Barashada cunta karinta๐Ÿ‘ฉโ€๐Ÿณ๐ŸŒฎ๐Ÿฐ๐Ÿฅฎ๐Ÿฅ—๐Ÿฅž๐Ÿฅš๐Ÿฆช๐ŸŽ‚
1.19K subscribers
24 photos
2 videos
1 file
Kafarxi Qoyskaga๐Ÿฅฐ
Download Telegram
Asc waxan idin wada roti yaryar odhaxda ka gashan karto waxa rabto o jilicsan waxana ka sameyay๐Ÿ‘‡
1egg๐Ÿฅš
Yogurt
2malqacadod butter/salid
2malqacadod sugr
Waxyar baking powder
1malqacad faxiso
Cob cano qandac๐Ÿฅ›
Iyo bur/daqiq๐Ÿš
Inta qoyan marka isku geyso burka kudar sifican ucajin mel kulul dhug ila 35mnt 45
Kadib kus kus dhaxda kagasho jubno ama motella dhig 20mnt kadib ukunta inta jalaha ah mari ovenka gasho .aniga nottela ayan dhax galiyay qofba wuxu jecelyahay ama marka kaso bixiso ovenka waxa rabto korka ka marso .
#Donuts

โ–ชSadax koob bur

โ–ชHAL xabo ukun = Beyd

โ–ชnus koob caano qasan

โ–ชnus koob biyo

โ–ชHAL qaado fixiso ama Leebito

โ–ชsadax Qaado Sokor

โ–ชSadax qaado Subag ama Saliid

Safiican iskugu Xash
Ee #HalSaac meel dhig ha qamiiro
Kadib Fidi ee jar jar
Waxad ku jareysaa galaas kadibna Furka Caagadaha ayaad dhaxda uga sii jareysaa
Kadibna dub ๐Ÿ‘
Hadii aad rabto canjeero qurux badan aadna uqafiif ah jilicsana kudarso #Bakpulver #Bakingpowder kaas qamiir kama yeelaneyso

qofkastana waacuni karaa xitaa dadka gaaska qaba ee dhaho canjelada gas bay nagu kicisa waxba kama dhibayo
ุดูˆุฑุจุฉ ุงู„ุนุฏุณ ๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงกโš˜โš˜โš˜โš˜
Shoraba ama mashaariyada laga sameeyo digirta jaalaha ah ( misirta ).
โ—พโ—พโ—พโ—พ
1. Waxay xoojisaa lafaha
2. Waxay ka ilaalisaa qofka xanuunada qalbiga
3. Waxay u fiicantahay hooyada uurka leh, waxayna ilaalisaa muuqaalka canuga caloosha ku jiro.
4. Dhiiga qofka ayey xakameysaa
5. Calool xanuunka ayey u fiicantahay.
โ—พโ—พโ—พโ—พ
๐Ÿ’Ÿ Maxaa ka sameynee:
1. Digirta jaalaha ah
2. 2xabo baradho
3. 1xabo basal
4. 2xabo karooto
5. 2 xabo toon
6. Xawaash iyo wax allaala wixi carfis ah oo kuu yaalla
7. Biyo iyo in yar oo saliid ah
8. Basbaas haddaa jeceshahay
๐Ÿ’Ÿ Sidee loo sameynaa:
โ—พSaliid yar dabka saaro, Basasha ku dar.
โ—พBaradhada, karootada, toonta iyo xawaashka, nasbaaska, waxaa haysoo dhan ku dar.
โ—พ Markaa sidi bariiski u diyaariso digirti ama misirti ku dar.
โ—พ Markaa isku walaaqdo, biyaha dusha uga dar, ka kor mari biyaha sidi bariiski oo kale.
โ—พBiyaha yeysan ku yaraan, markey bislaato waa iney xoogaa biyo ah ku jiraan gudaheeda.
โ—พ Khalaadka ama makiinadda cabitaanka ku shiid ayadoo kulul.
โ—พ Rooti canjeelo ama sambuus waxaa hayso ku cun, ayada kaligeed xataa qaaddo ku cab cuntada kadib.
โ—พ Waayeelka iyo xaamilada aad bey ugu fiicantahay.
โ—พ Ilmaha iyo dadka waaweyn waa ay cabi karaa.
๐Ÿ’Ÿ Caafimaad ku cuna ๐Ÿ™
๐Ÿ’Ÿ Intee u socotaa hee qali share bes kuu dhimanโš˜๐Ÿ’Œ
๐™Ž๐™ž๐™™๐™š๐™š ๐™œ๐™ช๐™ง๐™ž๐™œ๐™– ๐™ก๐™ค๐™ค๐™œ๐™ช ๐™จ๐™–๐™ข๐™š๐™š๐™ฎ๐™–๐™–
(๐™‹๐™š๐™–๐™ฃ๐™ช๐™ฉ ๐˜ฝ๐™ช๐™ฉ๐™ฉ๐™š๐™ง)( ุฒุจุฏุฉ ุงู„ููˆู„ ุงู„ุณูˆุฏุงู†ูŠ) ( ๐™Ž๐™ช๐™—๐™–๐™œ๐™– ๐™ก๐™ค๐™ค๐™จ๐™ ๐™–) ๐ŸŒธ

๐Ÿ’  Soo qaado 2 koob oo loos qolof la'aan ah.
๐Ÿ’  Wax yar birtaawada dabka la saar oo soo dub.
๐Ÿ’  Khalaadka ama makiinadda cabitaanka ku shub oo shiid.
๐Ÿ’  Ku dar in yar oo saliid macasaro ah.
๐Ÿ’  Iyo 1 qaaddo oo malab ah.
๐Ÿ’  Shiid illaa uu ka noqonayo kareem.
๐Ÿ’  Ku shubo weel dabool leh oo ilmaha subixi ku sii quraacda.

๐ŸŒธCaanaha iyo mooska iyo shuufaanka aan qeybt hoose uga soo hadlay waad ku dari kartaa.
๐ŸŒธ Labo waqti ilmaha ku sii cuntada.
๐Ÿ”บ๏ธ Hana ka badinin.

Faa'iidooyinkiisa maxaa ka mid ah:

๐Ÿ”น๏ธ Waxaa la siin karaa ilmaha ka weyn 1 sano, waxay ka dhistaa dhan jireed iyo dhan maskaxeed. waa haddii loo siiyo si nidaam ah oonan laga badin.

๐Ÿ”น๏ธ Waxaa laga helaa awood oo waxaa ku jira Carbohydrate iyo Protein Fats.

๐Ÿ”น๏ธ Waxay qani ku tahay Vitamiino iyo macdan fara badan. sida Vitamin E, B3, B6 iyo Magnesium.

๐Ÿ”น๏ธ Waxay hoos u dhigtaa miisaanka, maadama ay ku dareensiineyso dherganaan oo ay baahida yareyneyso.

๐Ÿ”น๏ธ Sokorta jirka ayey xakameysaa.
๐Ÿ”น๏ธ Caafimaadka qalbiga ayey u fiicantahay.
๐Ÿ”น๏ธ Lafaha ayey xoojisaa.
๐Ÿ”น๏ธ Kansarka (allaha naga haayee) ayey dhalashadiisa ka hor tagtaa.
๐Ÿ”น๏ธ Maskaxda iyo caqliga ayey u fiicantahay.

Maxaa dhibaatooyin ah oo ka dhalan karo:

๐Ÿšซ Waxaa khalad ah inaa iska badiso ama ilmahaaga ka badiso waayo haddaanan si nidaam ah loo siin ilmaha koriinkooda ayey yareyneysaa.
๐Ÿšซ Haddaa xasiisiyo ku qabto ama ilmahaagu ku qabo waa inaa ka dhaafto.
๐ŸŒธShurbadda baradhada iyo karoontada.
Ka koobantahay:
๐Ÿ”ถ๏ธKarooto 5-10xabo
๐Ÿ”ถ๏ธBasal hal xabo
๐Ÿ”ถ๏ธBaradho 3 xabo
๐Ÿ”ถ๏ธCaano 1 koob
๐Ÿ”ถ๏ธSubag ama saliid 2 qaaddo
Qurxinta:
๐Ÿ”ถ๏ธKarooto lasoo hoolay ama la yaryareeyay
๐Ÿ”ถ๏ธJubn ama cheese
๐Ÿ”ถ๏ธBasal baar

Saliidda weelka ku shub kadibna basasha iyo kaarootada ku shub oo walaaq muddo 6 daqiiqo ah.

Caanaha iyo baradhada ku dar oo dabool illaa ay ka bislaadaan oo caanaha kuwo adag noqdaan.

Makiinadda cabitaanka kusoo shiid kadibna weelka lagu cuni lahaa ku shub.

Kor kaga shub waxyaabo lagu qurxiyo sida yaanyo qalalan karooto iyo cheese(frmjo).

Rooti ku cun ama sideeda ku cab cuntada kadib.
๐‘ฉ๐’‚๐’“๐’Š๐’Š๐’” ๐’Š๐’š๐’ ๐’‰๐’Š๐’๐’Š๐’ƒ
Ka koobanyahay:
๐Ÿ”ถ๏ธBasal 1 xabo
๐Ÿ”ถ๏ธYaanyo lasoo shiiday
๐Ÿ”ถ๏ธKarooto 1 xabo
๐Ÿ”ถ๏ธToon iyo kabsar
๐Ÿ”ถ๏ธCusbo 2 qaaddo ama qayaas
๐Ÿ”ถ๏ธXawaashka hilibka
๐Ÿ”ถ๏ธXawaashka caadiga ah
๐Ÿ”ถ๏ธQarfe iyo heel shiidan
๐Ÿ”ถ๏ธJoos shiidan qaaddo haafkeeda
๐Ÿ”ถ๏ธFilifil shiidan qaaddo haafkeeda
๐Ÿ”ถ๏ธDhegayare qaaddo haafkeeda
๐Ÿ”ถ๏ธZabiib 3 qaaddo yaryar
๐Ÿ”ถ๏ธRiixaan budo ama caleen
๐Ÿ”ถ๏ธSaliid ama subag 4 qaaddo oo weyn
๐Ÿ”ถ๏ธBariis basmati nus kiilo

Qaabka loo diyaarinayo:
1. Hilibka iyo khudaarta si fiican usoo dhaq.
2. Hilibka kaligii biyo ku saar.
3. Saliidda ama subaga digsiga ku shub kadibna basasha iyo toonta ku shub inta ay ka gaduudaneyso basasha, kadibna hilibki biyaha ka soo saar ee ku dar oo isla gedgeddi asaga iyo basashi ilaa uu ka shiilmo, cusbana ku dar.
4. Ku dar kabsarta iyo yaanyadi shiidneyd iyo xawaashyadi budada ahaa oo dhan kadibna waxyar kabacdi ku shub biyahii aa kusoo karisay hilibka ee karkarsanaa, ee shib ka dheh cabaar intey ka karkarayaan.

5. Bariiska soo dhaq kadibna biyo kusoo radi(biyo lasoo dhig)cabaar.
6. Weel kale ku shub saliid, toon iyo kabsar, xawaash yar, cusbo, Qarfihi, heelki, jooski, filfishi, reexaanti iyo dhamaan waxaa hayso.
7. Bariiska ku dar qeybtan bilaa hilibka ah ee si fcn ugu walaaq.

8. Qeybti kale oo hilibka ku jiray oo dadka kuu saarneyd ku dul shub bariiskan shiilmay, lkn hilibka waa inaa ka bixisaa oo weel gooni ah ku riddaa.
9. Bariiska markuu bislaan rabo hilibka dusha ka saar saar oo ku dabool 5 daqiiqo, oo dabka u gaabi si uu u huuro.
10. 5 daqiiqo kadib tartiib qaadada ugu gedi bariiska oo hilibka dhexda geey.
11. Zabiibka haddaa jeceshahay ku darso.
12. Ku gur saxanka cuntada oo caafimaad ku cun.
๐ŸŒธJooska waa midka kuukuusan ee xalwada aan ku darsanno oo la shiiday.
๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก๐Ÿงก