MISBAAX CHANNEL
592 subscribers
314 photos
3 videos
37 files
473 links
waxaa channelkan kala socon doonta waxwalbo ku sabsan cafimaad tixaano iyo buugag sona dhawow
Download Telegram
BUSCOPAN:

■ Daawadaan waxay kamid tahay dawooyinka ugu caansan dunida

Asal ahaan magaca dawaan waxaa layiraahdaa (Hyoscine butylbromide)

■ Trade names-ka dawada waa (Buscopan)

■ Dawadaan waxay kutimadaa
• kaniini Tablets
• Cirbad Injection

■ Isticmaslka Dawadaan

Buscopan waxaa loo isticmalaa in lagu daweeyo xanuunada sida.
• Calool xanuunka. (Abdominal pain)
• Dufanka hunguriga (Esophageal spasms)
• Kiliyaha (Rinal colic)
•Kaadi heysta ( Bladder spasms)
• Dheecanada neefsa shada (Respiratory secretion)

■ Side affect. Dhibaatooyinka uu leeyahay

• Hurdo la.aan (Sleepness)
• Araga oo isbadala ( Vision changes)
• Afka oo qalala. (Dry mouth)
• wadno garaac (Rapid heart rate)
• Xasaasiyad (Allergies)
CAABUQA MAQAARKA (Skin infaction)

□《 Caabuqa maqaarka waa xaalad caan ah, waa xaalad keeni karta infekshan daran oo ka dhasha bakteeriya. Caabuqaan wuxaa lagu yaqaanaa muuqdaa bararsan, guduud/casaan oo marka la taabto la dareemo diiranaan iyo danqasho. Xanuunkaan wuxuu si dhaqsa ah ugu gudbi karaa qeybaha kale ee jirka. Caabuqa maqaarka la isma qaadsiiyo inta badan.

Caabuqa maqaarka waxuu inta badan ku dhacaa lugaha, in kastoo meel kasta oo jirka kamid ah uu ku dhici karo. Sidoo kale wuxuu ku dhici karaa dahaarka ka hooseeyo maqaarka, wuxuuna u sii gudbi karaa qulqulka dhiiga.

Hadii aan la daweynin, infekshanka sii fidaya wuu khatar gelin karaa nolosha. Wa muhiim inaa si degdeg ah u raadisid daryeel caafimaad hadii aad isku aragtid astaamaha caabuqa maqaarka.
□ waxaa jira 4 siyaabood uu kuyimaado caabuqa maqaarka waxaana mid ah

︎ Bactarial skin infaction
︎ Fungal skin infaction
︎ Parasitic skin infaction
︎ Viral skin infaction
□ Bacterial skin infaction
Waxay inta badan kubilaabataa finan yar yar oo gadgaduudan kuwasoo sitartiib ah kubata

□ Bactarial skin infaction
Waxa uu usii kala baxaa 4 nuuc oo kala ah
︎ Cellutis
︎ Impetigo
︎ Bolis
︎ Leprosy

□ Waxaana lagu la tacalaa dawooyinka (Antbiotic-ga sida cirbadaha iyo bomaatada

◇ Waa maxay astaamaha?
Astaamaha iyo calaamdaha waxey ka soo baxaan inta badan dhinac ka mid ah jirka, waxaana ka mid ah:

Meel ka mid ah maqaarka oo noqota guduud/casaan siina fideysa
Barar
Danqasho
Xanuun
Diiranaan
Qandho
Dhibco dhibco guduud/casaan ah
Bocol

◇ Maxaa sababo?
Caabuqa maqaarka waxaa sababo bakteeriya, khaasatan bakteeriyada loo yaqaano Streptococcus iyo Staphylococcus. Caabuqa wuxuu dhacaa marka ay bacteeriya gasho dilaac maqaarka ku sameysmay. Waxaa so badanaya infekshanada ay sababto Staphylococcus oo loo yaqaano Methicillin-Resistent Straphylococcus Aureus (MRSA) oo ah infekshano ka dhashay bagteeriya iska caabisa dawooyinka qalajiyaasha.

In kastoo xanuunkaan uu ku dhici karo meel kasta oo jirka ah, hadana waxaa inta badan lagu arkaa lugaha qeybta hoose. Bagteeriyada waxey u badan tahay iney gasho meel maqaarka uu ka dilaacay, meel dhawaan qalliin lagu sameeyay, nabarada iyo boogaha.
XANUUNADA MAQAARKA

□ Chapter One (hordhac)

¤ Dermatology waa laan kamid ah Culuumta barashada caafimaadka taasoo diirada saarta
Maqaarka qaabdhismeedkiisa shaqooyinkiisa iyo Cudurada kudhaca. maqaarka iyo Daweeyntooda

¤ Erey cilmiyeedka Dermatology waxa uu kakoobanyahay laboqeeybood oo kala ah

Dermato: oo macneheedu yahay (maqaar)
logy oo macneheeydu yahay (barasho)

□ Skin: maqaar waa xubinta ugu wayn. Jirka aadanaha. Kasoo baa xadiisa lagu qiyaasay Guud ahaan. 6.09cm. ama 1.75m2. waana xubinta ugu wayn xubnaha dareen wadayaasha

□ Structure of the skin: (qaabdhismeedka maqaarka)
Maqaarka waxa uu kakoobanyahay 3 lakab oo waa wayn oo kala ah
1. Epidermas
2. Dermis
3. Hypodermis

◇ Epidermis: (Daharka maqaarka) waa qeebta lakabka ugu sareeya lakabyada maqaarka Waana qeybta laga helo unugyada soo saara maadada (Melanin-ta) taasoo maqaarka siisa midabka.

Lasoco cashirka xiga
XANUUNADA MAQAARKA

□ Structure of the skin: (qaabdhismeedka maqaarka)
Maqaarka waxa uu kakoobanyahay 3 lakab oo waa wayn oo kala ah
1. Epidermas
2. Dermis
3. Hypodermis

◇ Epidermis: (Daharka maqaarka) waa qeebta Lakabka ugu sareeya lakabyada maqaarka Waana qeybta laga helo unugyada soo saara maadada (Melanin-ta) taasoo maqaarka siisa midabka.
Lakabka sare waxa eey kasamay santahay unugyo fidsan oo adag. Kuwaas oo si jogta ah loo daboolo loona badalo.
Lakabkaan kore ee maqaarka waxay samayneeysaa xanibaad lid ku ah bactariyada gudaha galeeyso iyo in ay dhicaanka bananka u soosaarto. ayada oo eey kadhigeyso in biyaha gudaha ku hayso si uu jirku unoqdo mid aa anan unugyadiisa dhiman.
Hadii uu lagabkaan kore uu dhinto ama uu daciifo bactariyada waxa eey awood uyeelan kartaa in eey wararto unugyada hoose ee difaaca jirka.

◇ Dermis: ( Lagabka labaad ee maqaarka)
Waa lagabka ka hooseeya ( Epidermis-ka) oo ah lagabka ugu sareeya maqaarka. Waxayna kakoobantahay unugyo xoogan oo kala ah

Dareere aan midableheeyn iyo unugyo isku xiran kasoo leh xidido dhiig oo aad u yayar iyo dareeme. kaasoo kacaawiya maqaarka ladagaalanka infection-ka iyo cudurada
Sidookale waxay kakoobantahay qaabdhismeed yaalkale oo badan sida
Qanjirada saliida soo saara kuwaas oo qooya timaha.
qanjirada. dhididka kuwaas oo ku caawiya jirka in uu nidaamiyo
Nidaamka qaabilsan dareenka midkaas oo udira fariin maskaxda marka uu dhaco
¤ Xanuun
¤ Cadaadis
¤ Kuleyl
¤ Qaboow
¤ Taabasho
Unugyada quudiya ama koriya tinta. Cidiyaha.

◇ Hypodermis: waa qeeybta ugu hooseeysa maqaarka. Waxeeyna kakoobantahay.
Isku dhaf unugyo dufan leh oo iskuxiran oo adag
Unuga adag wuxuu ku xiranyahay lakabka sare ee maqaarka. Ilaa iyo muruqa lafta.
Unuga dufanta leh wuxuu celiyaa kuleylka jirka. Wuuna qaboojiyaa wuxuuna leeyaha awood.

Lasoco cashirka xiga
BARASHADA CUDURAADA MAQAARKA

□ Skin: Appendages (Waxyaabaha lagu lifaaqo maqaarka

1. . Nail cidiyaha qaabdhismeedkeeda waxaa ka qeeb qaato maadada loo yaqaano keratin

Keratin. Waa protein tasoo ah furaha qaabdhismeedka
Tinta.
Cidiyaha.
Maqaarka.
Waxaana laga helaa qaybta ugu saraysa ee maqaarka. (Epiderms)

2. Hair follicle: waa unug dhaq dhaqaaqa lagana helo maqaarka naasleeyda. ( mammalian) waxaana laga helaa qaybta lagabka labaad ee maqaarka wuxuuna kasamaysanyahay 20 unug oo kala duwan waxayna nidaamiyaan shaqada koriinshaha tinta.

3. Sebaceous glands: ( qanjirada saliida ee maqaarka)

Waa qanjiro soo saara saliida yar ee lagahelo maqaarka naasleeyda (mammalis) waxayna soo saaraan dufanka waxayna kubadan yihiin wajiga iyo mafaxa .

□ Sweat glands: ( qanjirada dhididka)
Waa qayb kamid ah unugyada qanjirada ee qashin saarka jirka waxayna usaaraan dhididka qaybta sare ee maqaarka ( Epidermis) iyaga oo sii marsiinaya duleelada maqaarka.

Lasoco cashirka xiga
barashada xauunada maqaarka

□ Faction of the Skin ( Shaqooyinka maqaarka

1. Protection: ilaalinta jirka guud ahaan.

2. Sensory faction: Shaqada dareenwadaha

3. Formation of Vitamin D qaabeenta iyo sameeynta vitamin D

4. Temperature Control: Xadidaada heerkulka jirka. oo hadii uu kuleel yimaado maqaarka waa uu furmaa wuxuuna soo saaraa dhidid
Fursad ka fa'iideysi u bahan Ka qayb gal semenar-Kan oo hel Shahaado free ah
Is diiwan gilinta waa free sido kale shahadadana waa free
Semenarka waxaa qabanayo shirkada SAHAN DRUG CO. iyadoo kaa shanayso jamacada jaziira. Semenarka wuxuu ka dhici doonaa hoolka jamacada Jazeera cumpus 4.maalinta uu dhacaayo waa berito oo khamiis ah saacada waa 8:00 Pm ka soo qayb gal wacan Cid walbo aa ka qayb qadan karto mahad sanidiin
●wax_badanka_ogaaw cudurka

●juudaanka_iyo_waxa_sababo

●cudurka_juudaanka waa cudur ama caabuq waxaana sababo nooc ka mid ah bakteriyada waana cudur aad u daran kaas oo sameen ku yeesho maqaarka sidoo kale waxa oo sameeyaa ama dhaawacaa neerfayaasha lugaha iyo kuwa gacmaha iyo guud ahaan neerfayaasha maqaarka.

juudaanka waa cudur waqti dheer soo jiro sido kale waxa oo sameeyaa indhaha iyo xuubka ku dahaaran qeebaha sare ee habdhiska neefsashada gaar ahaan sanka.
juudaanka waxa oo ku dhici karaaa da' kasto caruur iyo ciroole.
juudaanka waa cudur si fudud lagu daawayn karo hadii si dhaqsi ah loo daaweyana waxaa laga hortagi karaa dhibaatooyinka ka dhasho.
mala garanaayo sida saxda ah ee cudurka juudaanka ku gudbo lakiin waxaa la sheegaa ama la' aaminsan yahay in oo ku gudbo taabashada tooska ah marka bukaan qabo cudurka taabto qof aan qabin cudurka.

maxaa sababo cudurka juudaanka?

juudaanka waxaa sababo nooc ka mid ah bakateriyada loona yaqaan
(mycobacteruim leprae)

calaamadaha juudaanka?

juudaanka inta badan waxa oo sameeya maqaarka iyo neerfayaasha ku yaalo qeebaha raaracyada ee jirka sida gacmaha iyo lugaha sidoo kale calaamadaha waxay ka soo muuqdaan sanka iyo indhaha

calaamadaha waxaa ka mid ah:

1-boog ka soo baxdo qeebaha maqaarka taas oo sii jirto isbucyo ilaa bilo

2-qeebo ka mid ah maqaarka jirka dareenka ka yaraado ama aan wax dareemin sida in aan qofka dareemin taabashada.

3-murqaha daciif noqdo.

4-in aad lugaha iyo gacmaha ka dareento kabaabiyo.

5- isbadalo lagu arko in dhaha.

6- neerfayaasha qaar ee jirka balaarto sida kuwa jilbaha ku yaalo.

7-sanka xermo ama dhiig ka yimaado.

8-boog aad u wa wayn lagu arko lugaha iyo gacmaha.

9-quruxda qofka dhibaato ku timaado.

dhibaatooyinka ka dhasho juudaanka.

1- indho la aan

2-wajiga qofka is badalo quruxda lunto.

3-awooda raganimada yaraato iyo dhalmo la' aan.

4-murqaha daciif noqdo.

dadka qatarta ku jiro in juudaanka ku dhaco waxaa ka mid.

1-dadka ku nool deeganada biyaha wasaqeesan.

2-dadka difaaca jirkoda yaryahay

3-dadka u safro melaha cudurka horay kaga dilaacay.

4-iyo dadka ku nool meelaha cudurka ka jiro

sidee looga hortagaa juudaanka?

sida saxda ah ee loga hortago juudaanka waa in si dhaqsi ah cudurka loo ogaado si dhaqsi ahna loo daaweeyo.
Forwarded from Xikmado Soomaali  (C/Majiid C/Qaadir Maxamed)
Fursad Waxbarasho oo free Ah Basic PhotoshopCC2020 Ku baro mudo bil ah Coursada Waa free 100% Shuruuda laga rabo qofka baranaayo waa inuu haytsaa computer ama laptop diiwan gilinta waxay bilawaneysa maanta oo 1/10/2020 ah sido kale waxay ku egtahay 9/10/2020 ardayda la qadanaayona way xadidan tahay ka fa'iideyso intaysan fursadan ku dhafin ama aysan kaa buuxsamin Mahad sanid qofkii u bahan halaka xiriiro @suldan_fiqi
Macdanta #Calcium .
#Shaqada Calcium :
1. waxay ka mid tahay Qaab-dhismeedka lafaha
2. Calcium xaddiga ugu badan 90% waxa loo isticmaalaa xoojinta korniimada badqabka iyo dayactirka lafaha
2. Waxay saacidaa gudbinta fariimaha neerfaha
3. Waxay ka qayb qaadataa xinjiraynta dhiigga
4.Waxay ka qayb qaadata markay murquhu isku imaanayaan (muscle contraction)
5. waxay ka qayb qaadataa maamulida cadaadiska dhiigga

#Inta ama qadar ka jirku u baahanyahay maalintiiba ( RDI or Adequate intake) :
Da’da 9–18 jir : 1300 milligrams
Da’da > 18 jir : 1000–1200 milligrams

#Cuntada laga helo Calcium :
1.Caanaha iyo wax yaalaha laga sameeyo caanaha
2.Kalluunka
Khudaarta cagaaran sida 3.Koostada ,Ansalaatada, Kaabashka(cabbage) baamiyaha ...

#Calaamadaha markay Calcium ku yaraado jirka :
Khatarta burburka iyo caabuqa lafaha oo bato
Xanuun kuyimaado murqaha iyo neerfaha

#Calaamadaha markay Calcium ku badato jirka :
Waxay saababi kartaa kaliyaha oo dhagax galo
Xaddiga calcium la qaadanayo maalintii waa inaysan ka badan 2500 mg
..........
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM