📚𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐡𝐚𝐧𝐧𝐞𝐥📚
25.4K subscribers
389 photos
13 videos
510 files
299 links
𝙺𝚘𝚋𝚌𝚒𝙰𝚚𝚘𝚘𝚗𝚝𝚊𝚊𝚍𝚊 𝚆𝚊𝚊 𝙶𝚘𝚘𝚋 𝚊𝚊𝚍 𝚔𝚊 𝚑𝚎𝚕𝚒 𝚔𝚊𝚛𝚝𝚒𝚍
☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝙳𝚒𝚒𝚗𝚒 𝙰𝚑
☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝙹𝚊𝚌𝚊𝚢𝚕 𝙰𝚑
☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝚃𝚊𝚊𝚛𝚒𝚒𝚔𝚑𝚒 𝙰𝚑
☞︎︎︎𝙱𝚞𝚞𝚐𝚊𝚊𝚐 𝙿𝚍𝚏
Download Telegram
colaad.pdf
4.4 MB
🔖 colaad.pdf
 ⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂                             
⛓️@KobciAqoontaada3        
⛓️@Aqoon_bot                              
⛓️@KobciAqoontaada2bot               
⛓️@KobciAqoontaada3
⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂

♦️
Tiirarka Abuurka Xiddigaha (The Pillars of Creation)

Marka aad u fiirsato abuurka fagaaga sare (samada), waxa aad la yaabi doontaa quruxda, xikmadda, iyo cajiibnimada abuurka Alle ee xiddigaha. Waa abuur qani ah, awood badan, isla markaana qof kasta oo baadha, raadraaca, ama aad ugu sii gundo degaa uu la kulmayo cabsi, qiritaanka Eebe, iyo xaqiiqda in ay jirto maalin dambe oo weyn.

Eebe waxa uu in ka badan 1400 sano ka hor inoo sheegay in abuurka cirku iyo dhulku uu ka weyn yahay abuurka dadka, laakiin dad badani aysan garanaynin. Aayaddan Qur’aanka ah ayaa sidaas xoojinaysa:

"لَخَلْقُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ أَكْبَرُ مِنْ خَلْقِ النَّاسِ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ"
"Dhab ahaan, abuurka samooyinka iyo dhulku waa ka weyn yahay abuurka dadka, laakiin dadka badankoodu ma oga." (Ghafir, 40:57).

Qur’aanka Kariimka ah wuxuu si aad u faahfaahsan uga hadlay koonka, xiddigaha, iyo samada, isagoo xusay in Eebe yahay abuuraha wax walba. Qoraallada Qur’aanka ee ku saabsan koonka waxay caddaynayaan awoodda Allah iyo sida uu si xikmad leh u abuuray wax walba.

Tiirarka Abuurka Xiddigaha (The Pillars of Creation)

Cinwaanka qoraalkan aan usoo guryo noqdee, Tiirarka Abuurka Xiddigaha (The Pillars of Creation), waa mid ka mid ah sawirrada ugu caansan ee koonka. Waxay tiirar kani ka samaysan yihiin gaas iyo boodh aad u badan.

Saddexdan qudbi waxay ku yaallaan Ceeryaan-Cireedka Gorgorka (Eagle Nebula), oo Cirka inooga jira qiyaastii 6,500–7,000 sano-ilays.

Xiddigayaasha cilmi-falaggu iyo saynisyahannadu waxa ay aaminsan yihiin in tiirarkan ay yihiin meelaha ay xiddiguhu ku dhashaan ama bilowgoodu ka yimaado.

Abuurka Xiddigaha

Xiddiguhu waxay ka samaysan yihiin inta badan hiddarajin (Hydrogen) iyo heeliyam (Helium), oo ay weheliyaan tiro yar oo walxo culus ah. Waxay ku samaysmaan cuf-isjiidadka (gravity), oo ururiya gaaska iyo boodhka hawada sare, taasoo dhalisa falgal nukliyeer ah (nuclear fusion) oo keena iftiinka iyo kulaylka xiddigaha.

Taswiirtan cajiibka ah waxa qaaday bille-dayaha NASA ee James Webb sannadkii 2022. Markii ugu horreysay ee la arko muuqaalka tiirarkan waxa ahayd sannadkii 1995, markaas oo bille-dayaha Hubble Space Telescope uu qaaday sawirradii ugu horreeyey.

Sawirkan iyo xogta laga helay waxay sare u qaadeen fahamka saynisyahannada ee habka ay xiddiguhu u dhashaan iyo horumarka ay maraan.

Axmed Ceergaabo
Caawa fagaaga sare fiiri dayaxa waxa lafadhiya meerihii casaa ee loo garan og faraare afka qalaadna ku ahaa Mars

Meeeruhu jihadee buu ka xigaa dayaxa

Jihada==Koonfur bari dayaxa boga ku haya
Waxaynu dib u bilaabi doonaa haduu rabi raali ka noqdo taxanihii sida u qur'aanku u soo kala hordagey
Waxana ka horeyn doona waydiimo ku saabsan casharadii hore
Meertada Qorraxda iyo Isbeddelka Xilliyada Sanadka – Sharaxaad Fudud oo Faahfaahsan

Dhulka aynu ku noolnahay wuxuu ku wareegaa qorraxda sannadkii kasta hal mar, taasina waxay sababtaa in xilliyadu isbedelaan. Dad badan waxay maalin kasta dareemaan isbedelka cimilada: mar kulul, mar qabow, mar roob leh, marna aan daruuro jirin. Balse haddii la is weydiiyo maxaa keenaya in xilliyadaasi isbedelaan, jawaabtu waa: socodka dhulka ee ku wareegaya qorraxda iyo sida uu u foorarsan yahay dhidibkiisu (axis).

Foorarsanaanta Dhulka waa in uu dhidibka dhulku (axis) uusan toos ahayn, balse uu leexsan yahay 23.5° marka laga eego dhidibka toosan ee wareegga uu dhulku ku wareegayo qorraxda. Marka aad sawirato dhulka isagoo kubbad ah oo wareegaya, foorarsanaantu waxay la mid tahay inuu dhulka dhinac u janjeedhsan yahay.

Maxay Tahay Meertada Qorraxdu?

Marka aynu dhulka ka eegno, waxay u muuqataa in qorraxdu socoto ama wareegayso. Laakiin xaqiiqdu waxay tahay in dhulku yahay kan ku wareegaya qorraxda.
Socodkan muuqda ee qorraxdu leedahay waxaa lagu magacaabaa meertada qorraxda (apparent solar path). Socodkan wuxuu sababeeyaa afar meelood oo muhiim ah sannad kasta kuwaas oo keena isbeddelka xilliyada.

1.March Equinox – 21ka March

Qorraxdu waxay markan joogtaa bartamaha dhulka oo ah dhulbadhaha (Equator). Waqtigani waa bilowga gu’ga ee waqooyiga dhulka, waxaana la helaa maalmo iyo habeenno isku dheelitiran oo min 12 saacadood ah. Xilligan qorraxdu waxay gashaa burjiga laxaha/Idaha (Zodiac of Aries), waana xilliga biyaha gu’gu bilaabmaan. Socodka qorraxdu wuxuu bilaabaa inuu u janjeedho dhinaca woqooyiga dhulka.

2.June Solstice – 21ka June

Qorraxdu waxay gaadhaa meesha ugu sareysa ee dhinaca woqooyi oo la yidhaahdo Tropic of Cancer (mudugga Naafaha). Waa maalinta ugu dheer sannadka ee waqooyiga dhulka, waana bilowga xagaaga. Waxaa la dareemaa kulayl aad u badan, waxaana dhammaada biyo gu’. Qorraxdu xilligan waxay gashaa burjiga Naafaha (Zodiac of Cancer). Kadib socodkeedu wuu iska rogtaa oo waxay u bilaabataa inay u laabato dhanka koonfureed.

3.September Equinox – 23ka September

Qorraxdu markale waxay soo gaadhaa dhulbadhaha (Equator), taas oo keenta in maalinta iyo habeenku markale isu dheelitirmaan. Waa bilowga dayrta ee woqooyiga dhulka, waxaana qorraxdu gashaa burjiga Miisaanka (Zodiac of Libra). Cimiladu way is beddeshaa, waxaana bilowma qabow yar, caleemaha geeduhuna waxay bilaabaan inay daataan.

4.December Solstice – 21ka December

Qorraxdu waxay markan gaadhaa meelaha ugu hooseeya ee koonfurta oo la yidhaahdo Tropic of Capricorn (mudugga Origa). Waa maalinta ugu gaaban sannadka ee waqooyiga, waana bilowga jiilaalka. Qorraxdu waxay gashaa burjiga Origa (Zodiac of Capricorn). Xilligan cimiladu aad bay u qabowdahay, maalintu way gaaban tahay, habeenkuna wuu dheer yahay.

Marka ay qorraxdu ka soo noqoto koonfurta, waxay mar kale gaadhaa dhulbadhaha, waxaana bisha March 21-keeda bilaabma wareeg cusub. Xilligu waa gu’ kale, waana bilowgii hore ee meertada qorraxda.

Maxaa Ka Dhasha Socodka Qorraxda?

Socodka qorraxda wuxuu sababaa in xilliyada sannadka is bedelaan: gu’, xagaa, dayr iyo jiilaal. Waxa kale oo uu keenaa in dhererka maalinta iyo habeenku kala duwanaado, cimiladuna is beddesho. Tani waxay si toos ah u saameysaa beeraha, xoolaha, isbedelka xilliyada, iyo guud ahaan hab nololeedka bini’aadamka.

Socodka qorraxda ee sannadlaha ahi wuxuu leeyahay nidaam cilmiyaysan oo isku dheeli tiran. Waa nidaam Ilaahay ku beeray caalamka si dunidu u yeelato kala duwanaansho cimilo iyo nololeed. Fahamka meertada qorraxda wuxuu naga caawinayaa inaan si wanaagsan u fahamno cimilada, waqtiyada beerashada, iyo isbeddelada dabiiciga ah ee dunida.

Sawirkani waa isla hal goob oo laga qaaday sawiro, xilliyo kala duwan, waana ka ugu fudud ee aad ku fahmayso qoraalkaygan ah sida Cadceedu u marto jidad kala duwan.

Axmed Ceergaabo
Madashada macalin axmed
📲 Somali Community 2025 🌟
📢 Explore the Best of Somali Content! 📢
🕌 Diini & Iimaan 📿
🌙 @Al_xakiim 📖
🕋 @Quruxdaislaamka ☪️
📿 @Hidaayatu_Rabi 🤲
👑 @hogaan_Dumar 🫅
🌺 @Dhaqan_wanaag 🕌
🌟 @TAMARSIINTARUUXDA 🌸
📜 @Diinteenna_Macaan 💫
••○••○••○••○••○••
📚 Aqoon & Dhiirigelin 🎓
📖 @XikmadoSom 🌟
💡 @Dhiiragaliye 💝
❤️ @AishaAhmed99 ❤️‍🩹
🫀 @QalbiDhaye143 🌸
@kalimakariim 🌟
😍 @xaqiiqadanolosha 💭
🤳 @Albaanichannel252 📸
🥰 @Ruuxda 🌸
👩‍❤️‍👩 @dareenbulsho 💞
••○••○••○••○••○••
💞 Jacaylka & Suugaanta 💏
💏 @Dareen_side 💘
😘 @Hasancaashaq 💌
💭 @Mohametahmed 📜
🎶 @Noqoxiddig 🎵
👩‍❤️‍👩 @DunnidaSuugaanta 💞
🫀 @qalbiyadeena 💓
••○••○••○••○••○••
📖 Aqoon & Fasahada 📚
🔐 @maanhage 🌱
🌱 @farsamada 🌿
🏃 @KobciAqoontaada2 🚀
📊 @guuleyso11 📈
🌍 @somalienglish3 🌐
••○••○••○••○••○••
📚 Buugaag & Maktabado 📕
📖 @somalibooks 📚
@kobciyebooks
📕 @Somalilibrary 📘
Waydiinta maanta marka qur'aanka loo eego sida uu usoo kala hor degay suurada al najmi ama xiddiga waxa ka dambeeyay suuradan
Anonymous Quiz
52%
al qamar=Dayaxa
33%
Cabasa==waji duuduubis
15%
Midna
Suurda al kaafiruun ama dafirayaasha gaalada waxa ku xigta xaga soo dagitaanka suurada al-maacuun ama weelka
Anonymous Quiz
62%
RUN
38%
BEEN
Suurada Al kowsar waxay ahayd deeq Rasuul scw loo balan qaadey?
Anonymous Quiz
92%
RUN
8%
BEEN
Suuradaha habeenka wabariga iyo barqada xaga soo dagitaanka miyey isku xigaan
Anonymous Quiz
71%
Haa
29%
Maya
GODADKA DAYAXA (منازل القمر)

Kal tirsiga Soomaalida Waxa saldhig u ah wareega uu sameeyo dayuxu, kaasi uu ku wareego dhulka. Halkii wareeg ee kasta dayuxu wuxuu ku dhammaystiraa 360° digrii.
Inta uu Ku Jiro Socdaalkiisan waxa uu maraa jid/tub (Orbit) isaga oo fadhiista godad ama boosas u gaar ah.
Marinka dayuxu raaco, isla markaana dugaashado waxa caddayn u ah hadalka Eebe ee uu ku yidhi aayadaha 39-aad iyo 5-aad ee suuraradaha Yaasiin iyo Yuunas.

وَالْقَمَرَ قَدَّرْنَاهُ مَنَازِلَ.
Dayaxa waxa aanu u samayney godad. (Boosas uu fadhiisto)

(ه‍و ٱلذى جعل الشمس ضيآء والقمر نورا وقدره منازل لثعلموا عدد ٱلسنين والحساب ....) سورة يونس (5)

Eebe Waa kii cadceeda ka Yeelay Iftiin dayaxana nuur Isaga oo u yeelay godad si aad ugu garataan sannadaha iyo xisaabta (Taariikhda).

Marka kale Allah (Sw) waxa uu aayad Qur'aan ah ku leeyahay;

لَا الشَّمْسُ يَنبَغِي لَهَا أَن تُدْرِكَ الْقَمَرَ وَلَا اللَّيْلُ سَابِقُ النَّهَارِ ۚ وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ.

Cadceeda uma habboona (suurto gal uma aha) inay heleesho dayaxa, habeenkuna ma dhex gelayo maalinka oo ma gaadhayo, dhammaantood waxay leeyihiin marin ay ku dabbaashaan. (wareegaan)

Aqoonta saynisku waxa ay dhowaan daah qaaday in Qorraxda, dayaxa iyo dhulku ay ku kala socdaan xawaare kala sarreeya, isku masaafona aanay jarin ilbidhiqsigiiba.

Qorraxdu waxa ay jartaa halkii il bidhiqsi 12km. Dhulkuna waxa uu jaraa halkii il bidhiqsi 15km, halka uu dayuxu jarayo halkii Il bidhiqsi 18km . Taas ayay xidaarada carro-edeg ku sheegeen inaanay isku gaadhi karin meertada socodka. Eebe se wax uu innoogu sii sheegay qur'aanka 1400 sannadood ka hor.

Dayuxu Waxa uu Muuqdaa 28 Habeen, Labada habeen ee aan la arkin Soomaalidu Waxay ay u taqaanney habeenada bad ku jiifka ama Dubbad. (Dayixii Wuu dubbaday/wuu dib jiray)

Habeenada dubbadku waa kuwa ugu burjiga badan Manaasisha dayaxa. (Burjiga mar kale ayaan kaga hadlayaa qoraal faahfaasan)

Godka Uu Dayaxu Ku Bisho (habeenka uu dhasho Xiddigta Uu la fadhiisto ) waxa ay ku qaadataa 27 cisho iyo 7 saacadood inuu dib ugu soo laabto, Tan ayaana loo yaqaannaa Bil Xiddigeed.

Habeenka aanu dayuxu wax Xiddig ah la fadhisan Soomaalidu waxay u taqaanney karam (Dayixi Wuu Karameeyey).

Godadka dayuxu fadhasiito waxa ay dhanyihiin 28 god. Waxaana loo kala qaybiyaa laba qaybood oo la kala yidhaahdo Malluug iyo Meecaad.

God Dirir iyo God Cirir waxa loo yaqaan Malluug, halka godadka Faraacida iyo Naafahana la yidhaahdo Meecaad.

Toddobada Faaricada

1 Godan (Faraaci)
2 Listan
3 Urur (Laxo/Lixo)
4 Cadaad (Lax mar)
5 Agaalli Waranley (Agaalli Cas/Agaallo guduud)
6 Agaalli Caanood (Agaalli waranley)
7 Afagaal

Todobada Naafaha

8 Naaf-Cade
9 Naaf Madoobe
10 Tar
11 Majin
12 Kuxdin Awr
13 Naaso Gaal (Kudxin Cawo/ Kudxin nirgood/Babac Dirir)
14 Dirir (Dirir galaal)

Todobada Dirirada
15 Garbo (Dirir garbood)
16 Bayaxow (Dirir bayaxaw)
17 Gudban. (Dirir gudban)
18 Libcas. (Libcas Daalalo)
19 Xooreey (Daalalo xoorey)
20 Mareego Dheer (Mareega-dheer Daalalo)
21 Madhan (Madhan Daalalo)

Todobada Cirirada

22 Faruur Cirir
23 Jed Kabarre (weero waraab)
24 Jed Dhiriqle
25 Jed Gacanle (Jed gabarre)
26 Jed Duruqle
27 Duugaanti /Rab hore/Meecaad cokan.
28 Faran Gaag/ Rab Dambe/Meecaad yibille.

W/Q: Axmed Ceergaabo

La Soco Qaybta 2aad