Aisha Bintu Ahmed
15.3K subscribers
2.24K photos
54 videos
19 files
600 links
"JECLOW naftaada, wax badan aqri, aqligag kaasho , waalidkaga ka duceeyso, unoqo dadka mid naxriis badan..!"😌

Waxa aasaasnay channelkan 27.july.2021

WIXII FIKRAD 👉 @Aishabintuahmed
Download Telegram
Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:"guryihiina haka dhigina qubuur(meel aan lagu tukan) shaydaankuna wuu ka cararaa(oo masoo galo)guryaha suuratu Albaqra lagu akhriyo"

#Axadith
#r2024
Waxa uu yiri rasuulkii ALLE N.N.K.H
"Jannadu waxay leedahay sideed albaab waxa ku jira albaab la yiraahdo A -rayaan (dherganaan) oo aysan ka gelayn dadka sooman mooye cid kale."

#Axadith
#r2024
Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:"Alle wuxuu idinka reebay inaad aabbayaashiin ku dhaarataan,qofkii dhaaranayaa Alle haku dhaarto ama ha iska aamuso"
_
Ma bannaana in lagu dhaarto waxaan Alle ahayn.Waalid,maal, ubad iyo waxkaleba ma bannaana in lagu dhaarto. Haddaad dhaaranaysid Alle ku dhaaro ama haba dhaaran.

#Axadith
#r2024
Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:"waxa yaab leh arrinka Mu'minka-waayo-: haddii qof mu'min ah uu barwaaqo iyo kheyr uu helo Alle-na mahadnaqo KHEYR ayay u ahaan( ajar ayuu ka heli)-dhanka kale-haddii qof mu'min ah dhib iyo kadeedi haleelo kadibna uu ku sabro una adkaysto KHAYR ayuu ka heli(ajar)"

#Axadith
#r2024
Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:"qofkii qof mu'min ah dhib/murug adduun ka fudaydiya,Alle ayaa isagana dhib kamid ah dhibaatooyinka aakhiro ka fudaydiya"

#Axadith
#r2024
Rasuulku scw wuxuu yiri:-

“Gabdhaha ha nicina waayo iyagu waa kuwo la weheshado oo Qaali ahe”.

#Axadith
#r2024
Nabigq ﷺ wuxuu yiri hadii aad qof wax kudhufanaysid wajiga ha ku dhufan

#Axadith
#r2024
meherka oo la fududeeyo wuxuu ka midyahay sunnada .

Nabiga ﷺ wuxuu yiri meheerka la sahlo baa kheyr badan .

Gabdhow meherka fududeeya

#Axadith
#r2024
Bishaaro.

Waxa uu yiri rasuulkii ALLE N.N.K.H
"Ma jirto dhibaato ku dhacda qof muslim ah haddii ay jirtana ALLE waa ugu danbi dhafaa xitaa qodax muday."

#Axadith
#r2024
Nabiga S.C.W.wuxuu yiri gacantaada wax aan kheyr aheyn ha u isticmaalin, carabkagana wax aan run ahayn ha ku sheegin

#Axadith
#r2024
“ Uguuriya hablaha cidii aad diintooda iyo dabeecadaada wanaagsan, hadii kale waxaa dhici fitno iyo fasahaad

#Axadith
#r2024
“ Ninkii uu Alle ku irsaaqay Xaas wanaagsan (Saalixad ah) wuxuu Alle ku irsaaqay haaf (bar) diintiisa, illaahay ha uga baqo haaf (bar) ka kale diintiisa”


#Axadith
#r2024
Nabiga. S,C,W, waxaa u yimid nin wuxuu yiri Rasuul Allow waxaan galay dambi wayn ee towbad keen maleyahay. Nabiga S,C,W, wuxuu yiri hooyada ma nooshahay ninkii wuxuu ku jawabay may hadana wuxuu waydiyay habaryar maleedahay ninkii wuxuu ku jawaabay ahaa Nabiga S,,C,W, wuxuu yiri u baari noqo habayartaa

#Axadith
#r2024
Warlow iyo xaalkiisa.

Waxa uu yiri rasuulkii ALLE N.N.K.H
''Jannada ma galo qofka dadka isku diraa.''

#Axadith
#r2024
Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi:
"Kii u kallaha masjidka ama ka soo noqda ilaahay wuxuu jannada gudaheeda ugu diyaariyaa martisoor mar kasta uu masjidka u kallaho (uu qabto) ama ka soo noqdo."

Masjidka qabashada xagiisa la aado iyo noqoshada laga soo noqdo mid walba ajar baa laga helayaa tallaabo kasta ajarna qofka waa loogu qorayaa dambina waa laga daadinayaa.

#Axadith
#r2024
Nabiga S.c.w. wuxuu yiri qofki ku waabariista isagoo caafimaad qaba wixii uu maalintiisa cuni laha haysta. wuxuu lamid yahay qof la siiyey adduunkoodhan .

#Axadith
#r2024
Afartaan adduunka hadaad haysatid waxba kaama tagin
1 Hadalka ood ka run sheegto
2 Amaanada ood xafido
3 dabeecadda ood wanaajisid
4 cuntada ood ka dhowrsatid

#Axadith
#r2024
Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi:«makhluuq laguma adeeci karo/ laguma raaci karo caasinta khaaliqa/Alle"

Ilaahay in la adeeco ayaa ka horraysa in Bini'aadam la adeeco markaa marnaba ma bannaana in cid lagu adeeco caasiyitaanka ilaahay la caasinayo.

#Axadith
#r2024
Nabiga ‎ﷺ wuxuu yiri: qofka islaamka ah wanaagiisa waxaa ka mid ah inuu faraha la gelin arrimo aanu shaqo ku lahayn.

#Axadith
Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:" ma idiin ka warramayaa wax tagsiiya oo baabiiya kulayka laabta(murugta..)-waa- in bil kasta 3cisho laga soomo"

#Axadith
#r2024