​Waarsiino
3.47K subscribers
64 photos
2 videos
326 files
3 links
" Waarsiino " —

​Hoyga qalin-jiifka ustaad Ibraahin–Hawd. Halkan waxaad ugu imaan doontaan: Run biyo-dhac ah, curisyo dhumuc leh, suugaan iyo sheekooyin amakaag leh!

Waa madal loogu talagalay baraarugga maanka, aqoonta, iyo wacyiga dhabta ah.
Download Telegram
Dhacdooyin.pdf
61.3 KB
322
❤3
Baraarujin

Akhriste,
Golahan Ibraahinhawd ugu horreyn waxaa loogu talagalay in lagu ururiyo oo laga wada helo qoraalladii qoraagan. Waa qoraallo sannado badan soo taxnaa oo isugu jira waxyaalo aad u ka la duduwan: Maqaallo, sheekooyin, gorfayn, baadhis, maansooyin iyo doodo fikir oo ay dad kale wadaageen. Waxa sidaa u badan una ka la duwani waxa ay la socdeen waayaha oo maalinba midab lahaa. Waxa ay la socdeen garashada iyo aqoonta qoraaga. Sidaa darteed, qoraalladaa isku diirad qudha lagu ma wada eegi karo, isku xukunna la ma saari karo. Haddana waxaa jirta tub cad oo aanay qoraalladani weligood ka leexan, iyo tiir adag oo ay fikradahooda oo dhami ku taagnaayeen. Waa xoojinta iyo cusboonaynta af soomaaliga qoran, iyo isla markaa kicinta fikirka iyo wacyiga dadka soomaaliyeed. Dhan walba oo aad qoraalladan kaga timaaddo labadaa ceel ayuun bay kuu aroorinayaan.

Mahadsanid.
❤40👏8💯4
Gorfayn buug.pdf
123.6 KB
325
❤9
Saaxiibbayaal YouTube Channel-ka Waarsiino waan kicinayaa. Taageeradiina ayaan u baahanahay. Fadlan haddii ay farriintani ku soo gaadho, adiga oo subscribe soo saarin ha dhaafin. Waa codsi taageero. Mahadsanid.

https://youtube.com/@waarsiino-media?si=dzrbQqZKqVl0N56K
❤1