Iman Jama
29K subscribers
2.69K photos
777 videos
1 file
460 links
Journalist
Download Telegram
UPDATE: Israa’iil ayaa maalintii labaad duqeymo xagga cirka ah iyo madaafiicda taangiyada ku garaacaysa xaafadaha ku yaalla bariga iyo koonfur-bari Rafah oo ka mid ah meelaha dadka ugu badan ay ku soo barakaceen oo ay ka dhisanyihiin teendhooyinka la degganyahay. Muuqaal laga sii daayay telefishinka Al-jazeera ayaa laga arkay duqeymaha diyaaradaha Israa’iil oo ka dhacaya darbiga xadka Masar, halkaa oo ah goobta u dambeysa ee dhulka Falastiiniyiinta ee ay ka dhiganayeen gabaadka. Duqeymaha maalinta labaadna waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac , tirada ugu badana waa carruur iyo haween.
Hooyo Falastiini ah oo dul taagan burburka gurigeeda oo si qasab ah ay u burburiyeen cagafyada Israa’iil, oo ku yaalla tuulada Furush Beit Dajan, oo ku taalla waqooyi bari ee Nablus ee daanta galbeed ee la haysto.
UPDATE: Ingiriiska ayaa goor dhow ku dhawaaqay tallaabooyin ka dhan ah Ruushka , kaddib markii xog-hayaha arrimaha gudaha Ingiriiska, James Cleverly uu sheegay inay dalkooda ka cayrinayaan u-qaybsanaha difaaca ee safaaradda Ruushka oo ay ku sheegeen inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka militariga Ruushka.

Tallaabooyinka kale ee Ingiriiska uu maanta ku dhawaaqay waxaa ka mid ah dhismayaasha qaar ee ay adeegsato safaaradda Ruushka inay ka saari doonaan heerka ama hab-maamuuska diblomaasiyadda, gaar ahaan qaybaha difaaca iyo ganacsiga oo lagu sheegay inuu Ruushka u adeegsado goobo basaas, taa oo ka dhigan in baaritaanno lagu sameyn doono , maaddama xasaanadii ilaalinaysay ee diblomaasiyadda laga qaaday, waxaa intaa dheer in la xaddiday muddada ay Ingiriiska joogi karaan diblomaasiyiinta Ruushka, ujeeddada go’aamadan oo dhan loo qaatay waxaa lagu sheegay dhaqdhaqaaqa Ruushka ee gudaha Ingiriiska.
Fiiro gaar ah;

Go’aanka maanta ka soo baxay Ingiriiska , waxaa loo qaadanaya heerkii u sarreeyay ee khilaafka labada dhinac , tan oo ku soo aaday xilli shalay wakiilka Ingiriiska ee Moscow looga yeeray wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka , iyadoo markaa si cad loogu sheegay inuu Ruushka u qaadanayo bartilmaameed sharciga ah saldhigyada Ingiriiska , haddii hubka Ingiriiska ay Ukraine ku soo weerarto dhulka Ruushka oo ay ka dhalato khasaaro iyo halis amni. Reer galbeedka iyo Ruushka waxay qaadanayaan sannad xun, oo halis galinaya iskahorimaad dhexmara, xilli Ruushka uu sameynayo dhoola-tus nukliyeer, oo looga jawaabayo taageerrada Ukraine iyo hanjabaada reer galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka.
UPDATE: Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay dhiggiisa Itoobiya, Taye Atske-Selassie oo booqasho ku jooga Turkiga , iyadoo la sheegay inay ka wada-hadleen iskaashiga labada dhinac iyo sida loo xoojin karo.

Turkiga ayaa iskaashi ganacsi iyo mid difaac la leh Itoobiya ,balse booqashada Taye Atske ee Turkiga ayaa ku soo aaday , xilli uu Turkiga diidday heshiis ay Itoobiya la gashay Somaliland , oo u oggalaanaya Addis Ababa inay saldhig ciidan ku yeelato badda cas ,taa beddelkeeda Turkiga wuxuu ku dhaqaaqay inuu heshiis uu ku ilaalinayo xeebaha la galo Soomaaliya, laakin sida laga arkay safaaradda Itoobiya ee Turkiga oo kulanka labada wasiir ka hadashay, ma jirto heshiiska iyo diidmada Turkiga wuxuu u dhimay xiriirka labada dal, waxaana ay markaa sheegtay in lagu soo qaaday kulanka hababka sare loogu qaadayo iskaashiga.
UPDATE: Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa waraysi uu siiyay CNN, ku sheegay inuu Mareykanka go’aansaday inay joojiyaan hubka ay ka iibin jireen Israa’iil, haddii ay go’aansato inay ku sii socoto howlgalkeeda Rafah oo ay ku duusho aagga ay dadka rayidka ku badanyihiin. Wuxuu sheegay inay Israa’iil hubka Mareykanka u adeegsanayso inay ku disho dadka rayidka ah. Go’aankan ayaa lagu sheegay inay sare u qaadayso khilaafka Mareykanka iyo Netanyahu oo dhankiisa ku adkaysanaya inay si dhammaystiran ugu duuli doonaan Rafah oo ah halka u dambeysa ee Falastiiniyiinta ay gabaad ka dhigteen, xilligana ay gudaha u galeen taangiyada Israa’iil, halka diyaaradaha ay joogteeyeen duqeynta ay ka gaysanayaan.

Saraakiisha Israa’iil, ayaa dhanka kale laga soo xigtay haddii Mareykanka uu ku adkaysto joojinta bambooyinka la hago iyo hubka kale ee uu ka xannibay inay ku qasbannaan doonaan adeegsiga bambooyinka mamnuuca ah in lagu riddo goobaha rayidka ee Dumb Bombs.
Maxay khatar u yihiin Dumb Bombs?

Bambada Dumb Bombs, looma oggala in lagu rido goobaha ay rayidku degganyihiin, sababto ah ma aha bambo la hagi karo, taa oo gaysata burbur aan qiyaas lahayn , isku darka dhowr bambo oo nooca Dumb Bombs, ayaa ku soo dhawaanaya heer gaarsiisan nukliyeerka oo ah hubka ugu halista badan ee bani’aadamku haysto. Tusaale; CNN waxay soo bandhigtay bishii December ee sannadkii hore inay sirdoonka Mareykanka ay oggaadeen Israa’iil inay u adeegsatay waqooyiga Qasa bambooyinka Dumb Bombs oo lagu naynaaso bambada ‘doqonta ah’, sababo la xiriira sida halista ah ee burburka ay u gaysato, mid ka mid ah goobaha la sheegay inay Israa’iil hubkan ku riday waa xerada qaxootiga ee Maghazi, oo ku taalla Qasa, ma garanaysa khasaaraha ay gaarsiisay xerada? Isla markii ay bambadan ku dhacday xeradan waxaa ku geeriyooday in ka badan boqol qof — dhul ka badan 1 km ayaa sidoo kale dhismayaashii ku yaalay ay burbureen, iyadoo halistaa xasuusan ayay Israa’iil rabta inay ugu hanjabto Mareykanka inay ku ridi doonto bambadan Rafah oo 1 km kasta ay ku noolyihiin in ka badan toban kun oo deggan teendhooyin, taa oo ka dhigan haddii hubkan lagu rido isla daqiiqadiiba inay ka dhalanayso dhimashada tobannaan kun. Dunidana ayaana looga arka Rafah inay tahay goob halis ugu jirta dhiiga ugu badan ee bani’aadamka inuu ku daato!
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Dhaqdhaqaaqa dhawaan laga shaaciyay gudaha Masar ee Vanguards of Liberation, ayaa sii daayay muuqaalka togashada lagu dilay nin Israa’iili oo hab ganacsi ah ku joogay magaalada Alexandria, iyagoo sheegay inuu dilkan yahay aargoosi ka dhan ah xasuuqa ay Israa’iil ka gaysanayso Qasa iyo duulaanka ay ku qaaday Rafah. Kooxdan ayaa sidoo kale sheegtay inay beegsanayso wakiillada sirdoonka Israa’iil ee ku sugan gudaha Masar oo ay sheegeen inuu ka mid ahaa ninka ay dileen.
UPDATE: Kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa horraantii maanta sheegay inay weerar ku qaadeen labo markab oo ay la xiriiriyeen Israa’iil oo marayay
gacanka Cadan iyo mid maraayay badweynta Hindiya.

Labada markab ee ganacsiga oo lagu kala magacaabo MSC Diego iyo MSC Gina , ayaa afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ay taageerto Iran wuxuu sheegay inay si sax ah ula beegsadeen gantaallo ballistic ah iyo diyaaradaha aan duuliyahan lahayn. Si kastaba ha ahaatee, Xarunta Macluumaadka Badaha ee uu Maraykanku hoggaamiyo ayaa sheegtay in laba weerar oo gantaal ah ay dhaceen Talaadadii, waxaanay intaa ku dartay in aanay jirin wax markab ah oo waxyeello la gaarsiiyay, shaqaalihii la socdayna ay bad qabaan.
Halkan waxaan ku diyaariyay faallo ka hadlaysa go’aanka Dawladda Soomaaliya ay ku codsatay inay xirto xafiiska UNSOM;

https://www.facebook.com/share/h1iJhcAPc9YakJLZ/?mibextid=WC7FNe
Telegram, halka dhibaato oo uu leeyahay waa inan qoraallo dhaadheer halmar lagu soo daabici karin. Waan ka cududaaranaya taa , gaar ahaan Dadka aan Facebook adeegsan
UPDATE:Ukraine ayaa weerarkii ugu dheera masaafo ahaan ku qaaday Ruushka, kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay qaraxyo ka fuliyeen warshad weyn oo lagu sifeeyo shidaalka oo ku taalla gobolka Bashkortostan ee dalka Ruushka, taaso masaafo ahaan u jirta dhulka Ukraine 1,500km, sida ay ku warrameen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP oo xiganaya ilo-wareedyo sirdoonka.
Fiiro gaar ah;

Weerarkan masaafada dheer ee noqonaya howlgalkii u horreyay ee noociisa ah oo Ukraine ay ka gaysato dhulka Ruushka , ayaa tilmaam ka bixinaya suurtagalnimada waji cusub oo uu dagaalka galo. Ruushka isagoo fahansan taageerrada reer galbeedka inay beddelayso wajiga dagaalka wuxuu qaaday tallaabooyin uu uga digayo inay Ukraine iskudaydo weerarro khasaare dhaliya oo ay ka gaysato dhulka Ruushka, taa oo haddii ay dhacdo in loo adeegsado hubka reer galbeedka uu sheegay Ruushka inuu u qaadanayo ku dhawaaqis dagaal, bartilmaameedyo sharci ahna uu u aqoonsan doono dalka hubkiisa loo adeegsado weerarrada. Mar kasta oo Ruushka uu la kulmo weerarro khasaaraha gaarsiiya, wuxuu iskudayi doonaa inuu ku jawaabo weerarro kale oo baaxad leh, taaso horseedi karta inay sare u kacdo khatarta amni ee dagaalkan uu dunidda galin karo.
UPDATE: Madaxa ururka caafimaadka dalka Kuuriyada Koonfureen, Lim Hyun-taek ayaa dood ka dhaliyay internetka, markii uu Facebook ku daabacay , sawirka ardaydii 2008-dii ka qalin jabisay kuliyada caafimaadka jaamacadda Banaadir oo ku taalla Muqdisho , iyaga oo xusaya ardaydii ugu horraysay ee ka qalin jebisa caafimaadka in ka badan 20 sanno kaddib, wuxuu ku soo qoray sawirka "Coming Soon”, arrintan oo loo qaatay hadal cunsuriyad ah oo uu uga facelinayo go’aanka dawladda Kuuriyada Koonfureed ay ku doonayso ajaaniibta haysata shatiyada caafimaadka inay dalkaa ka shaqeyn karaan.

Dad badan ayaa ninkan ku dhaleeceeyay qoraalkiisa, kuwaaso taageerray dhakhaatiirta Soomaaliya iyo daruufaha ay ku howlgalaan oo ay ku sheegeen kuwa karti badan.
UPDATE: Donald Trump wuxuu la safan yahay hoggaamiyayaasha Yahuudda ee Mareykanka wuxuuna ku dhaleeceeyay Biden inuu joojiyo hubka Israa’iil; “ Waxa uu Biden ku sameynayo Israa'iil waa ceeb…. Qof kasta oo Yuhuudi ah oo u codeeya Biden waa inuu naftiisa ka xishoodaa. Isagu wuu ka baxay garabka Israa'iil.”
UPDATE: Ra’iisul wasaaraha Hungary, Viktor Orbán ayaa shir jaraa’iid oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynaha Shiinaha oo dalkaa booqasho ku jooga , wuxuu ku sheegay Shiinaha inuu yahay dalka hadda dejinaya habka dhaqaalaha iyo siyaasadda adduunka, isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ; “Hadda waxaan ku noolnahay nidaam caalami ah oo kala duwan, mid ka mid ah tiirarka nidaamkan cusub ee adduunka waa Shiinaha, waddanka hadda dejinaya habka dhaqaalaha adduunka iyo siyaasadda adduunka.”
UPDATE: Ruushka ayaa maanta weerar uu u adeegsatay istiraayijiyad ku cusub dagaalka wuxuu ku qaaday meel u dhow magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine ee Kharkiv oo ku taalla waqooyiga Ukraine. Weerarka oo ay qaadeen ciidanka lugta Ruushka inta uu socday waxaa ka qaybqaatay diyaaradaha dagaalka iyo madaaficda la hago waxay ku burburiyeen qaybo ka mid ah difaaca ciidanka Ukraine ee gobolka waqooyiga -bari,halkaa oo ay gudaha u galeen, inta uu howlgalka socday waxaa la sheegay inay ciidanka Ukraine khasaare la kulmeen, taa oo qasabtay si deg deg ah ciidanka kaydka Ukraine inuu halkaa loo daabulo, sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Ukraine.
UPDATE: Golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaa goor dhow u billowday kulan deg deg ah oo looga doodayo qaraar ku baaqaya in Falastiin la siiyo mudnaan iyo awood dheerad ah, waxaa kalo uu qaraarka ka dalbanaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay aqoonsadaan xubinimada guud ee Falastiin.

Fiiro gaar ah;

Gudbinta qaraarka qabyada ah waxay Falastiin siinaysaa xuquuq iyo mudnaan badan oo ay ku yeelanayso Qaramada Midoobay. Hadda waa dal goob-jooge ah oo aan xubin ka ahayn, laakiin waxay u dagaallamayeen inay xubin buuxda ka noqdaan ururkan sannado badan, taas waxaa diidey Maraykanka bishii hore. Si kastaba ha ahaatee, Golaha loo dhan yahay ayaa hadda ku jira fadhigan degdegga ah waxa uu eegayaa qaraarkan qabyada ah ee aan Falastiin siinaynin xubinnimo buuxda balse u ogolaanaya xuquuq iyo mudnaan badan oo dheeraad ah, sida ku biirista ururada iyo hay'adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay oo aanay awoodin horey inay Falastiin ugu biirto, iyo waxyaabo kale.