Aisha Bintu Ahmed
14.3K subscribers
2.22K photos
53 videos
19 files
593 links
"JECLOW naftaada, wax badan aqri, aqligag kaasho , waalidkaga ka duceeyso, unoqo dadka mid naxriis badan..!"😌

Waxa aasaasnay channelkan 27.july.2021

WIXII FIKRAD 👉 @Aishabintuahmed
Download Telegram
{إِنَّ رَبِّي لَسَمِيعُ الدُّعَاءِ}🤎
Dadkan ku rabin ha isku dhadhajin. Qofki ku fican u ficnow. Kii aan ku ficneyna banaankas ka mar adoon wax dhib ah u geysaneyn. Afkaaga iyo gacantada halaga aaman helo. Intaasi waa talabo weyn oo nolosha fudeydiiya.
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Markaad dareento inaad gubanayso,
waa laguu ogolyahay inaad qirato.

Uma baahnid inaad iska dhigto inaad fiican oo aad noloshaada u waddo sidii caadiga ahayd. Uma baahnid inaad ka walwasho inaad dadka kale ku qanciso runtaada. Waxaad si daacad ah uga sheegi kartaa xaaladdaada maskaxeed. Waxaad si nadiif ah uga soo bixi kartaa wixii aad soo martay. Ma jirto sabab aad uga xishootid halgankaaga gudaha. Qof kastaa wuxuu soo maraa waqtiyo walaac ah laakiin uma baahnid inaad la dagaallanto raaxo la'aanta. Uma baahnid inaad sii wadato ilaa aad ka dunto. Waxaad u ogolaan kartaa naftaada inaad qaboojiso
hoos Muddo ayaad shaqada ka bixi kartaa. Waxaad naftaada siin kartaa nasasho aad u baahan tahay.

Markaad dareento inaad gubanayso, waxaa laguu oggol yahay inaad tiraahdo maya eex. Waxaa laguu ogol yahay inaad diido saaxiibada markay ku waydiiyaan inay ku arkaan.

Waxaa laguu oggol yahay inaad u sheegto dadka kale inaadan hadda haysan meel saxankaaga ah. Waa inaadan ka xumaan inaad naftaada wax ka hor mariso. Ma aha danaysi inaad hubiso inaad ku taagan tahay dhul adag.

Sida ugu wanaagsan ee aad ula dhaqanto naftaada, ayaa waxa aad noqon doontaa karti aad u taageerto kuwa kale mustaqbalka marka ay ku weydiiyaan caawimadaada. Laakin imminka, yuusan qofna eed kugu saarin inaad sameyso wax ka badan oo aad ku qanacsan tahay inaad sameyso.

Ha u ogolaan qofna inuu kaa xumaado daryeelka caafimaadka maskaxdaada. Waxaad mudan tahay inaad naftaada ula dhaqanto sida mudnaanta koowaad. Waxaad mudan tahay inaad nasato markaad u baahato inaad nasato.

Markaad dareento inaad gubanayso, waa inaadan si adag naftaada u riixin. Waa inaadan dareemin guuldarro. Waa inaadan dareemin inaadan haysan waqti kugu filan oo aad ku nasato.

Waa in aad joojisaa, oo wax walba oo kale dhinac dhigtaa, oo aad daryeesho naftaada.
█▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀█
🫧 @somalibooks 🌪
█▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄█
Join 👉 @somali_admins
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
👇 🕋Muslim Channels🕋👇
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
🎥 @Diinteenna_Macaan
🎥 @Al_xakiim
🎥 @Quruxdaislaamka
🎥 @Hidaayatu_Rabi
🎥 @hogaan_Dumar
🎥 @Dhaqan_wanaag
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
👇😂JOKES AND FUN😂👇
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
🎧 @XikmadoSom
🎧 @Dhiiragaliye
🎧 @Mucaashaq_Jacayl
🎧 @AishaAhmed99
🎧 @QalbiDhaye143
🎧 @kalimakariim
🎧 @xaqiiqadanolosha
🎧 @Albaanichannel252
🎧 @Ruuxda
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
👇📽ENTERTAINMENT📽👇
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
✍️ @Dareen_side
✍️ @Hasancaashaq)
✍️ @daren_jaceyl
✍️ @Mohametahmed
✍️ @Noqoxiddig
✍️ @FAAIDOCHANEEL
✍️ @DunnidaSuugaanta
✍️ @guuleyso11
✍️ @TAMARSIINTARUUXDA
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
👇 📲 Educations 📲👇
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
📲 @maanhage
📲 @farsamada
📲 @KobciAqoontaada2
📲 @somalienglish3

▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
👇📚 Pdf Books📚👇
▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬
📕 @somalibooks
📕 @Somalilibrary
📕 @kobciyebooks

█▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀█
🎯Presented by @zomalibot
█▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄█
Caqliyadda dhalinyarada maanta.!

Waxa jirta caqliyad marar badan buugta psychologyga lagu sheego oo la dhaho (victim mentality ) oo noqoneysa caqliyadda dhibanaha, dadka caqliyaddan lihi waa dad markasta aaminsan iney iyagu dulmanyihiin, khaladkasta oo ay sameeyaan waxay isku dayaan iney cidkale u sababeeyaan ama ay dusha ka saaraan, waxaad arkeysaa qof dhaliyaro ah oo muuqaalkiisa marka aad aragto aad yaabeyso wax nadaafad ah ma lahan , salaadii ilaahay ma tukanayo , mustaqbalkiisii hore iyo kasoo socda midna war uma hayo haddana markasta madaxda ayuu caayayaa mar Africa ayaan ku noolahay ayuu dhahayaa, intaa wuxuu isku dayayaa in khaladaadka uu sameynayo uu iska duwo cidkalana dusha ka saaro.

Waxa jirta iyaduna dhalinyaro markasta niyad jab kaala hor imaneysa markasta waxay filanayaan waxa aan wanaagsaneen fifircooni iyo farxad midna malaha waa kuwa dhaha dalka shaqo ma taalo , si kasta oo aad aqoon u leedahay kuma shaqeysen kartid, dhalinyarada maanta siyaasadda wax ba kuma laha, africa maalin uun waan ka tagayaa, iyagu kuwii hore wey yara dhaamaan lakiin isuma qalmaan waxa ay rabaan iyo dadaalkoodu iyadoo duruufo badan wadankeena ay ka jiraan miyay sax tahay ineynu ka dadaal yaraano dhaliyarada wadamadoodu wax walba u diyaariyeen boqol jeer iyagaa inaga dadaal iyo shaqo badan aduunkanna lama helo wax aan loo tabcan loona raafaadin ee bal ii sheeega wax idinkoo noloshuba bilow idiin tahay bilaa rajada idinka wada dhigay.

Wakhtigan aynu joogno looma baahna dhalinyaro jilicsan oo markasta cabanaysa madaama aynu ognahay xaaladaha jira oo dhan waa ineynu noqonaa dhalinyaro ku suntan hal-adeyg, niyad jab la'aan , shaqo badan iyo hubka ugu weyn ee aynu adeegsan karno si aynu musiibooyinka ina haysta wax uga qabano waana aqoonta, maalinkasta kusoo kac firfircooni, rajo iyo inaad diyaar u tahay inaad wax tarto naftaada iyo dadkaaga.
Naxriis 🥺
Dedaal uma gashid inaad qof u noqoto doorashadiisa ugu horraysa ama tiisa u dambaysa, waligaa isku maanad lurin inaad tartan u gasho si aad cid kale uga heshid darajo lagugu hadal hayo. Naftaada uma sharraxdid si ay dadka usoo jiidato. Waan la ashqaraaraa markaan arko sida aad ismadhibe u tahay ee aad ruuxdaada daacadda ugu tahay.

Markii dushaa laga arko muuqaalkaaga waxaad dadka ula ekaataa mid waji xidhan oo ay dhoolocaddayntu ku yar tahay, taa beddalkeeda waxaa tahay qof inta uu aamusan yahay ay ka badan tahay inta uu dhoolocaddaynayaa. Waxyaabaha cajiibka ah ee aad la gaarka tahay waxaa kamid ah inaad dadka oo dhan u wanaagsan tahay! Yar iyo wayn, mid ku xumeeyay iyo mid ku wanaajiyayba waad soo dhowaysataa. Waxaasi ma malaa’ignimo ayay kaa tahay? Mooji.

Qalbigaaga difaaciisa waad isku hawshaa, haddana waa shaqada kaliya ee aad ku fashilantay inaad kasoo baxdo! Marwalba oo aad usii jeedsato ilaalintiisa iyo ka warqabkiisana meel yar oo aanad filayn ayaa loogasoo dhacaa markaasay intii tabartooda ah ku burburiyaan oo waxwalba dhulka kaala galaan. Waan ogahay in aysan doqonnimo kaa ahayne haddana maalmo yar kaddib waad iska ilowdaa xanuun walba oo waxaa lagu arkaa adigoo lagu moodo inaan waligaa lagu damqin. Taasi miyay doqonnimo noqon kartaa? Geesinnimo ayay iila egtahay iyo inaad si fiican u garanayso sida loosoo kabto. Laakiin mooji!

Aad baad u nacebtahay isdabamarinta, haddii aad qalbigaaga qof u ogolaatana si buuxda ayaad daacad ugu noqotaa oo waa sababta aad qofka sida dhakhsaha ah ugu nacdid marka aad ku aragto khiyaannada. Magaranayo sababta jaceylkaaga iyo naceybkaaguba xagga hore u joogaan!

Isma qasabtid oo inta badan naftaada waxaad ku hagtaa meelaha ay dareen ahaanta ugu xasisho. Waa Adigii dhawr jeer isku dayay inaad ku dhaqanto aayaddii ahayd “waxaa laga yaabaa inaad sharaysataan shay khayr idiin leh, waxaana laga yaabaa inaad jeclaataan shay shar idiin leh” deetana isku qaaday qof aad ku tuhuntay inuu ku jecel yahay dhankiisa. Waxaad aragtay inaadan joogin meeshii aad ku taamaysay inaad ku negaato kaddibna sidii caadada kuu ahayd waxaad daacad u noqotay dareemahaagii oo dib baad uga carartay qofkii.

Mar lagu waydiiyey qofka aad jeclaan lahayd noociisa, waxaad kusoo koobtay ruuxdayda ayaa aqoonsan doonta. Khiyaaligaagu heer wuxuu ku gaadhsiiyay aad cid walba u aragto inaydaan isla jaanqaadi karin, dadka ku cajab galiyaana aad bay u yaraadeen.

Ma hadashid oo waligaa lama arag adigoo cid kala hadlaya dareemmadaada. Dad dhif ah ayaa fahma aamusnaantaada iyo waxyaabaha kaa dhex guuxaya, kuwaasina marwalba waxay noqdaan kuwo masaafo ahaan kaa fog. Haaye nasiib xumida miyaad soo xadday?

Si walba oo aad u tahay qof aan dedaal u hurin si uu qof kale u cajab geliyo haddana waxaad sida magnedka oo kale usoo jiidataa dad tiro badan. In kastoo aanad ahayn mid dan ka gala dadka ku xeeran, waxaa kuu dheer inaadan cidna aaminaad wayn siin karin. Mararka qaar waad rabtaa inaad siisid haddana si dabiici ah ayay ruuxdaadu diidmo kuu fartaa.

Waa run inaad leedahay naf yar oo cajiib ah, balse waxaan ku xasuusinayaa inay mustaqbalkana kugu sugayaan dad tiro badan oo dhib kuu gaysan doona. Waa ayo qofka kaa dhaadhiciyay inaad hesho qof Adiga oo kale ah? Waan ka xumahay inaan runtan xanuunka leh kuu sheegayo; marwalba oo aad raadisid dad sidaada u wanaagsan, waa marwalba oo aad ku dhacdid dabinnada ay kuu dhigtaan dadka aan wanaagsanayni. Nasiib wanaagsan ayaan kuu rajanayaa ruuxda daacadda aheey.
Wxyar Ayuu Ilaahey Kugu Imtixaanaya Si Uu Wx Weyn Kaaga Badbaadiyo. 👌

#AdoontiiRabbi
Hambalyo dhammaan umadda muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed dhalashada sanadka cusub ee hijriyada awgiis.

Waxaan rajaynayaa in sanadkani bilow unoqdo sanado badan oo Nabad, Horumar iyo Isku duubni muslimiintu ku dakayso xaalada adagna aan ka diga rogono insha allah.

1446
Sanad wanaagsan 1446😌❤️


Aisha bintu Ahmed
Su'aal Mug weyn akhyaarta hala isku dayo...?

@M4chett
“Waxay ahyd in aynu saaxiibo ahaano, maxaa yeelay jacaylka cimrigiisu waa gaabanyahay.”

Qof asxaaab ahaan isku barateen jeceyl haka oglaan 🥴
Forwarded from Dhiiragaliye (Muhammad Bin Faarax)
Mardhaw iyo Daabacaad labaad🙂
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Forwarded from Dhiiragaliye (Muhammad Bin Faarax)
Tijaabi Nasiibkaaga oo ku guuleyso buugga Waxaad Tahay Saxaabiyad

Ku dhufo
👉
https://www.facebook.com/share/p/JHUjVWaHHXrgyx9P/?mibextid=oFDknk
Todobaadkii haddi aad sidan ku deydo. Cafmadka qalbiga, ka jidhka iyo ka maskaxda wax weyn ayaad u qabatey. Sidaad ula dadaasheyna wey kula dadaalayan.

✅️Isniin iyo khamiis soom. Markaad donto naso qasab mahaa inaad jogteyso. Lakin markey naftu la qabsato deyn kari meysid ba.

✅️ ku dadaal maalinti inaad hal juzz oo quran ah akhrido. Bilowga intad la qabsaneyso halka juuz ku dhamee 2 ila 3 cisho. Muhimadu waa inaad quranka akhriskisa joogteyso sii xidhiidhka adiga iyo ilaahay inusan u go iin. Qofki quranka akhriya, salada si sahlan ayuu ula saxiibaya.

✅️dikriga carabka ayuu qooyaa. Dambigana wuu tirtiraa. Wakhtiga aad bu u barakeeya. Markaad lugeyneeso, markaad meel sugeyso, markad jifto, markad fadhido. Markasto aad fursad heesho. Ilahaay xus. Malaaigtu wey ku qoreysa. Carabka dikrigu u barto, wax xun afkisa inu kaso saaro. culeys bey ku noqota Wanna sidan rabno so maha?

#xigaasho
Forwarded from Dhiiragaliye (Muhammad Bin Faarax)
Guuleystaha Tijaabi Nasiibkaaga.