Faafinta kheyrka
7.44K subscribers
628 photos
118 videos
51 files
693 links
قال النبي صلى الله عليه وسلم بلغو عني ولو ءاية

Wuxuu yidhi nabi muxamed ﷺ:- iga gaadhsiya ayaadna hanoqotee

Kusoo biir chanelkena kale

@Siiradii_Nabiga_scw
@Faafinta_khayrka

Wixii su'al ama talo bixin ah👇

@moha_zahid
Download Telegram
Waxa aan 1:30 duhurnimo ee maalinta berri ku faafin doonaa boggan Telegram ee Faafinta Kheyrka jawaabta weedhsame iyo faahfaahinta hadalka Sheykhul Islaam Ibnu Taymiyah oo ah qoraal dheer una baahan samir iyo u fiirsasho.
Maxaa aalaabaa loo hadal hayaa Ibnu Taymiya !?

Bodcast-gan waxaa Lagu magacaaabaa #Khudwah waa afar xalaqo waxaana si qurux badan u daadihinaya Sheekha caanka ah Dr yaasir Al xuzaymi oo ah ninka boodkaastigiisa caalamka dadka ugu badan dhagaysteen ( waa xalaqadii calaaqaadkee ) halka uu soo jeedinayo Sheekh Dr Naasir Al xumaydi. Waxaa uu si mug iyo meeqaam sare leh uga hadlayaa una qaadaa dhigayaa Taariikhda iyo mawaaqifta Sheikhul Islaam Ibnu Taymiyah AHUN

Wuxuu ooga waramayaa: Cilmigiisii, cibaadadiisii, deeqsinimadiisii iyo dood aqoonimadkiisii, aanan hadal kugu daaline waakane soo daawo

https://youtube.com/playlist?list=PLQEt0FQkwbwHWObikETzgD2T8rwNpulLl&si=IPvvG7SbX6NfIKm2
Argumentum ad hominem / Maangadka Shakhsi weerarka / مغالطة الشخصنة
Maangadkani waa in aad doodda kaasoo horjeedda isku deydo in aad ku buriso liidida qofka doodda leh, oo tusaale ahaan doodda ah 3-2=1 waa dood qumman iyada oo aynaan eegin cidda doodda leh in ay innagu tahay cadaw ama inaga soo horjeeddo.

Maangadkani waa mid aad ugu faafsan doodaha bulshada dhexdeeda ku faafsan , qisooyinka anbiyada marka aad akhridana waa waxyaalaha ugu badan ee nebiyada lagala hor yimi !!

Tusaalaha koowaad:

Xildhibaan Weheliye: " Waxa odoros maaliyadeed ina soo hordhigay wasiir (X) taas oo uu rabo in loo ansixiyo"

Xildhibaan Warmooge: "Waxa aad wada ogsoon tihiin in Wasiir (X) yahay tuug musuqmaasuq badan, waxa u uku naasnuujiyaa odorosyadiisa qabiilka uu kasoo jeedo, side ugu ogolaan karnaa in loo ansixiyo odoros miisaaniyadeed"

Ufiirso doodda Warmooge ee ah shakhsi weerarka, waxa suuro gal ah in uu xaqiiqo ahaan ku sifaysan yahay wasiir (X) waxa uu Warmooge ku tilmaamay laakiin taasi sax ka dhigi mayso dooddiisa!!

Tusaalaha labaad:

Warfaa: Ibnu Taymiye waxa uu ahaa caalim weyn oo aad u maskax badan inbada waxa dhacda in lagu been abuurto!!

Warmooge: Waar wahaabi xunbaa tahay oo aan waxba garanayne, waqtigaagii wuu dhamaaday, timirtii sucuudigaad diintaadii dhaafsatay!!

Tusaalaha saddexaad:

Nebi Nuux Calayhi Salaam: Ilaahay kaligii caabuda waan idiin digayaaye.
Tolkiisii: Beni aadan nala mid ah baa tahaye, dadkii dadka ugu liitayna wat ku raaceen , waxna mana dheeride , beenta nagala tag!!!

‎﴿فَقَالَ ٱلۡمَلَأُ ٱلَّذِینَ كَفَرُوا۟ مِن قَوۡمِهِۦ مَا نَرَىٰكَ إِلَّا بَشَرࣰا مِّثۡلَنَا وَمَا نَرَىٰكَ ٱتَّبَعَكَ إِلَّا ٱلَّذِینَ هُمۡ أَرَاذِلُنَا بَادِیَ ٱلرَّأۡیِ وَمَا نَرَىٰ لَكُمۡ عَلَیۡنَا مِن فَضۡلِۭ بَلۡ نَظُنُّكُمۡ كَـٰذِبِینَ﴾

Warmooge waxa uu markasta iska laalaadinayaa shakhsiga doodda dhiibtay isaga oo waxka sheegaya shakhsiyadiisa indhahana ka laabanaya waxa qofka kasoo horjeeda ay dooddiisu tahay.

Laylis: Faahfaahi maangadkan iyo sida uu ugu dhacay Mohammed Deeyoo
عشرةُ أشياء ضائعةٌ لا يُنتفع بها:

علمٌ لا يُعمَل به، وعملٌ لا إخلاصَ فيه ولا اقتداء، ومالٌ لا يُنْفَقُ منه فلا يَستمتِعُ به جامعُه في الدُّنيا ولا يُقدِّمُه أمامَه إلى الآخرة، وقلبٌ فارغٌ من محبة الله والشوق إليه والأنس به، وبدنٌ معطَّلٌ من طاعته وخدمته، ومحبةٌ لا تتقيَّدُ برِضىَ المحبوب وامتثال أوامره، ووقتٌ معطَلٌ عن استدراك فارطٍ أو اغتنام برٍّ وقُربةٍ، وفكرٌ يجولُ فيما لا ينفعُ، وخدمةُ من لا تُقرِّبُك خدمتُه إلى الله ولا تعودُ عليك بصلاح دُنياك، وخوفُك ورجاؤُك لمن ناصيته بيد الله وهو أسيرٌ في قبضته ولا يَملِك لنفسه ضرًّا ولا نفعًا ولا موتًا ولا حياةً ولا نشورًا.
وأعظمُ هذه الإضاعات إضاعتان هُما أصلُ كلِّ إضاعةٍ: إضاعةُ القلب وإضاعةُ الوقت؛ فإضاعة القلب من إيثار الدُّنيا على الآخرة، وإضاعةُ الوقت من طول الأمل.

فاجتمع الفسادُ كلُّه في اتباع الهوى وطول الأمل، والصلاحُ كلُّه في اتِّباع الهدى والاستعداد للِّقاء. والله المستعانُ.

ابن القيم | الفوائد
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM