Nolol cusub samee💖
3 subscribers
4 photos
1 video
1 link
Download Telegram
Walaalayaal kusoo dhawaada chanelka cusub
Ee nolol cusub samee
Chanelkan waxaa loo sameeyey in lagu wacyi galiyo dhalinyarada iyo dhamaan ummada soomaaliyeed.
Qofkii Raba inuu liibaano laba camal haku Dadaalo
1.wanaajinta xiriirka Alle swtc
2.baarinimada waalidka.
Waligaa dadka raaligalintooda ha ku Dadaalin ee ku dadaal raaligalinta Alle swtc.
Saacadihii u dambeeyey nolashii Cumar Mukhtaar: Hoggaamiyihii xornimo u dirirka Liibiya.

Cumar Mukhtaar wuxuu ahaa hoggaamiyihii halgankii gobannimo doonka Liibiya ee dagaalka ba’an la galay guumaystihii Talyaaniga ee dalkaasi ku duulay isla markaana qabsaday muddadii u dhaxeysay 1920-1930.

Cumar oo da’diisu aheyd 73 sano ayaa ku dhaawacmay mid ka mid ah dirirtii ciiddankii Talyaaniga iyo xooggagii xoriyad u dagaalanka Liibiya, waxaana gacanta ku dhigay askartii Talyaaniga.

Dagaalka lagu qabtay Cumar Mukhtaar wuxuu ka dhacay 11 September 1931 tuulada Suluntah ee ka mid ah degmada Jabal al Akhdar oo 27km koonfurta uga began magaalada Bayda.

Saraakiishii Talyaaniga waxay isku dayeen inay Cumar Mukhtaar ka dhaadhiciyaan in uu dirirta joojiyo uuna kala diro kooxdiisa guumaysiga ka soo horjeeday, hase yeeshee waa uu diidday, waxaana ugu dambeyn go’aan lagu qaatay in la daldalo.

Subax Jimce ah, 16 Septmber 1931 Maxkamad ayaa la soo taagay Cumar Mukhtaar iyado lagu haminayey in haddii la dilo halgankii reer Liibiya uu la dhaminayo saga, markii Cumar oo ku labisan dhar qolka maxkamadda la soo galiyey, waxaa wada sheekaysi taariikhda galay uu dhexmaray isaga iyo Garsoorihii Talyaaniga ee dacwada qaadayey.

Xaakimkii Talyaaniga “ Ma la dagaashay dawladda Talyaaniga?”

Cumar Mukhtaar “Haa”

Xaakimkii Talyaaniga “ Dadka ma ku dhiirigalisay inay la dagaallamaan Talyaaniga?”

Cumar Mukhtaar “Haa”

Xaakimkii Talyaaniga “Ma ka war haysaa ciqaabta ay leedahay waxa aad ku kacday?”

Cumar Mukhtaar “ Haa”

Xaakimkii Talyaaniga “ Imisa sano ayaa ku jirtay dagaalka ka dhanka ah Talyaaniga?”

Cumar Mukhtaar “ Labaatan sano in ka badan”

Xaakimkii Talyaaniga “ Ma ka qoomamaynaysaa wixii aad sameysay?”

Cumar Mukhtaar “Maya”

Xaakimkii Talyaaniga “Ma ogsoonsatahay in lagu daldalayo?”

Cumar Mukhtaar “ Haa”

Garsoorihii oo caro ka muuqato ayaa dubbaha miiska ku dhuftay, isagoo indho kulul ku soo eegaya Cumar Mukhtaar ayuu yiri “ Waa in laga takhluusaa sida nin adiga oo kale ah”.

Cumar Mukhtaar oo u jawaabaya xaakimka maxkamadda ayaa yiri “ Dalkeyga dartiis taasi waa sida ugu fiican ee nolasheydu ku dhammaan karto”

Laakiin xaakimkii ayaa mar kale hadalka qaatay wuxuuna Cumar u soo bandhigay dalab uu kaga badbaadi karo in la dilo kaasi oo ahaa in dalka laga musaafuriyo waxaase shuruud ah in uu ka dalbado xoggaga mujaahidiinta inay joojiyaan dagaalka ay kula jiraan Talyaaniga.

Hal mar ayaa la soo wada eegay Cumar Mukhtaar iyagoo la is leeyahay wuxuu u dabci doonaa dalabka Talyaaniga wuxuuna yiri hadalkii caanka ahaa “ Farteydaas aan ku muujiyo marka aan tukunayo in ALLE uu yahay kan kaligiis xaqa lagu caabudo, Muxamed-na yahay rasuulka ALLE kuma qori karo erey been ah, isma dhiibayno waynu guulaysanaynaa ama waynu dhimanaynaa”

Intaas ka dib Cumar Mukhtaar waxaa lagu fuliyey daldalaad oo xarig ayaa luqunta looga xiray ka dibna waxaa lala tuuray kursi isagoo ka soo laadlaada alwaaxa daldalaada ayaana naftu ka baxday.

Xigasho: Buugaagta: Omar Al Mokhtar Lion of the Desert, The Biography of Shaikh Omar Al Mukhtar.

Qoraa sare: Mowliid Xaaji Cabdi.
«ADDUUNYO WAA SHEEKO IYO SHAAHID»>

NIN LA DHACAY:
Sheeko: nin baa ka soo safray reerkiisii, isagoo sita qumbesubag ah iyo wan buuran oo Toddoba jir ah, markaas baa laba tuug aragtay oo ey yiraahdeen war side uga xadnaa ninkaaswanka iyo subagga?
Markaas baa mid wuxuu yiri annaa indhaha iska ridaayee isoo raac markaas buu indhaha xanjo marsadey o istaagey jidkii ninka soo marayey Waryaa sharqamay? Waa anigoo safar ah, war magaaladii igey, hoo wanka ii qabo, oo usha keenso?
Markaas baa twugii kale wankii furtay, war xarigeyga xoollo kuma jiraan ee qumbaha in dhiib, ee wanki raadi, markaas buu isna qumbihii la carrarey ninkiina halkaas baa lagu dhacay,
Sheekadii halkaas ha inoo joogto.

NIN IYO KURTUN

Nin baa isagoo guureynaya goor habeen barkii ah baa wuxuu arkey wax madow oo uu ka yaabay, markaas buu iska fariistay, oo soo jeeday habeenkii oo dhan isagoo moodaaya bahal, markaas baa waagii baryey, markaas buu wuxuu yiri ma
waxaan ku moodayey mase waxaad noqotay mase waxaan loo noqon doonin, waxaan ku moodaayey bahal, waxaadse noqotay kurtun, waxaanse loo nogon doonin guuro habeen.
Sheekadii halkaas ha inoo joogto.

TUUG DAHAB XADAY

Nin tuug ah baa ka xaday, nin Suldaan ah laba kabood oo dahab ah, markaas buu haddana wuxuu arkay dameer laba jawaan o dahab ah, saaran tahay, markaas buu damcay in uu ninka dameerka wata inuu ka ado dameerka dahabka sida, markaas buu jidkii uu ku soo socday buu kab dahab ah dhigay oo cabbaar meel u jirta midi kalana uu dhigay, markaas baa ninkii dameerka watay baa arkay kabta dahabka ah o meesha taal, markaas bu iska dhaafay, cabbar markuu socday buir
arkay kabtii kale, markaas bu dameerkii ku xirtay meeshaan kabtu taal, o raadshey tii kale oo uu soo dhaafay, markaas baa tuuggii xaday dameerkii iyo dahabkii
Sheekadii halkaas ha noo joogto.

Xigasho: xasaan yacquub
Sheekadii Guusha Jack Ma (Alibaba.com)

Jack Ma waa muwaadin u dhashay dalka china, kaasi oo ku guuldaraystay inuu ku biiro college-ka tiraba saddex jeer, ugu dambayntiina wuxuu si dirqiya ku dhaafay imtixaankii kadib markii uu sameeyay diyaarin iyo dadaal caadiga dhaafsan.
Wuxuu isku dayay inuu shaqo ka helo maqaaxi cuntada lagu kariyo, laakiin badankoodii way diideen inay shaqada galiyaan. Kadib markii uu codsiyo badan oo shaqo ah meelo kala duwan u dirsaday ee loo diiday ayaa wuxuu go'aansaday inuu shaqo macalinimo raadsado sababtoo ah wuu ku guuldaraystay inuu shaqo taa dhaanta helo.
Jack Ma wuxuu dhigi jiray luuqada English-ta isagoo qaadan jiray lacag ka yar 10 dollar bishiiba.
Ka hor intii aanu bilaabin dhigista luuqadan, Jack- Ma wuxuu aad u jeclaa inuu horumariyo habka uu ugu hadlayo luuqadan, waxaanu 45 daqiiqo u kaxaysan jiray baskiishiisa maalin walba Huteel u dhaw oo ay dadka dalxiisayaasha ahi ku soo dagi jireen si uu ula hadlo luuqadana English-tana iskaga dhiso.
Jack Ma kumuu qanacsanayn shaqadiisa, waxaanu go'aansaday inuu u guuro dalka maraykanka, si uu u helo nolol ka fiican tii uu ku noolaa. Wuxuu bartay computer-ka iyo internet-ka aad baanu u jeclaa. Markii dambana wuxuu aasaasay website-ka loo yaqaano ALIBABA.COM kaasi u saamaxay ganacsiyada iyo shirkadu ay ku kala ganacsadaan iskuna dhaafsadaan alaabta si online ah.

Alibaba wuxuu noqday ninka ugu taajirsan dalka china, hantidiisana maanta waxaa lagu qiyaasaa 21 billion dollar. Waxaa loo aqoonsaday inuu kamid yahay 25 ganacsade ee ugu awooda badan qaarada eeshiya.
Waayihii iyo Noloshii uu maray Jack Ma muu haysan wax lacag ah oo uu ku bilaabo ganacsi. Wuxuu ku shaqayn jiray mushahar aad u yar. Waxaanu si dirqiya ugu biiray oo uu ugu guulaystay inuu ku biiro machadka tababarka macalimiinta. Intaa waxa dheer in wadanka shiinuhu aanu waqtigaa ahayn meel ku fiican in lagu noolaado ganacsina laga bilaabo.
Jack Ma dhaqaalihiisii iyo lacagtuu haystay sanadihiisii ugu horeeyay kamay badnayn intaad haysato maanta, haddii aanay intaad haysataa kaba badnaynba. Ninkani wuxuu aad u jeclaa oo kaliya inuu abuuro ganacsi guulaysta taasina waa sababta uu u raacay riyadiisii aanu u xaqiijiyay.
Hadaba waa maxay cudur-daarada aad maalin walba naftaada u sheegtaa? Lacag kugu filan mahaysatid? Waxbarasho fiican ma haysatid? Dadka kugu xeerani kuma dhiirigaliyaan kumana garab istaagaan?
Jack Ma muu haysan qof dhiirigaliya oo cadaadiya balse damacaa xoogan ee ku gubayay si uu guul u gaadho ayaa ka dhigay ninka uu maanta yahay.
Sheekada aynu ka baranay Jack Ma Story
1) Waa suurto gal: waxaa suurto gal ah inaad ka bilawdo ganacsigaaga meel aad u hooseeysa oo aad noqoto bilyaneer (maahaba milyaneeer) Jack Ma wuxuu tusaale fiican u yahay dadka ka soo bilaabay meel ka hooseysa zero iskuna daray liiska ugu sareeya ee taajiriinta adduunka.
2) Horaa loo samayn karaa: sharci ma'aha balse horaad ugu guulaysan kartaa. Jack Ma wuxuu gaadhay guul isagoo ku jira da'diisa 30 meeyaha.
3) Marka ay riyadaada iyo hamigaagu weyn yahay, waxyaabaha hoose kuma dhibi doonaan: Jack Ma wuxuu ku noolaa nolol adag, muu ahayn qof ku nool nolol raaxo leh, muu lahayn gaadhi iyo baan ay lacagi u taalo toona balse wuxuu u cadeeyay aduunka in haynta iyo dhaqaaluhu aanay aanay caqabad ku noqon doonin haddii riyadaada iyo hadafyadaadu ay waaweyn yihiin.

Xigasho:C.risaq Faarax Cawad

Admin:Ahmed Mohamud Turdho
Qiso cajiib Ah fasal baa waxaa ku jiray Arday badan oo gabdho Ah badankood xijaab ma Aysan qabin Hal gabar Mooyee Gabadhii baa maalin macalinkii su,aal waydiiyey waxa uu ku dhahay maxaa kuu diiday inaad sidii gabdhahaas oo kale samayso?
Waxay ugu jawaabtay Gabdhuhu waxay kuu Arkaan inaadan Agtooda Nin raga Aadan ka Ahayn ,laakiin Aniga Agteeda nin baad katahay sidaas darteed baan xijaabka u xirtay
Channel photo updated