🌹Warbaahinta Tubta Toosan🌹
16.1K subscribers
764 photos
326 videos
36 files
277 links
Cilmi sharci ah, Aqoon-raadis, Xaqiiqo-ururin iyo Xog-baadhis.

تمّ تأسيس القناة 2020/12/20 بواسطة
https://t.me/jannadoone
Download Telegram
Maxamed Muuse & Cali Muuse oo wada dhashay ayaa ku wada dhintey hal goob waa Liido & weerarkii xalay .

Ilaahay ha u naxariisto iyaga iyo Dhammaan intii kale ee ku dhimatay.


#Pageka_Munasar_ee_Telegramka.
Degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya, ayaa lagu dhaawacay Raggaas, waxaana la sheeggay inay ahaayeen Koox Burcad ah oo Dadka dhacayay.



#Pageka_Munasar_ee_Telegramka.
Si aad u caawiso Dadka dhaawacmay, ma taqaannaa Nooca Dhiiggaaga? Sidoo kale ma garanaysaa sida loo sameeyo Gargaarka degdegga ah?

Maya haddii ay tahay Jawaabtu, Muqdishana aad joogto, maxaa kuu diiddan inaad barato labadaas?



#Pageka_Munasar_ee_Telegramka.
Siciid Sabriye & Xaaskiisu wax aay ka mid noqdeen Dadkii Xalay ku dhintey Weerarka Liido.
Ilaahay ha u naxariisto, iyaga iyo intii kale ee ku dhimatay.

#Pageka_Munasar_ee_Telegramka.
Degdeg:- Qarax lagu baaba’ay ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Golaleey & Balcad. Gaari Probox ah ayay la kacdey miino waxaana saarnaa dad, kuwaas oo in yar mooyee intoodii badnayd ay dhinteen.

Murugtii hore oo noo taallay ayay inoogu darsantay mid kale.



#Pageka_Munasar_ee_Telegramka.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Degdeg:- Sawirrada Qarax lagu baaba’ay oo ka dhacay inta u dhaxeysa Golaleey & Balcad. Gaari Probox ah ayay la kacdey miino waxaana saarnaa dad, kuwaas oo in yar mooyee intoodii badnayd ay dhinteen.

Murugtii hore oo noo taallay ayay inoogu darsantay mid kale.



#Pageka_Munasar_ee_Telegramka.
Khasaaraha Qaraxii Xalay Hotel ka Beach ee Xeebta Liido ka dhacay😭
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Gabadh ka badbaadday Qaraxii Xalay, oo ka faalloonaysa sida ay wax u dhaceen.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaalkan waa toos Qaraxii Xalay , Wiilkan yarna waxa la sheegayaa in aanu dhiman oo la waraystay.
Kkkkkk
🔰🔰𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶 𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝘁𝘆 🔰🔰
𝗠𝗮 𝗷𝗲𝗰𝗲𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗯𝗶𝗶𝗿𝘁𝗼 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗺𝘂𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗸𝗮 𝗸𝘂𝘄𝗮𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗿 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘂 𝗵𝗲𝗲𝗹𝗮𝗻 𝘀𝗶d𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝘂𝘀𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗶 𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮𝘆𝗲𝗻 𝗰𝗼𝗻𝘁𝗲𝗻𝘁 𝗶d𝗶𝗻 𝗮𝗻𝗳𝗮𝗰𝗮.

☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️
☠️👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿 ☠️
☠️👉🏿👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👇🏼👇🏼👇🏼👇🏼👇🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👇🏻👇🏻👇🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👉🏻👇👈🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿 👉🏾👉 Halkan Taabo 👈👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👉🏻 👆👈🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👆🏻👆🏻👆🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👆🏼👆🏼👆🏼👆🏼👆🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👈🏿☠️
☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️

🟫🟨🟡JOIN ALL🟩🟥JOIN ME🔵🟦
Salafka Qaarkood waxa ay yidhaahdeen:
"كنّا إذا جئنا للصّلاة، خلعنا الدّنيا مع نعالنا"
"Waxa aanu ahayn Marka aannu Salaadda u nimaadno Masaajidda, qaar Adduunyada la tuura oo la bixiya Kabaha ay bixinayaan"

Innagana? Ilaahay xaalkeenna ha sahlo.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Iska ilaali yaan lagugu dilin Su'aashan'e😁
Wixii camal wanaagsan ee Rabbi loogu dhaawaanayo waxa uu u baahan yahay laba arrimood:
- Dedaal جاهدوا
-Dar Alle in ay kaa tahay فينا
Labadaa arrimood waxa ka dhasha inaad gaadho guusha oo ah in Alle jidka toosan kugu hanuuniyo.

Dar Alliyo dedaal baa ku xidhan guusha kaa dedan.
Sidaasi maaha caddaalad Dumaroow! Khaanaddaa yari maxay Ninka u qaadaysaa?
Taxanaha DHIBBANE:
Qormada 1aad:
Nebi Yacquub CSW.

Nebi Yacquub CSW waxa uu ka mid ahaa dadkii wanaagsanaa ee Alle imtixaanka ku mariyey adduunyada, waxa aynu si kooban isu dultaagaynaa dhacdadii Nebi Yuusuf CSW iyo walaalihii dhex martay, taas oo salka ku haysay masayr iyo hinaase dhaafay xadkiisii. Nebi Yacquub CSW waxa uu jacayl dhuuxa iyo dhiigga raacay jeclaa wiilkiisii Nebi Yuusuf CSW, walaalihiisii kale ee ilma Nebi Yacquub ayaa ka masayray jacaylka uu aabbahood u qabo Yuusuf, dabadeedna qorshe dhagaraysan ayaa ay maleegeen oo Yuusuf waa kuwii gunta u dhigay ceel dalluun ah, dabadeedna cilcillawgii ayaa ay aabbahood Yacquub u yimaaddeen iyaga oo iska oohinaaya, oohin dhab ah ma aanay ahayne waxa ay ahayd isbihin-bihis iyo raadgadasho, wakhtigan cilcillawga ahna iskagama aanay beegmine waa ay u qorsheeyeen in ay ammintaas isku beegan aabbahood si aanu u fahmin oohintooda beenbeenta ah, maryo dhiig lehna waa ay ula yimaaddeen, dabadeedna war waxa ay ugu bilaabeen:
{قَالُواْ يَٰٓأَبَانَآ إِنَّا ذَهَبْنَا نَسْتَبِقُ وَتَرَكْنَا يُوسُفَ عِندَ مَتَٰعِنَا فَأَكَلَهُ ٱلذِّئْبُ ۖ وَمَآ أَنتَ بِمُؤْمِنٍۢ لَّنَا وَلَوْ كُنَّا صَٰدِقِينَ}

“Aabboow, waxa aannu u baxnay in aannu tartanno, Yuusufna waxa aannu kaga tagnay alaabtayadii si uu u sii korjoogteeyo, dabadeedna Yuusuf waxaa cunay Yey, adiguna ma tihid kolleyba mid naga rumaysanaaya arrinkaas, kuwo run sheegaaya xataa haddii aannu nahay”.

Nebi Yacquub ma aanu muusannaabin, mana aanu uubatayn, ma aanu dhengadayn kuwii sidaas ku lahaa, ma aanu u hanjabin, ma aanu ciqaabin si uu runta uga soo dhiraandhiriyo, waxase uu dugaashadey samir iyo adkaygsi, arrinkiisana Alle ayaa uu u dhiibtey, isaga ayaana uu talo saartay, ashkatadiisii iyo ergadiisiina aadame kuma aanu socodsiin ee xagga samada ayaa uu la aadey, maya’e samada iyo carshigaba meel ka sarraysa ayaa uu la aadey oo Alle ayaa uu si toos ah ugu bandhigay arrinkiisa, waxana uu yidhi:
{قَالَ إِنَّمَآ أَشۡكُواْ بَثِّي وَحُزۡنِيٓ إِلَى ٱللَّهِ وَأَعۡلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ}
“Waxa uu yidhi: “Tiiraanyadayda iyo murugadaydaba waxa aan uga cabanayaa Allaah, waxana aan ka ogahay xagga Alle wax aydaan ka ogayn’”.

Mufasirkii waynaa ee Baqawi marka uu aayaddan fasiraayo waxa uu soo guuriyaa qiso uu sababu-nusuul uga dhigaayo aayaddan waxana uu odhanayaa:
“Waxaa la soo weriyaa in uu Yacquub u soo galay nin ay jaar ahaayeen, dabadeedna uu ku yidhi:
“Yacquuboow, dhab ahaantii waxa aan arkaa in aad ciirtay oo aad gaboowday, da’dana adiga oo aan gaadhin intii aabbahaa gaadhey!” dabadeedna Yacquub ayaa yidhi:
“Waxa aan la ciiray oo aan la gaboobey waxa uu Alle igu ibtileeyey ee ah werwerka Yuusuf” dabadeedna markaas ayaa uu Alle u soo waxyoodey oo uu ku yidhi: “Yacquuboow, ma waxa aad iiga ashkatoonaysaa uunkayga aan anigu abuurtay?” Dabadeedna Yacquub ayaa yidhi:
“Rabbiyoow, waa gef aan galay ee iga dhaaf”! markaas ayaa uu Alle yidhi:
“waa aan kaa dhaafay Yacquuboow” dabadeedna intaas wixii ka danbeeyey waxa uu ahaa Yacquub marka la waydiiyo arrintaas mid yidhaahda:
“Tiiraanyadayda iyo murugadaydaba waxa aan uga cabanayaa Allaah”.

Yuusuf Yey iyo Waraabe midna ma cunin, waxase ay gundhada u dhigeen ceel inta baac ee uu ahaa aynnaan saxaynnin, dabadeedna safar socoto ah ayaa ceelkii soo maray, Wadaantii ay siteenna waa ay u dalaandaliyeen, halkii ay ahayd in ay biyo soo qaaddo wadaantu ayaa waxa ay soo qaadday ilme yar oo nool! Amakaag iyo argagax weeyaane, socotadii waa ay qaateen ilmihii yaraa, waxana ay ka iibiyeen nin Boqor ah oo reer Masar ah, waxana ay ka siisteen shilimo yar oo badhaysi ah, halkaas ayaana uu ku soo koray Yuusuf oo uu ku barbaaray, sannado badan iyo muddo dheer ka dibna, isaga oo cagihiisa ku soconaaya oo aqoon iyo xukunba Alle siiyey ayaa uu u yimi aabbihii Yacquub! Murugadii, walbahaarkii, iyo tiiraanyadii Yacquubna Allihii uu u bandhigtay ayaa samada ka soo xalliyey, waxaana ka danbasay farxad iyo naruuro.

🌱🌱🌱 🌱🌱🌱 🌱🌱🌱
Qisadani waa ay dheer tahay, keligeed ayaana laga curiyey kutub iyo dhigaallo camaarkaas ka badan oo kala jaad ah, innaguna korka-xaadiskaas ayaa aynu ku samaynay, casharka wayn ee aynu ka qaadanaynaana waxa uu yahay, dhibaabe kasta oo ku soo gaadha, mid caafimaad, mid dhaqaale, mid ubad, mid ehel, mid cadow, mid Jin iyo mid Insiba, kula eero Allaah, isaga uga ashkatood, isaga uga ergood, isaga uga cabo, waxa aan kuu hubaa haddii aad yaqiin iyo aaminaad dhab ah la timaaddo in uu si aan caad saarnayn Alle kuugu gudaayo muraadkaaga, ama kaaga qaadaayo masiibada ku haysata.

Ha kula eeran aadame kula mid ah, uumiyaha kii abuuray ayaa kuu heegan ah oo ku leh i bari aan kaa aqbalo e, i waydiiso aan ku siiyo e, iga magangal aan kaa magangeliyo e, i kaalmo waydiiso aan ku kaalmeeyo e!

Dad badani haddii uu ka lumo boqol doollar oo lacag ahi, waxa ay raadsadaan fooxiso, faaliye, falalow, bidhbidhiso, kaadi-ku-dhejiye, sixiroole iyo wax Alle lagaga fogaanaayo, markaas ayaa ay aakhiro iyo adduunyaba guuldarraystaan, Nebi Yacquubna isaga oo qof nool waayey ayaa uu halhays ka dhigtay:

{إِنَّمَآ أَشۡكُواْ بَثِّي وَحُزۡنِيٓ إِلَى ٱللَّهِ وَأَعۡلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ}.

Waa inoo iyo qormada 2aad idamka Alle.