Iman Jama
18.7K subscribers
1.2K photos
530 videos
1 file
179 links
Journalist
Download Telegram
UPDATE: 4 askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil oo uu ku jiri sarkaal sare ayaa lagu dilay koonfurta Qasa , tiro kalana waa lagu dhaawacay inta uu socday howlgallo ay kooxaha Falastiiniyiinta ka fuliyeen saldhigyada ciidanka Israa’iil ay ku leeyihiin koonfurta, sida ay ku warrantay Al-jazeera oo xigatay afhayeenka ciidanka Israa’iil.

Dhinaca kale, kooxaha Falastiiniyiinta ayaa weerarro gantaallo ah ku qaaday goobaha ay ciidanka Israa’iil ku sugan yihiin ee ku dhow Rafah, iyagoo sidoo kale gantaal lidka diyaaradaha ah ku weerarray diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee ciidanka Israa’iil.
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Xamaas ayaa soo bandhigtay muuqaal howlgallo ay ku burburinayaan taangiyada ciidanka Israa’iil , askarna ay la beegsanayaan madaafiic bariga Rafah.
UPDATE: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland , waxaa maanta lagu qabtay kulan-weyne ay soo qaban-qaabiyeen garabka haweenka ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo dhaqaale loogu aruurinayay Falastiiniyiinta Qasa, iyadoo sidoo kale madasha oo goobtii loogu talagalay ay buux dhaaftay ay ka qaybgaleen culamo uu ka mid yahay Sheekh Mustafe oo ku baaqay in loo hiiliyo oo loo duceeyo dadka reer Qasa.

Toddobaayadii u dambeeyay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliland ayaa waday dadaallo dhaqaale aruurinta Qasa , si halkaa gargaar loo gaarsiiyo, kullamo arrintaa la xiriirana waxay ka dhaceen gobollada Somaliland.

Sawirrada; MMTV
UPDATE: Golaha dagaalka ee Israa’iil, ayaa ansixiyay ballaarinta howlgalka ciidanka Israa’iil ee Rafah, tan oo sare u qaadi karta khasaaraha dhimashada ee weerarrada Israa’iil ay ka gaysanayso Rafah, oo ah goobta u dambeysa ee ay gabaad ka dhiganayeen Falastiiniyiinta.

Fiiro gaar ah;

Mareykanka ayaa maalin ka hor ku hanjabay inay joojinayaan hubka ay siinayaan Israa’iil , haddii la ballaariyo howlgalka Rafah, sababo la xiriira weerarrada inay ka dhalan karaan dhimasho aan xad lahayn oo ay la kulmayaan qoysaska deggan teendhooyinka Rafah, laakin sida laga arkay warbixin ay soo bandhigtay warbaahinta Axios , waxaa lagu sheegay ballaarin howlgalka Rafah inan la gaarsiin doonin, waxa uu Biden u arko khadka cas.
UPDATE: Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan ayaa maanta nuqul ka mid ah Axdiga Qaramada Midoobay ku jarjaray mishiin yar oo uu la yimid xarunta guud ee QM, kaddib markii goluhu meel mariyay qaraar siinaya Falastiin xuquuq cusub iyo dib u soo noolaynta xubinnimada Qaramada Midoobay. Go’aanka Qaramada Midoobay , ayaa ku sheegay mid soo dhaweynaya maamul ‘argagixiso ah’.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaal kale oo ay Xamaas ku soo muujisay toogasho toos ah oo ay la beegsanayaan ciidanka Israa’iil!
UPDATE: 2 milyan oo qof ayaa maanta ka qaybgalay isku soo bax lagu taageerray Falastiiniyiinta Qasa oo ay ka soo qabanqaabiyeen kooxda Xuutiyiinta.
UPDATE: Gantaallo ay ku weerarreen kooxda Xisbullah deegaannada ay Israa’iil haysato ee waqooyiga ayaa dhaliyay dab weyn oo qabsaday aag ku dhow Kiryat Shmona.
UPDATE: Amiirka Kuwait, Sheekh Mishaal Al-Axmed Al-Sabah ayaa kala diray baarlamaanka, wuxuuna laalay qodobbo dastuuri ah, sida uu baahiyay telefishinka dawladda Kuwait. Lama bixin faahfaahin la xiriirta waxa is beddelka deg degga ah ku dhaliyay Amiir Mishaal.
UPDATE: Amiirka Kuwait, Mishal Al-Sabah ayaa hadal ka jeediyay telefishinka Kuwait, isagoo ka hadlay go’aanka uu ku kala diray Baarlamaanka , oo sidoo kale uu ku laalay qaybo ka mid ah dastuurka, wuxuuna amar ku bixiyay in wax laga beddelo dastuurkii 1962-kii markii ugu horreysay abid, isagoo ku sababeeyay in loo baahan yahay in dalka la ilaaliyo.

Go’aanka Amiirka, oo soo muujiyay inay Kuwait joojisay iskudaygeedii tijaabada hannaanka dimuqraadiyadda, wuxuu u sababeeyay inay Baarlamaanka iskudayeen inay isku ballaariyaan go’aamada qaranka, ayna wadaan dhagar ka dhan ah Amiirka, iyagoo isku dayaya inay saameyn ku yeeshaan cidda noqon doonta dhaxal sugaha.

Waxa uu si buuxda ula wareegay arrimaha siyaasadda; isagoo markaa laalay dhammaan hay'adaha dimuqraadiga ah. Sidoo kale waxa uu hakiyay qodobbo kala duwan oo ka mid ah dastuurka, muddo illaa 4 sanno ah.
UPDATE: Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro ayaa ku baaqay si loo joojiyo xasuuqa ay Israa’iil u gaysanayso Falastiiniyiinta in la soo xiro Netanyahu, isagoo markaa usoo jeediyay maxkamadda dambiyada caalamiga ah inay ku dhaqaaqdo tallaabadan,sida ay ku warrantay Al-jazeera.

Colombia, waxay toddobaadkii hore si rasmi ah u jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Israa’iil, iyagoo ka jawaabaya xasuuqa ay wajahayaan dadka Qasa.
UPDATE: Imaaraadka Carabta ayaa dhalleeceeyay hadalladii dhawaan ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil,Benjamin Netanyahu oo Imaaraadka usoo jeediyay inuu ka mid noqdo maamulka Qasa.

War qoraal ah oo uu baahiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, wuxuu ku sheegay in Netanyahu "uusan lahayn wax awood sharci ah oo uu ku go’aamiyo maamulka Qasa", isagoo intaa ku daray inan Imaaraadka “loo soo jeedin doonin qorshe kasta oo ujeeddadiisu tahay in gabaad lagu siiyo sii joogitaanka Israa'iil ee marinka Qasa.”

"Imaaraadku wuxuu xaqiijinayaa in marka la dhiso dawlad Falastiin oo buuxisa rajada, rabitaanka iyo madax bannaanida dadka walaalaha ah ee Falastiiniyiinta, dawladda [UAE] waxay si buuxda ugu diyaar garoobi doontaa inay bixiso dhammaan noocyada taageerada dawladdaas." Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu baahiyay.
UPDATE: Warbaahinta Masar ayaa billowday kacdoon ka dhan ah Israa’iil, kaddib duulaanka ay ciidanka Israa’iil ku qaadeen Rafah, oo ah xadduudka Masar iyo Qasa , halkaa oo sidoo kale ah goobta u dambeysa ee Falastiiniyiinta gabaadka u ahayd , sii socoshada weerarrada Israa’iilna waxay dhalin karaan dhimasho badan oo ay la kulmaan Falastiiniyiinta, si taa loo joojiyo warbaahinta Masar ayaa diiradda saaraysa ka hadlida iyo baaq la xiriira inay Masar qaadato go’aan ay uga baxayso heshiiskii Camp David.

Dhinaca kale, wargeyska Israa’iil ee Maariv ayaa warbixin uu soo bandhigay ku sheegay in mas’uuliyiinta Masar ay u sheegeen madaxa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, William Burns,inta uu booqashada ku joogay Masar in Maraykanku uu “Israa’iil ku cadaadiyo inay joojiyaan dhammaan hawlgallada ay ka wadaan Rafah, dibna ay u galaan wada-xaajoodyo dhab ah oo la xiriira xabbad-joojinta, haddii kale Masar inay baabi’in doonto heshiisyada Camp David.
Fiiro gaar ah;

Israa’iil ayaa u muuqata hadda inay jabisay heshiiska Camp David, kaddib markii ay ciidan iyo hubkeeda keentay marinka cariiriga ah ee isgoyska Filadelphi oo isku xira Masar iyo dhulka Falastiiniyiinta, halkaa oo ay khad cad u aqoonsantahay Masar haddii ay soo gaaraan ciidanka Israa’iil, taa oo dhacday labo maalin ka hor mana jirto wax tallaabo ah oo ay qaaday Masar.

Muxuu ahaa heshiiska Camp David?

46 sanno ayaa kasoo wareegtay Markii la saxiixay heshiiskii Camp David ee ay gaareen hoggaamiyayaashii hore ee waddamada Masar iyo Israa’iil, September 17-keedii sannadkii 1978.

Heshiiskan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee ay kala saxiixdaan Israa’iil iyo waddan carab ah oo ay deris yihiin, si looga dhex dhaliyo nabad iyo iskaashi dhexmara, meeshana laga saaro isku dhac labada dhinac dhexmara. Camp David waxa loogu magacdaray halka uu ka dhacay oo ah beerta ay ku nastaan madaxweynayaasha Maraykanka ee ku taal duleedka Washington.
UPDATE: Wasaaradda caafimaadka Qasa, waxay maanta sheegtay tirada dhimashada duulaanka Israa’iil ee Qasa inay gaartay 34,971, halka 78,641 ay ku dhaawacmeen.