ah baahida degdegga ah ee loo qabo xabbad-joojinta.”
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
UPDATE: Horraantii maanta, waxaa baraha bulshada lagu arkay muuqaalka gaadiidka ciidanka Imaaraadka oo la geeyay dekedda Muqdisho, si dib loogu celiyo Imaaraadka, tan oo loo qaatay inay la xiriirto inuu Imaaraadka ka baxay Muqdisho oo la xiray saldhiggii uu ku lahaa caasimadda iyo howlgalkiisi, balse sarkaal ku dhow safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, ayaa ii sheegay inay gaadiidkan yihiin kuwa duug ah oo ay horey u adeegsan jirtay safaaradda Imaaraadka , sababta looga daabulayo Muqdisho, wuxuu ku sheegay inay la xiriirto walaacooda ku aadan haddii gaadiidkan aan shaqeynayn la turo inay gacanta u gali karaan kooxda AS oo dib u dayac-tiri karta ama qayb ahaan adeegsan karta birta baaburtan. Ma ka jawaabin sarkaalkan haddii Imaaraadka uu xiray saldhigiisa Muqdisho, markii labaad , kaddib markii ay soo muuqatay inuu hoos u dhacay dhaqdhaqaaqa Imaaraadka ee Muqdisho , tan iyo markii la dilay saraakiishii ugu sarreysay ee howlgalka bishii labaad ee sannadkan.
Wasaaradda difaaca iyo laamaha kale ee ammaanka dawladda ma bixin warbixin la xiriirta , sababta gaadiidkan looga saaray Muqdisho oo aan la isugu dayin haddii ay adeegsan karaan ciidanka dawladda , iskudaygayga xiriir aan la sameeyayna lagama jawaabin, mana laha dawladda dabeecad ay ku bixiso warbixinnada wax ku filan oo lagula socodsiiyo muwaadiniinta ama lala wadaago warbaahinta dhacdooyinka soo muuqda.
UPDATE: Major Harrison Mann, oo ah Yahuuddi Mareykan ah oo ka tirsan waaxda sirdoonka militariga Mareykanka , ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay ciidanka Mareykanka , sababo la xiriira taageerada aan shuruudda lahayn ee Maraykanku u fidinayo Israa’iil, taaso ay ka dhalatay dhimashada, gaajada iyo barakicinta kumannaan kun oo Falastiiniyiin ah , sida uu ku sheegay warqada uu isku casilay.

Is-casilada sarkaalkan sare ee ciidanka Mareykanka , waxay ku soo aaday maalmo kaddib markii sidan oo kale ay isku casishay afhayeenkii afka Carabiga ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Hala Rharrit oo ahayd diblomaasigii ugu horreeyay ee shaqada iska casila si fagaare ah, isagoo ka mudaaharaadaya xasuuqa ay gaysanayso Israa’iil, intaa kaliya ma aha saraakiisha shaqada ka tagay ee sidoo kale waxaa xasuuqa ka dhacaya Qasa isku casilay Tariq Habash, oo ahaa lataliyaha dhanka siyaasadda ee waaxda waxbarashada ee Mareykanka.
UPDATE: Senatar Lindsey Graham, oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga Mareykanka ayaa ku andacoonaya Israa’iil inay xaq u leedahay in ay ku garaacdo Qasa hub nukliyeer ah, si ay dagaalka usoo afjarto, isagoo xaaladda Qasa barbar dhigaya dagaalkii labaad ee adduunka,wuxuu sheegay Mareykanka inuu ku dhuftay bam nukliyeer ah Hiroshima, isagoo uga dan leh in dagaalka la soo afjaro, waqtigaanna wuxuu ku sheegay inay tahay Israa’iil inay sameyso wax walba, si dagaalka loo soo gabagabeeyo.
UPDATE: Qoysaska ciidanka Israa’iil ayaa billaabay inay saraakiisha ciidanka u diraan farriimo ay uga soo horjeedaan duulaanka ay Israa’iil ku qaaday Rafah, illaa 600 oo qoys ayaa la sheegay inay la xiriireen madaxda sare ee ciidanka Israa’iil si loo joojiyo duulaanka.

Fiiro gaar ah;

Ma garanaysa sababta ay qoysaska usoo baxeen iyagoo diiddan dagaal? waayo waxay arkeen meydadka badan ee askarta oo dib loogu celinayo Israa’iil iyo kuwa kale ee iyagoo indhaha laga soo riday ama xubnaha muhiimka ah ku soo waayay dagaalka dib ugu laabtay qoysaskooda, arrinta kale ee saameynta ku yeelatay qoysaska ciidanka Israa’iil waa muuqaallada kooxaha Falastiiniyiinta ay ka baahinayaan howlgalladooda ay ku tooganayaan, kuna qarxinayaan askarta Israa’iil,mid kasta oo toogasho lala beegsado ama qarax, waxaa la arka iyadoo ay ka cararayaan askarta kale. Marka laga hadlayo xaaladda dagaalka.
Haddii qoysaska ciidanka ay soo hadlaan waa mar kasta oo walaac iyo burbur ay la kulmaan ciidanka , sababto ah waxay dhagahooda ka maqlayaan codsiga dib usoo laabo iyo cabsiga qoysaskooda,taaso ka luminaysa inay diiradda saaraan dagaalka!
UPDATE: Madaxa Hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil ee Shin Bet, Ronen Bar ayaa ku wargeliyay dhiggiisa Masar, Cabbaas Kamel inay doonayaan inay dib u furaan albaabka xudduudda marinka Rafah, balse ma oggolaan doonaan in Xamaas ay ku soo noqoto marinka, sida ay sheegtay warbaahinta Axios oo xiganaysa saraakiisha Israa’iil, iyadoo warbixinta ay intaa ku dartay in maamulka Maxamuud Cabbaas loo soo bandhigay inay ka qeyb qaataan howlgalka ka socda xadka Rafah, waxayna Israa'iil ka codsatay maamulka Ramallah inay wakiillo u soo diraan.

Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yoav Gallant ayaa u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken in Israa’iil ay u furan tahay xal badan oo ku saabsan marinka Rafah marka laga reebo soo laabashada Xamaas, sida uu sheegay sarkaal Israa’iil ah. Laakin waa wax aysan oggalan doonin Xamaas inay maamulka Cabbaas la wareegaan gacan ku heynta Rafah, sababo la xiriira saraakiisha maamulka inay xiriir dhow la leeyihiin Israa’iil.
Fiiro gaar ah;

Soo jeedinta Israa’iil ayaa noqonaysa markii koowaad tan iyo 7 Oktoobar, oo ay sheegayaan inay oggalanayaan furitaanka xadka Rafah, oo ay ku lug yeelanayaan Falastiiniyiinta, tallaabadan ayaa ku soo aadaysa markii maalmo ka hor ay Masar joojisay gaadiidkii gargaarka ee ka gudbayay marinka Kerem Shalom ee u dhexeeya Israa’iil iyo Qasa, iyadoo tan ay uga jawaabaysay Masar soo gelitaanka ciidanka Israa’iil ee Rafah, sida ay caradeeda u muujiso waxaa kalo ay Masar sheegtay inay ku biirayso dacwadda ay Koonfur Afrika gaysay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in Israa’iil lagu ciqaabo xasuuqa ay ka gaysanayso Qasa iyo dhulka Falastiin.
UPDATE: Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Antony Blinken ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagay Kyiv, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay sheegtay ujeeddada socdaalka inay la xiriirto xoojinta taageerrada Mareykanka ee Ukraine.

Fiiro gaar ah;

Booqashada Blinken, waxay ku soo aaday xilli ay ciidanka Ukraine burbur kala kulmayaan furimaha dagaalka,kaddib markii toddobaadkii u dambeeyay uu Ruushka horumar badan ka sameeyay gobolka waqooyi-bari oo ku dhow magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, isagoo la wareegay deegaanno badan, markii lagu qasbay ciidanka Ukraine inay isaga baxaan.
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Xamaas waxay muuqaal ka soo bandhigeen howlgalladii ay ka fuliyeen waqooyiga Qasa oo aad ku arkaysid taangiyo gubanaya iyo askar lagu qarxinayo goobtooda!
UPDATE: Masar ayaa ka fiirsanaysa inay u yeerto safiirka u jooga Tel Aviv iyo inay hoos u dhigto xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Israa’iil,tan oo looga jawaabayo duulaanka Israa’iil ay kula wareegtay gacan ku haynta xadduudka Qasa iyo Masar, intaa waxaa dheer oo ay Qaahira sidoo kale ka fiirsanaysa ku biiritaanka dacwadda ka dhanka ah Israa’iil ee Koonfur Afrika ay gaysay maxkamadda dambiga caalamiga ah, khilaafka Israa’iil iyo Masarna xilligan waxaa lagu sheegay inuu geeray heerkii ugu xumaa tan iyo markii ay xiriir diblomaasiyadeed sameysteen sannadkii 1979-kii, sida uu ku warramay wargeyska Wall Street Journal.
UPDATE: Militariga Ruushka ayaa loo oggalaaday inay adeegsan karaan gantaalka Bulava ee isaga kala goosha qaaradaha, wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa ku warran.

Ruushka ayaa bishii November ee la soo dhaafay sameeyay tijaabada gantaalka Bulava, kaas oo ururka ay ku midaysan yihiin saynisyahanada Maraykanku ay sheegeen in loogu talagalay inuu qaado ilaa lix madax oo nukliyeer ah.
UPDATE: Laamaha ammaanka Hindiya ayaa gacanta ku dhigay saddex dumar ah oo haysta dhalashada Kenya, kuwaaso la sheegay inay si qarsoodi ah usoo galin rabeen Mumbai, dahab qiimihiisu dhanyahay $305,345,waxaana lagu qabtay garoonka diyaaradaha Mumbai.

Magacyada saddexda haweenka ah ee dahabka lagu qabtay ayaa lagu kala sheegay; Samiira Cabdi (37 jir), Feiza Xasan (25 jir) iyo Fardowsa Cabdi (30 jir), waxayna sheegeen dahabkan inay ka heleen dad ay ku lahaayeen deyn ayna doonayaan inay ka faa’iideystaan qiimaha dahabka uu ka joogo Hindiya. Haweenka hadda waxaa lagu xiray xabsi, waxayna marayaan baaritaan dheeraad ah.

Fiiro gaar ah;

Marka la tixraaco magacyada iyo ganacsiga kala gudbinta dahabka ee Kenya iyo Hindiya, waxay muujinaysa inay haweenka yihiin Soomaali, kuwaaso caan ku ah ka ganacsiga dahabka gudaha Kenya, iyadoo dhowr dhacdo oo ay ka qaybqaateen haween Soomaali ah ay ka dhaceen garoommada diyaaradaha Hindiya iyo Kenya, oo lagu qabtay dahab iyo lacag.
UPDATE: Israa’iil ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigtay dukumentiyo muujinaya qorshe ay Xamaas ku diyaarinayso inay saldhig ka sameystaan dalka Turkiga , sida u sheegay wargeyska The Times.

Sida ku cad sheegashada Israa'iil, dukumeenti cinwaankiisu yahay "Saldhig laga dhisayo Turkiga" ayaa laga helay guriga Hamza Abu Shanab, oo ka mid ah gacanyarayaasha Yaxye Sinwar. Qorshaha ay sheegeen Israa’iil inay arkeen waxaa lagu sheegay inay muujiyeen xarumo ciidan oo u adeegi doona saldhigyo hawlgallo gaar ah oo xoojin kara dagaalyahannada iska caabinta ciidan ahaan, hab diblomaasiyadeed iyo goobo lagu dhiso farsamada iyo moraalka dagaalyahannada.
Qorshaha wuxuu dhigayaa in dalal badan oo gobolka ah laga sameeyo “unugyo ciidan iyo guryo ammaan ah,iyadoo unugyadani ay awood u leeyihiin in ay fuliyaan falal kharibaad iyo dil ah oo ka dhan ah saraakiisha Mossad iyo Israa'iiliyiinta saamaynta leh, kaddib markii ay tababar dheeraad ah ku qaataan saldhigga laga hirgelinayo gudaha Turkiga. Sida ku cad sheegashada Israa’iil, dukumeentiyada waxaa sidoo kale ku jira faahfaahinta xubnaha Xamaas ee loo diri doono Turkiga iyo sida loo maalgeliyo. Israa'iil waxay sheegtay in aan la ogeyn in qorshahaas uu hirgalay iyo in kale.

Fiiro gaar ah;

Ma garanaysa sababta ay Israa’iil, hadda tan u sheegayso , waxay doonaysa inay sare u qaadaan eedeymaha ka dhanka ah Turkiga , kaddib markii shalay uu qiray madaxweynaha Turkiga in dagaalyahanno ka tirsan Xamaas lagu daweynayo gudaha Turkiga. Ma kula tahay dukumeenti illaa heerka muhiim ah inay Xamaas uga tagi karaan meel cidlo ah, iyadoo magaca ku qoran uu yahay dal muhiim u ah iyo dal xubin ka ah NATO?
UPDATE: Dab xooggan ayaa qaybsaday saldhig militari oo ciidanka Israa’iil ay ku leeyihiin dulleedka
Tel Aviv, wuxuuna bas-beeliyay bakhaar saldhigga ku yaalla oo agab kala duwan oo militari lagu kaydin jiray, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil oo intaa ku dartay in la baarayo waxa dhaliyay dabkan oo ay la tacaalayaan ku dhowaad 30 gaadiidka dab damiska ah.
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Xamaas oo muuqaal ka soo bandhigtay Jabalia oo askarta iyo taangiyada Israa’iil dab lagu qabadsiinayo.