Aisha Bintu Ahmed
16.3K subscribers
2.27K photos
54 videos
19 files
613 links
"JECLOW naftaada, wax badan aqri, aqligag kaasho , waalidkaga ka duceeyso, unoqo dadka mid naxriis badan..!"😌

Waxa aasaasnay channelkan 27.july.2021

WIXII FIKRAD 👉 @Aishabintuahmed
Download Telegram
Waa gabar ku jirta nolol raaxo leh...

Marka aan ku leeyahay waa gabar ku jirta nolol raaxo leh, kama wado waa gabar la gursaday. Inta badan markii aad maqasho nolol raaxo leh waxaa kugu soo dhacaya nolosha guurka, balse nolosh waxa ay ku xiran tahay qof walba sida uu ka dhigto.

Waayadaan danbe waxaa badatay oraahda ah "gabdhihii wey hallaabeen iyo wey isbadaleen" lkn waxaa jirta gabar aanba sheekadaas iyo buuqaasba war u hayanin, haddaba waa tuma..?

Waxa ay la nooshahay waalidkeeda, waa gabar ku fiican dhanka duruusta iyo waxbarashada, ma aha gabar saaxiibbo badan oo buuqa jecel waa qunyara socod laga nabad galo, ma ahan gabar xiriiro badan oo ninba xiiso kuma hayo danaheedaa ka badan micnaha, haa waa gabar waa la soo damcayaa, lkn taleefankeeda waxaad ku arkeysaa farriimo hal sano ka hor loo soo diray oo aysan wali ka jawaabin, yaaba waqti u haya, habeenkii xilli hore ayaa la iska seexdaa iyadoo uusan jirin faarax ku leh "xabbti iseexi" subixiina walwal la,aan ayay hurdada ka soo toostaa, quraac iyo is diyaarin ka dibne waxbarashadeeda ayay aaddaa!.

Gabadhaasi sow jawi deggen kuma jirto😁

#xigaasho
Todobaadkii haddi aad sidan ku deydo. Cafmadka qalbiga, ka jidhka iyo ka maskaxda wax weyn ayaad u qabatey. Sidaad ula dadaasheyna wey kula dadaalayan.

✅️Isniin iyo khamiis soom. Markaad donto naso qasab mahaa inaad jogteyso. Lakin markey naftu la qabsato deyn kari meysid ba.

✅️ ku dadaal maalinti inaad hal juzz oo quran ah akhrido. Bilowga intad la qabsaneyso halka juuz ku dhamee 2 ila 3 cisho. Muhimadu waa inaad quranka akhriskisa joogteyso sii xidhiidhka adiga iyo ilaahay inusan u go iin. Qofki quranka akhriya, salada si sahlan ayuu ula saxiibaya.

✅️dikriga carabka ayuu qooyaa. Dambigana wuu tirtiraa. Wakhtiga aad bu u barakeeya. Markaad lugeyneeso, markaad meel sugeyso, markad jifto, markad fadhido. Markasto aad fursad heesho. Ilahaay xus. Malaaigtu wey ku qoreysa. Carabka dikrigu u barto, wax xun afkisa inu kaso saaro. culeys bey ku noqota Wanna sidan rabno so maha?

#xigaasho
Self talk ( naf lahadal ).❤️

Dadkeena soomali ahaan waxyaabaha aynaan wali aad u baran waxa ka mida qofku inuu gudihiisa ogaado ama uu  dareemadiisa ka warqabo dhakhatiirta psychologistka ah marka ay dadka counseling ama a talooyin siinayaan waxyaabaha ay firstka u horeeyaba kula taliyaan waxa ka mida waxa loo yaqaano naf-lahadalka waxaana loo yaqaanaa waxa ugu muhiimsan ee qofka healing kiisa ama bogsashadiisa gudeed ka qayb qaata.

Naf-lahadalka waxuu u qaybsamaa labo qaybood mid positive ah iyo mid negative ( mid togan iyo mid taban ) qaabka aad naftaada ula hadashana waa waxa ugu muhiimsan ee jaangooyanaya cidda aad tahay , waxay kaa caawineysaa inaad noqoto qof kala miiran oo wax kasta ukala soocanyihiin, qof garanaya waxa uu doonayo iyo waxa kale , dareemada uu gudaha ka heleyo garanaya oo turjumi kara waxa ay farayaan.


Qaababka naf lahadalka loo sameeyo wey badanyihiin waxaa ka mida inaad meel fadhiisato oo aad naftaada la kaliyeysato is weydiiso waxa aad rabto , xaalkaaga , xidhiidhka aad ilaahay la leedahay , inaad si toos ah muraayadda u hortagto ood muqaalkagaa jeclaato wanaagyadiisa iyo iintiisaba , qaabka kale een aadka u jeclehay waxa weeye qorida waliba xilga danbe ama habeenkii inta aadan seexan qaabab badan oo kele ayaa jira waad baadhi kartaan inaad barato oo aad ogaato ka kugu fiicana waa muhiim.❤️



#xigaasho