وَصَدَّقَتْ بِكَلِمَاتِ رَبِّهَا 💙👸🏻
9.03K subscribers
1.12K photos
137 videos
1 file
16 links
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنكُمْ ۖ فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ}💙
Download Telegram
⚠️Hadii aynu dhahno Sayiduna Khaalid ibnul _Waliid waa taliye caqli badan, ma aynaan siinin xaqiisii oo buuxa.

Sababtoo ah, taariikhda waxaa soo maray taliyeyaal badan oo caqli badan, laakin ma jiro qof la mid ah Khaalid rc.

Sayiduna Khaalid wuxuu ahaa taliye caqli badan oo heer sare ah, xeel-dheer, aan la sadaalin karin dhaqdhaqaaqiisa Mar kasta wuxuu la imaan jiray qorshe cusub iyo xeelad lama filaan ah .

Galbedka kuwooda runta sheega waxy ku magacaabaan
[ Greatest warrior of all time]

🛡 waxaa kamida xeeladihiisii milatari:

– Dagaalkii daatasalaasil Cadowgisu wuxuu u malaynayey inuu Khaalid u socdo magaalada Kaathimah, markaasuu Hurmuz oo ahaa taliyihii faarisiyinta ka hor maray oo halkaas kaga horeeyey, wuxuuna hurmuz dagay khidad, si uu isugu diyaariyo dagaal Laakiin Khaalid wuu ka leexday, wuxuuna khaalid iska dhigay mid u socda deegaanka al-xufayr hadana Mar kale ayuu Hurmuz u dhaqaaqay si uu Khaalid uga hor maro meeshas wuxuna dagay qorshe cusub. Laakiin Sayiduna Khaalid mar kale ayuu hadana xeelad kale qaatay, wuxuna ku laabtay Kaathimah, halkaasna wuxu ka dhigtay saldhig. Cadowgii markuu yimid aad ayay u daalanayeen, war_wareejintii khaalid darteed Muslimiintuna si fudud bay ujabiyeen cadawgi.

– Dagaalkii caynutamar: Ka hor intaan dagaalka bilaaban, Sayiduna Khaalid wuxuu la baxay koox yar oo fardo ley ah, si lama filaan ah ayayna u weerareen ciidanka gaalada. Waxay khaalid iyo kooxdisii gacanta ku dhigeen taliyihii gaalada oo la odhan jiray عقة بن قيص
cadawgii way qalbi jabeen markii hogamiyahodi la dilay ka hor intaan dagaal bilaabanba.

Dagaalkii al-Walajah khaalid Si uu cadowga u cabsi geliyo, wuxuu mubaarzo la sameyay halyeeygii ugu xoogga badnaa cadowga, kaasoo ay oran jireen gaaladu
"Waa hal nin oo u dhigma kun nin" kadib khaalid wuu dilay ninkii sida ay taarikh yahanada qaar sheegaan waxa la dhahaa khaalid wuxuu ku fariistay maydkii gaalki, wuxuuna ku dul cunay cunto , Cadowgii naxdin ayuu wadnuhu dilaacay kadib markay arkeen kii ugu adkaa oo maydkisii cunto lagu dulcunaayo.

– Dagaalkii Mu’ta o aad wada garanaysaan wuxu sameeyay. Ka dib dhimashadii saddexda taliye ee Muslimiinta, zayid binu xaaritha, cabdulahi binu rawaaxa, iyo jacfar binu abii daalib waxay muslimintu ahaayeen 3000 Romankuna waxay ahayeen 200,000! Markaas Khaalid wuxuu sameeyey xeeladdii ugu wanaagsanayd abid ee taariikhda

Wuxuu kala beddelay ciidamadii, kuwii xaga midigta joogay wuxu geeyay xaga bidix kuwii bidixda joogaynay wuxu geeyay xaga midig si uu cadawgu ugu maleeyo kuwo cusub

Hadana Wuxuu koox yar oo fardoolay ah dhigay gadaasha ciidanka, oo uu amar ku siiyey inay halmar soo wada dhaqaaqan kiciyaana boodh, iyo qaylo kuna qayliyaan "Allahu akbar! si uu cadowgu ugu maleeyo in ciidamo gurmad ah yimaadeen.

Waxay sheegaan tarikhyahanadu in maalintas dagaalkas mu'ta 8 seefood uu dhameyay. khaalid qiyaas bal imisa gaal ayuu dilay!!

Kadib Khaalid wuxuu amar ku bixiyey in ciidanka oo dhan ay si tartiib ah dib ugu baxaan. Cadowgii Roomanka waxay moodayeen in ay muslimintu so rogaalcelin rabaa weerar weyn soo wadaan, lkn khaalid wuu kaxeyay cidankii macqul mahaa 3000 iyo 200 000 inay siwadaan dagaalka

Intaas oo dhan oo caqli iyo xeelad milatari ah, wuxuu Khaalid ku darsaday inu nin mutawakkil ah oo ilahay talo saarasho badan ahaa wuxuuna ilahay marwalba waafajin jiray guusha


Khaalid wuxuu ahaa taliye caqli badan, halyey geesi ah, xeelad-yaqaan aan la saadaalin karin, iyo mu’min mutawakkil ah oo Ilaahay isku halleeya. Taariikhda cid lamid ah ayna jirin.!!!♡♡♡

رضــــي اللــــه عــنك يا ابـــــا سليمــــــــــــان 🩷
[خالد ابن الوليد ابن المغيره] صيف الله مسلوله💚
11👍3❤‍🔥1🔥1
Mufakir Dr Maxamed Camaara Ilaahay ha u naxariisto asaga iyo culimadi waawaynaa ee dhimatayba ayaa mar wuxu yidhi:-

Waxaan fadhinay shir mid ka mid ah raggii fadhiyey oo ah nin calmaani ah ayaa wuxu igu yidhi isagoo igu jeesjeesaya

“Ma waxaad doonaysaa inaa xukunka iyo shareecada Islaamka loo noqdo oo aad dadka u celiso dib qarniyo?”

Waxaan ku iri:

Haa waqtigii boqor Cabdulxamiid uu ahaa mid kataliya badhtamaha adduunka oo dhan!

Haa waqtigii boqorrada Yurub ay ka amar qaadan jireen khaliifka cusmanyiinta!

Haa waqtigii dawlal mamalik ay dunida ka badbaadiyeen tataarkii

Haa waqtigii khilafal Cabaasiyah ay xukumi jireen kala badh aduunka!

Ha wakhtigii marka uu Haaruun al-Rashiid farriin u diraayo boqorada Ruum ugu wici jiray magac ahaan "ayda roma"!

Haa wakhtigi ay ibnuRushdi alKhawarzimi iyo ibnul Khaldun ay aduunka Bari iyo Galbeedba barayeen cilmiga!

Haa wakhtigii ay Muslimiintu ay ka dhiseen spain jaamacaddii ugu horreysay ee Yurub!

Haa wakhtigi ay Qaahira ahayd magaalada ugu quruxda badan dunida!

Ha wakhtigii halka diinaar ee Ciraaqiga ah uu udhigmi jiray $483!

Haa wakhtigii dadka Yurub uga soo qaxa faqri ay qaxootinimo ay imaan jireen Elxandariya

Haa wakhtigii uu Maraykanku ka baryi jiray Masar in ay badbaadiso Yurub oo ay cunto iyo cawimad u dirto

Wakhtigaas miyaa dib udhac iyo danbayn ahaa...!!??
Markaas ayuu wareeray calmaanigii sidi quraanka lagu yidhi.!! فَبُهِتَ الَّذِي كَفَرَ ۗ
11🙏1🫡1
"Rabigiin waa midka idin abuuray idiin sameeyay dhago, indho iyo qalbi inyar unbaa rabigaas umahadnaqda"

Suuratul mulki ayah 23🩷
25❤‍🔥1🔥1
اللهمَّ مستقبلًا ترفع به رأسي، وتقرُّ به عيني
اللهمَّ عُمرًا لا أندمُ على شبابه، وسعيًا لا أتحسّرُ على ضياعه، وأثرًا يذكُرني به مَن بَعدي.
اللهمَّ اجعلني عونًا لأهلي، وسترًا لعائلتي، ويدًا كريمةً لا تنكسر، وصوتًا حُرًّا لا يُذلّ.
اللهمَّ لا تجعلني فقيرةً إلا إليك، ولا كسيرةً إلا على بابك، ولا محتاجةًإلا لرحمتك.
اللهمَّ ارزقني رزقًا يُغنيني عن سؤال عبادك، ويكفيني ذُلّ الحاجة، ويُقيم لي وزنًا عند من ظنّ بي قلّةً وعجزًا.
اللهمَّ بارك لي في قُوتي ما حييت، ولا تتركني يومًا أتساءل: أين شبابي وقد ضاع هباءً؟
يا ربّ! اجعل أيامي القادمة عزًّا لي ولمن أحبّ، وخيرًا يُخلّد اسمي حتى ألقاك وأنت راضٍ عني .💙
5❤‍🔥1🥰1👏1🕊1
15🥰2❤‍🔥1🕊1
‏﴿ وَإِنِّي لَغَفَّارٌ ﴾
- لِمَن ياربّ ؟
﴿ لِّمَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا ثُمَّ اهْتَدَىٰ ﴾ 🌺.
7🥰2❤‍🔥1🔥1
"Qofkii hanuuna isaga unbaa naftiisa u hanuunay qofki halaabana isaga unba naftiisa u halaabay qofna qofkale danbigiisa ma qaadayo"


Suratu israa ayah:15💙
12❤‍🔥1🔥1
❤️
5❤‍🔥1🔥1🕊1
Ma dhacdaa inaad mararka qaar dadka ixtiraam daro kala kulanto?!

Ma is weydiisay sababta ay dadku kuu xaqiraan ama kuu yasaan mararka qaar hadi ay kugu dhacday ?
Ma is weydiisay sababta meel kasta oo aad tagto aan laguugu muujin ixtiraam ama sharaf?
Ma ogtahay sababta hadalkaaga uusan miisaan ugu yeelanayn dhegaha dadka, oo aad dareemayso in lagu fududaysanayo mararka qaar?

Ma ogtahay in sababtu tahay dambiyada aad si qarsoodi ah u gasho, oo ayna dadku ku ogayn lkn khaaliqoodu ku ogyahay!
Hadal uu yiri imaamki weynaa ee IbnulQayyim alJawzih Ilaahay ha u naxariisto isagoo ka hadlaya xumaanta dambiyada qarsoon iyo cawaaqibkooda.

➤ imaamku wuxuu leeyahay:
Dhibta ugu horreysa ee dambiga qarsooni keeno waa in qofka qalbigiisa laga saaro cabsida iyo ixtiraamka ilahay!
Marku qalbigu kaligii yahay haduu rabigii ka baqi waayo, waxaa u fududaadaa dambiyada oo dhan yaryar iyo waa waynba Waa sida silsiladda oo kale

● Qofka waxa ka luma Cabsida iyo xushmadda ilahay →
● Qalbiga qofku wuu daciifa sababta danbiyad u qarsoodi ku samaynayo dartood→
● qofka waxa luma ixtiramkisa Dadkuna way yasaan sababta cidladii uu danbiga ku galay yidhina dadku ima arkaan ilahayna uu iska indho tiray Sidaa aad adigu u dhayalsatay amarada ilahay ilahayna wuxuu dadka kale qalbigooda ka saarayaa ixtiraamkaaga!

Sida aad adigu awaamirta rabigaa udayacday ayuu Ilaahay u dayacayaa sharaftaada Sida aad adigu samayso inaadan Ilaahay dan ka lahayn, ayuu ilahayna dadka kale kuu tusi doonaa inaadan wax qiimo ah agtooda ku lahayn.

Sharaftu iyo inlagu ixtiraamaa kaliya xaga rabi unbay ka timaadaa
Qofki ilahay jeclaado dadkisuna way jeclaadaan Haddii aad amarad rabigaa qadariso ilahay adoomadisa waxad kala kulmaysaa qadarin

Sida aad u xurmayso xuduudaha Ilaahay, iyo waxyaabaha uu xarrimay ayaa dadka kale kuu xurmeyn doonaan.

Ilahay wuxuu yidhi:-
Qofkii ilahay duleeyo ma jirto cid sharaf siin karta
[Surat xajji: 18]

Marka aad danbi qarsoodi ugalayso ma ogtahay inaad xurmadii ilahy ku ciyaartay?!
qalbigaagii ayaad ka saartay xushmaddii Rabbigaa sidaas darteed, ayaa qalbiyada dadka kale looga saaray ixtiramkagi iyo sharaftadi

Xalka dhabta ahi waa in Ilaahay aad utowbadkeentaa ood dhahdaa
"Ilahayow! Sharafkaaga qalbigayga ku celi, sharafkaygana qalbiyada dadka ku soo celi! Ha iga dhigin mid ku caasiya gali xishoodkaaga qalbigayga, hana iga qaadin xurmadaada.♡💜
10👍1🫡1
🩷
18❤‍🔥1🔥1🥰1🕊1
‏"أَوَّلُ مَادَّةٍ فِي قَانُونِ الحُرِّيَّة :

‏تِلْكَ حُدُودُ اللَّهِ فَلَا تَعْتَدُوهَا" 💙
10❤‍🔥3🎉2💯2👍1🫡1
"Ha dhihin oo ha raacraacin wax aadan cilmi ulahayn maqalka araga iyo qalbigaba maalinta qiyaame waa lays waydiin"

"Dhulkana si kibir leh ha usoconin marnaba dhulka ma dildilaacin kartid buurahana dherer kuma gaari kartid"

Qur'aan 17: 36,37. 💜
14❤‍🔥1🔥1😢1🎉1🕊1
8:46

Surada 8aad ayada 46aad


وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ ۖ وَاصْبِرُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ❤️
21😍2❤‍🔥1🥰1🕊1
Mid kamid ah saalixiinti hore ayaa wiilkisi ku yiri:-

wiilkaygiyow

Hadii habeenku ku soo galo, iyado diintaadu ku badbaaday, Jidhkaagu ku cafimaad qabo, maalkaagu kuu badbaaday, Ehelkaaguna ku xasiloonyahay
Ilahay aad ugu mahadnaq waxad ku sugantahay nicmo aad uwayn💜
7❤‍🔥1🔥1
_♡
4❤‍🔥1🔥1🕊1
اللهُّم أجعل حياتنا ﴿ نُورٌ علىٰ نُورٍ ﴾🤲🏻
13❤‍🔥1🔥1🕊1
📍Sidee ayaynu noqon doonaa daqiiqadaha ugu horeeya ee jannada?!

Markaan aragno ilahay sida dayaxa buuxa aan u aragno oo kale markan aragno nabigeni scw Markaan lakulano dadkii aan jeclayn ee naga geeriyooday wakhti dheer kahor, o indhahenu ku farxaan aragooda Ee wiilkii baariga ahaa ee wanagsanaa uu la kulmo hooyadiis.
Marka waalidiintii wanagsanaa ay arkaan ubadkodi wanagsanaa ee geeriyooday, Markan aragno kuwi xanuunsanaa oo bogsaday, Kuwii murugaysnaa oo farxad ku nool, Waayelnimadeni oo dhalinyar nimo laynogu badalay.

Markaan la kulano Nabiyadii, oo aan gacanta kawada salaano, markan aragno Asaxaabtii, Mujahidiintii, iyo Shuhadadii,

Markan maqalo Kani waa
Abuu Bakar Midkaasna waa Cumar Midkaasna waa Khaalid ibnuWaliid, Markaan maqalo codkii macaanaa ee Nabi Daawuud! Markaan aragno
Asxaabul Ukhduud. asxaabul kahfi iyo dul -qarnayn.

Shaqadii iyo dhibki adunyadu wu dhammaaday Xisaabi majrto
Murugadii, dhibkii, daalki dhamaan way dhamadeen
Waa sidee daqiiqadaha an arkayno Ilaahay isagoo oranaaya:

"Waan idinka raalli noqday dib danbana idinku cadhoon maayo"

Jannadasi waa meel mudan in loo dadaalo badeecadaas ilahay ee jannada ahna waa qaali xaqiiqdii ilahay janadaas haynagu siiyo naxariistiisa fadligiisa iyo cafintiisa awgeed ma goyn karee💚
9❤‍🔥2
Forwarded from KOOXDA HORSEED
" 🌘 🇰​​🇴​​🇴​​🇽​​🇩​​🇦​ ​🇭​​🇴​​🇷​​🇸​​🇪​​🇪​​🇩​ 🍿

                       channalkada
Hdi u marayo 800 subscribe ah ama 1k
Ila soo xirir kooxda Ayaan kuku dari
hadi usan channalkada intas wadan wax bo
Ha ila soo xiririn mahadsnaid🌟💯

    🇰​​🇴​​🇴​​🇽​​🇩​​🇦​ ​🇭​​🇴​​🇷​​🇸​​🇪​​🇪​​🇩​

Haben wanagsan jalayal 🍂🏆

                                ⬇️⬇️
            🎖@AbdullahiDhaqane9🦾