Koobka
19 subscribers
20 photos
4 links
Download Telegram
Arjantiina 🇦🇷 waxay gool ku laad kaga badisay xulka Holand 🇳🇱.

Arjantiin waxay u gudubtay Nus-Dhamaadka, waxayna la ciyaari doontaa xulka Kuruwaatka 🇭🇷.

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wareega_8dhamaadka | #ciyaartii_maanta
Ciyaaraha Maanta ee Wareega 8-dhamaadka.

Waa maalintii 2aad ee isreebreebka wareega 8-dhamaadka, waxaa la ogaan doonaa 2da xul ee usoo bixi doona Nus-Dhamaadka dahabiga ah.

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wareega_8dhamaadka | #wadada_koobka
Sababaha lagu reebay Xulka Barasiil.

Xulka Kuruwaatka ayaa si lama filaan ah uga badiyay xulkii loo saadaalinayay inay Koobka Adduunka sannadkan qaadaan, kadib markii ay ku garaaceen gool ku laad.

https://fagaare.net/koobka/sababaha-lagu-reebay-xulka-barasiil/

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wareega_8dhamaadka | #wadada_koobka
Taaariiikh Taaariiikh Cusub.

Marooko 🇲🇦 oo ka badisay Xulka Bortuqiiska 🇵🇹.

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wareega_8dhamaadka | #NusDhamaadka | #ciyaartii_maanta
Marooko 🇲🇦 ayaa garaacday Xulka Bortuqiiska 🇵🇹.

Bortuqiisku waa xulkii 3aad ee kooxaha Yurub ee waaweyn ah ay ka badiso Marooko.

Marooko 🇲🇦 waxay soo garaacday kahor Bortuqiiska, Xulka Beljim iyo Isbaanishka.

Marooko waxay u gudubtay wareega Nus-dhamaadka dahabiga, waxayna la ciyaari doontaa Ingiriiska 🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 ama Faransiiska 🇫🇷.

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wareega_8dhamaadka | #nusdhamaadka | #wadada_koobka
Harry Kane ayaa barbareeyay rikoorkii Wayne Rooney ee gooldhaliyaha ugu sareeya Ingiriiska.

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wareega_8dhamaadka
Faransiiska 🇫🇷 ayaa guriga u diray xulka Ingiriiska 🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿.

Waxay u gudbeen wareega Nus-Dhamaadka dahabiga ah.

Waxay la ciyaari doonaan xulka Marooko 🇲🇦.

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wareega_8dhamaadka | #nusdhamaadka | #wadada_koobka | #ciyaartii_maanta
Nus-Dhamaadka Dahabiga ah.

Maanta waxaa kale cadaaday 4ta kooxood ee usoo baxay Nus-Dhamaadka.

Ma Faransiiskaa 🇫🇷 ayaa sadexaysan doonaa Koobka Aduunkan?

Ma Riyada Messi iyo Arjantiin 🇦🇷 ayaa rumoobi doonta?

Ma Hamiga Kuruwaatka 🇭🇷 ayaa xaqiiqo noqon doona?

Mise Marooko 🇲🇦 ayaa rikoodhyada sii wadi doonta, Koobkana HOOYO AFRIKA u keeni doonta?

Bal aan eegno maalmaha soo socda!.

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #nusdhamaadka | #wadada_koobka
Maanta Waxaa Ciyaaraya Nus-Dhamaadka Kuruwaatka 🇭🇷 iyo Arjantiin 🇦🇷.

Yaa usoo bixi doona Finaalka?

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wadada_koobka | #nusdhamaadka
Labadee 4tan xul usoo bixi doonaa ciyaarta Finaalka?

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wadada_koobka | #nusdhamaadka
Arjantiin 🇦🇷 way ka badisay Kuruwaatka 🇭🇷, waxayna u gudubtay ciyaarta Finaalka.

Waxaan sugnaaba waa kooxda 2aad ee kasoo bixi doonta ciyaarta Faransiiska 🇫🇷 iyo Marooko 🇲🇦.

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wadada_koobka | #nusdhamaadka | #ciyaartii_maanta | #Finaalka
Ciyaarta Maanta ee Faransiiska 🇫🇷 iyo Marooko 🇲🇦.

Ciyaartoyda xulka Afrikaan ah ee Marooko ayaa isku dayi doona inay sii wataan safarkooda quruxda badnaa ee Koobka Adduunka 2022 marka ay caawa wajahaan xulka qaranka Faransiiska.

Marooko oo noqday xulkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo iska xaadiriya Nus dhammaadka Koobka Adduunka ayaa caawa wajahaya tijaabo adag, iyagoo garoonka AlBayt kula ciyaari doona xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee Faransiiska, kulanka ugu dambeeya ee Nus dhammaadka Koobka Adduunka 2022.

Faransiiska iyo Marooko midkii soo adkaada caawa ayaa finaalka Koobka Adduunka 2022 ku wajihi doona xulka qaranka Arjantiina oo xalay 3-0 uga soo adkaaday Kuruwaatka.

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wadada_koobka | #nusdhamaadka
Ma ogtahay?

In ciyaaryahan Eto kaliya uu sadaaliyay in ciyaarta Nus Dhamaadka ay ku kulmayaan Faransiiska iyo Marooko.

Waana laga maadaystay markaas.

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wadada_koobka | #nusdhamaadka
Sawirada Maanta ee Caasimada Arjantiin, Buenos Aires 🇦🇷 🎉.

Nimanku way isa siiyeen Koobka, Alla maxaa oohin ka dambeyn hadii laga qaado koobkan.

#koobka_aduunka | #qadar2022 | #wadada_koobka | #nusdhamaadka | #finaalka