๐Ÿ“š๐Š๐จ๐›๐œ๐ข๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š๐š๐๐š ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐Ÿ“š
19.1K subscribers
327 photos
11 videos
506 files
275 links
๐™บ๐š˜๐š‹๐šŒ๐š’๐™ฐ๐šš๐š˜๐š˜๐š—๐š๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ ๐š†๐šŠ๐šŠ ๐™ถ๐š˜๐š˜๐š‹ ๐šŠ๐šŠ๐š ๐š”๐šŠ ๐š‘๐šŽ๐š•๐š’ ๐š”๐šŠ๐š›๐š๐š’๐š
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™ณ๐š’๐š’๐š—๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™น๐šŠ๐šŒ๐šŠ๐šข๐š• ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐šƒ๐šŠ๐šŠ๐š›๐š’๐š’๐š”๐š‘๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐™ฑ๐šž๐šž๐š๐šŠ๐šŠ๐š ๐™ฟ๐š๐š
Download Telegram
Suurada 69aad Al-Xaaqqah

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Xaaqqah, Maadama ay wax badan ka Tilmaanto Xaaladaha Maalinta Qiyaame Dadka u kala Bixi Doonaan kuwa Liibanaya iyo ku ay Nasiib Xumo ku Dhaceyso. Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 52 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mulki ka dib, Juz ahaana Msxafka waxy kaga Beegan tahay bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xaaqqah:

Suuradan waxay wax ka Sheegtaa Arimo Dhowr ah sida: Xaaladaha Maalinta Qiyaamaha ka jira, Dhibaatooyinka dhici Doona Marka sacaada Qimaayaha Dhaceyso la gaaro, Mustaqbal Xumidii ku Dhacday kuwii Beeniyay Rusushii Alle (Cw) sida Qoomamkii Caad, Thamuud, Qoomkii Luudh, Fircoon iyo Qoomkii Nabi Nuux, arintaas oo Digniin u ah waxa ku dhici Doona kuwa Beeniya Risaalada Nabi Muxamad (Scw).

Suurada waxey kaloo soo Hadal qaadaa waxa ay kala Muteysan Doonaan kuwa Mumniinta ah iyo kuwa Mujrimiinta ah Abaal marin ahaan, Suuradana waxaa la Dhihi karaa hadii aan soo koobo waxey u taagan tahay in ay Cadeyso Qurโ€™aanka inuu Dhab ahaan yahay hadalkii Alle (Cw) iyo inuu Rasuulka yahay mid Run ah Xumaana lagu Tuhunsan karin.
Waxaana Xasuusin mudan in waayahan ay bateen Dad Aflagaado iyo Xumaan la beegsada Diinka Islaamka Guud ahaan Gaar ahaan Quraanka Kariimka ah iyo Nabigeena Suuban ayadoo ay taasna ka dhalatay Qoraalo Cadaalad daro ku dhisan oo la qoaray qarniyadii Dhexe xiliyadii ay jireen dagaaladii waa weynaa ee saliibiyiinta iyo Muslimiinta u dhaxeeyay waxaana Maanta soo Cusbooneysiiyay Aflagaadadaas kuwa Dhaxal ahaan u helay Xiqdigii ay ka Dhaxleen Awoowayaashood ayagoo ka Dhigaya wax Cusub ama Maanta Biloowday.
Waxaa taariikhda ku cad Aflagaadada Quraanka iyo Nabiga waxay soo jirtay laga soo Bilaabo waagii Nabiga Suuban la soo saaray waxayna sii korortay xilayadii qarniyada dhex waxna uma dhimin mana u dhumi doonto mana aha huru mar iyo Ilbaxnimo ama Xoriyatul Qowl aflagaadada Diinta Islaamka laakiin waa in Aduunkan awalba la haleeyay dabkana ka hursan yahay banziin lagusii shubo dhibaatadana lasii kordhiyo.

hadii ay Qolo Maanta u istaagto dayaxa ama Qoraxda in ay Aflagaadeeyaan si Iftiinkooda loo waayo suura gal ma ahan in Qoaraxda iyo dayaxa Iftiin beelaan dacaayad darteed sidaasoo kalana suuragal ma aha in aflagaado Iftiinka iyo Nuurka Islaamka lagu damiyo horaana looga dalay laakiin dad badan ayaa ku Aduun iyo Aakhiro seegi doona!
Suurada 70aad Al-Macaarij

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Macaarij oo ah Macno ahaan kor u fuulid, maadaama ay Suurada soo Hadal qaaday Malaaigta Samada Kor u Fuusha, waxaa kaloo Suuradan loo yaqaan Saโ€™ala oo ah kalimad ay ku Bilaabato Suurada.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 44 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaaqqah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilowga Qeybta labaad ee Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Micraaj:

Suuradaan wax ay aad u faahfaahisaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada Islaamka Gaar ahaan waxey si gaar ah uga Hadshaa Qiyaamha iyo xaaladaha ka jiri Doono marka Meesha la tago, waxa ayna Suurada Dadka Xasuusisaa in Dadka Qaarna ku Hoogi Doonaan, Qaarna Maaliankaas Nicmo oo dhan Halkaas ka heli Doonaan.

Suuradaan waxa ay aad u Naqdisaa Dadka Beeniya Jiritaanka Maalinta Qiyaamaha ee Diidan in Geerida ka Dib ay Jirto Nolol kale iyo Xisaab, taasoo ay ka Dhalaneyso in Qof walba laga Abaal marin Doono wuxuu kasbaday intuu Aduunka Joogay.
Waxa jira tiraba 4luuqadood oo dunida ugu hodansan xaga naxwaha hadaba adigu akhriste midkee aamisantahay in ay tahay luuqada dunida ugu hoddansan โ‰๏ธ

Sobobee mida aan isleedahay waa 1
Anonymous Poll
38%
Af--soomaali
70%
Af--carabi
7%
Af-talyaani
7%
Af-turki
Qolyaha carabiga aadka u yaqaan bal haka jawaabaan eraygan ee marna kaa saara qofka lala hadlayo marna kudaraya waana eraygaโ—hadaan idhaan Annaga adigu markaa naguma jirtidโ— laakiin markaan idhaa innaga waad nagu jirtaa โ‰๏ธmaraa keen erayga annaga
Anonymous Poll
52%
Garan maayo
55%
Wuu jiraa cadayn buuxda keen faalona kabixi
Suurada 70aad Al-Macaarij

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Macaarij oo ah Macno ahaan kor u fuulid, maadaama ay Suurada soo Hadal qaaday Malaaigta Samada Kor u Fuusha, waxaa kaloo Suuradan loo yaqaan Saโ€™ala oo ah kalimad ay ku Bilaabato Suurada.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 44 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaaqqah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilowga Qeybta labaad ee Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Micraaj:

Suuradaan wax ay aad u faahfaahisaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada Islaamka Gaar ahaan waxey si gaar ah uga Hadshaa Qiyaamha iyo xaaladaha ka jiri Doono marka Meesha la tago, waxa ayna Suurada Dadka Xasuusisaa in Dadka Qaarna ku Hoogi Doonaan, Qaarna Maaliankaas Nicmo oo dhan Halkaas ka heli Doonaan.

Suuradaan waxa ay aad u Naqdisaa Dadka Beeniya Jiritaanka Maalinta Qiyaamaha ee Diidan in Geerida ka Dib ay Jirto Nolol kale iyo Xisaab, taasoo ay ka Dhalaneyso in Qof walba laga Abaal marin Doono wuxuu kasbaday intuu Aduunka Joogay.
Waydiin iyo warcelin

Sheeg weedha wada koobaysa dhamaan xarfaha farta Soomaliga ( shaqalada iyo shiibbanayaashaba) weedhan waxa laga Dhowray in shiibbanayaasha oo asalka xarfaha ahi ,
Aan midna mar labaad soo wada noqonโ‰๏ธโ‰๏ธโ‰๏ธ
Suurada 71aad Nuux

Suuradan waxaa loogu Magac daray Nuux oo ahaa Rasuulkii ugu horeeyay ee Diinta Toowxiidka ugu yeeray markii Aduunka uu ku Biloowday Shirki iyo Kufri. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Naxl ka dib, Musxafkana Juz ahaan waxey kaga Beegan tahay Bilooga Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Nuux:

Hadii aan si Dul mara Taariikhda Nabi Nuux wax ka iraahdo, Nabi Nuux waxaa uu ahaa Nabi uu Allaah soo saaray xili ay dadkii waagaas joogay ay Taalooyin ay Caabudaan dhisteen ayagoo weyneynaya Dad ka horeeyay oo Diin ahaan wanaagsanaa Jaceyl loo haayay darted, markii uu Nabi Nuux u istaagay inuu ku waaniyo inay Allaah weyneeyaan Cibaadada ku gaar yeelaan waxa si gaar ah uga horyimid Duqoowdii iyo hogaankii Qabiilkiisa ayagoo u heesta in ay Xaq tahay Cibaadada Taalooyinka (sanamyada) waxaana Rumeeyay dadkii Masaakiinta u badnaa yagoo taasoo ku kaliftay Nabi Nuux inuu habeen iyo Maalin Sir iyo Jaharba u istaago siduu Xaqa u gaarsiin lahaa Dhamaan, waxaa uuna Dadaalka Dacwada u taagnaa 950 sano ayadoo aysan Qaadan dacwada dad badan.

Nabi nuux Markii uu Dacwada dadaal intaas la eg galiyay ayaa Allaah u waxyooday inaysan tolkiisa cid kale oo Rumeyn doontaa ku jirin lana faray inuu diyaariyo doon ay ku baxsadaan asaga iyo inta raacday saarana doontaas wax walba Lab iyo Dhedig, waxaana la halaagay Qoomkiisa Dhamaan marka laga reebo in yar oo Doontaas raacday.
Aragtida Muslimiinta iyo Ahlu Kitaabka ee ku Aaadan Nabi Nuux

Nabi Nuux waxaa Quraanka kusoo arooray Amaan gaar ah inuu lahaa inuu iyo Dadaal aad u weyn waxaa uuna ka mid yahay 5 Nabi oo loo yaqaan โ€˜โ€™Ulul Cazmiโ€™โ€™ ah oo ah Horjoogayaasha Nabiyada aritaasoo muunjineysa Darajo ahaan iyo Sharafba halka uu ka joogo Nabi Nuux dadka Muslimiinta ah, waxaa kaloo nabiga ku faahfaahiyay fadliga Nabi Nuux axaadiistiisa waxaa uuna ku tilmaamay inuu ahaa Nabi aad u Cibaado badan.

Hase yeeshee Ahlu kitaabka masiixiyada iyo Yuhuuda waxaa Kitaabadooda ku qoran Nabi Nuux inuu xataa khamri cabay oo uu ku daroogoobay cawradiisana qarsan wayay ayadoo mar dambe mid ka mid caruurtiisa u asturay, arintaas oo muujineysa Mowqifkooda ku aadan guud ahaan Nabiya iyo inaysan Xormad iyo Xushamadba u heyn taasoo ah Daliil cad in Kitaabada ay heestaan yihiin kuwa ay dad Gacmahooda ku qoreen maxaa yeelay illaaha ma dhihin mana soo dajin Kitaab sheegaya inuu Nabi Nuux Khamri Cabay!
Faaiidooyinka ku jira Qisada Nabi Nuux

Suuradaan waxa ay ka hadahashaa Asalada Caqiidada Islaamka, waxa ayna Suuradan si Faahfaahsan usoo Tabisaa Qisadii Nabi Nuux oo ahaa Nabigii ugu Dheeraa Xaga Zamanka uu Dacwada waday Dadaal weyna ku Bixiyay sidii ay Qoomkiisa Toowxiidka u Qaadan lahaayeen, wallow Dad yar uun Dacwo ahaan Ajiibeen.

Taasoo Macnaheedu yahay in Dadka Ducaada ah looga Baahan yahay in Dacwada waqti badan galiyaan, oo aysan ka Daalin Hadii laga Ajiibo iyo hadaanan laga Ajiibin, maxaa yeelay Gaarsiinta Dacwda waxa ay ka mid tahay Cibaadooyinka Alle (Cw) loogu Dhawaado Xataa hadaanan Qofna kaa Aqbalin.

Sidoo kalana Suurada Nuux waxa ay Dadka ku Baraarujineysaa Goobaha dacwda la gaarsiinayo iyo saacadaha dacwada laga Shaqeynayo iyo Nidaamka loo Gaarsiiyo Dacwada.

Nabu Nuux waxaa uu Sheegay in uu Dacwda Gaarsiinayay Qoomkiisa Habeen iyo Maalian arintaas oo Tuseysa Diinta Faafinteeda in Habeean iyo Maalinba loo Baahan yahay in laga Shaqeeyo, sidoo kalana Nabi Nuux waxaa uu Sheegay inuu Dacwada si sir ah iyo Iclaan ahba u Faafinayay, taasoo Macnahedy yahay in Dacwada looga Shaqeyn karo Qalabka Maanta Dunida yaal ee casriga sida Taleefoonada Webst-yada, TV-yada, Raadiyaha iyo Warbaahainta kala Duwan
Suuradaan waxaa kaloo laga Faaiidaa in Dadka Marka Diinka laga hadlayo Dacwada looga Bilaabo in Allaah loogu yeero sida Nabi walbaba Caadada u aheyd inuu Dacwadiisa Toowxiidka ka Bilaabo. Suuradana waxey Dadka ku Baraarujisaa in Dacwada Towxiidka hadii si xasan oo Dhab ah loo Qaato Miraheeda lagu arko Aduunka sida in Roob Fiican Beeruhu Helaan, Maal iyo Caruur badana in lagu helo, Abaarahuna Dhamanaayaan.

Suuradan waxey kaloo Nagu baraarujineysaa Dhibaatada Nabi Nuux ku gaartay Dacwada iyo sida ay Qoomkiisa uga Dhabar adeygeen in ay Xaqa Aqbalaan ayagoo ku kadsoonaa Cibaado ay u Sameyn Jireen Taalooyin ay u dhiseen Dad Saalixiin ahaan jiray ayagoo u heesta jid saxan in ay Cagta ku hayaan. Waxaa kaloo Suuradan laga qaadanayaa in Waalidka loo Duceeyo Geeridooda ka dib sidaba Nabi Nuux uu ugu Duceyay labadiisa Waalid iyo Mumniinta oo dhan islamarkaana wuxuu Habaar weyn habaray kuwa Xaqa diiday ee ku Galoobay Diinta Towxiidka ee Shirkiga Diinka u yahay.
Suurada 72aad Al-Jinni

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Jinni Maadaama si aad ah ay uga Sheekeyso Jinniga Makhluuqa la yiraahdo, Jinniga waa Qeyb ka mid ah Uunka Caqliga lagu Beeray waxaa uuna Mukulaf u yahay Sida Insaanka oo kale waana Xaqiiq jiritaankiisa. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Acraaf ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay bartamaha Qeybta Labaad ee Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Jinni:

Suuradan waxaa ay Guud ahaan la mid tahay Xaga Manhajka Suuradaha Madaniga ah waxa ayna faahfaahisaa Asalada Caqiidada sida Toowxiidka, Risaalada, Soobixinta iyo Abaal marinta Malinta Qiyaamaha.

Suuradan waxaa ay si gaar ah uga hadashaa Jinniga oo ah Abuur Xaqiiq ah oo ka mid ah Abuurada Alle (Cw) Abuuray ee Caaqiliinta ah sida Maalaaigta iyo Insaanka oo kale.

Jinniga inuu yahay Abuur jira waxaa Daliil u ah Nusuusta Sharciga (Kitaabka Sunnaha iyo Ijmaaca) iyo Waaqica Insaanka ku nool yahayba.
Sidee u fahamnaa qur'aanka

Goorta la Abuuray Jinniga:

Jinniga waa Abuur ka mid ah Adoomada Alle waxaa uuna ka kooban yahay inta Dadka Insaanka ah ka kooban yihiin oo kale Muslimiin, Mushrikiin iyo Ahlu-Kitaab waxaa uuna Abuur ahaan ka Horeeyay Insaanka taas waxaa Daliil u ah Markii uu Alaah (Cw) Abuuray Aadam waxaa joogay koonka hortiis Ibliis oo ka mid ah Jinniga ayadoo ay Culimada qaar yiraahdaan Ibliis waa Asalka Jinka kasoo jeedo, Markii la yiri u Sujuud Aaadam waa kii Diiday oo yiri Anaa ka Kheyr badan, kuna Faanay in Asaga Dab laga Abuuray.

Sababta loo Abuuray Jinnga:

Jiniga waxaa loo Abuuray inuu Alle Koonka ku Caabudo sidaba Insaanka Cibaadada Darteen loogu Abuuray, sidoo kalana Koonka oo dhanba waxaa uu Allaah u Abuuray Cibaadadiisa Darteed, mana jiro wax Koonkan ku Dhex jira oo anan Alle Cabuudin ha ahaado Malaaig, Insaan Jinni,Geedo, Biyo, Xawayaanada kala Duawan Shimbira iyo Xasharaadka.

Waxaana xasuusin Mudan wax Caasinimo la yimaada ama ilooba Cibaadada ama ka Kibra Cibaadada Alle (Cw) waxaa ka jira Qaar Insaanka iyo Jiniga ka Mid ah sidaa darted ayuu Allaah waxaa uu Naarta u Abuuray inuu ka Buuxiyo Jinni iyo Insaan Fara badan oo Caqligooda iyo Aragooda iyo Maalkooda iyo Mansabkooda ku Kadsoomay oo diiday in ay Allaah (Cw) kaliya Caabudan.
Indhoole xikmad badnaa ayaa habeen nin u yimi wuxuuna arkay ninkan indhoolaha ah oo faynuus u baxayo dabeed waxaa uu yidhi kii indha qabay waar heedhe maxaad ka shidataa faynuuska ilayn waabad indho la'dehee? ninkii indhoolaa ahaa baa yidhi: waxaan u shitaa inaan kuwa indhaha qabaa i jiidhin habeenkii ilayn waxba arki maayaane,
Sidee u fahamnaa qur'aanka

Jinniga Noocyadiisa:

Jinniga waxaa uu ka Kooban yahay noocyo kala Duwan Xag walba hadey tahay Xaga Jinsiga hadey tahay Xaga Imaanka iyo Kuafriga, xaga Faqriga iyo Maalka, marna waxba kama Duwana Insaanka iyo Noocyada uu kala Qeybsamo.

Tusaale ahaan Jiniga waxaa uu leeyahay Lab iyo Dhedig waxaa uuna u Farcamaa sida Dadka u Farcamaan oo kale, Xaga Diinka iyo Imaanka waxaa ka mid ah kuwa Ahlu Towxiid ah oo Toosan, kuwa Gaalo ah (Yuhuud Nasaaro ama Mushrikiin) waxaana xasuusin mudan Gaalada oo dhan iyo kuwa ka Hor yimid Diinkii Nabiyada in uu Hogaaminayo Maalianta Qiyaamaha Marka la tago Ibliis oo ay Calankiisa ku hoos Safan Doonaan, taasoo Macnaheedu yahay Ibliis oo ka mkid ah Jinniga inuu yahay kan ugu sareeya ugu Madaxsan Gaalada oo dhan
Awooda Jinniga uu leeyahay:

Jiniga waxaa uu Allaah Awood u siisay in ay Hawada ku Dhex duulaan, ama in ay is Dul koraan ilaa ay isku dayaan in ay soo Dhageystaan Malaaigta samada joogta, walow markii Dambe ay Culeysyo kala kulmeem koritaankii Samada, taasoo keentay in ay Baaraan sababta loogu Diiday iyo waxa soo kordhay, waxaana Baaritaankii ay Dhulka ka Sameeyeen ku Ogaadeen in Nabi Cusub lasoo Saaray.



๐‡๐Ž๐ƒ๐€๐๐“๐ˆ๐๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ๐€ ๐€๐…๐Š๐€ ๐‡๐Ž๐Ž๐˜๐Ž