Iman Jama
31.5K subscribers
4.74K photos
1.09K videos
1 file
649 links
Journalist
Download Telegram
Netanyahu; “ Waxaan diyaar u ahay xabbad joojin kumeel-gaar ah oo ka dhaqangasha Qasa, haddii maxaabiis la sii deynayo.”
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Xildhibaanka hoggaamiyaha xisbiga bulshada Carabta ee Israa’iil, Ayman Odeh ayaa si xoog ah looga saaray xarunta Baarlamaanka Israa’iil, kaddib markii uu Netanyahu ku eedeyay in arrimo siyaasadeed uu ka leeyahay dagaalka xasuuqa ah ee Qasa , wuxuuna si adag u dhaleeceeyay siyaasadda dilka ee Israa’iil ay ku wajahayso Falastiiniyiinta, taa oo markii dambe keentay si garda-duub ah in xarunta Baarlamaanka Israa’iil ee loogu yeero Knesset, laga saaro.
Trump, ayaa dhexda u galay fadeexad iyo ceeb diblomaasiyadeed oo uu kala kulmayo, inuu adeegsaday sawirro been abuur ah oo aan la xiriirin Koonfur Afrika, inta uu Aqalka Cad ka socday kulanka uu la qaatay madaxweynaha Koonfur Afrika , oo markaa uu ku eedeyay in xasuuq loogu geysto dalkaa dadka cad-cad, balse hadda sida ay xaqiijisay Reuters, sawirrada uu la soo baxay Trump , oo uu ku sheegay dhacdooyin ka dhacay Koonfur Afrika , waxay noqdeen sawirro hore oo laga qaaday dalka Congo.
Shaqaalaha xogtan soo aruuriyay iyo cid kasta oo ku talisay, waxay wajihi karaan cawaaqib shaqo ka cayrin ah , isla xaaladan ayaa sidoo kale jabinaysa kibirka Trump!
Sirdoonka Shiinaha ayaa ku fashilmay howlgallo ay ka fulinayeen gudaha Turkiga.

Muxuu la xiriiray howlgalkaa?

Sidee Turkiga ugu guuleystay inuu ka hortaggo howlgalka sirdoonka Shiinaha?

Muxuu u dhimaya xiriirka labada dal in Shiinaha uu howlgallo sirdoon ka fuliyo gudaha Turkiga?

Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MiT oo mar kale amaan heshay..!

Warbixinta aan ku baahiyay bartayda Youtube, ayaa ku siinaysa faahfaahinta wax kasta oo ku saabsan howlgalka sirdoonka ee Shiinaha uu fulinayay oo sirdoonka Turkiga ay ka hortageen, fadlan halkan ka raac; https://youtu.be/7A0zYFdAiwg?si=YW8YvU671a2LjqSO https://youtu.be/7A0zYFdAiwg?si=YW8YvU671a2LjqSO
Pakistan ayaa maanta kordhisay muddada laga xannibay shirkadaha diyaaradaha Hindiya iyo kuwa xiriirka leh inay adeegsadaan hawada Pakistan , waxaana la gaarsiiyay illaa 24 bisha June,2025.

Fiiro gaar ah;

Pakistan, waxay u muuqataa inay bixinayso tilmaamo la xiriira inaysan wali dhammaan xiisadda kala dhaxeysa Hindiya , iyadoo ujeeddooyinka go’aamada cadaadiska leh looga danleeyahay inaysan Hindiya iskudayin taageerrada kooxahan ka soo horjeeda Pakistan inay weerarro fuliyaan iyo Hindiya inay ka fogaato iskuday kasta oo heshiis biyaha ay ku waxyeeleyn karto.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Trump, ayaa qabanaya dhoolatuskii u horreeyay ee milatari oo ka dhacaya 14 bisha June, caasimadda Mareykanka ee Washington, D.C., maalintaa oo ay ku aadantahay aasaaska ciidanka Mareykanka iyo maalinta uu dhashay Trump , iyadoo la sheegay markii u horreysay dadka ku sugan Washington, D.C., inay arki doonaan taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman ee ciidanka Mareykanka oo la dhexmarinayo waddooyinka caasimadda . Dhoolatuska maalinta dhacaya waxaa ku baxaysa in ka badan 45 milyan oo dollar, sida laga soo xigtay waaxda difaaca Mareykanka.
Ruushka iyo Ukraine , ayaa maanta is dhaafsaday 270 maxbuus oo dagaal, iyadoo labada dhinac mid walba uu sii daayay 270 maxbuus, halka sidoo kale ay is dhaafsadeeb 120 maxbuus oo rayid ah labada dhinac — sii deynta maxaabiista ayaa qeyb ka ah heshiiskii Istanbul ee labada dhinac ay 16 bisha May, ku gaareen, waxaana la filayaa kun maxbuus inay is dhaafsadaan.
Hoggaamiyayaasha ururrada Falastiiniyiinta ee xiriirka la lahaa Iran ayaa isaga baxay Suuriya, iyagoo hubka ay heysteen ku wareejiyay dawladda Suuriya, sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.

Fiiro gaar ah;

Ka bixitaanka Suuriya ee xubnaha ururrada Falastiiniyiinta oo ururka Xamaas uu ku jiro , waxay qeyb ka ahayd shuruudaha cunaqabateynta looga qaaday Suuriya , iyadoo ay u muuqato dawladda Suuriya inay xubnahan sidoo kale ku qancisay inay hubka wareejiyaan.
Mareykanka ayaa cunaqabateyn saaraya ciidanka milatariga Suudaan, kaddib markii maanta warsaxafaadeed ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka lagu go’aamiyay inay ciidanka Suudaan adeegsadeen hub kiimiko ah intii uu socday dagaal ay milatariga Suudaan la galeen sannadkii 2024, kooxda RSF, wallow ay milatariga Suudaan si rasmi ah eedeynta u diideen — waxaana milatariga uu hoggaamiyo Jen. Burhan ay sheegeen inaysan waligood adeegsan hub kiimiko ah.
Fiiro gaar ah;

Cunaqabateyntan ayaa sare u qaadaysa cadaadiska ay la kulmayaan milatariga Suudaan, iyadoo ay u muuqato in la arkayo isbeddeladii u horreyay oo ku imaanaya mowqifka Mareykanka ee arrimaha Suudaan, xilli bartamihii bishii Jannaayo ee sannadkan ,2025 uu Mareykanka cunaqbaateyn gaar ah saaray hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Jen. Cabdifatax Al Burhan.

Go’aanka ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka , ayaa sidoo kale muujinaya dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salman inuu ku guuldarraystay Trump inuu ku qanciyo taageerrada milatariga Suudaan, taa beddelkeeda wuxuu Trump, kaga dhawaaqay inta uu ku jiray booqashadii dhaweyd ee Sacuudiga uu ku tagay wax kasta oo la xiriiray Suuriya oo uu doonayay Maxamed Bin Salman, halka tallaabo kasta oo ka dhan ah milatariga Suudaan oo Mareykanka ka soo baxda ay waxtar u tahay Imaaraadka Carabta , ma cadda in Abu Dhabi ay beddeshay mowqifka Trump ee arrimaha Suudaan, balse waxa cad ayaa ah inuu Trump qaaday labo tallaabo oo iska soo horjeeda oo uu kula heysanayo Riyaad iyo Abu Dhabi oo heshiisyo maalgasho oo tirilyan doollar ah uu ka soo helay intuu uu ku jiray booqashadii khaliijka.
Dhibaatada Suudaan , waa wax ka dhalanaysa gacmaha Suudaanta! Ma jirto ciidan shisheeye oo ku duulay Suudaan, iyaga ayaa is dilay oo hubka isku qaatay, si la mid ah Soomaalida, marka masiirka Suudaan ay la kulmi doonto waa mid la mid ah xaaladda Soomaaliya oo 40 sanno xataa aan awoodin inay isku tanaasulaan oo ka fogaadaan shisheeyaha masiirkoodana si dan guud ah uga tashadaan..! Marka Suudaan waxay ku dhammaanaysa si la mid ah sida dadka aan dunidda ku lahayn ixtiraamka ee Soomaalida!
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
12 qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay xarunta tareennada bartamaha magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ,waxaana la sheegay lix ka mid ah dadka weerarka ku dhaawacmay inay ku jiraan xaalad darran, iyadoo weerarkan loo xiray haweenay 39 jir ah, sida uu sheegay afhayeenka booliiska.
Ruushka ayaa horraantii saakay, weerar baaxad leh ku qaaday magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine , isagoo adeegsanaya 14 gantaal oo riddada gaaban ah (Iskander-M/KN-23) iyo in ka badan 250 diyaradaha aan duuliyaha lahayn (Shahed), sida ay sheegeen ciidanka Ukraine , oo aan sharraxaad ka bixin khasaaraha ka dhashay weerarka, marka laga soo tago dhaawacyo la sheegay in weerarka uu gaarsiiyay dad rayid ah, sida ay werisay AP.
Mareykanka ayaa hantidiisa ay ugu horreeyaan maraakiibta dagaal iyo kuwa xambaara diyaaradaha ee uu ku jiro markabka USS Harry S. Truman , wuxuu ka saaray badda cas, iyagoo ku laabanaya saldhigyadooda gudaha Mareykanka , tallaabo muujinaysa inuu Mareykanka soo gabagabeeyay dagaalka uu kula jiray kooxda Xuutiga Yemen,iyadoo aysan jirin guul la sawiri karo oo dagaalkaa uu ka gaaray Mareykanka , balse dunidda waxay baratay awoodda milatari ee Xuutiga u leeyihiin inay ka qeybqaataan iska horimaad milatari oo caalami ah.
Mareykanka ayaa dhaqangeliyay cunaqabateyntii uu ka qaaday Suuriya, marka laga soo tago bankiyada iyo xarumaha dawladeed , waxaa sidoo kale cunaqabateynta laga qaaday Madaxweyne Suuriya , Axmed Sharac, wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno ka mid saraakiisha dawladda Suuriya ee horey cunaqabateynta ay u saarnayd. Tallaabadan waxay ka dhigantahay inuu fursad u helayo Sharac, habab uu dib ugu dhiso dhaqaalaha iyo adeegga bulshada Suuriya, kaddib tobannaan sanno oo ay cunaqabateyn la kulmaysay Suuriya.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Waan inan oggaana qeyb ka mid ah dunidan iyo dadkeenna xaaladan inay ku suganyihiin..!
Wakaaladda wararka ee AFP , ayaa ku warrantay in la helay documentiyo caddeynaya sirdoonka nidaamkii Suuriya ee Bashaar Al Assad, inay dabagal ku hayeen 8 milyan oo Suuriyaan ah oo qorshuhu ahaa in qaarkood la dilo, kuwa kalen la afduubo oo la xiro.
Safiirka Israa’iil u fadhiya Mareykanka , Yechiel Leiter ayaa maanta sheegay inay Lubnaan iyo Suuriya , xiriir diblomaasiyadeed la sameyn doonaan Israa’iil, iyagoo ku biiraya heshiiska Abraham, ka hor inta uusan Sacuudiga ku biirin heshiiskaa, sida uu ku warramay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Jerusalem Post.