Benjamin Netanyahu, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, ayaa hadda la hadlay suxufiyiinta Tel Aviv.
Ma uusan soo hadal qaadin dilka hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah, balse waxa uu diray diginin ah in waddankiisu "u diyaarsan yahay dhammaan xaaladaha".
Qudbadiisa oo dhinacyo badan taabaneysay ayaan idinkaga soo gudbin doonaa qeybaha ugu muhiimsan.

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in dalka Iran ay ka dhacdo baroor-diiq loo sameynayo madaxii siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyah oo la dilay Arbacadii shalay. Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa tujin doona salaad Janaaso ah ka hor inta aan hogaamiyihii Xamaas loo qaadin magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaa oo lagu wado in lagu aaso.
Iran ayaa ku eedeysay Israa’iil inay ka dambeysay dilka. Warbaahinta Mareykanka oo soo xiganeysa saraakiil Iraniyiin ah ayaa sheegtay in hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran uu amray weerar toos ah oo ka dhan ah Israa’iil.
Mr Khamaney ayaa mar sii horeysay sheegay in dalkiisa uu waajib ka saaran yahay inuu jawaab ka bixiyo, maadaama Ismaaciil Haniyah uu ku dhintay dhulka Iran.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaan ka hadlin dilka Haniyah, balse waxa uu uga digay Israa’iiliyiinta in maalmo adag ay fooda ku soo hayaan. Wuxuu sheegay in dalku uu diyaar u yahay xaalad kasta.

Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo hawlgalo Argagixisada Daacish lagu sifeynayo ka fuliyey Deegaanka Toga jaceel ee Buuralayda Cal-miskaad. Waxaa la dilay in ka badan 57 Argagixiso Ajaaniib u badan iyadoo Ciidanku la wareegay goobihii lagu dagaalamay, sidoo kale waxaa gacan lagu dhigay Hub, Dokumentyo iyo agabkale.
👍1
DF oo war culus ka soo saartay weerarkii Axmed Madoobe ku qaaday Baardheere.
Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo war-saxaafadeed kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa Ciidamada Qaranka ku amaantay sida ay degmadaas uga difaaceen kooxdii soo weerartay saakay.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay weerarkaas uu soo abaabulay Axmed Madoobe, waxaana qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya lagu cadeeyey in ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha qaswadayaasha ah ee carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka.

War cusub oo kasoo kordhay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee BF.
Waxaa dib u dhac ku yimid furitaanka kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la filayay in maanta uu furmo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Xildhibaannada labada Gole ayaa galay fasax laba billood ah, waxaana haatan qorshaha uu yahay inay dib isugu soo laabtaan, si ay usii amba qaadaan howlaha shaqo ee u yaalla.
Kalfadhigii 6-aad ee lagu wado in haatan uu furmo ayaa ah mid ka duwan, kana adag kuwii hore, maadama qoddobo masiiri ah ay go’aanno ka gaari doonaan, sida doorashada.
Si kastaba, Kal fadhigii 5-aad ee soo xirmay ayaa xildhibaannada Baarlamaanka waxaa ay diiradda saareen arrimo ay kamid yihiin dib u eegista Dastuurka iyo sidii dalka loogu jiheyn lahaa doorasho qof iyo cod ah oo haatan ay ka taagan tahay xiisad xoogan, maadaama ay isku hayaan dowladda dhexe, qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo mucraadka dalka.

Trump oo qorsheynaya in uu dadka Gaza u raro Puntland, Somaliland iyo Morocco.
Maamulka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa lagu warramay inuu ka fakarayo saddex goobood oo suurtagal ah in lagu qaabilo reer Gaza, kaddib markii uu ku dhawaaqay in Mareykanku uu qorsheynayo inuu la wareego Marinka Gaza isla markaana dib u dhiso.
Wargeyska Jerusalem Post oo sii xiganaya taleefishinka N12 ayaa goobaha laga fakarayo ku sheegay dalka Morocco iyo gobollada Puntland, iyo Somaliland ee Soomaaliya.
Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in saddexdan gobol ay wadaagaan baahi weyn oo ay u qabaan taageerada Mareykanka. Somaliland iyo Puntland waxay raadineyaan aqoonsi caalami ah, halka Morocco ay weli ku jirto muran dhuleed la xiriira Saxaraha Galbeed.

Xaaladda Bani’aadantinimo oo Laga Dareemayo Congo"
Dagaallo ka dhacay magaalada Goma ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, kuwaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 3,000 oo qof.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay fallaagada M23 oo taageero ka helaya Rwanda iyo ciidamada milatariga Congo. Meydad badan ayaa wali lagu ururinayaa waddooyinka, iyadoo ilaa 2,000 la helay, halka 900 oo kale lagu hayo isbitaallada.
Dowladda Congo waxay Rwanda ku eedeysay inay taageerto M23, balse Rwanda way diiday eedeyntaas.

Maxay salka ku haysaa xurgufta ka dhex qaraxday Elon Musk iyo Ilhaan Cumar
Xurgufta u dhexeysa Elon Musk iyo Ilhaan Cumar waxay ka dhalatay hadal ay Ilhaan siisay muhaajiriinta aan sharciyeysnayn ee Maraykanka, iyada oo la sheegay inay kula talisay sida ay uga fogaan karaan hay'adda ICE. Musk ayaa arrintan si adag u dhalleeceeyey, isagoo baraha bulshada ku faafiyey muuqaal muujinaya hadalka Ilhaan, taasoo dhalisay muran weyn.

Jarmalka Iyo Faransiiska oo si adag uga hadlay raridda Falastiiniyiinta
Jarmalka iyo Faransiiska ayaa si adag uga hor yimid qorshaha Madaxweyne Trump ee la wareegidda Qaza iyo raridda shacabka Falastiiniyiinta. Jarmalka wuxuu ku adkeystay in xalka laba dal yahay midka kaliya ee suurtagal ah, halka Faransiiska uu sheegay in barakicinta khasabka ah ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah, isla markaana khatar gelinayso xasilloonida gobolka.

Dagaalka Ganacsi ee Maraykanka iyo Shiinaha: Sidee ayuu u saamaynayaa Afrika?
Dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha caalamka, waxaana sidoo kale uu saameyn ku leeyahay qaaradda Afrika. Saameyntan waxay u badan tahay inay ku xiran tahay dhowr arrimood, sida soo socda:
1. Saameynta suuqa ganacsiga: Xiriirka ganacsi ee Maraykanka iyo Shiinaha ayaa sii kordhayay, laakiin markii uu bilaabmay dagaalka ganacsi, waxaa jiray cunaqabateyn iyo canshuurro lagu soo rogay badeecooyinka labada dal. Tani waxay sababtay in badeecooyin badan oo laga soo dhoofiyo Shiinaha, kuwaas oo caadi ahaan loo isticmaali jiray Afrikada, ay noqdaan kuwo qaali ah. Tani waxay hoos u dhigeysaa awoodda iibsashada ee qaaradaha iyo waxay dhaawacdaa ganacsiga Afrikaanka.
2. Isbedelka qiimaha badeecooyinka: Maraykanka iyo Shiinaha waxay yihiin dalal weyn oo wax soo saarka badeecooyinka caalamiga ah, waxaana badanaa la isku dhaafsadaa badeecooyin aan si toos ah loo dhoofin Afrika, laakiin saameyntan waxay carqaladayn kartaa qiimaha iyo helitaanka badeecooyinka muhiimka ah sida agabka dhismaha, tignoolajiyada, iyo walxaha kale ee muhiimka ah ee loo isticmaalo in lagu horumariyo dhaqaalaha Afrika.
3. Saameynta maalgashiga: Shiinaha wuxuu qeyb weyn ka yahay maalgashiga qaaradda Afrika, isagoo maalgelin ku sameeya mashaariic waaweyn sida wadooyinka, dekedaha, iyo tamarta. Dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka wuxuu saameyn ku yeelan karaa xawaaraha iyo heerka maalgelinta Shiinaha ee Afrika, maadaama dalka Shiinaha uu wajahayo culeysyo dhaqaale oo ay sababaan canshuuraha iyo culayska dagaalka ganacsi.
4. Fursadaha ganacsi ee Maraykanka: Maraykanka, dhanka kale, wuxuu raadinayaa suuqyo cusub oo ganacsi, waxaana qaaradda Afrika loo arkaa inay tahay suuq muhiim ah. Haddii Maraykanka uu awood u yeesho inuu xoojiyo xiriirka ganacsi ee Afrika, waxaa suuragal ah in ganacsiga ka dhex dhacaya Afrika iyo Maraykanka uu kordho, taasoo faa'iido u noqon karta qaaradda.
Si guud, dagaalka ganacsi ee Maraykanka iyo Shiinaha wuxuu abuuri karaa fursado iyo caqabado labadaba. Dalka Afrika ayaa waxaa looga baahan yahay inuu si caqli gal ah uga faa'ideysto isbeddelada ganacsi ee ka socda caalamka.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay imtixaanka qaranka fasalada uu ka imaan doono
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ayaa la wadaagtay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee sannadkan galaysa imtixaanka Qaranka 2024/25, in su’aalaha sannadkan ay ka imaan doonaan dhammaan fasallada kala duwan ee dugsiga sare waxa ayna noqon doonaan sidan hoose
Form Four 60%
Form Three 20%
Form Two 10%
Form One 10%

Mareykanka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in maraakiibtiisa dawliga ah loo ogolaan doono inay si bilaash ah uga gudbaan Kanaalka Panama, taasoo dowladda Mareykanka u badbaadin doonta malaayiin dollar sanadkii.
Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib cadaadis uu madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, saaray maamulka Panama.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Kanaalka Panama (ACP) ayaa beenisay inay wax ka beddeshay khidmadaha ama xuquuqda marin-bixinta.
War-saxaafadeed ay soo saartay, hay’adda ayaa xaqiijisay inaysan wax ka beddelin khidmadaha, balse ay diyaar u tahay wadahadal lala yeesho mas’uuliyiinta Mareykanka.

Hogaamiyaha Golaha Qaranka Suudan, ahna taliyaha guud ee ciidamada dalkaas Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa socdaal diblomaasiyadeed dhawaan ku soo maray Galbeedka Afrika oo ay ku jiraan dowladaha kala ah: Mali, Guinea-Bissau iyo Sierra Leone, wuxuuna ku soo gabagaboobay socdaalkiisa Mauritania iyo Senegal.
Socdaalkiisa oo soo dhamaaday 14-kii bashii January ee lasoo dhaafay, wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay jiraan isbadallo badan oo ka dhacay saaxada dagaalka Suudaan haday ahaan lahayd heer siyaasadeed iyo heer militariba, iyadoo socdaalkan uu ka horreeyay in Washington ay cunaqabatayn kusoo rogtay Taliyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF, Mohamed Hamdan Dagalo oo ku magac dheer Hemeti, oo lagu eedeeyay inuu xasuuq ka geystay gobolka Darfur.
Booqashadan ayaa sidoo kale kusoo aaday, iyadoo ciidamada Suudan ay guulo isdaba joog ah gaadheen, iyagoo ugu dambeyntii dib u soo ceshaday gacan ku heynta magaalada Wad Madani oo ah xarunta gobolka istiraatiijiga ah ee Al-Jaziira iyo qeybo muhiim ah oo ka mida magaalada caasimada ah ee Khartuum.
Al-Burhaan ayaa xilli uu kulan la qaadanayay jaaliyaddda Suudaan ee ku nool magaalada Nouakchott ee caasimada dalka Mauritania waxa uu u sheegay, in uu ku wargaliyay madaxda dawladaha Galbeed Afrika, in Suudan ay wajaheyso duullaan cusub, isla markaana dowlado cusub oo gumeystayaal ah ay ka dambeeyaan xoogaga taageerada degdega ah, iyagoo ku taageeraya lacag, hub iyo calooshood u shaqeystayaal, wuxuuna carrabka ku dhuftay, in shacabka Suudaan ay la dagaallami doonaan maleeshiyaadkaas taageero kasta oo ay ka helaan awoodahaas.

❤2
Xamaas ayaa maanta oo Sabti ah sii deynaysa 3 qof oo Israeli ah, kuwaas oo lagu beddelan doono 183 maxbuus oo Falastiini ah oo ku xirnaa Israa’iil. Tallaabadan ayaa ah isdhaafsigii shanaad tan iyo markii xabad-joojinta laga gaaray dagaalka Gaza.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in saddexda qof ee la sii deynayo ay kala yihiin Eli Sharabi, Or Levy, iyo Ohad Ben Ami. Waxaa isdhaafsigan lagu sameynayaa iyadoo weli gobolka uu ku jiro xaalad kacsanaan siyaasadeed.

❤1