Faafinta kheyrka
7.36K subscribers
625 photos
117 videos
51 files
692 links
قال النبي صلى الله عليه وسلم بلغو عني ولو ءاية

Wuxuu yidhi nabi muxamed ﷺ:- iga gaadhsiya ayaadna hanoqotee

Kusoo biir chanelkena kale

@Siiradii_Nabiga_scw
@Faafinta_khayrka

Wixii su'al ama talo bixin ah👇

@moha_zahid
Download Telegram
Forwarded from Cugeygii Cilmiga
Oraahda Jimcaha " Qur,aanka Wardi ka yeelo "

Akhrinta Qur,aanka wardi ka yeelo maalin kasta ehelka iyo awlaadana wehel ooga dhig oo ku dul akhri wardigaada qayb kamid ah. Sababta oo ah Qur,aanku waa caafimaad waana gaashaan sidoo kale waa wehel aadan helaynin isagoo kale.

Guryaha lagu akhriyo Qur,aan waxay dhulka dushiisa ooga dul ifeen sida ay xidiguhu ooga ifaan samada, waxaana gurigaas hadheeyo farxad, barwaaqo, badhaadhe iyo kheyr dhamaantii, muusibana ma soo heer marto, shay kastana ALLE wuxuu ooga dhigaa sahal.

Dumarku waxay samayn karaan in maalin kasta suuratul Baqarah ka shidaan gurigooda, iyagoo sameecad isticmaalayo ama mobelka, haday ayagu akhrin karaan oo gabadhu Qur,aanka taqaanana ka sii fiican, suuratul Baqarah guriga lagu akhriyo shaydaan iyo xigaal kiisu kama soo ag dhawaadan waana gaashaan adag.

Qur,aanka Kariimka waa gu,ga qalbiga ku beero daganaansho iyo kalsooni nafeed iyo dareen farxadeed.

Cabdisamad Sheekh Xassan
Ilaahay sw Ha'unaxariisto #Mufti Yaks oo ahaa wiil da'ayar oo daaci ree Nigeria ah; xalay ayuu geeriyooday, wuxuu ahaa nin dhalina oo codkara, dadkana xaqa u caddeeya marwalba xagga Rabbina ugu yeedha, in badana ayaan baraga bulshada ku arki jiray isaga oo dadka wacdinaya, runtii aad ayaan uga naxay geeridiisa..

Youtube ka raadi ama bogiisa ay dadka 300kun ka badan ku xidhanyihiin dib u raac😭

Sheekha caanka ah ee Ree Zimbawi #Mufti Menk oo usoo tacsiiyey unbaan hadda arkay, runtii waa geeri xanuun kulul, Ilaahay ehelkiisii samir taam ah haka siiyo isna haka mid dhigo kuwa carshiga Ilaahay hadhsada maalinta qiyaame.

كان شابا نشأ في عباذة الله نحسبه كذالك ولا نزكيه على االله

Very sad news indeed 😢 May Allah grant Him entery into Jannah without reckon.
Forwarded from صحيح البُخاري ومُسلم (أبو عبد الرحمن المغربي)
👈🏽 (( بَابٌ : فِي الْكَفَافِ وَالْقَنَاعَةِ ))

▪️عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : (( قَدْ أَفْلَحَ مَنْ أَسْلَمَ، وَرُزِقَ كَفَافًا ، وَقَنَّعَهُ اللَّهُ بِمَا آتَاهُ ))

📚 صحيح مسلم - رقم : (1054)

كَفَافًا : الكفاف هو ما كان قدر الحاجة ويغني عن السؤال .

▪️قال ابن حجر رحمه الله :

ومعنى الحديث : أن من اتصف بتلك الصفات حصل على مطلوبه، وظفر بمرغوبه في الدنيا والآخرة .

📚 فتح الباري لابن حجر : (275/11)

▪️وقال المناوي رحمه الله :

رُزق كفافًا، وقنَّعه الله بالكفاف، فلم يطلب الزيادة .

📚 فيض القدير : (508/4)

▪️وقال المباركفوري رحمه الله :

كفافًا : أي ما يكف من الحاجات، ويدفع الضرورات ، وقنَّعه الله : أي جعله قانعًا بما آتاه .

📚 تحفة الأحوذي : (508/4)

▪️وقال القرطبي رحمه الله :

أنَّ من فعل تلك الأمور واتصف بها فقد حصل على مطلوبه، وظفر بمرغوبه في الدنيا والآخرة .

📚 المفهم لما أشكل من تلخيص مسلم : (99/3)

https://t.me/sahehlbokhari
Forwarded from Faafinta kheyrka (Maxamed Shekh Axmednur)
أذكار الصباح 🌄 🌅
دونكم كتاب :
Waafi

Miyuu Ibnu Taymiya u gefay Cali R.C ?

هذا الكتاب هو رد مفصل على اتهام شيخ الإسلام بن تيمية بسب علي رضي الله عنه والطعن فيه ؛ الكتاب باللغة الصومالية
Forwarded from Faafinta kheyrka
Tobanka maalmood ee Adduunka ugu fadli badan. !!!

Rabbi sw dadka wuu kala fadilay oo Nabi Muxammed ﷺ ayaa ugu fadli badan, dhulkana wuu kala fadilay oo Makka iyo Madiinaa ugu fadli badan, sidoo kale wakhtiga Alle wayne wuu kala fadilay waxaa maalmaha ugu fadli badan maalinta Jimce, halka habeenada, habeenka laylatul-qadrigu yahay habeen ka fadli badan kun bilood, waxaa kamida wakhtiyada ugu fadli badan tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha Carrafo. ( Dul xijah )

Markuu Allaah sw adoomadiisa jeclaysiiyay inay booqdaan gurigiisa sharafta leh waxaa iska caadi ah in qof kasta awoodi kareyn inuu tago xaramka sidaa darteed ayuu Allaah sw qofka karaya cimirigaiisa dhan hal mara xajka ku waajibiyay, tobanka maalmood ee ugu fadli badan aduunkana dhextaal ooga dhigay ka xajinaya iyo kan kale ee kari waayayba, qofkii Kari waaya inuu xajiyo wuxuu awoodaa isagoo gurigiisa jooga inuu shaqaysto camal ka fadli badan ka muujihidka soo laabtay xataa !

Allaah sw maalmahan wuu ku dhaartay waxaan qiimo weyn lahayna Alla Wayne kuma dhaarto.

{ وَالْفَجْرِ ○ وَلَيَالٍ عَشْرٍ ○ وَالشَّفْعِ وَالْوَتْرِ . }

Sidoo kale Alla Wayne maalmahan wuxuu ina faray inaan xuskiisa badina badino wuxuuna ku tilmaamay maalmo laysla yaqaano.

{ وَيَذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ فِي أَيَّامٍ مَعْلُومَاتٍ. } -

Waxuu yidhi Nabi Muxammed ﷺ: "Ma jiraan maalmo camal la qabtaa ka fadli badanyahay maalmahan " Waxaa la waydiyay Suubanaha ﷺ : Ma xataa Jihaadka!? " haa xataa jihaadka marka laga reebo nin naf iyo maalba la baxay oon waxba lasoo laaban." ( shahiiday hantidiisiina la qaatay )

Wuxuu yidhi Nabi Muxammed ﷺ: Xadiith uu warinayo Jaabir: " maalmaha adduunka waxaa ugu fadli badan tobankan maalmood "

Wuxuu Abuu qataada wariyay xadith uu soo saaray Muslim inuu yidhi Nabi Muxammed ﷺ : "Soomitaanka maalinta carafo waxaan rajaynayaa in lagu dhaafo danbiga sanadkii tagay iyo sanadka soo socda" waa maalinta 9aad waxaana soomitaanka maalintan loo sunneeyaa qof kasta oon acmaasha xajka ku guda jirin.

Wuxuu yidhi Anas ibnu maalik rc: Maalmahan tobankaa maalin walba oo kamida waxay u dhigantaa xagga fadliga 1000 maalmood maalinka carafana ( 9aad ) 10,000 maalmood. Shucabul-iimaan 3/358📓

Abuu hurayra iyo Cabdullaahi ibnu cumar maalmahan marka la gaadho suuqa intay usoo baxaan ayay kor takbiirta u qaadi jireen. ( Allaahu akbar Allaahu akbar Allaahu akbar )

Wuxuu yidhi Xassan Al basri: Hal maalin oo laga soomo tobanka hore ee carafo waxay u dhigantaa labo bilood soonkood. Addurar-Al-manthur 8/501📓

Wuxuu yidhi Abu cuthmaan An-nahdi: Waxay salafku waynayn jireen Afar tobnaad: Tobanka danbe ee bisha Ramadaan, tobanka hore ee bisha Carafo, iyo tobanka hore ee bisha Muxarram.

Waxaa la waydiiyay Shaykhul islaam Ibnu taymiyah : Midkee fadli badan Tobanka ugu horeeya bisha dul-xijah ( carafo ) iyo tobanka u danbeeya bisha Ramadaan ? Wuxuu yidhi sheekhu: Haday noqoto habeenkii waxaa fadli badan tobanka danbe ee Ramadaan, haday maalinka noqotana waxaa fadli badan tobanka hore ee bisha Dul-xija. ( carafo ) 📓 Majmuucul Fatawa 25/154.

Waxaa kamida waxyaabaha layna faray maalmahan qofka doonaya inuu udxiyo gawraco inuusan tintiisa iyo cididiisa jarin tobankan cisho. Umu salama waxay ka warisay Nabiga ﷺ inuu yidhi: " Markii tobankan la galo ee midikiin doono inuu udxiyaysto uusan taaban tintiisa iyo cididiisa toona. "

Waxaa layna Faray maalmahan inaan gabiba khayrka badino, hadday Salaad noqto, soon, sadaqo, qur'aan akhris, saaltu-layl, udxiyo, badinta saliga Nabiga ﷺ qaraabo xiriirinta, marti sooridda, tasbiixda ( Subxanallah ) taxmiidda ( Alxamdullilaah) tahliisha ( Laa ilaaha Illa-Allaah ), takbiir (Allaahu akbar. ) xawqala ( laa xawla walaa quwata Ilaa billaah) iwm

UGU DANBEYN:

Ka dheeroow xumaanta mar walba gaar ahaan wakhtiyada fadliga badan iyo bilaha xurmada leh, waayo xumuhu wuu ka danbi badanyahay wakhtiyada kale.

Laasii wadaag walaalahaa

✍️ Maxamed Shekh Axmednur

https://www.facebook.com/share/p/v89NzqvHdhptgjxX/?mibextid=oFDknk
Maalinkan maanta ah maalin ka kheyr badan majirto, wax la dhahana waxaa ugu fiican Tawxiidka¹ maalintan weyn aynaan dhayalsan.

¹ Waxuu yidhi Nabi Muxammed NNKH:

Duco waxaa ugu kheyr badan ducada maalinta Carafo, waxaan dhaho ani Anbiyadii iga horraysayna waxaa ugu kheyr badan.

« لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ، وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ»
Maanta waa maalin wayn ducada yaan lagaa badinin, umuurahaada ALLE u bandhigo.

Dhalinyaro ALLE aynu isku bandhigno. Duco lagu ducaysto maanta, waxaa oogu fadli badan ducadan 👇