πŸ“šπŠπ¨π›πœπ’π€πͺ𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 π‚π‘πšπ§π§πžπ₯πŸ“š
20.2K subscribers
344 photos
11 videos
508 files
279 links
π™Ίπš˜πš‹πšŒπš’π™°πššπš˜πš˜πš—πšπšŠπšŠπšπšŠ πš†πšŠπšŠ π™Άπš˜πš˜πš‹ 𝚊𝚊𝚍 πš”πšŠ πš‘πšŽπš•πš’ πš”πšŠπš›πšπš’πš
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπšƒπšŠπš‘πšŠπš—πšŠπš’πšŠπšŠπš• π™³πš’πš’πš—πš’ π™°πš‘
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπšƒπšŠπš‘πšŠπš—πšŠπš’πšŠπšŠπš• π™ΉπšŠπšŒπšŠπš’πš• π™°πš‘
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπšƒπšŠπš‘πšŠπš—πšŠπš’πšŠπšŠπš• πšƒπšŠπšŠπš›πš’πš’πš”πš‘πš’ π™°πš‘
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπ™±πšžπšžπšπšŠπšŠπš π™Ώπšπš
Download Telegram
Wadaadeennu (Sunnigu) waxay innoo sheegaan in aan Iraan iyo Shiico wax hiila iyo khayra habayaraatee laga filan. Laakiin waaqacu waxa innoo sheegayaa in walaalaha reer Falastiin ee lixda bilood gumaadku ku socdo ee dunidii reer galbeedka (ama gaaladiiba iska dheh) isku bahaysteen cidda kaliya ee xabbad rasaasa hiilkooda u ridday ama mawqif macna leh ka istaagtay in ay yihiin Iiraan iyo xulafadeeda shiicada ah sida; Xisbullaah, Xuutiyiinta iyo jabhadaha kale ee ay Iiraan taageerto.

Ka hor dagaalkii 7 Oktoobar na, waligeed ba Iiraan si buuxda oo maaddi iyo macnawi leh bay u taageeraysay qaddiyadda Falastiin iyo ururadooda wax-iska-caabbinta sida Xamaas.

Caawadaa ay Iiraan weerarka ku qaadday Israa'iil qaarbaa sheekadii wadaadada la soo ordaya oo leh 'Iiraan ciyaarta ha naga dhaafto'. Adeer, Iiraan xitaa hadday shimbir baad go'an Israa'iil gudaheeda ku dhisho bogaadin bay mudan-tahay! waayo? Yaa kale ee shiico ahayn ee dhagax xagga Israa'iil u tuuraya maanta? (Marka laga reebo walaalaha reer Falastiin).
Xabagbarsheed.pdf
2.1 MB
πŸ“šXabagbarsheed.pdfπŸ“š
 β‚⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂                             
⛓️@KobciAqoontaada3        
⛓️@Aqoon_bot                              
⛓️@KobciAqoontaada2bot               
⛓️@KobciAqoontaada3
⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂⁂

┍━━━»‒» 🌺 «‒«━━━━━┑
 . 
       βš οΈF.G 🚫
Buugaan looma isticmaali karo Ujeedo Ganacsi iyo Wax la mid ah.

┕━━━━»‒» 🌺 «‒━━━━━┙
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
90 DAYS ROUTINE.pdf
209.3 KB
πŸ₯ΈπŸ“šJidka saxda ah 90 maalmood is beddelka

πŸ€™Buugan Waxa idin hibeeyay oo idinla wadaagay Qorraaga buuga
Muhydeen Ali

Fadlan ku biir
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Suurada 68aad. Al-Qalam

Suuradan waxaa loogu magac daray Al-Qalam madaama ay ku bilaabato Inuu Alle ku dhaartay qalinka oo ah qalabka wax lagu qoro laguma qoray gaar ahaan qadarka oo dhan. Suuradan waa Makiyah, cadadka Aayadaheedub waa 52 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Calaq ka dib, waxa ayna musxafka kaga beegan tahay biloowga Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qalam:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa sadax Qodob oo Muhiim ah.

1: Risaalada nabi Muxamad iyo Shubhaadka ay kala Hor yimaadeen Gaaladii Qureysh Dacwadii Nabi Muxamad (Scw).

2: Qisadii kuwii Beerta lahaa ee ku Tashaday inaysan Dad waxba ka siin oo aysan wax Sadaqa ah ka Bixin Beertooxda una kalahay inta aysan Masaakkiinta toosin ayagoo is leh dhaqsaba intuusan waaga wada dilaacin kala keydsada, aygoo iloobay inuu Allaah Nicmada ay heleen ku siiyay inuu ku Imtixaano si loo eego in ay Xaqii lagu lagaa Bixinayaan iyo in ay ku Kibrayaan, waxaana ay u tageen beertoodii oo Muuqaalkeedii badalmay, Abuurkiina baaba’ay, .. Qisadaana waxey daliil u tahay Abaal marka ku Dhaca kuwa Nimcada Alle (Cw) ku Kufriya ee ka Bakhiila Maalka uu Allaah siiyay inay Xuquuqda Masaakiinta ka gutaan.

3: Maalinta Aakhiro iyo Dhibaatooyinka ka jira, waxayna Suuradan Cadeysay Dadku in akala Noqon Doonaan lab Koox tan Hore waa Muslimiin oo Janada gali Doona iyo Mujrimiin Naarta la galein Doono.
Dadka qaarkii ma rabaan inay runta maqlaan sababtoo ah ma doonayaan in dhalanteedkooda la burburiyo
Dunidan waad ka tagaysaa waxa aad hada hayso uun baad noqon aday kuu taalaa khayr iyo shar midka aad haysid
Suurada 69aad Al-Xaaqqah

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Xaaqqah, Maadama ay wax badan ka Tilmaanto Xaaladaha Maalinta Qiyaame Dadka u kala Bixi Doonaan kuwa Liibanaya iyo ku ay Nasiib Xumo ku Dhaceyso. Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 52 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mulki ka dib, Juz ahaana Msxafka waxy kaga Beegan tahay bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xaaqqah:

Suuradan waxay wax ka Sheegtaa Arimo Dhowr ah sida: Xaaladaha Maalinta Qiyaamaha ka jira, Dhibaatooyinka dhici Doona Marka sacaada Qimaayaha Dhaceyso la gaaro, Mustaqbal Xumidii ku Dhacday kuwii Beeniyay Rusushii Alle (Cw) sida Qoomamkii Caad, Thamuud, Qoomkii Luudh, Fircoon iyo Qoomkii Nabi Nuux, arintaas oo Digniin u ah waxa ku dhici Doona kuwa Beeniya Risaalada Nabi Muxamad (Scw).

Suurada waxey kaloo soo Hadal qaadaa waxa ay kala Muteysan Doonaan kuwa Mumniinta ah iyo kuwa Mujrimiinta ah Abaal marin ahaan, Suuradana waxaa la Dhihi karaa hadii aan soo koobo waxey u taagan tahay in ay Cadeyso Qur’aanka inuu Dhab ahaan yahay hadalkii Alle (Cw) iyo inuu Rasuulka yahay mid Run ah Xumaana lagu Tuhunsan karin.
Waxaana Xasuusin mudan in waayahan ay bateen Dad Aflagaado iyo Xumaan la beegsada Diinka Islaamka Guud ahaan Gaar ahaan Quraanka Kariimka ah iyo Nabigeena Suuban ayadoo ay taasna ka dhalatay Qoraalo Cadaalad daro ku dhisan oo la qoaray qarniyadii Dhexe xiliyadii ay jireen dagaaladii waa weynaa ee saliibiyiinta iyo Muslimiinta u dhaxeeyay waxaana Maanta soo Cusbooneysiiyay Aflagaadadaas kuwa Dhaxal ahaan u helay Xiqdigii ay ka Dhaxleen Awoowayaashood ayagoo ka Dhigaya wax Cusub ama Maanta Biloowday.
Waxaa taariikhda ku cad Aflagaadada Quraanka iyo Nabiga waxay soo jirtay laga soo Bilaabo waagii Nabiga Suuban la soo saaray waxayna sii korortay xilayadii qarniyada dhex waxna uma dhimin mana u dhumi doonto mana aha huru mar iyo Ilbaxnimo ama Xoriyatul Qowl aflagaadada Diinta Islaamka laakiin waa in Aduunkan awalba la haleeyay dabkana ka hursan yahay banziin lagusii shubo dhibaatadana lasii kordhiyo.

hadii ay Qolo Maanta u istaagto dayaxa ama Qoraxda in ay Aflagaadeeyaan si Iftiinkooda loo waayo suura gal ma ahan in Qoaraxda iyo dayaxa Iftiin beelaan dacaayad darteed sidaasoo kalana suuragal ma aha in aflagaado Iftiinka iyo Nuurka Islaamka lagu damiyo horaana looga dalay laakiin dad badan ayaa ku Aduun iyo Aakhiro seegi doona!
Suurada 70aad Al-Macaarij

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Macaarij oo ah Macno ahaan kor u fuulid, maadaama ay Suurada soo Hadal qaaday Malaaigta Samada Kor u Fuusha, waxaa kaloo Suuradan loo yaqaan Sa’ala oo ah kalimad ay ku Bilaabato Suurada.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 44 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaaqqah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilowga Qeybta labaad ee Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Micraaj:

Suuradaan wax ay aad u faahfaahisaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada Islaamka Gaar ahaan waxey si gaar ah uga Hadshaa Qiyaamha iyo xaaladaha ka jiri Doono marka Meesha la tago, waxa ayna Suurada Dadka Xasuusisaa in Dadka Qaarna ku Hoogi Doonaan, Qaarna Maaliankaas Nicmo oo dhan Halkaas ka heli Doonaan.

Suuradaan waxa ay aad u Naqdisaa Dadka Beeniya Jiritaanka Maalinta Qiyaamaha ee Diidan in Geerida ka Dib ay Jirto Nolol kale iyo Xisaab, taasoo ay ka Dhalaneyso in Qof walba laga Abaal marin Doono wuxuu kasbaday intuu Aduunka Joogay.
Waxa jira tiraba 4luuqadood oo dunida ugu hodansan xaga naxwaha hadaba adigu akhriste midkee aamisantahay in ay tahay luuqada dunida ugu hoddansan ⁉️

Sobobee mida aan isleedahay waa 1
Anonymous Poll
37%
Af--soomaali
71%
Af--carabi
7%
Af-talyaani
7%
Af-turki
Qolyaha carabiga aadka u yaqaan bal haka jawaabaan eraygan ee marna kaa saara qofka lala hadlayo marna kudaraya waana erayga❗hadaan idhaan Annaga adigu markaa naguma jirtid❗ laakiin markaan idhaa innaga waad nagu jirtaa ⁉️maraa keen erayga annaga
Anonymous Poll
56%
Garan maayo
54%
Wuu jiraa cadayn buuxda keen faalona kabixi
Suurada 70aad Al-Macaarij

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Macaarij oo ah Macno ahaan kor u fuulid, maadaama ay Suurada soo Hadal qaaday Malaaigta Samada Kor u Fuusha, waxaa kaloo Suuradan loo yaqaan Sa’ala oo ah kalimad ay ku Bilaabato Suurada.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 44 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaaqqah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilowga Qeybta labaad ee Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Micraaj:

Suuradaan wax ay aad u faahfaahisaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada Islaamka Gaar ahaan waxey si gaar ah uga Hadshaa Qiyaamha iyo xaaladaha ka jiri Doono marka Meesha la tago, waxa ayna Suurada Dadka Xasuusisaa in Dadka Qaarna ku Hoogi Doonaan, Qaarna Maaliankaas Nicmo oo dhan Halkaas ka heli Doonaan.

Suuradaan waxa ay aad u Naqdisaa Dadka Beeniya Jiritaanka Maalinta Qiyaamaha ee Diidan in Geerida ka Dib ay Jirto Nolol kale iyo Xisaab, taasoo ay ka Dhalaneyso in Qof walba laga Abaal marin Doono wuxuu kasbaday intuu Aduunka Joogay.
Waydiin iyo warcelin

Sheeg weedha wada koobaysa dhamaan xarfaha farta Soomaliga ( shaqalada iyo shiibbanayaashaba) weedhan waxa laga Dhowray in shiibbanayaasha oo asalka xarfaha ahi ,
Aan midna mar labaad soo wada noqon⁉️⁉️⁉️
Suurada 71aad Nuux

Suuradan waxaa loogu Magac daray Nuux oo ahaa Rasuulkii ugu horeeyay ee Diinta Toowxiidka ugu yeeray markii Aduunka uu ku Biloowday Shirki iyo Kufri. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Naxl ka dib, Musxafkana Juz ahaan waxey kaga Beegan tahay Bilooga Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Nuux:

Hadii aan si Dul mara Taariikhda Nabi Nuux wax ka iraahdo, Nabi Nuux waxaa uu ahaa Nabi uu Allaah soo saaray xili ay dadkii waagaas joogay ay Taalooyin ay Caabudaan dhisteen ayagoo weyneynaya Dad ka horeeyay oo Diin ahaan wanaagsanaa Jaceyl loo haayay darted, markii uu Nabi Nuux u istaagay inuu ku waaniyo inay Allaah weyneeyaan Cibaadada ku gaar yeelaan waxa si gaar ah uga horyimid Duqoowdii iyo hogaankii Qabiilkiisa ayagoo u heesta in ay Xaq tahay Cibaadada Taalooyinka (sanamyada) waxaana Rumeeyay dadkii Masaakiinta u badnaa yagoo taasoo ku kaliftay Nabi Nuux inuu habeen iyo Maalin Sir iyo Jaharba u istaago siduu Xaqa u gaarsiin lahaa Dhamaan, waxaa uuna Dadaalka Dacwada u taagnaa 950 sano ayadoo aysan Qaadan dacwada dad badan.

Nabi nuux Markii uu Dacwada dadaal intaas la eg galiyay ayaa Allaah u waxyooday inaysan tolkiisa cid kale oo Rumeyn doontaa ku jirin lana faray inuu diyaariyo doon ay ku baxsadaan asaga iyo inta raacday saarana doontaas wax walba Lab iyo Dhedig, waxaana la halaagay Qoomkiisa Dhamaan marka laga reebo in yar oo Doontaas raacday.
Aragtida Muslimiinta iyo Ahlu Kitaabka ee ku Aaadan Nabi Nuux

Nabi Nuux waxaa Quraanka kusoo arooray Amaan gaar ah inuu lahaa inuu iyo Dadaal aad u weyn waxaa uuna ka mid yahay 5 Nabi oo loo yaqaan β€˜β€™Ulul Cazmi’’ ah oo ah Horjoogayaasha Nabiyada aritaasoo muunjineysa Darajo ahaan iyo Sharafba halka uu ka joogo Nabi Nuux dadka Muslimiinta ah, waxaa kaloo nabiga ku faahfaahiyay fadliga Nabi Nuux axaadiistiisa waxaa uuna ku tilmaamay inuu ahaa Nabi aad u Cibaado badan.

Hase yeeshee Ahlu kitaabka masiixiyada iyo Yuhuuda waxaa Kitaabadooda ku qoran Nabi Nuux inuu xataa khamri cabay oo uu ku daroogoobay cawradiisana qarsan wayay ayadoo mar dambe mid ka mid caruurtiisa u asturay, arintaas oo muujineysa Mowqifkooda ku aadan guud ahaan Nabiya iyo inaysan Xormad iyo Xushamadba u heyn taasoo ah Daliil cad in Kitaabada ay heestaan yihiin kuwa ay dad Gacmahooda ku qoreen maxaa yeelay illaaha ma dhihin mana soo dajin Kitaab sheegaya inuu Nabi Nuux Khamri Cabay!