Zuldan Media
2.31K subscribers
720 photos
292 videos
7 files
551 links
لئن كان في الدنيا نعيمٌ فإنما
هو العلمُ بالرحمانِ جل جلالهُ
Download Telegram
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Zuldan Media
Photo
Waxa soo carfaya udugga & jawiga maalmo qiimo badan, Ilaahay agtiisana ku wayn, camal bani aadam qabto oo xagga Alle looga jecelyahayna aanuu jirin.

Maalmaha aynu sheegaynnaa waa 10-ka maalmood ee ugu horreeya bisha Dul-xijah, bishan iyada oo sideeda xurmo & mudnaan gaar ah u leh maadaama ay ka mid tahay ( أشهر الحرم ), haddana waxa si gaar ah loo xusay maalmaha 10-ka ah ee ugu horreeya.

Nabigana ﷺ waxa ka sugan in uu yidhi : ma jiraan maalmo camalka la qabtaa uu ka fadli badan yahay maalmahan, saxaabadu waxa ay waydiisay ma illaa jihaadka? Nabigu ﷺ waxa uu yidhi : xataa jihaadka waxa ka fadli badan camalka maalmahan la qabto, marka laga reebo qofka Ilaahay dartii u jihaaday ee naftiisii & maalkiisii midna aanu soo noqon, ( kaas uun baa ka fadli badan ).

Maalin amma laba maalmood kaddib waxa bilaabmaya maalmahaas aynu kor ku sheegnay ee aynnu diyaar garow iyo heegan xooggan u galno sidii aynu kaydka aakhiro u buuxsan lahayn, baahideenna Alle u bandhigi lahayn, nafaheenna u daahirin lahayn, Ilaahayna ugu dhawaan lahayn.

✍🏽 Zuldan
16🥰1
10-kan maalmood ee fadliga badan waxa wanaagsan in aynu xaga Alle u dhawaanno, dikriga noocyadiisa kala duwanna aynu la nimaadno, soonka, ducada & quraan akhriska si gaar ah aynu uga ag dhawaanno, gefkana aynu yaraysanno. Waa ammin mar la arag ah oo sannadkii hal mar ina soo marta, mana garan karno in sannadkani yahay midkii nolosha inoogu danbeeyay, ee akhyaareey aynu dedaalno oo Alle aynu ka dhawrsanno, oo kaydkeenna aakhiro aynu sahay kusii ridanno.

✍🏽 Zuldan
9
Maalintii qiimaha badnayd ee carrafo waxa innaga xiga maalmo kooban.

Waxa aan naftayda iyo tiinnaba xasuusinayaa in saxaabadu ay ducadooda diyaarsan jireen si maalinkan qiimaha badan Alle ugu bandhigtaan, iyaga oo si dhab ah u rumaysan in Alle ducadooda aqbalayo, dadkii suubbanaa mid ka mid ah ayaa isna lahaa: Ilaahay maan wax waydiisan oo ma ducaysan ilaa muddo kadib waxa aan u arkaa sida waabariga.

Ilaahay ha ina gaadhsiiyo oo ha inna waafajiyo ka faa’idaysigeeda, ducooyinkeennana ha inoo aqbalo.

✍️🏾 Zuldan
8
1😢1
Zuldan Media
Photo
𝗡𝗮𝗳𝘁𝗮𝘆𝗱𝗮 & 𝗡𝗮𝗳𝘁𝗮𝗮𝗱𝗮.

Berri oo Axad ah , Isniin oo ka danbaysa, Salaasa oo carrafo ah, acmaashan kala ah ( khatmo Qur’aan, Soon, Salaadaha ( faral & sunne ), xuska Alle & sadaqada ) aynu nafteenna la ogaanno.

𝗞𝗵𝗮𝘁𝗺𝗼 𝗤𝘂𝗿’𝗮𝗮𝗻.

Madama ay 3 maalmood yihiin, isku day in aad 24kii saac 10 juz akhrido, si aad maalinka carrafo galinka hore u dhammayso, haddii wardi uu kuu socdayna khatmada, ducadeeda & ta carrafa aad isku beegato, soo nicmo wayn ma aha.

𝐒𝐨𝐨𝐧.

Isku day in aan saddexdan maalmood soonkoodu dhayal kugu dhaafin, barri waa axad oo maalmaha qiimaha badan bay ka mid tahay, isniin oo fadli gaar ah lahayd waxay haddana waafaqday 10kan maalmood, carrafa iyaduna waa maalintii tilmaamnayd, ee soonkeeda lagu dhaafayay danbiga sannad tagay & mid soo socda.

𝗦𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 ( 𝗳𝗮𝗿𝗮𝗹 & 𝘀𝘂𝗻𝗻𝗲 ).

Salaadaha faralka ah tukashadooda & ilaalinta waqtigoodu waa waajib oo waynu ognahay, waxa se la isku dhaafay waa sunnayaasha, ee aynu nafta laylinno oo saddexdan maalmood ku dedaalno inaynu sunnayaasha raacinno, si gaar ahna habeenkii waqti yar oo ka mid ah xaggiisa hore ama danbe aynu salatu layl tukanno oo Alle gacmaha hoos dhiganno.

𝗫𝘂𝘀𝗸𝗮 𝗔𝗹𝗹𝗲.

Maalmahan si gaar ah in xuska Alle aynu u badinno, si gaar ahna tasbiixda, takbiirta, taxmiidda & tahliisha. Sidoo kalena salliga nabiga & danbi dhaafkana aynu xoog u badinno, oo yaraysanno in aynu nafteenna dulmino Allena gef ka galno.

𝗦𝗮𝗱𝗮𝗾𝗮𝗱𝗮.

Iyada oo aynu ognahay maalmahan danbiga la galaa in uu ka culusyahay danbiyada waqtiyada kale, sidoo kale wanaag kasta oo la qabtaana waa ka fadli & dheef badanyahay waqtiyada kale, maalmahan waxyaabaha ay tahay inaynu nafteenna la ogaannaa waa sadaqada & u dhibrinta masaakiinta, inta ay doonto ha leekaato’e.

Wanaagga waa la isu kaashadaa.

✍🏽 Zuldan

Telegram.
https://t.me/suldan_a
115
Asxaabta qiimaha badan ee kanaalka ku xidhan, dardar galinta kanaalka iyo soo gudbinta wixii wanaagsan waa ujeedka aan halkan u joogo.

Waydiimaha hoose ayaa ii qeexaya sida hawshu u socoto.

Fodlayn dorashadaadu waa ii muhiim.
Soo gudbintii qoraallada beryahan danbe
Final Results
47%
Waad ka gaabisay
29%
Waa sidoodiii
24%
Waa 50 / 50
Zuldan Media
Soo gudbintii qoraallada beryahan danbe
Natiijadi wa inaan ka gaabiyay spo gudbintii Alle ha igu asturee dedaalka waan wadaynaa.
1
Zuldan Media
Magaca kanaalka oo ah midka ii gaarka ah
Natiijadi waa in magaca la Update gareeyo, sida awgeed magacyadan ino kala xula.
1
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
👍1
Halkaas رسال waa typing error waxan uga socdaa رسالة.
Zuldan Media pinned «Magaca kanaalka»
Maanta oo ay bisha Dul-xijah tahay 8 waxa lo yaqaan يوم التروية waa maalinta xujaydu acmaasha Xajka ay bilaabaan.

Maalintan waxa ay xujeydu u guuraan Mina, kadib halkaas ayay ku tukadaan salaadaha Duhur, Casar, Maqrib, Cishe & Salaadda subax ee maalinka Carrafo, iyaga oo salaadaha afarta ah gaabinaya balse aan is raacinayn ( aan jamcinayn ).

Maalintan oo qofba xilli uu soo gaadhayo ilaa duhurka, laguna nagaanayo illaa habeenimadka waxa uu qofka xaajiga ahi ku sugnaanayaa mina, intaasna waxa uu wadayaa waa dikriga Alle noocyadiisa kala duwan & duco.

اللَّهُمَّ اجعلْنا ممَّن لهم نصيبٌ في دعاءِ يومِ التَّروية، واشملْنا بعفوِك ومغفرتِك، واجعلْنا ممَّن نظرتَ إليهم فرضيتَ عنهم 🤲.

✍️🏾 Zuldan

https://t.me/suldan_a
8🥰1😢1
𝗡𝗮𝗳𝘁𝗮𝘆𝗱𝗮 & 𝗡𝗮𝗳𝘁𝗮𝗮𝗱𝗮

Barri waa 𝗰𝗮𝗿𝗿𝗮𝗳𝗼.

Ilaahay khayrkeeda ha ina waafajiyo, ducooyinkeenna & cibaadooyinkeenna oo idilna ha inaga aqbalo.

Barri wanaag samayntiisa oo dhan ha yaraysan, xumaha idilkiina ka dheerow, berri laba camal ku dedaal in aanay ku seegin, oo aad nafta dul dhigto.

1. 𝗦𝗼𝗼𝗻𝗸𝗮.

• In aad soonto, oo aanuu dhayal kugu dhaafin maalintan qiimaha badan soonkeedu, sida aynu ognahayna soonka maalintan waxa lagu dhaafaa danbiga sannad tagay & mid soo socda.

2. 𝗗𝘂𝗰𝗮𝗱𝗮.

• berri waa maalin duco, waa maalin ay tahay addoonku inuu rabbigii gacmaha hoos dhigto oo baahidiisa u bandhigto, waa maalin uu Alle addoomadiisa ugu badan naarta ka xoreeyo, waa maalin uu suubbanuhu sheegay in duco ta u khayrka badani ay tahay ducada maalinkan.

Aynu ku dedaalno inaynu labadan camal nafta dul dhigno.

✍🏽 Zuldan
9
لأجل أننا مُسلمون، وتعظيم شعائرِ الله فريضة، مصداقًا لقوله تعالى :
{ ذَٰلِكَ وَمَن يُعَظِّمْ شَعَائِرَ اللَّهِ فَإِنَّهَا مِن تَقْوَى الْقُلُوبِ }

عيدكم مُبارك، وكل عامٍ وأنتم بخير🌸.
2