πŸ“šπŠπ¨π›πœπ’π€πͺ𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 π‚π‘πšπ§π§πžπ₯πŸ“š
21.8K subscribers
367 photos
13 videos
508 files
290 links
π™Ίπš˜πš‹πšŒπš’π™°πššπš˜πš˜πš—πšπšŠπšŠπšπšŠ πš†πšŠπšŠ π™Άπš˜πš˜πš‹ 𝚊𝚊𝚍 πš”πšŠ πš‘πšŽπš•πš’ πš”πšŠπš›πšπš’πš
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπšƒπšŠπš‘πšŠπš—πšŠπš’πšŠπšŠπš• π™³πš’πš’πš—πš’ π™°πš‘
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπšƒπšŠπš‘πšŠπš—πšŠπš’πšŠπšŠπš• π™ΉπšŠπšŒπšŠπš’πš• π™°πš‘
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπšƒπšŠπš‘πšŠπš—πšŠπš’πšŠπšŠπš• πšƒπšŠπšŠπš›πš’πš’πš”πš‘πš’ π™°πš‘
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπ™±πšžπšžπšπšŠπšŠπš π™Ώπšπš
Download Telegram
Suurada 106aad Qureysh

Suuradan waxaa loogu Magac daray Qureysh oo ah Magaca Qabiilka uu ka Dhashay Nabiga Suuban (Scw) Qabiilkaas oo ahaa Qabiilka ugu Caansanaa Jaziirada Carabta. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Tiin ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Qureysh:

Suuradan waxey si gaar ah uga Hadashaa Nicmooyinka uu Alllaah (Cw) siiyay Reer Makah, waxaa ugu weyn Nicmooyinka Qureysh lagu Galadeystay Nicmada Amniga iyo Nicmada Maalka sidaas darteed ayaa Nicmiiyonkaas lagu xasuusinayaa in ay Caabudaan kaliya Allahii ku galadeestay oo ay Shirkiga ka haraan.
Suurada 107aad Al-Maacuun

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aaydaheeduna waa 7 Aaayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Takaathur ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Maacuun:

Suuradan waxey ka Hadashaa laba Qlo oo Dadka ka mid ah waxeyna Tilmaantaa Astaamaha lagu garto, labadaas qolo waxey kala yihiin:

1--Gaalka Inkira Nicmooyinka Alle (Cw) ee Beeniya Maalinta Xisaabka iyo Abaalmarka.

2--Muunafiqa wax walba uu Qabanaya istus tus u Sameeya, Haduu Dukanayo ama wax kale oo Wanaagsan sameynayo.
Mowduuca: saamaynta dagaalka bariga dhexe iyo qaza uu ku leeyahay somalida.

Kala soco doodan oo ka qabsoomi doonta kanaalka DAREEN BULSHO

Taariikhda: 28/9/2024 9pm habeenimo

La socod wanaagsan
Suurada 108aad Al-Kowthar

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 3 Aayadood, waxeryna soo Dagatay Suurada Al-Caadiyaat ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Kowthar:

Suuradan waxey ka Hadashaa Fadliga iyo Galada weyn ee uu Allaah (Cw) ugu Nimceeyay Nabi Muxamad, waxeyna Suuradan Nabiga Fartay inuu joogteeyo Salaada iyo Hadiyagana (waa Xoolaha Xaramka lagu Gowraco Xiliga Xajka) Gowraco si uu Allaah uga Mahad Celiyo Nicmooyinka lagu maneestay.
Suurada 109aad Al-Kaafiruun

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadheedu waa 6 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Maacuun ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Kaafiruun:

Suuradan waxey ka Hadashaa Towxiidka iyo in aan Xiriir Kalgacaltooyo lala yeelan Karin Ahlu Shirkiga, waxeyna Suuradan Muslimiinta fartaa in aysan Dabac ka galin Arimha Diinkooda ku Saabsan iyo caqiidadooda ku Saabsan sida in ay Aaminaan Diin kale oo xaq ah inuu jiri karo ama in ay u Dhaga nuglaadaan Dacwada loo yaqaan Isku Dhaweynta Diimaha samaawiga ah.
Soomaalida: Qabiilka mise Diinta

Soomaalida: Qabiilka mise Diinta.

Soomaalidu waxa ay ka mid tahay bulshooyinka la isku haysto, ee ku jira legdenka iyo jaahwareerka. Qofka Soomaaliga ah waxa uu ku jiraa loollan iyo legden u dhexeeya qabiilka iyo diinta. Prof Afyare Cilmi waxa uu tilmaamaa in qofka Soomaaliga ahi uu leeyahay labo aqoonsi oo kala ah: qabiilka iyo diinta. (Afyare 2010). Sidaa si la mid ah Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu buuggiisa β€œMaking Sense of Somali History” ku leeyahay: β€œsida caadiga ah waxaa jira laba shay oo aan Soomaalida dhexdeeda lagu xadgudbi karin waa: dhaqanka qabiillada iyo Islaamka. Soomaalida badidooduna waxa ay diyaar u yihiin in ay nafhur u sameeyaan labadaas.” Waa laga dheregsan yahay in Soomaaligu u dhexeeyo qabiilka iyo diinta, se weyddiintu waxa ay tahay midkee qofka Soomaaliga ah laabtiisa, nafsaddiisa, iyo hab nololeedkiisa bulsho ku weyn. Anigu waxa aan ku dooday qofka Soomaaliga waxa nafsaddiisa qeexa in uu yahay qabiil, sidaa darteed waxa aan ka soo horjeedaa doodda odhanaysa, β€œSoomaaliga waxa qeexa waa diinta.” Haddaba waxa isweyddiin mudan intee diintu la fagalshaa nolosha qofka Soomaaliga ah. Haddii dib loo raadraaco dhaqanka, suugaanta iyo hab nololeedka qofka Soomaaliga ah waxa mar walba soo baxaysa in diintu wax macne ah oo weyn aysan u gu fadhiyin, kaliya waxa ay u haysteen caqiido, sababta oo ah; nolosha maalin laha ah ee Soomaalida diintu si waafi ah u la ma falgasho.

Diinta Islaamka iyo dhaqanka qabiilku mid walba waxa uu leeyahay, nidaam iyo habraac u gaar ah oo haddii si waafi ah loogu fiirsado aad u kala duwan. Sida uu tibaaxo Prof I. M. Lewis Soomaalidu waa bulsho raacato ah β€œpastoral society” waxa nolosha bulsho ee Soomaalida kaalin weyn ku leh dhaqanka raacatada ee sida weyn u ga fog qiyamka diinta Islaamka. Dhaqanka

raacatadu waa dhaqan waxshi ah, waxa uu ku salaysan yahay; aragtidii Charles Darwin ee ahayd, β€œthe survival of the fittest.” Aragtidan waxa ay tibaaxaysaa in cidda awoodda lihi ay xaq u leedahay in ay noolaato, sidaa darteed nidaamka raacatada Soomaaliyeed waxa xaqa u leh in uu noolaado qofkii iyo qabiilkii leh cudud iyo awood, waana halka ay Soomaalidu ku maahmaahdo, β€œbuur ahow ama buur ku tiirsanow.” Nolosha bulsho ee raacatada Soomaaliyeed waxa kaalin weyn ku leh oo ay dhaqdaan waa geela. Geela Soomaalida dhexdeeda waa shayga u gu qiimaha badan ee ay tixgeliyaan, geelu waxa uu saamayn nafsadeed u gaystay nolosha Soomaalida, waxa uuna abuuray dhaqan iyo xeer la mid ah midka kaynta, β€œLaw of the Jungle.” Dhaqanka raacatada ee Soomaalida waa halka laga dersi karo in aysan diintu, si macne leh u la falgalin nolosha dhaqan-dhaqaale iyo midda bulsheed ee Soomaalida.

Dhaqanka raacatadu malaha xeer iyo qiyam ay bulshadu raacdo, se taa beddelkeeda waxa ay dadku ku dhaqmaan wixii xooggoodu iyo cuddoodu u goyso. Sidaa awgeed geela oo ah waxa nolosha raacatada Soomaalida qiimaha weyn ku leh, isagu ma galo qiyam akhlaaqi ah. Waxa geela iska leh mulkiyaddiisa ciddii xoog weyn, sidaa darteed Soomaalidu waxa ay yidhaahdaan: β€œxalaal iyo xoog hadduu xero galo midna kuma xuma.” Waxa kale oo ay yidhaahdaan: β€œaydin geel hadba waa ninkay gacantiisa gasho.” Soomaalidu waxa ay aaminsan yihiin in geela cidda xaqa u lihi ay tahay ciddii awood leh, sidaa darteed waxa jirta maahmaah bulshada ka dhexeysa oo odhanaysa: β€œgeela ninkii awood leh baa leh.” Maahmaahdani waxa ay tibaaxaysaa in geelu xaalal iyo xaaraan midna uusan gelin, se uu yahay wixii muruqaagu kuu gooyo. Soomaalidu geela la kala dhaco uma aysan haysan in uu yahay wax xaaraan ah, oo ay diintu mamnuucday, se waxa ay aaminsanaayeen in dhaca geelu uu yahay wax dadka ka dhexeeya. Sidaa awgeed ayuu Sayid Maxamed Cabdalle Xasan u aaminsanaa in geelu xalaal yahay raggana ka dhexeeyo, wuxuuna odhan jirey: β€œDhaqaaleya dhaha geelu wuu innaga dhexeeyaaye.” Eeg buugga, (Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed, bogga 280).
Soomaalida Qabiilka mise Diinta


Qaybtii Koobaad

Si kale Cali Dhuux oo isla arrinkan ka warramaya waaka isagana yidhi:

β€œNin kastoo xadreeyaaba

Waa u xusul duubaaye

Culimada kaloo xeeladoo

xaasid ku ahayde Sayidkii

wadaaddoo dhan xidhay

Waris xalaaleeye Xoolaha

kaleetiyo isagu waaba

kala xeere Xaashida

kitaabkuna idiin

ma ay xaraamayn, e.”

Soomaalida dhexdeeda geela waxa lagu xijin jirey tol iyo cudud qabiil, waana halka uu abwaan Cilmi Carab ka yidhi: β€œxijin waayey geel nimaan tolkii la gu xurmaynayn, kol hadday xigtadaadu kugu yar tahay kuu xasili waaye.”1 Geela la dhaco wadaadka waxbaa la ga siin jirey, si uu u gu xalaaleeyo qabiilka. Eeg (Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed, bogga 299). Mar haddii aynu sheegnay in geelu Soomaalida dhexdeeda uu ahaa wax la kala dhaco oo aan qiyam diineed lahayn, waxa caado iyo dhaqan ahayd in ciddii geel badan ay ahayd cidda garta leh. Gartaasi ha noqoto mid xaq ah ama mid xaqdarro ah, waana halka ay caanka ka noqotay maahmaahda odhanaysa: β€œninkii geel badan baa gar leh.” Sida aynu kor ku tibaaxnay caqiidada ay Soomaalidu geela ka aaminsanaayeen waxa uu ahaa: β€œxalaal iyo xoog hadduu xero galo midna kuma xuma.” Haddaba waxa isweyddiin mudan qofka aan tamar iyo taag lahayn, se geel badan leh maxaa isaga u naf ah? Dabcan wax u naf ah ma jirto, oo xeerka bulsho ee raacatada Soomaaliyeed waxa sal u ah xoog iyo cudud millateri. Waa dhaqan ka maran qiyam caddaaladeed iyo mid bulsheed. Taasina waxa ay tusaale waafi ah u tahay, in Soomaalidu diinta caqiido ahaan u aaminsanayd.

Xeerarka bulsho waxa loo samaystaa in lagu beddelo hab nololeedka bulsho iyo in lagu qaabeeyo adduun- aragga bulsheed. Sidaa awgeed xeerku waa halka isbeddelka bulsho ka dhaco, ummadda aan xeerar nololeed lahayn waxa ay la mid tahay ummad aan mustaqbal lahayn. Soomaalidu waxa ay u dhisan tahay hannaan qabiil, qabiil walba waxa uu leeyahay β€œxeer.” Xeerkaasi waa dastuurka u gu sarreeya ee qabiilkaasi ku dhaqmo, si kale u dhig waa DIIN. Si guud qabiilladu waxa ay leeyihiin xeerar diblumaasiyadeed oo ku dhisan dano iyo iskaashi bulsheed. Xeer Soomaaligu waa waxa qaabeeya adduun-aragga iyo hab nololeedka ruuxa Soomaaliga ah. Soomaaligu aqoon fiican uma laha, waxa uu yahay xeer diimeedku, ama qawaaniinta sharci ee ay diintu dhigtay. Sidaa awgeed kalsooni badan kuma qabo sharciga diineed. Prof Cabdalle Cumar Mansuur waxa uu leeyahay: β€œSoomaalidu waxa ay leedahay xeerar kala duwan oo ay ku dhaqanto, xeer walbana waxa uu leeyahay xeer hoosaad.” Xeerarka ay Soomaalidu lahayd waxa ka mid ah: xeer xoolaley, xeer beeralay, xeer ugaarsato iyo xeer magaalo. Eeg buugga (Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed, bogga 287). Soomaalidu waa bulsho u qaybsan wadaad iyo waranleh. Wadaadku shaqadiisu waxa ay ku kooban tahay arrimo ay ka mid yihiin: guur, dhaxal, Qur’aan barid iyo wacdi. Nolosha bulsho ee kale wadaadku waxba kuma uusan lahayn, xitaa wadaadku ma ahayn hoggaamiye siyaasadeed. Eeg buugga (A Modern History of the Somali, bogga 15). Gabayga Samatar Baxnaan ayaa innoo soo koobaya shaqada uu wadaadku ka hayey nolosha Soomaalida. Samatar waxa uu leeyahay:

Dugsi baa wadaad lagu ogaa dab ugu sii qaad e

Darib iyo u gee caana geel oo ha diirsado e

Markii uu dibbiro haw akhriyo diinka caammada e

Haddiise uu wax kale doonay waa daallin xoogsadaye.”

Xeer Soomaaliga oo ah waxa u gu weyn ee ay Soomaalidu ku dhaqanto waxa awood u lahaa in uu dejiyo, waranlaha Soomaaliyeed, wadaadku wax shaqo iyo shuqul ah kuma lahayn. Xeerka uu waranluhu dejiyo
β•”β•β•β•β•β•β€’βœ­β€’β€β€’Β°β™›Β°β€’β€β€’βœ­β€’β•β•β•β•β•β•—
π‘Ίπ’π’Žπ’‚π’π’Š π‘·π’“π’π’Žπ’π’•π’Šπ’π’
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
πŸ•‹ π——π—œπ—œπ—‘π—œ πŸ•‹
❢ @Diinteenna_Macaan
❷ @Al_xakiim
❸ @QuruxdaIslaamka
❹ @Hidaayatu_Rabi
❺ @Hogaan_Dumar
❻ @Dhaqan_Wanaag
❼ @TamarsiintaRuuxda
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
πŸ† π——π—›π—œπ—œπ—₯π—œπ—šπ—œπ—Ÿπ—œπ—‘ & π—«π—œπ—šπ— π—”π——π—’ πŸ†
❢ @XikmadoSom
❷ @Dhiiragaliye
❸ @AishaAhmed99
❹ @QalbiDhaye143
❺ @KalimaKariim
❻ @XaqiiqadaNolosha
❼ @Albaanichannel252
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
🌷 π—π—”π—–π—”π—¬π—Ÿπ—žπ—” & 𝗒π—₯𝗔𝗔𝗛𝗬𝗒 🌸
❢ @Dareen_side
❷ @Hasancaashaq
❸ @Daren_Jaceyl
❹ @MohametAhmed
❺ @Noqoxiddig
❻ @DunnidaSuugaanta
❼ @Ruuxda
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
πŸŽ“ 𝗔𝗀𝗒𝗒𝗑 & π—™π—”π—¦π—”π—”π—Ÿπ—’ πŸŽ“
❢ @MaanHage
❷ @Farsamada
❸ @KobciAqoontaada2
❹ @Guuleyso11
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
πŸ“š π—•π—¨π—¨π—šπ—”π—”π—š πŸ“š
❢ @SomaliBooks
❷ @SomaliLibrary
❸ @KobciyeBooks
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
πŸ’« π‘±π’π’Šπ’ 𝑨𝒍𝒍 π‘ͺ𝒉𝒂𝒏𝒏𝒆𝒍𝒔
https://t.me/dareenbulsho
✯ ━━━━━━ ✿ ✫ ✿ ━━━━━━ ✯
❝ Ma doonaysaa in ganacsigaaga lagu xayeysiiyo?
Hadda waxaad fursad u haysataa inaad adeegyadaada
ama badeecadaada u soo bandhigto dadweyne badan
oo ku jira kanaalada kala duwan.πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡βž

βŒ¨οΈπ—§π—”π—”π—•π—’ π—›π—”π—Ÿπ—žπ—”π—‘β•
πŸ“§ @XayaysiisBot

πŸ’« 𝑲𝒖 π‘Ίπ’‚π’π’Š π‘΅π’†π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ 𝑺π‘ͺ𝑾
β•šβ•β•β•β•β•β€’βœ­β€’ββ€’Β°β€Β°β€’ββ€’βœ­β€’β•β•β•β•β•β•
Suurada 110aad An-Nasri

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheedu waa 3 Aayadood, waxey Soo Dagatay Suurada At-Towbah ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Nasri:

Suuradan waxey Guud ahaan ka Hadashaa Guushii Muslmiinta ku furteen Magaalada Makah, iyo Islaamka sida uu ugu faafay Jaziirada Carabta oo dhan, guusha Makah lagu Furtay Bishaaradeeda waxey soo Dagatay oo Muslmiinta lasoo Gaarsiiyay Waxyi ahaan ka hor Waqtiga Guushaas.

Suuradan waxaa kaloo lagu Xasuustaa in uu Cumar Ibnu Kahdaab ku Xujooyay Rag Odayaal u badan oo saxaabada ka mid ah markii ay Garan waayeena waxuu weeydiiyay C/llaahi Ibnu Cabaas si uu u dareensiiyo darajada xaga Cilmiga ee Ibnu Cabaas, Ibnu Cabaas waxuu ku Jawaabay: Suuradan waxey ka Hadashaa Geerida Nabiga in ay soo Dhawaatay, taasoo ah Macnaha saxda ay suurada Tusineysay, Nabigana waxey Suuradan Fartay Marka la gaaro Guusha Makah lagu Furanayo oo ay Dadkana Diinta kusoo Xoomaan inuu arinkaas yahay Tilamaan tuseysa Ajashiisa in ay soo dhawaatay, sidaa darteed waxaa la yiri ku Tasbiixso Mahadinta Rabigaa, Dembi Dhaafna ka dalbo waa Rabi Towbada Aqbalee.

Waxaana xasuusin mudan Nabiga marka la leeyahay dembi dhaafna Rabigaa ka dalbo inay tahay nooc Mahad Celinta Rabi ka mid ah laakiin Nabiga wax Dembi ah ma laheyn oo wuxuu ahaa Macsuum, hase yeeshee waxaa la leeyahay Markaad gaarto Maalintaas Guusha Xambaarsan ee aad Makah Furato Dadka Diinka Islaamka soo Raacayana ay fara bataan rabigaa Xus diyaar garawna Aajashaadii ayaa dhawaataye.
π’π¨π¨π¦πšπšπ₯𝐒𝐝𝐚 ππšπ›π’π’π₯ 𝐦𝐒𝐬𝐞 πƒπ’π’π§π­πš

ππšπ²π›π­π’π’ 1𝐚𝐚𝐝

ππšπ²π›π­π’π’ 2𝐚𝐚𝐝

waxa ku jirey arrimo badan oo caqiido ahaan marka diinta Islaamka la joogo khalad ah, bilmetel; Garta Soomaalida waxa lagu qaadaa saddex arrimood oo kala ah: Qiraal, Makhraati iyo Millad oo dhaar ah. Tan u dambaysa waa halka xeerka iyo qabiilku uu noqdo caqiido. Soomaalidu waxa ay marka ay xeer joogto ku dhaaran jirtay dhaar diin ahaan khalad ah, bilmetal, waxa la odhan jirey: β€œxero oodan baad ku jirtaa, waxa aad haysaa dhagax; ma dhalo, oo ma dhiiqo, inaad arrintaa wax lagaa weyddiinaayo been ka sheegaynin ma tii Ilaahay sida dhagaxa kaa dhigaa baa.” Halka qofka Soomaaliga ah magaca Ilaahay lagu dhaarin laaha mirtaa baa kaga kulul. Eeg (Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed, bogga 290). Sida uu I. M. Lewis ku tilmaamay buuggiisa: β€œdimuqraaddiyadda raacatada/ A Pastoral Democracy” Soomaalidu waa bulsho qaab dhismeedkeeda qabiil uu yahay mid dega oo aan meel gaar ah ku istaagin, waana waxa uu
I. M. Lewis u bixiyey: β€œsegmentry leanage system.” Marka haddii qaab dhismeedka qabiilka Soomaaliyeed uu yahay mid dega jifi walba oo hoose waxa ay lahayd β€œxeer.” Si guud na qabiillada waxa ka dhexeeyey xeer, waana halka ay caanka ka noqotay weedha caanka ah ee la yidhaahdo marka dhib dhaco ee ah: β€œmaxaa xeer innoo ahaa.”
Soomaalidu waxa ay aaminsan yihiin, caqiido odhanaysa: β€œxeer la’aantiis waa la xooloobaa.” Si bulshadu dhaqanka raacatada ah ee kakan u xejistaan waxa ay hal-abuureen maahmaah ay ka mid tahay: β€œcaado la jaraa, cadho Alle ayey leedahay.” Odeygii Soomaaliyeed ee lagu yidhi gabadha wiilkaagu qabay ma guursan kartid, oo diinta ayaa xaaraantimaysay, waa tii uu isna yidhi: β€œkitaab Alle dan tay ma oga.” Soomaalidu waxa ay aamisan yihiin xoogga iyo dirirta, waxana hal ku dhig u ah maahmaahda odhanaysa: β€œnin aan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo.” Cabdiqaadir Aroma buuggiisa β€œTaangiga Tigreega” waxa uu ku soo guurinayaa maahmaahyo ay Soomaalidu adeegsato oo caqiidada diinta Islaamka ka soo horjeedda. Maahmaahyada uu xusay waxa ka mid ah:

↛Rag ciil cadaab ka dooray.
↛Rag iska dhici iyo Rabbi ka ↛cabso isma raacaan.
↛Bisin nin xoog leh baa bi’iyey.
↛Nin xoog leh baa xaajo u toostaa

π‹πšπ¬π¨πœπ¨ ππšπ²π›πšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐞
Ads πŸ”Ίβœ–οΈ ka warhay 500,000+ Soomaali oo ku jira Telegram!

Star Tech waa shabakad hormuud u ah Midowga Telegramers-ka Soomaaliyeed oo ka kooban in ka badan 30+ channels oo ay ku xiran yihiin dad ka badan 500,000 oo Soomaali ah.

πŸ“’ Tani waa tiro sax ah oo hubo oo la isku halayn karo 100%βœ… 

βœ… ADDEEGYADA STAR TECH

➑️Xayaysiis digital oo beegsanaya Tirada Dadka somaliyeed ee aad u baahantahay.

➑️  Samaynta, qaabaynta iyo nashqadaynta sawiradda iyo muuqaalada xayeysiiska.

➑️Hal-abuur iyo xirfado ku suurtagelunaya inaad Ganacsigaaga ka dhigto hela macaamiil dhab ah.


Maxaad sugaysaa?

Ku xayaysii ganacsigaaga Star Tech oo hel macaamiil iyo subscribe xadi badan muddo kooban Gudaheed.! 1️⃣ πŸ‘

πŸ“ž Nala soo xiriir maanta si aad u bilowdo!

HALKAN TAABO