🌹Warbaahinta Tubta Toosan🌹
15.1K subscribers
742 photos
324 videos
36 files
262 links
Cilmi sharci ah, Aqoon-raadis, Xaqiiqo-ururin iyo Xog-baadhis.

تمّ تأسيس القناة 2020/12/20 بواسطة
https://t.me/jannadoone
Download Telegram
“Caynaan fardood laguma karo caalim taw yidhiye” _ Timacadde AHUN.

{احْذرُوا مِن زَلَّة العَالِم؛ فإنَّه إنْ زَلَّ زَلَّ بزَلَّتِه عالَمٌ} رفع الملام عن أئمة الأعلام لشيخ الإسلام ابن تيمية رحمه الله

Meeriskaa iyo hadalkaa Ibnu Taymiya waxa ay daarran yihiin haddii uu duublaha wadaad xaqa ka weecdo, keligii uun ma lumayee waxa uu sii jiidanayaa xayn dhan oo caammo ah. Waxa ay daliishanayaan ficilkiisa; waayo falku waa uu ka saamayn badan yahay erayga, markasta oo uu xumaan sameeyo waxa uu u helayaa wadaad sinbiriirixday ama qalinduurre aan aqoon badan lahayn oo kitaabgaab dadka hoda ahaa.

Suugaanleyda Soomaalidu taas caan bay ku ahaayeen, tusaale ahaan marka ay xoolaha kala dhacaan, waxa ay ku xalaashan jireen sh hebelba waa kii sidaas yeeli jiray, oo diinta waa kaa yaqaannaye oho ka dheh wadaadoow
Bal eeg Cali Dhuux AHUN oo xeryo-madoobeeyey xertii Daraawiisheed sida uu falkii xaajiga u xujeystay:
“Sayidkii wadaaddoo dhan xidhay weris xalaaleeye
Xaaraan hadduu yahay maqdaca xila ma qaadeene
Aakhiro xisaab malaha geel oo xaquba sheegye
Xoolaha kaleetiyo isagu waaba kala xeere
Haddaan xaajiyadu weerarayn xer uma duuleen”

Isna waxa sidaas si la mid ah yeelay ninkii la odhan jiray Faarax Laanjeer AHUN ee laacibka ku ahaa tabta xabbaadha geela loogu leeddafuulo, isagana haddii arrinkaas laga la hadlay waxa uu yidhi
“Wadaadkii Xadeed iyo fadhiyey xarun Daraawiishta
Xaafidal Qur'aan buu ahaa soo xajiyey dhawre
Isagaba xaq iyo baaddil wow kala xarriiqnaaye
Xaaraan hadduu yahay fardaha kuma xarraansheen”

Labadaas odayba waxay xujaysteen falkii Sayidka, malaha waxa ay ka duuleen eraygii ahaa من قلد عالما لقي الله سالما
Laakiin tolow kee caalim ahaa! Maxaa se lagu qallidan karaa hadduuba caalim yahay? Al-macluum minal diini bil daruurah ma wadaad baa beddeli kara?

Almuhim maanta qudheeda qolo wadaaddo ah ayaa sharka hor booda, qaarkood dagaallo-beeleedka ayey jihaad ka dhigaan, qaarna qaraxa shacabka Soomaaliyeed bay ka faashleeyaane “Iska hubiya aakhirona waa lama huraankiiye” _ Salaan Carrabey AHUN
Taxanaha Dhibbane:
Qormada 2aad
Nebi Muuse CSW.

Nebi Muuse CSW maalin maalmaha ka mid ah waa kii magaalada ku arkay laba nin oo dagaallamaaya, labada mid ka mid ahi waa tolkii oo waa reer Banii Israa’iil, midna waa cadowgiisa oo waa Fircoon qoomkiisii, ninkii Muuse ay tolka ahaayeen ayaa hiil wayddiistay Muuse oo ku muusannaabay, dabadeedna Nebi Muuse CSW ayaa feedh ku dhuftay ninkii qoomka Fircoon ahaa, waa uu isgaylaamiyey oo feedhkii ayaa uu u dhintayba!

Nebi Muuse CSW arrinkaas waa uu ka qoomameeyey oo waxa uu yidhi:
“Waa camal shayddaan” Allena danbi-dhaaf ayaa uu wayddiistay, Allena waa ka aqbalay.

Nebi Muuse CSW magaaladii uu ninka ku dilay waa uu ka cararay oo naftiisa ayaa uu la firdhaday, waayo waxaa soo gaadhey warka sheegaaya in loo tashanaayo oo qoorwayntii ay Fircoon isku qoomka ahaayeen ay u tashanayaan, socod dheer oo laba lugood ah ayaa uu maciinsaday Nebi Muuse CSW, biyo iyo cunto ku filan midna ma sito, socod aad u dheer markii uu soo jaray ayaa waxa uu ku soo baxay ceel Madyan la yidhaahdo oo dadka iyo duunyaduba ka cabbi jireen, ceelka dad badan ayaa xoolo ka waraabsanaaya oo jooga, waxase meel ceelka u dhow xoolo ku hor jooga laba hablood oo dadka goonni ka ah, waa labo hablood oo soo dhex geli kari waayey darka xooluhu ka cabbayaan maadaama oo rag mooyee aan dumar u oonsanayn kaalinta ceelka rag keli ahina sararta isgeliyey, Nebi Muuse CSW markii uu arkay xaaladda labada hablood ayaa uu waraystay, oo waxa uu ku yidhi: “arrinkiinnu maxaa uu yahay?” waxa ay dheheen labadii hablood:
{قَالَتَا لَا نَسْقِى حَتَّىٰ يُصْدِرَ ٱلرِّعَآءُ ۖ وَأَبُونَا شَيْخٌ كَبِيرٌ}.
“ma waraabsan karno xoolaha jeer ay fulaan xoola-dhaqatadan kale, aabbahayana waa nin wayn oo da’ ah”.

Nebi Muuse CSW isaga oo daalkii iyo gaajadii qaba ayaa uu hablihii u waraabiyey adhigii, dabadeedna inta uu u fuliyey ayaa uu u jeestay geed ceelka u dhawaa hadhkiisa oo uu jiifsaday, dabadeedna gaajada, daalka, cidlada iyo xaaladda adag ee uu ku jiro inta uu ka fekeray ayaa waxa uu yidhi:
{رَبِّ إِنِّي لِمَا أَنزَلْتَ إِلَيَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِيرٌ}
“Rabbiyoow, wixii aad u soo dejiso xaggayga oo khayr ah sabool baan u ahay (waan u baahanhay)”.

Illeen gaajada iyo dhibaatada haysa waxa uu u gudbiyey Alle awood u leh, si degdeg ahna waa loo aqbalay codsigiisii arlada ka tegey ee uu u diray Allaha carshiga ka sarreeya, wax aanu filanaynna waa uu la kulmay Nebi Muuse CSW.

{فَجَآءَتْهُ إِحْدَىٰهُمَا تَمْشِى عَلَى ٱسْتِحْيَآءٍۢ قَالَتْ إِنَّ أَبِى يَدْعُوكَ لِيَجْزِيَكَ أَجْرَ مَا سَقَيْتَ لَنَا ۚ فَلَمَّا جَآءَهُۥ وَقَصَّ عَلَيْهِ ٱلْقَصَصَ قَالَ لَا تَخَفْ
ۖ نَجَوْتَ مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ}
“Waxaa u timi Nebi Muuse mid ka mid ah labadii hablood iyada oo soconaysa oo xishood iyo qajilaadina ay ka muuqato, waxana ay ku tidhi ‘aabbahay ayaa kuu yeedhaaya, si uu kuugu gudo mushqaayadda xoolihii aad noo waraabisay’ markii uu Muuse u yimi odaygii qisadiisii iyo warkiisiina uu uga warramay, odaygii waxa uu ku yidhi ‘ha cabsoon Muusoow, waa aad ka soo badbaadday duulkii daallimiinta ahaaye’”.

Ninkan waayeelka ah ee hablaha dhalay Nebi Muusena abaalmarinta ugu yeedhay mufasiriin badani waxa ay dheheen waxa uu ahaa Nebi Yacquub CSW, heshiis ayaana uu la galay Nebi Muuse labadii hablood mid ka mid ahna waa uu u guuriyey, Nebi Muusena CSW waa uu aqbalay heshiiskii inantiina waa uu guursaday, dhibtii gaajada iyo cabsida lahaydna halkaas ayaa ay ku hadhay.
🌱🌱🌱
Qisadan cajiibka waxaa ku duugan cibaarooyin waawayn iyo casharro aan la koobayn, Nebi Muuse CSW waxaa ku habsatay dhibaato weyn oo aan yasirnayn, cabsi ayaa haleeshay oo waa nin lagu raadjoogo oo nin diley, socdaal iyo safar dheer ayaa uu galay oo isna dhibtiisa wata, sahay la’aan iyo saad la’aanina waa ay haleeshay oo gaajo iyo harraadba waa uu la dhanqalmay, socod aan jiho, majare iyo meel ehel u yaallo oo uu ku jihaysan yahay aanay jirinna waa uu ku jirey, xawaare dheer markii uu jaray ee arladii uu falka ka gaystay uu ka fogaadey, isaga oo dhanqalan ah ayaa uu samafal sameeyey oo laba hablood oo caddiban ayaa uu culayskii ka qaaday, ka dibna geed hadhkii inta uu jiifsaday ayaa uu dhambaal diray, dhambaal aadame ma aanu dirin ee xagga Rabbi ayaa uu u dirsaday codsiga iyo cabashada, wixii khayr ah ee Alle u soo diro in uu baahi u qabo ayaa uu Alle wayddiistay, Allena si degdeg ah ayaa uu uga aqbalay oo gaajadii, daalkii, cabsidii, iyo socdaalkiiba geedkii ayaa uu kaga reebay!

Wax aanu filanaynna waa uu la kulmay, mushqaayad waa uu qaatay oo samafalkii uu sameeyey ajarna Ilaahay agtiisa waa uu kaga helay, adduunna waa lagu abaal mariyey, harraadkii iyo gaajadiina guri uu kaga eerto ayaa uu helay, cabsidii uu qabeyna waa ay ka hadhay oo qoomkaas waa aad ka soo badbaaddey ee ha cabsoon ayaa lagu yidhi, wehel la’aantii iyo cidladii uu dareemaayeyna waa ay isbeddeshay oo aroos ayaa uu isu beddeley iyo nin gashaanti cusub loo guri geliyey, socdaalkii aan jihada lahaynna waxa uu isu beddeley negaansho, waxaaba waxaa ka sii yaab badan guri Nebi iyo gabadh Nebi dhalay in uu nolol wadaag la noqday.

Dhambaalka gurmadka iyo gargaar-dalabka cidda koowaad ee aad u dirsataa ha noqoto Alle, wallaahay baan ku dhaartee ma jiro gurmad ka dheereeya kiisa, mana jiro cid kuugu gurmanaysa sida uu kuugu gurmado ee uu kuu garabsiiyo. Ha rejo-dhigin, ha quusannin, nolosha ka ha abdo xumaan, si kasta oo ay kuugu meegaaran yihiin inta nolosha cadowga u ahi, haddana waxa aad ogaataa in ay jirto cid cadowga kuugu beddeli karta sokeeye, goommanaantana kuugu beddeli karta dhereg iyo barwaaqo, cidladana kuugu beddeli karta wehel, cabsidana kuugu beddeli karta nabad, ciddaasina waa Allaah. Hadba inta aad ku xidhan tahay Allaah ayaa ay rejeda noloshaaduna ku xidhan tahay.
🔵 Kacaanka ⤵️⤵️ Telegram
━━━━━━━
🕋 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗜 🕋
[ 📥 JOIN ]@Diinteenna_Macaan
[ 📥 JOIN ]@Al_xakiim
[ 📥 JOIN ]@Quruxdaislaamka
[ 📥 JOIN ]@Hidaayatu_Rabi
[ 📥 JOIN ]@hogaan_Dumar
[ 📥 JOIN ]@Dhaqan_wanaag
━━━━━━
🏆 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗜𝗟𝗜𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗𝗢 🏆
━━━━━━
[ 📥 JOIN ]@XikmadoSom
[ 📥 JOIN ]@Dhiiragaliye
[ 📥 JOIN ]@Mucaashaq_Jacayl
[ 📥 JOIN ]@AishaAhmed99
[ 📥 JOIN ]@QalbiDhaye143
[ 📥 JOIN ]@kalimakariim
[ 📥 JOIN ]@xaqiiqadanolosha
[ 📥 JOIN ]@Albaanichannel252
[ 📥 JOIN ]@Ruuxda

━━━━━━━
🌷 Jacaylka & Oraahyo 🌸
━━━━━━━
[ 📥 JOIN ]@Dareen_side
[ 📥 JOIN ]@Hasancaashaq
[ 📥 JOIN ]@daren_jaceyl
[ 📥 JOIN ]@Mohametahmed
[ 📥 JOIN ]@Noqoxiddig
[ 📥 JOIN ]@FAAIDOCHANEEL
[ 📥 JOIN ]@DunnidaSuugaanta

━━━━━
🎓 𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡+𝗙𝗔𝗦𝗔𝗟𝗢 🎓
━━━━━
[ 📥 JOIN ]@maanhage
[ 📥 JOIN ]@farsamada
[ 📥 JOIN ]@haqabtire1
[ 📥 JOIN ]@KobciAqoontaada2
━━━━━━━
📚 𝗕𝗨𝗨𝗚𝗔𝗔𝗚 📚
━━━━━━━
[ 📥 JOIN ]@somalibooks
[ 📥 JOIN ]@Somalilibrary
[ 📥 JOIN ]@kobciyebooks

━━━🔺━━
💎Presented by
@zomalibot
━━━━🔻━━
Taxanaha Dhibbane
Qormada 3aad:
Nebi Yuunas CS.

Nebi Yuunus CSW waxa uu ka mid ahaa Rasushii dhambaal-sidayaasha Rabbi ahaa ee Alle-wayne uu u soo diray in ay hanuunka iyo xaqa ugu baaqaan tolkood. Muddo ayaa uu ugu yeedhaayey dacwadda iyo diinta si hagar la’aan ah, hadh iyo habeenba markii uu ku uubateeyey xaqa ee ciddii raacdana uu badhaadhe iyo barwaaqo ugu bushaareeyey, ciddii diiddana cadaab iyo cadho Alle uga digay, tolkiina ay ku dhego-adkaadeen ayaa uu maalinkii danbe cadhooday Nebi Yuunus CSW, tolkii inta uu ka dhex baxay ayaa uu tegey qooriga badda, waxana uu halkaa ka raacay doon shixnad iyo dad sidda oo ka shaaximanaysey, Nebi Yuunus CSW waxa uu ku baxay idan la’aan oo Rabbii wax idan ah kama aanu haysan in uu tolkii ka dhex baxo oo uu doon ku boodo.

doontii markii uu fuulay ee ay badda la mushaaxday ayaa Naakhuudihii yidhi: “Doontu waa ay degeysaa miisaanka saaran aawadeed, waxaana lagama maarmaan ah in qof rakaabka ka mid ahi badda isku biimeeyo oo uu isku tuuro, si inta kale u badbaaddo”!

Arrinkii markii la isla guddoonsadey ayaa la yidhi: “Inoo qori tuura”, dabadeedna waa la qori tuurtay, Nebi Yuunus CSW ayaa uu qori-tuurkii u soo baxay, Culimada qaarkood waxaba ay sheegaan in saddex goor la qori-tuurtay oo saddexdaba uu Nebi Yuunus u soo baxay, sida ay doontaba ha noqoto’e Nebi Yuunus CSW waxa uu iimaansaday nasiibkiisii oo badda ayaa uu isku biimeeyey, waa meel qaddar Alle ka socdo’e, Nibiri wayn ayaa afka u dhigtay oo liqay Nebi Yuunus CSW, dabadeedna waxa uu yaqiinsaday in uu danbaabay oo uu idan la’aan ku baxay Rabbigiina aanu wax idan ah ka haysan, mugdiyo iyo madowyo dhexdood ayaa uu Alle uga toobad keenay, gefkii iyo khaladkii uu galayna ku qirtay, cid badbaadin karaysa oo aan Alle ahaynna in aanay jirin ayaa uu xaqiiqsaday dabadeedna sida Alle inoo sheegay waxa uu yidhi:
{فَنَادَىٰ فِى ٱلظُّلُمَٰتِ أَن لَّآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنتَ سُبْحَٰنَكَ إِنِّى كُنتُ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ}
“Waxa uu ka dhex dhawaaqay mugdiyo dhexdood oo waxa uu yidhi: ‘Alle xaq lagu caabudaa ma jiro Ilaahayoow adiga mooyaane, xumaanna adiga ayaa ka hufan; aniguna waxa aan ka mid ahay kuwa xadgudbay”.

Markii uu qaylo-dhaan ka soo dirsaday calool madoow iyo bad madoow dhexdood, khaladkiisiina uu qirtay oo uu toobadna raaciyey, ayaa laga soo badbaadiyey todobada samo iyo carshigaba meel ka sarraysa, cidda soo badbaadisayna waa Allihii uu ka soo dhex xusay caloosha Nibiriga dhexdiisa.

Mar kale waxa uu Allaah yidhi isaga oo qisada Nebi Yuunus ka warramaaya iyo wixii sababta u ahaa in uu soo badbaado:
{فَلَوْلَا أَنَّهُ كَانَ مِنَ الْمُسَبِّحِينَ (143) لَلَبِثَ فِي بَطْنِهِ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ (144) ۞}
“Haddii aanu ka mid ahaadeen Nebi Yuunus kuwa tasbiixda badan, waxa uu ku negaan lahaa caloosha Nibiriga ilaa iyo maalinka Qiyaamaha”.

🌱🌱🌱
Qisadan waxaa ku sugan fajac iyo amakaag, waxaa ku sugan awoodda Alle ee aan cidi qiyaasi karin, Allaha maqalka badan ee maqlay cabashada iyo baryada addoon ku dhex jira calool Nibiri, Nibirigaas oo ku sii dhex jira badda baaxadda wayn ee madoow gundhadeeda, dhawaaqa halkaas ka soo yeedhay Allaha ka maqlay todobada samo meel ka sii sarraysa, todobada samo ma ahe’e, Carshiga oo todobada samo ka sarreeya meel ka sii sarraysa ayaa uu Alle ka maqlay, dabadeedna halkaas ayaa uu gurmadka Alle uga yimi adoonkii ku xannibnaa halkii aynnu soo sheegnnay, Alle fulintiisu uma baahna abaabul iyo isku-dubba-rid qaata saacado iyo mirirro midna, waxa ay ku xidhan tahay oo qudha in uu dhaho “كُن” oo keliya. Si kasta oo ay xaaladdaadu ugu jirto meel cidhiidhi ah iyo mirirro adag, ha ka malaysannin Alle malaha aadamaha oo kale, ha is-odhan “dhicisku inta middida loo soo sido ayaa uu bakhtiyaa”, rejda aad Alle ka qabtaa ha ahaato mid taagan heerka ugu sarreeya mar walba.
Cidhiidhi kasta iyo culays kasta oo ku haysta, waxa aad ogaataa in meel keli ah laga fududayn karo, haddii aan halkaas laga fududayn oo aan lagaaga gargaarinna waxa aad ogaataa in aanay jirin cid kale oo kaa qaadi kartaa, aadamaha oo dhan iyo jinkuba haddii ay isu yimaaddaan waxba kuuma qaban karaan, ciddaasi waa Allaah, isaga oo qudha ayaa arrinkaas awooda.

Xidhiidhka aad la leedahay Alle xooji, cilaaqaad dhow oo buuxa la yeelo Alle, marka aad barwaaqaysan tahay xus oo garo si uu kuu xuso oo uu kuugu gargaaro xaaladda ay laba sakalood isu kaa barkadaan ee aad cidhiidhiga dareemayso.

Marka aad murugada iyo mugdiga ku sugan tahay tasbiixda ogoow, tasbiixdu waa dawada culays kasta iyo dhibaabe kasta oo qofka Muslimka ahi dareemo. Nebi Muxammad CSW ayaa uu Alle ku yidhi isku dawee, markii ummaddii loo soo diray iyo tolkii ay kala hor yimaaddeen afxumo, cay, hanjabaad, been-abuurasho, iyo weedh kasta oo liidata, markii ay ku dheheen waa beenoole, waa sixiroole, waa falalow, waa faaliye, waa nin waalan, waa taariikh-akhriye, … Nebigu CSW waxa uu dareemay diiqad iyo culays, dabadeedna samada ayaa dawo looga soo qoray oo Alle ayaa u soo qoray, waxana lagu yidhi dawadaas ayaa xanuunkaas diiqadda kaa dawaynaysa ee adeegso, dawadaasi waxa ay ahayd tasbiixda, waxana uu yidhi Allaah:

﴿ وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدْرُكَ بِمَا يَقُولُونَ﴾
﴿ فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ ﴾
“Wallaahaye dhab ahaantii waa aannu og nahay in laabtaadu ay dareemayso diiqad iyo cidhiidhi ka yimi hadallada ay leeyihiin kuwa gaalada ahi. U tasbiixso mahad naqa Rabbigaa, kana mid ahoow kuwa sujuudda iyo saladda badan”.

Tasbiixdaas ayaa uu Alle sheegay in uu ku badbaaday Nebi Yuunus CSW, isla tasbiixdaas ayaana uu faray Nebi Muxammad CSW xaaladda uu dareemo cidhiidhi iyo culays.
Taxanaha: Dhibbane
Qormada 4aad
Qisadii Ummu-Salamah.

Hooyadii Mu’miniinta ee Umu-salamah waxa ay tidhi, Rasuulka CSW ayaa waxa uu yidhi: “Ma jiro qof Muslim ah oo ay haleeshay musiibo, dabadeedna yidhi wixii uu Alle faray in uu dhaho oo ah:
"إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ"
Allahayoow masiibada i haleeshay ajar iga sii, waxa aan waayeyna mid ka khayr badan ii daba-mari, haddii uu jiro qof sidaas yidhaahdaana Alle wax ka khayr badan wixii uu waayey ayaa uu u daba mariyaa”.

Waxa ay tidhi Umu-salamah: “markii uu dhintay ninkaygii Abu-salamah ayaa aan idhi: “Oo yaa Abu-salamah ka khayr badan oo Muslimiinta ka mid ah?…”. Dabadeedna ducadii ayaa aan ku ducaystay oo aan idhi markii aan naftayda intaas kula sheekaystay ka dib. Alle waxaaba uu ii daba-mariyey Ubu-salama Rasuulkii Alle CSW oo i guursadey”.
🌱🌱🌱
Umu-salamah RC waxa ay ka mid ahayd xaasaskii Rasuulka CSW, waa hooyo ka mid ah hooyooyinkii Muslimiinta, Rasuulka hortii waxaa qabi jirey saxaabigii waynaa ee Abu-salmah, waxana ay ahaayeen qoys caan ku ahaa isjacayl iyo wanaag, waxana ay ahaayeen qoys Rasuulka CSW si wayn isu barbar taagey waayihii adkaa, dabadeedna Alle ayaa oofsaday Abu-salamah oo waa uu geeriyoodey, Umu-salamah waxa ay haysaa xadiis Rasuulka CSW ka sugnaaday oo uu yidhi qofka ducadaas ku ducaysta Alle waxa uu u daba-mariyaa wixii uu waayey wax ka khayr badan, markii ay ducadii xasuusatay welina aanay ku dhawaaqin ayaa wada hadal dhex maray Umu-salamah iyo nafteedii, waxa ay niyadda ka tidhi: “Oo Abu-salamah ninka ka khayrka badan ee Muslimiinta ku jira ee Alle kuu soo daba-marinayo Abu-salamah waa kee?” Dabadeedna iyada oo aan garan nin ay isdhahdo Abu-salamah ayaa uu ka khayr badan yahay ayaa ay ducadii ku ducaysatay.

Abu-salamah mid ka khayr badan, oo Abu-bakar ka khayr badan, oo Cumar ka khayr badan, oo Cusmaan iyo Cali ka khayr badan, oo uunka Alle abuuray idil ahaantii ugu khayr badan ayaa uu Alle ugu beddeley Abu-salamah, waxaa guursaday oo ay oori u noqotay Nebi Muxammad CSW, waxana ay ka baxday liiskii haweenka kale ay kula jirtey oo waxa ay u ku biirtay liis kooban oo la yidhaahdo “Hooyooyinka Mu’miniinta” waana jaad ka goonni ah haweenka kale ee Muslimiinta oo fadli gaar ah Alle u sheegay.

Umu-salamah cinddigeeda marnaba ma aanay gelin waxa ku guursanaaya Rasuulka CSW, mana aanay gelin nin Abu-salamah ka khayr badan ayaad oori u noqon doontaa.

Masiibo kasta oo ku haleeshay –Alle kuguma keeno’e– ku ducayso ducadan, Rasuulkuna CSW run ayaa uu Alle ka sheegay, Umu-salama qisadeeduna marag ayaa ay ka tahay arrinkaas.

Dhambaalka cabashada ee u horreeyana xagga Alle u dirso adiga oo aaminaad dhab ah iyo kalsooni ku qaba. Wax kastana muhiim ma aha in aad ogaato sida uu Alle u suuragelinaayo, taasi shaqo iyo hawl inoo taalla ma aha, keliya waxaa ina saaran in aynnu Allaha Boqorka ah u bandhiganno arrimaheenna iyo xaajooyinkeenna innaga oo abdo buuxda ka qabna in uu inoo hirgelinaayo.
Miyaad daawatay muuqaalkan?

Ninkani inta uu innooga warramay xanuunka iyo imtixaanka uu soo maray in ka badan waxa uu innooga warramay:
- Iimaankiisa xooggan iyo kalsoonida uu Alle ku qabo
-Garashada uu garanayo in uu Alle ficilladiisa xikmad u sameeyo; aynnu garanno amase yaynaan garane
- Faa’idada ay leedahay wanaagga aad samayso inta aad caafimaadka qabto in aad heli doonto marka aad bukooto
-Muhimadda ay leedahay nidaamka iyo dawladnimadu xitaa haddii ay gaalo tahay, iyo dhibta ay leedahay maamulxumada qabyaaladda iyo ninjeclaysigu.

Intaas uu maaha, balse ninkani waa mawsuuco ay ku duugan tahay noloshiisa duruus. Waxaan la cajabayey dhacda walba oo uu sheego waxa uu ka dhalaalinayaa ujeeddo iyo xikmad wayn.

Haddii aad wakhti ku bixiso daawashadiisa maad dayacin wakhtigaas wallee.


https://youtu.be/r3--Z8rzy8I?si=ICTA6YSsrn3hiCoo
Taxanaha Dhibbane
Qormada 5aad
Waxaa i haleelay habaarkii Sacad!

Jaabir Ibnu Samurah RC waxa uu yidhi: “Reer Kuufa ayaa waxa ay cabasho ka soo gudbiyeen Sacad Ibnu Abi-Waqaas, waxana ay uga soo ashkatoodeen Cumar Ibnu Khadaab RC, Cumar waa uu casilay Sacad oo xilkii ayaa uu ka xayuubiyey, Kuufana waxa uu Badhasaab uga dhigay Cammaar Ibnu Yaasir. Sacad ayaa ay aad uga cawdeen oo waxyaabo badan ay ka sheegeen, jeer ay sheegeen in aanu salaadda wanaajin jirin oo aanu si wacan u tujin jirin!

Cumar ayaa Sacad ku yidhi:
“Sacadoow, reer Kuufa waxa ay sheeganayaan in aanad salaadda wanaajin jirin oo aanad si fiican u tujin jirin?” Sacad waxa uu yidhi: “aniga miyaa, wallaahay baan ku dhaartaye waxa aan ahaa mid tujiya salaaddii Rasuulka CSW oo kale, waxba kama aanan nusqaamin jirin, waxa aan tujin jirey salaadda cishe, labada rakcadood ee hore waa aan ku xasili jirey, labada rakcadood ee danbana waa aan fudaydin jirey”. Cumar waxa uu yidhi: “Waa malaha aan kaa malaysanaayey taasi Sacadoow” dabadeedna Cumar waxa uu raaciyey Sacad rag Kuufa u raaca, reer Kuufana arrinkii ayaa ay soo wayddiiyeen, hal masaajid oo Kuufa ku yaalla kama aanay tegin ilaa ay wayddiiyeen cabashooyinkii Sacad laga soo sheegtay, masaajid kastana waxaa lagaga ammaanay wanaag iyo khayr in uu ku sifaysnaa Sacad, jeer markii danbe la galay masaajid ay lahaayeen jilib la odhan jirey reer Banii Cabas, dabadeedna markii masaajidkaas la yimi ayaa uu nin jilibkaas ka mid ah istaagey oo la odhan jirey Usaamah Ibnu Qataadah kunyadiisuna ahayd Abaa-Sacadah, waxana uu yidhi: “kol haddii aad na wayddiiseen arrinkaas, horta Sacad waxa uu ahaa nin aan raacin duullaamada gaalada lagu qaado, waxa uu ahaa nin aan dadka si siman wax ugu qaybin, waxana uu ahaa nin aan dadka caddaalad ugu garsoorin oo u kala xukumin”!

Sacad ayaa yidhi: “Allaah ayaa aan ku dhaartaye Saddex ayaa aan Alle ka baryayaa: Allahayoow haddii uu addoonkaagaasi yahay beenaale, waxa uu isu taagayna ay tahay istusnimo, cimrigiisa Allahayoow dheeree, saboolnimadiisa iyo faqrigiisan dheeree, fitnooyin iyo imtixaanna ku sallid”.

Ninkii Sacad eedeeyey waagii danbe waxa uu ahaa marka la su’aalo xaaladdiisa mid yidhaahda: “waxa aan ahay nin waayeel ah oo la imtixaamay, waxaana i haleelay habaarkii Sacad”!

Cabdul-Malik oo ka mid ah ragga xadiiska soo weriyey waxa uu yidhi: “waxa aan arkay mar danbe ninkii oo gabow daraaddii labadiisa suunniyood ay ku soo dheceen indhihiisa, hablaha gaashaantimaha ahna dariiqyada ugu banbaxaaya oo dadka hortiisa ugu iljebinaaya dumarka”(1)

🌱🌱🌱
Qofka Muslimka ah ee Alle ku xidhani waa qof leh gargaare iyo hiiliye aan cidi ka gacan-sarrayn weligii. Waa qof hub culsu ku gaashaamaan oo aanu ku gaashaanayn ka gaalka ahi, hubka culus ee qofka Muslimka ahi ku gaashaaman yahay waxaa ka mid ah ducada, xadiisna waaba kii uu Rasuulku CSW ku yidhi: “Ducadu waa hubka Mu’minka”.

Qofka qof Muslim ah oo Weli-Alle ah dhibaato iyo dulmi ula badheedhaana waa qof isku biimeeyey qof hubaysan oo hubkiisu darandoorri yahay weliba, arrintaasna waxaa daliil dhow inoogu ah arrintan Sacad Ibnu Abi-waqaas.

Sacad waa mid ka mid ah tobankii jannada loogu bushaareeyey iyaga oo nool, waa raggii ka qayb galay dagaalkii Beder iyo Xudaybiyah, waa mid ka mid ah lixdii Ehlu-shuuraha la odhan jirey ee talada qaybta wayn ku lahaa, waxaa la soo weriyaa in uu yahay ninkii u horreeyey ee Alle dartii u ganay leeb, waa ninkii uu Cumar u diray dagaalkii Furus, waa ninkii Alle gacmihiisa ku soo furay Ciraaq, waa saaxiibbadii Rasuulka CSW iyo raggii uu jeclaa mid ka mid ah.
Shakhsiyadda noocaas ah qofka ku eedeeyey fulaynnimo iyo in aanu duullaamada raacin, ee ku eedeeyey caddaalad-darro iyo in aanu dadka si siman wax ugu qaybin, ee ku eedeeyey eex iyo in aanu laba qof oo is-haya si caddaalad ah u kala saarin, ee ku eedeeyey salaad-xumo iyo in aanu faralka Alle saaray si sax ah u gudan, ee intaasba istusnimo iyo i arkaay i maqlaay u samaynaaya, waa qof aan cidhibtiisa danbe iyo noloshiisa wanaaggeeda ka talin, waa qof Alle si toos ah u gardarraystay! Haa, Alle ayaa uu galay seerihiisa, oo sow Alle xadiisal-qudsi kuma aanu odhan: “Qofkii igala collaytama Weli, waxa aan u muujiyaa dagaal”
Qof Alle dagaal kula jiraa Alle ma ka guulaysanayaa? Sacad waxa uu ahaa Weli Alle oo aan shaki ka taagnayn, markii uu dulmigii laga galay xagga Alle kula eertayna kuma aanu soo hungoobin ee waa loo dhabeeyey, ninkiina saddexdii uu ku habaarayba waa ay ku habsadeen!

Cimrigiisiina waa la dheereeyey waana la fitneeyey! Oo ma waxa aan fitnooyinka waawayn ka mid ahayn waayeel aan cimri u laabnayn oo haddana hablaha gaashaantimaha ah ugu il-jebinaaya mahwiga iyo madalaha dad-waynuhu gabraday? Waa maya.

Maxaa ka run badan dardaarankii Suubbanuhu uu u dardaarmaayey Mucaad markii uu Yaman u diray ee uu lahaa: “Mucaadoow, iska ilaali habaarka dulmanaha, maxaa yeelay waxba uma dhexeeyaan isaga iyo Alle”.

Dulmanuhu haddii uu samada u taago labadiisa gacmood, dabadeedna uu Alle kaga eerto daallimkii dulmiyey, ma jiro xijaab u dhxeeya oo kala teeda ducadiisa iyo Rabbigiisii uu u taagtey gacmaha, waa la aqbalayaa oo waa hubaal.
____________
(1) Bukhaari ayaa soo saaray xadiiska.
Qormooyinka taxanaha Dhibbane haddii ay wax ku dhaafeen halkan ayaa aad ka soo jeedaalin kartaa idamka Alle.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100093163912051&mibextid=LQQJ4d
Taxanaha Dhibbane
Qormada 6aad:
Khawlah Bintu Saclabah.

Saxaabiyaddii la odhan jirey Khawlah Bintu Saclabah RC ayaa waxaa qabey nin saxaabi ah oo la odhan jirey Aws Ibnu Saamit RC, waxa uu ahaa nin da' ah, danyar ah, oo saaxibal-ciyaalna ah. Waayahaa iyo duruufahaa adag ayaa ay ku jeclayd oo ay ugu dhabar-adaygaysey Khawli, maalintii danbe ayaa arrin wayni dhacay oo Aws ayaa Khawla ku yidhi: "Sida hooyaday iga tahay ayaa aad iga tahay"! Dihaar ayaa la dhahaa oo waa arrin sharcigu ka hadlo axkaamina ka dhalanayso.

Khawla oo ergo ah ayaa u timi Rasuulka CSW, waxana ay uga ashkatootey arrintii, Aws iyada oo duruufahaa kaggan ugu samraysa in uu taasna ugu daray ayaa ay Rasuulka CSW uga ashkatootay, Rasuulkuna CSW waxa uu u sheegay in ay xaaraan ka noqotay mar haddii uu dihaaray oo ku yidhi: “sida hooyaday iga tahay ayaa aad iga tahay”, dabadeedna waxa ay tidhi: “Ma marka ay da’daydu waynaatay ayaa uu i dihaarayaa? Alle ayaa aan uga ashkatoonayaa xaalka sebiga yaryar, haddii aan kaxaystana waa ay gaajoonayaan, haddii aan uga tagana waa ay dayacmayaan”!

Samada ayaa waxyi ka yimi oo uu Alle kaga soo jawaabay ashkatadii Khawlah oo Qur'aan ayaa ka soo degey, aayadaha Suuratul-Mujaadalat ugu horreeya ayaa ku soo degey Rasuulka CSW:
{سَمِعَ ٱللَّهُ قَوْلَ ٱلَّتِى تُجَٰدِلُكَ فِى زَوْجِهَا وَتَشْتَكِىٓ إِلَى ٱللَّهِ وَٱللَّهُ يَسْمَعُ تَحَاوُرَكُمَآ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌۢ بَصِيرٌ}
"Dhab ahaantii Alle waa uu maqlay Haweenayda kaala doodaysa arrinta Sawjkeeda ee u ashkatoonaysa Alle, Alle waa uu maqlay xanshaashiqinnii iyo wada-hadalkiinnii, Alle waa mid maqal badan oo arag badan".

Caa’isha RC waxa ay la yaabtay, Allaha todobada samo korkooda ka soo maqlay xanshashaqa ay ka maqli waydey meel u dhow Nebiga CSW iyo Khawla. Dabadeedna waxa ay tidhi:
“Mahadi waxay u sugnaatay Allaha maqalkiisu uu ka ballaadhay dhawaaq oo dhan, dhab ahaantii Khawli waxa ay u timi Rasuulka CSW iyada oo ka cabanaysa ninkeeda, hadalka ay Rasuulka kula hadlaysaana waa uu iga gamaaray oo waa aan maqli waayey, markaas ayaa uu Alle soo dejiyey aayadaha Suuratu-Mujaadalat”.

🌱🌱🌱
Waxa aan doonayaa in aan ku tilmaamo haddii aad tahay mid arrin ergo iyo ashkato ka ah, haddii aad ka cabanayso cudur, caydh, gobllan, gardarro aadame, ubad-xumaan, qaan, amnidarro, iyo aafo kasta oo ka mid ah aafooyinka adduunka ka dhacaaya, waxa aan kuu tilmaamayaa cid loo ergoodo kan ugu khayrka badan, cid arrin xallisa kan ugu aqoonta dheer, cid naxariisata kan ugu naxariista ballaadhan, ka hantida bixiya, ka ubadka bixiya, ka caafimaadka bixiya, ka khasnadda adduunka iyo tan aakhiraba gacanta ku haya, –Allaah weeye kaasi.

Uga ashkatood wax kasta oo aad ka cabanayso, u warran, wayddiiso, ha ka xishoon oo wayddiinta ha uga tudhin, waayo, waxaa dabeecaddiisa ka mid ah in uu jecel yahay cidda wax wayddiisata, neceb yahayna cidda waxba wayddiisan wayda.

Arrinka Khawla Bintu Saclabah Allaha samada ka soo xalliyey, wallaahay adigana arrinkaaga waa uu xallinayaa haddii aad u bandhigto. Waa Alle maqalkiisu ka ballaadhan yahay dhawaq oo dhan, xanshashaqa laba ruux dhex mara ayaa uu maqlaa, gurxanka qofku naftiisa hoose ka yidhaahdo ayaa uu maqlaa, waxa laabaha ku jira ee aan afkaba laga odhan ayaa uu og yahay. Xallinta dhibaatooyinkuna wakhti kama qaadato. Habeenkii qaybta danbe ayaa uu soo degaa, markaas ayaa uu yidhaahdaa: “Yaa i baryaaya oo aan ka aqbalaa? Yaa wax i wayddiisanaaya oo aan siiyaa? Yaa i danbi-dhaaf wayddiisanaaya oo aan u danbi dhaafaa?Sida uu Rasuulku CSW kaga soo wariyey Rabbigii xadiisal-qudsi, waxa uu dhahaa Rabbigeen:
“Addoomahaygiiyoow, dhammaantiin waa aad lunsan tihiin mid aan hanuuniyo mooyaane, i hanuun wayddiista aan idin hanuuniyee, addoomahaygoow, dhammaantiin waa aad baahan tihiin mid aan quudiyo mooyane, i quudin wayddiista aan idin quudiyee, addoomahaygoow, dhammaantiin waa aad arradan tihiin mid aan arrad-tiro mooyaane, i arrad-tir wayddiista aan idin arrad-tiro’e”!

Haddii arrin kugu taagan yahay, ama duruuf adagi ku haysato, soo kac habeenkii nisfigiisa danbe marka uu Alle soo dego ee uu leeyahay:
“Yaa wax i wayddiisanaaya oo aan siiyaa?” waysayso oo tuko laba rakcadood, dabadeedna gacmaha kor u taag oo u sheego cabashadaada, waa ballan uu Alle qaaday in uu kaa aqbalo.