๐Ÿ“š๐Š๐จ๐›๐œ๐ข๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š๐š๐๐š ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐Ÿ“š
20.2K subscribers
344 photos
11 videos
508 files
279 links
๐™บ๐š˜๐š‹๐šŒ๐š’๐™ฐ๐šš๐š˜๐š˜๐š—๐š๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ ๐š†๐šŠ๐šŠ ๐™ถ๐š˜๐š˜๐š‹ ๐šŠ๐šŠ๐š ๐š”๐šŠ ๐š‘๐šŽ๐š•๐š’ ๐š”๐šŠ๐š›๐š๐š’๐š
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™ณ๐š’๐š’๐š—๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™น๐šŠ๐šŒ๐šŠ๐šข๐š• ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐šƒ๐šŠ๐šŠ๐š›๐š’๐š’๐š”๐š‘๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐™ฑ๐šž๐šž๐š๐šŠ๐šŠ๐š ๐™ฟ๐š๐š
Download Telegram
Sidee u fahamnaa qur'aanka

Xaga Muuqaalka Jinka:

Jinniga Xaga Muuqaal ahaan Insaanku ma awoodo inuu arko taasna waxay tuseysaa Alle Awoodiisa weynideeda, iyo inaan Ogaano Alle waxuu Abuuray waxey ka Kooban yihiin wax aan Awoodno inaan aragno iyo wax aanan arki Karin.

Waxaa daliilada Shareecada ku buuxa Nusuus fara badan oo uu Allaah kaga hadlay inuu Ibliis yahay wax aad u fool xun Ibliisna waxa uu ka mid yahay Jinka kuna Abuur yahay arintaasana waxay muujineysaa inaysan Abuur Quruxsaneyn Jinka, halka Insaanka uu yahay mid Quruxsan Allaahna uu ku tilmaamay inuu ku Abuuray Suurada wanaagsan, waxaase kasii Qurux badan Malaaigta oo ah Abuur aad u Qurux badan waxaana xasuusin mudan Nabi yuusuf oo ahaa Qurux ahaan mid si aad ah u quruxsan in Dumarkii la yaabay Quruxdiisa ee la yaabay farahana iska jarjaray ayagoo ismoogaa yiraahdeen kanu maba aha Insaan ee waa Malak wanaagsan.

Jinka iyo Cilmiga Qeybka ee Caalamka ka qarsoon:

Jinniga Maadama uu yahay wax Insaanka ka Qarsoon waxaa ay Dadka qaar u Qaateen arintaas in ay ka Dhalaneyso inuu Jinniga ogaan karo wax badan oo uusan Insaanka ogeyn, taasna waa Arin gaf ah maxaa yeelay jiniga waxaa uu ogaan karaa waxuu Arko ama Maqlo ama loosoo tabiyo kaliya sidaba Insaanku u ogaan karaan, laakiin waxa qarsoon ee anan Cidi ogaan Karin sida Berito waxa dhici Doona oo kale waxba kama ogaan karaan Jinniga ,

waxaana Qurโ€™aanka Allaah ku Sheegay markii Nabi Suleymaan Geeriyooday in Jinniga uu ka mid ahaa Ciidan Howlo u hayay Nabi Suleymaan, Howshiina aysan joojin ayagoo u Heesta Nabi Suleymaan inuu Nool yahay, hase yeeshee inuu Geeriyooday waxa ay ogaadeen Markii ushii uu Cuskanaa Aboorka Cunay, taasoo muujineysa in aysan ogaan Karin waxa qarsoon ee uu Allaah (Cw) kaliya yahay kan ogaan kara iyo Rusushiisa wixii uu waxyi ahaan ku Gaarsiiyo maahane

โ™ฆ๏ธHoddantinimada afka hooyoโ™ฆ๏ธ
Jiniga iyo Gaarsiinta Dacwada:

Jiniga waxa ay Dacwada ka qaataan Insaanka Nabiyada loosoo diro sida Saxiixa ah, waxaana Arintaas Daliailka koowaad u ah in Dacwada Diinta Islaamka ka Qaateen in ay Maqleen Nabiga (Scw)oo Salaad Subax ku Tushinaya Suuqa Cukaatha qaar ka mid ah Saxaabadiisa taasoo keentay in ay Dacwada Diinta Islaamka ku dhex faaftay markaas wixii ka dambeeyay.

Xiriirka Insaanka iyo Jinniga waqtiyadii hore:

Intii anan Nabi Muxamad la soo saarin Dadkii ku Noolaa Jaziirada Carabta oo Diin ahaan ahaa Dad Mushrikiin u Badan ayaa waxa ay Aaminsanaan jireen in Jinnigu leeyahay Awood weyn, sidaa darteed markii ay Safarada galaan ee ay Dhulka Banaanka ah ku Safrayaan waxa ay Magan ka Dalban jireen Jinniga Banaanadaas dagan, aygoo Dhahaya waxaan Magan u Nahay Boqorka Jiniga halkaan Dagan si uu nooga Ceshada Ciidankiisa in ay Dhibaato noo geystaan, taasoo sababtay in Jinnigii Kibir iyo Xad gudub usii Kordho.

Waxa hada jira dad Badan oo Xoolo siiya ama u Goowraca ama Cunooyin u Daadiya ayagoo magan iyo Nabad ka Dalbanaya Diintey Doonaanba haku Abtirsadeene, waxaana Caadi ah oo la yaqaan inuu Jinniga Maalinba Maalinta ka Dambeysa ku sii Kordhiyo Dalabaadkiisa iyo Culeyska uu ku haayo si ay usii Badiyaan Xoolaha ay u Bixiyaan, marka waxaa wanaagsan in dad Muslmiinta ah ay ka Digtoonaadaan inay Mushrikiin u Dhaqan ekaadaan.

Afkeenu hoddansanaa
Daaweynta dadka Jinku wax gaarsiiyo:

Waxaa waaqicyan loo arkaa in Dadka qaar Bukoodaan ayadoo Jirida heysana aysan aheyn wax Muuqda ama la Taaban karo, waxaana Dhici karta in Qof la waasho jirooyinka Noocaas ah, ama Xubno Jirkiisa ka mid ah Dareenka ka tago, ama Lugaha laabmaan ama Gacmaha ayadoo aysan heynin Cudaradii Neervo ahaan sababi karay xanuunadaas, marka hadii ay sidaas oo kale Dhacdo waxaa loo baahan yahay in Qofkaas loo Daaweeyo Ruux ahaan, oo lagula Dadaalo in Dad Dhowrsoon oo Cilmi iyo Diin leh Qurโ€™aanka Saaraan (ku Tufaan) ayadoo laga Fogaanaya wax walba oo sababi kara Jinka inuu kusii Xidideysto Ruuxa Bukaanka ah sida in Xoolo loo Gowraco ayadoo Caafin iyo Raaligalin looga dalbanayo, ama Cunooyin loo Kariyo ama Xaflado lagu Durbaantunto loo Sameeyo maxaa yeelay taas marna Daawo uma Noqoneyso.

Waxaan kusoo Koobayaa Qoramadeydan Dadka Muslmiinta ah waxaa looga baahan yahay in Diinkooda Daawo ka Dhex raadsadaan, waxaana Tijaabo ahaan la arkay Dad badan oo Dhakhaatiir Caan ah ka daaleen Dalka gudahiisa iyo Debadiisaba in ay ku Bogsoodeen Qurโ€™aan lagu Tufay kaliya, ayadoon Daal iyo Waqti badan intuba ku Bixin, Gaf iyo Dembina aan Allaah (Cw) laga galin.


โ† โ† โ† ๐€๐Ÿ๐ค๐ž๐ž๐ง๐ฎ ๐ก๐จ๐๐š๐ง๐ฌ๐š๐ง๐š๐šโ†žโ†žโ†ž
Suurada 73aad Al-Muzammil

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Muzammil, maadama ay ku Bilaabatay Naadin ku Socota Nabiga asagoo Goโ€™ ku Duubduubnaa mar uu ka naxay biloowgii waxyiga, ayaa Allaah ugu yeeray oo ugu Naabiyayay Al-Muzamil. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 20 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Qalam ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Labaad ee Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Muzammil:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Qeyb ka mid ah Noloshii Nabi Muxamad (Scw) gaar ahaan Cibaadooyinkiisii u Habeenkii Sameyn jiray sida Salaada habeenka la Tukado marka Dadku Hurdaan, Qurโ€™aanka la aqriyo Xiligaas, arintan oo ah Dacwo ku socota Muslmiinta in ay Cibaadooyinka Noocaas ah ku dadaalaan Gaar ahaan Dadka Ducaada iyo Culimada ah si ay ugu Saacido in Imaankoodu kobco, Dulqaadkoodana u Ziyaado taasoo u sahleysa Gudashada iyo Gaarsiin Dacwada.

Qodabada ay Suuradaan Xambaarsan tahay waxaan kusoo koobi karaa in Nabiga lagu faray inuu la yimaado Cibaadooyin asaga Shaqsigiisa ku kooban kaliya, waxaana ka mid ah arimahan soo socda.

1: Suuradan waxaa ay Nabiga Fartay inuu Habeenkii Tukado Salaad Xiliyada Dadka Hurdaan.

2: In Salaada Xiliga la Dukanayaa aysan aheyn Habeenkii oo dhan, waa Habeenki Barkiis ama wax ka yar barka ma wax ka badan Barka.

3: Waxaa kaloo Suurada Nabiga Fartay inuu Quraanka u aqriyo si kala Dhigdgigan (Tajwwid) Habeenkii, amarkaasoo sidoo kalan ku socda Ruux kasta oo Quraan inuu aqriyo doonayo.

4: Waxaana Suuradan Nabiga lagu Baraarujiyay sabar inuu la yimaado oo uu u dulqaato Culesyada kaga imaan kara Ahaladiisii Makah Daganeyd marka Dacwada uu gaarsiinayo
Suurada 74aadAl-Mudathir

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mudathir oo la Macna ah Al-Muzammil, waayo waxaa loo Naadiyay labada Jeerba Nabiga oo lagu tilmaamayyay Xaalada uu Markaas ahaa.
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 56 Aayadood, wwxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Muzammil ka dib, Musxafkana waxa ay kaga began tahay Dhamaad qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mudathir:

Suuradana waxay ay la Mid tahay Xaga Manhajka Suuradii ka horeysay ee Al-Muzammil, laakiin waxa ay Dheeraad la tahay in Nabiga lagu Faray inuu la yimaado Cibaadooyin ka Dheeraad ah kuwa Shaqsigiisa ku Saabsan Sida Gaarsiinta Dacwada Diinta Islaamka, halka Suuradii hore ay ku koobneyd Dadaal la Faray Shaqsi ahaan inuu looga Baahan yahay inuu la yimaado sida Salaad iyo Quraan aqrin Xiliyada Habeenkii ah, Suuradan waxaa lagu faray Dadaal Shaqsi ah iyo mid Dadka ku socdaba inuu la yimaado.
Suurada waxey Nabiga tilmaantay in ay Naar gali Doonaan kuwa Beeniya Risaaladiisa Naartaas oo magaceedu yahay Saqara, waxa ayana Suuradan tilmaantay Sifooyinka Naarta lagu galo Noocyo ka mid ah sida.

1-Kuwa Beeniya Qurโ€™aanka.

2-Kuwa aan Salaada Dukan.

3-Kuwa aan Masaakiinta Quudin (Wax siin) Bakhiilnimo awgeed.

4-Kuwa dan laโ€™anta Cumrigooda ku Dhameeya ee Xumaanta ku Mashquula.

5-Kuwa Maalinta Qiyaame Beeniya.

โŠ๐—”๐—ณ ๐—พ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฎ๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎโŠ
Suurada 75aad Al-Qiyaamah

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Qiyaamah oo ah Magac ay Xasiinaya Dadka Nolasha ka dambeysa mida Aduunka marka la geeriyoodo ka dib, maadaama ay Suurada si aad ah u tilmaanto hab Gaar ah Maalinta Qimaamaha Xaalada sida ay Noqon Doonto.
Suuradan waa makiyah, Aayadaheeduna waa 40 Aayadood, waxa soo dagatay Suurada Al-Qaaricah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beeban tahay Dhamaadka Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qiyaamah:

Suuradan waxay Dadka ku Baarujisaa Noloshaan Aduunyada ka dib in ay Jirto Nolol kale, sidaa darteed waxaa ay Suurada Dadka u tilmaameysaa in ay ka Digtoonaadaan in ay Maleeyaan in Nolosha Halkaan ku Dhamaato oo aysan Jirin Nolol ka dambeysa,, waxeyna Suuaradan Tilmaantaa Xaalafda daran ee Dhibaatada ah ee Koonka lasoo Gudboonaan Doonta marka lagaaro Maalinkaas Biloowgiisa, taaso keeni Doonta in Insaanka raadsado Meel uu uga Baxsado, Maalintaasna Meel loo baxsado majirto oo aan Xaga Allaah aheyn, halkaasoo uu Qof walba ka heli Doono Abaalkii Shaqadii uu ku qabtay intuu Aduunka Joogay Mid hore iyo Mid Dambaba.

โ™ฆ๏ธAfqalaad aqoon miyaaโ™ฆ๏ธ
๐ŸŒฟCiid Mubaarak Ciid Adxa
Waxaan marka hore u mahad celinayaa Ilaahay oo ah Macbuudka Xaqqa ah.Dhammaan ummadda islaamka gaar ahaan bulsha-weynta  soomaaliyeed meelkasta oo ay aduunka ka joogaan,
waxaan idin ku hambalyanayaa munaasibadda Ciid Adxa
Waxaanidin leeyahay:โ€ Ciid mubaarak, kulu caam wa antum bikheyr, taqabbal alaahu minna wa min kum saalax
al camaalโ€.Ilaahey ha inaga aqbalo cibaadadii suubanayde, ciidan ciideeda kale na Allah ha inagu gaadhsiiyo bash-bash , barwaaqo iyo nabad-qab.
๐ŸŒนEid adxa! ๐ŸŒน
โ€œKul โ€˜am wa antum bi-khair!โ€
(ูƒู„ ุนุงู… ูˆ ุงู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ)
โ€œTaqabbala Allahu minna wa minkum.โ€ (ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู…)
Meel kasta oo aad dunida ka joogtaann waxaan idiin rajeyneynaa Ciid Wanaagsan.
Suurada 76aad Al-Insaan

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Insaan, maadama si Kooban uga hadasho Marxaladaha uu Insaanka Marayo laga Bilaabo Abuurka iyo Marxaladaha uu kusoo biloowday ilaa laga gaaro Nicmada ama Cadaabka Sugaya marka lagaaro Maalinta Qiyaamaha.

Suuradan waa Madaniyah, Aayadaheeduna waa 31 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Ar-Raxmaan ka dib, Juz ahaana Musxafka waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta labaad ee Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Insaan:

Suuradan waxey ka Hadashaa Arimaha Quseeya Maalinta Qiyaame, si gaar ahna waxey uga Hadshaa Nicmooyinka kuwa Baariyada (Mutaqiinta) ah ay ku dhex leeyihiin Janada Dhexdeeda Abaal mar ahaan, sida Nimco aysan ilo Aarag Dhagu maqal, Qalbi Insaana aan ku soo Dhicin, Goglo Xariir ah, il Qabowsi iyo Macaan oo dhan, Nimco aan wax Dhibaata ah ka dambeyn, Nimco ka sareysana aysan jirin, Adeegayaal wanaag badan, Cabitaano Macaan badan, laguma Dhex baahdo lagumana Dhex Bukoodo, lagumana Dhex Qoraxoodo, lagamana Dhinto waa Meel Nimco iyo Sharaf oo dhan ku Dhameys tiran yihiin Xanuun iyo Murug kastana oo Aduunka lagula kumayna lagu iloobo.

Taariikhda iyo sooyaalka qoraalka farta soomaaliga
Suurada 77aad Al-Mursalaat

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mursalaat, maadama Ereygaas ay ku Bilaabato.
Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 50 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Humazah ka dib, Musxafkana waxa ay kaga began tahay Dhamaadka Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mursalaat:

Suaradan waxey si Xoog leh uga Hadshaa Arimaha Caaqiidada ku Saabsan, gaar ahaan Arimaha ku Saabsan Maalinta Aakhiro iyo sida Xaalka Caalamka noqon doono marka la gaaro sida in Xidigaha Iftiinkoodu Dhamaado, Samada in Dildilaaciyo, Buuraha in laga dhigo Boor la firdhiyay oo kale, waxayna soo bandhigtaa tusaalooyin Muujinaya awooda uu Allaah u leeyahay soo bixinta Insaanka iyo Abaal marintii sa Maalinta Qiyaamaha aydooweliba ay kusoo laablabato Aayad u Goodisa kuwa Beeniya ee ku waansami waaya Tusaalooyinka loo Muujiyay.

https://t.me/Afkeenuhodansanaa/1103