๐Ÿ“š๐Š๐จ๐›๐œ๐ข๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š๐š๐๐š ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐Ÿ“š
20.2K subscribers
344 photos
11 videos
508 files
279 links
๐™บ๐š˜๐š‹๐šŒ๐š’๐™ฐ๐šš๐š˜๐š˜๐š—๐š๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ ๐š†๐šŠ๐šŠ ๐™ถ๐š˜๐š˜๐š‹ ๐šŠ๐šŠ๐š ๐š”๐šŠ ๐š‘๐šŽ๐š•๐š’ ๐š”๐šŠ๐š›๐š๐š’๐š
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™ณ๐š’๐š’๐š—๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™น๐šŠ๐šŒ๐šŠ๐šข๐š• ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐šƒ๐šŠ๐šŠ๐š›๐š’๐š’๐š”๐š‘๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐™ฑ๐šž๐šž๐š๐šŠ๐šŠ๐š ๐™ฟ๐š๐š
Download Telegram
Suurada 62aad Al-Jumcah

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Jumcaha maadama ay ka Hadasho Axkaam ku Saabsan Salaada Jumcaha, waxa ayna Muminiinta uga yeertaa in ay u Dagdagaan Gudashada salaada Jimcaha. Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada As-Saff ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Qeyta Labaad ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Jumcah:

Suuradan waxay Xooga saartaa dhanka Sharciga, waxa ayna si gaar ah u Faahfaahisaa Sharciyada ku Saabsan Salaada Jimcaha Gudashadeeda taas ah waajib Muslimiinta Saaran, waxaana Suuradan lagu Faray in ay Joojiyaan Beeca Salaadana u dagdagaan maalinta Jimcaha marka la Aadaamo Salaada Jimcaha..
Suurada 63aad Al-Munaafiquun
Suuradaan waxaa loogu magac daray Al-Munaafiquun Maadama ay Dul ahaan ka Hadasho Xaaladaha Munaafiqiinta iyo Akhaalaaqdooda. Suurada waa Madaniyah, Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaj ka dib, waxa ayna Juz ahaam Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta Labaad ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Munaafiquun:

Suuradan waxa ay ka mid tahay Suuradaha Sharciga Xooga saara, gaar ahaana waxaey uu Suuradan ka Sheekeysaa Diinta Islaamka Xaga camal ahaan, waxaa ayna Suuradan dadka u Tilmaantaa Dhaqamada lagu yaqaano Kooxda loo yaqaan Munaafiqiinta.

Kooxdaan waxa ay ka mid tahay Sadax Koox ay ay u kala Qeybsamaan Dadka Dunida ku Nool marka loo eego Xaga Laabta waxa ay ka Aaminsan yihiin.

Kooxda koowaad waa muminiinta oo ah kuwa rumeysan wax walba oo ay aheyd in ay diin ahaan u Rumeeyaan. Kooxda sadaxaadna waa Gaalada oo ayaga kala ah noocyo sida ahlu kitaabka (Yuhuud iyo Nasaaro) iyo mushrikiinta.
Baraarujin:

Munaafiqnimada waa Afka oo la Ashahaato Dhaqan ahaana Islaamnimo la Muujiyo ayadoo Laabatana Diin kale lagu qarsado, waa Dhaqan aad u Xun Nifaaqa, Munaafiqu waxaa uu ka Sharbadan yahay Gaalada waxaana daliil u ah in Cadaabka Jahanama Halka u hooseysa la galiyo asagoo ku waaraya, waxaa uuna Allaah kaga waramay Munaafaqa Suurado fara badan oo Quraanka ka mid ah, Nifaaqana waa laba Nooc oo midka weyn Diinka ayaa looga baxaa.

Munaafaqnimadu waa wax Laabda ku qarsoon oo aysan jirin cid aan Alaah aheyn oo si gaar ah dadka uga Ogaan karta, sidaa darted Munaafiqiintu waxa lagu dhaqmaa in ay Muslimiin yihiin maadaama ay Muslimnimo Muujiyeen.

Munaafiqiintu waxaa Quraanka Tilmaamay Astaamo Dhaqamadooda ka mid ah ruuxii faahfaahin u Baahana waxaa uu ka baari karaa Suuradaha Al-Baqra, At-Towbah, An-Nisaa, Al-Axzaab iyo Suurado ay ka mid tahay Suuradan Al-Munaafiquun.

Waxaa xasuusun mudan Munaafaqnimada waa wax Ruux walba oo Muslim ah looga baahan yahay inuu ka digtoonaado waxaana ka Cabsan jiray Nifaaqa Saxaabadii fadliga Badneyd sida Cumar Ibnu Khadaab, xandala iyo Guud ahaan salafka oo dhan, arintaas waxay muujineysaa in aysan banaaneyn Is amaanida iyo ku Tilmaamida Nifaaqa Umada Muslimiinta ah waana inuu ruux walbaa Naftiisa ka ilaaliyo.
Suurada 64aad At-Taghaabun

Suuradan waxaa loogu Magac daray At-Taghaabun, taasoo loola jeedo in ay imaan Dooto maalin Dadka aysan Fursad u Helin in ay Ziyaadsadaan wax Kheyra ayagoon Fileyn, Maalintaas kan Gaalka ah ma Helaayo Fursad uu Gaalnimada kaga Toowbad keeno, kan Muslimka ahna ma Helaayo Fursad uu Kheyrka ku Kordhisto.

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 18 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Taxriim ka dib, Juz ahaana waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta labaad ee Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Taghaabun:

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Sharciyada , waxaase u Dheeraad ah ina ay Caqiidada usoo Gudbiso si la mid ah sida ay Suuradaha Makiyada ah usoo Gudbiyaan si la mid ah.
ูˆูŽุฅูุฐู’ ู‚ูŽุงู„ูŽ ู„ูู‚ู’ู…ูŽุงู†ู ู„ูุงุจู’ู†ูู‡ู ูˆูŽู‡ููˆูŽ ูŠูŽุนูุธูู‡ู ูŠูŽุง ุจูู†ูŽูŠู‘ูŽ ู„ุง ุชูุดู’ุฑููƒู’ ุจูุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุฅูู†ู‘ูŽ ุงู„ุดู‘ูุฑู’ูƒูŽ ู„ูŽุธูู„ู’ู…ูŒ ุนูŽุธููŠู…ูŒ

(xusuuso) markuu ku yidhi Luqmaan Wlkiisa isagoo waanin Wilkayow Eebe hawshariigyeelin, shirkigu waa dulmi weyne.
Suurada 65aad Adh-Dhalaaq

Suuradan waxaa loogu Magac daray Adh-Dhalaaq (Furiin), Maadama ay Suuradaan ka Hadashay Sharciyada ku Saabsan Noocyada Furiinka, sida Furiinka Sharciga waafaqsan iyo kan Bidciga ahba. Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 12 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Insaan ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 27aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ad-Dhalaaq:

Suuradan waxay ka Hadshaa Sharciyada Qoyka ku Saabsan, waxa ayna Faahfaahin ka bixisaa arimaha ku Saabsan Waqtiyada Furiinka Munaasafka yahay Hadiiba loo baahdo, Cidada ay Tirsaneyso tan la Furay, Masruufka iyo Deegaan ahaan Xaqa ay yeelan karto Haweenta la Furay, iyo Sidoo kalana waxey Suuradan ka Hadashaa Sharcida Quseeya Nuujinta Caruurta i.w.m.
โœ‰๏ธSuurada 66aad At-Taxriim

Suuradan waxaa loogu Magac daray At-Taxriim, maadama ay ka Hadasho in Nabiga lagu yiri Maxaad isaga xarimeysaa waxa uusan Alle (Cw) kaa Xarimin.
Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 12 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Xujuraat ka dib, waxa ayna ku Beegan tahay Dhamaadka Juzka 27aad.

Macanaha Guud ee Suurada At-taxriim:

Suuradn waxay ay ka Hadashaa Sharciyada ku saabsanaa Guriga Nabi Muxamad (Scw) iyo Hoyooyinkii Mumniinta Xasaskiisii gaar ahaan Xafsa iyo Caaisha (Allaha ka Raali Noqdee).
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ

โ™ฆ๏ธRabboow inta lagu xis guuro
โ™ฆ๏ธRabboow inta lagu xumaado
โ™ฆ๏ธRabboow inta laga xishoodo
โ™ฆ๏ธRabboow inta lagu xujoobo
โ™ฆ๏ธRabboow inta xuladka naarta
โ™ฆ๏ธRabboow inta nagu xaraysa
โ™ฆ๏ธRabboow ka xoree naftayda
โ™ฆ๏ธRabboow iga xoor iblayska
โ™ฆ๏ธRabboow xaqa igu hanuuni
โ™ฆ๏ธRabboow ka xal laabta iinta
โ™ฆ๏ธRabboow balo iga xijaabo
โ™ฆ๏ธRabboow igu xeer wanaaga
โ™ฆ๏ธRabboow xasishaa quluubtu
โ™ฆ๏ธRabboow xafidaa quraanka
โ™ฆ๏ธRabboow inta xuural caynta
โ™ฆ๏ธjanada meel kula xadraysa
โ™ฆ๏ธRabboow Inta Meel Xabiibka
โ™ฆ๏ธRabboow Xaruumaha fardawsa
โ™ฆ๏ธRabboow inta kula Xeroota
โ™ฆ๏ธRabboow iga yeel Xisaabta.
โ™ฆ๏ธRaboow Ha Dilin Xumaanta
โ™ฆ๏ธDunuub Xili Aan Ku jeedo.
โ™ฆ๏ธRaboow Ha I Dilin Xagaaga
โ™ฆ๏ธAnoon Xurmo Badan ku yeelan
โ™ฆ๏ธRaboow Ha Dilin Xidhiidhka
โ™ฆ๏ธXuskaaga Anoo Ka Gaabshay
โ™ฆ๏ธRaboow ha igudilin Xaraanta
โ™ฆ๏ธXalaal Anigoo U Haysta
โ™ฆ๏ธRaboow ha I dilin Xuduudka
โ™ฆ๏ธAnoo Xadka dhaafay eeda
โ™ฆ๏ธRaboow Ha I Dilin Xishoodka
โ™ฆ๏ธAnoo Xooroo Ka Maydhan
โ™ฆ๏ธXaq Waeeyee Dhimashadayda
โ™ฆ๏ธAnoo Xadhigaaga Haysta
โ™ฆ๏ธTasbiixdana Xoojinayaa
โ™ฆ๏ธAnoo Xamdi Kuu Naqaaya
โ™ฆ๏ธSujuudana Kugu Xussaaya
โ™ฆ๏ธXagaaga Raboow ku Jeeda
โ™ฆ๏ธI gee iilkiyo Xabaasha
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
ูŠุงุฑุจูŠ ุตู„ูŠ ูˆุณู„ู… ู„ู†ุจูŠ ู…ุตุทููŠ

WAKHTIGU WAA
MAALMO SII JEEDEE
ADUUNYADA RUUX
MA JOOGAAYEE

NINKII JAQAYEE
NIMCADA KU JIROW
WAD BAA JIRA
MAALIN KAA JARAYEE

INTII JECEL EE
JIDKIISA MARTAA
JANNADA NABBIGEY
LA JAAR NOQON
Suurada 67aad Al-Mulki

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mulki maadaama ay ka Hadasho Mulkiga Alle (Cw) inuu Koobay wax kasta sida Koonka Insaanka iyo waxa walba uu Koonka ku Dhex jira.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 30 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Adh-Dhuur ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mulki:

Suuradaan waxa ay si Faahfaahsan uga Hadashaa Asaaska Caqiidada Muslimka, waxa ayna Suurada ka Abaartaa Sadax Dhinac oo Muhiim ah.

1-In ay Cadeyso Weynida Alle (Cw) iyo Awooda uu u leeyahay Nooleynta iyo Dilitaankaba.

2-In ay Xujooyin iyo Cadeymo Cadcad u keento Alle (Cw) Kali ahaanshihiisa.

3-Waxey Suuradan Cadeysaa Ciribta xun ee ay la Kulmaan kuwa Inkira isoo soo Nooleynta (isi soo Bixinta) Maalinta Qimaaha.

Suuradaan Guud ahaan waxaa isku Tilmaamaay Allaah inuu Weyn yahay wax la mida ah ma la awoodana aysan jiray, Allaah ayaa Naftiisa ku amaanay xaq ayuuna u leeyahay wayo kan Abuuray Cirka aad Dilaaca laheyn iyo Dhulka Taagan ee Biyaha iyo Buurahaba Awoodiisa ku Uumay, sidaa darted Abuurka allaah ha ahaado dad, malaaig ama Jiniba uma banaana in ay weyni iyo Awood iyo Amaanba naftooda ku Sheegaan darajo kasta ay gaaraan
๐ŸŒฟCiid Mubaarak Ciid Al-Fidri.
Waxaan marka hore u mahad celinayaa Ilaahay oo ah Macbuudka Xaqqa ah.Dhammaan ummadda islaamka gaar ahaan bulsha-weynta  soomaaliyeed meelkasta oo ay aduunka ka joogaan,
waxaan idin ku hambalyanayaa munaasibadda Ciid AL-FIDRIGA.
Waxaanidin leeyahay:โ€ Ciid mubaarak, kulu caam wa antum bikheyr, taqabbal alaahu minna wa min kum saalax
al camaalโ€.Ilaahey ha inaga aqbalo cibaadadii suubanayde aynu soo gudaney bisha barakaysan ee Ramadaan, ciidan ciideeda kale na Allah ha inagu gaadhsiiyo bash-bash , barwaaqo iyo nabad-qab.
๐ŸŒนEid Fidr! ๐ŸŒน
โ€œKullu โ€˜caam wa antum bil-khayr!โ€
(ูƒู„ ุนุงู… ูˆ ุงู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ)
โ€œTaqabbala Allahu minna wa minkum.โ€ (ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู…)
Meel kasta oo aad dunida ka joogtaann waxaan idiin rajeyneynaa Ciid Wanaagsan.