Trump, oo ka falcelinaya weerarrada joogtada ah ee Ruushka uu ka geysanayo Ukraine , wuxuu yiri ; “ Kuma faraxsani waxa uu Putin samaynayo, waxa uu dilayaa dad badan, mana garanayo waxa uu cadaabta u dhex gelinayo Ukraine. “ Balse inta uu hadalka ku jiray Trump, waxaa ka soo baxday inuu Putin ku sheegay ‘Nin waalan’, isla markiiba waxaa hadalkan maanta ka jawaabay xafiiska Putin; “ Trump waa inuu xakameeyaa dareenkiisa.”
Fiiro gaar ah;
Putin iyo Trump , ayaa markii u dambeysay labo toddobaad ka hor yeeshay wadahadal telefoon oo laba saac socday, balse inta badan Putin wuxuu ammaanayay xaasta Trump , wuxuuna iskudayay inuu ku dheerado arrimo kale , halkii si qotodheer dagaalka Ukraine looga hadli lahaa , marka uu wadahadalka soo dhammaaday wuxuu Trump sheegay si dhaqso leh wadaxaajood dagaalka lagu joojinayo inay labada dal billaabayaan, laakin waxa uu sameeyay Putin, waxay noqotay si uusan horey u weerarrin Ukraine inuu u weerarray, taa oo suragal ka dhigaysa haddii uusan isbeddel ku imaan marxaladan , ma foga xilliga khilaafka Trump iyo Putin la arki karo.

Madaxweynaha Mareykanka , Donald Trump ayaa isbeddel ku sameeyay golaha amniga Qaranka Mareykanka , waxaana xilkii laga qaaday saraakiishii u sarreysay ee qaabilsanaa arrimaha bariga dhexe , Israa’iil iyo Iran, iyadoo xubnaha xilka laga qaaday ay ku jireen agaasimihii bariga dhexe ee golaha amniga Mareykanka,Eric Trager iyo agaasimihii arrimaha Israa’iil iyo Iran, Merav Ceren .
Fiiro gaar ah;
Waa isbeddeladii u sarreeyay oo madaxweyne Mareykan ah uu ku sameynayo golaha amniga Qaranka Mareykanka 6 bilood ee u horreysa xukunka , xilli uu Trump horey xilka uga qaaday la tiyihiisa amniga Qaranka oo ka mid jagooyinka u sarreeya Mareykanka.

This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo 47 jir ah oo xaaskiisa 72 jirka ah ee Briggite Macron ay dharbaxayso , xilli ay ka soo degayeen diyaarad, intii lagu jiray booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Vietnam. Xafiiska Macron ayaa dhacdada xaqiijiyay, waxay ku sheegeen ‘khilaaf la xalliyay’, laakin dadka Faransiiska oo muuqaalka aad u baahiyay waxay ku sheegeen ; “ Haweenka kaa weyn mar walba waxay ku arkaan carruur.”
Toddobadyadii u dambeeyay, waxaan arkay tartanka qarsoon ee Mareykanka iyo Shiinaha oo cabsi leh, waxaa ku filan si tan aan u xaqiijino waxyaabaha ka soo baxay labada dal,hadda waxaan soo dhammeystiray macluumaad ku filan inaad wax ka fahanto tartankaa. Haddii rabbi idmo 7:40 fiidnimo ee caawa , waxaad bartayda Youtube ka heli doontaa faahfaahinta macluumaadka xaqiijinaya tartan dhinaca milatariga ah ee si aamusan uga dhex socda Mareykanka iyo Shiinaha.
Halkan kaga biir bartayda Youtube; https://www.youtube.com/@ImanJama-
Halkan kaga biir bartayda Youtube; https://www.youtube.com/@ImanJama-
YouTube
iMAN JAMA
Ku soo dhawoow Channelkan, waxaad maalin walba kala socon kartaa, wararkii u dambeeyay ee caalamka, warbixinno, dhacdooyin iyo fallanqeyn. Waxaana idin soo gudbinaya Iman Jama, oo shahaadada koowaad ka haysta cilmiga saxaafadda, 13-kii sanno ee u dambeysayna…
Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, ayaa la filayaa inuu qaban qaabiyo booqashadii u sarreysay oo ciyaaryahanno hore oo Afrika ah ay ku tagayaan Talaadada berri ah caasimadda Muqdisho , iyadoo wafdiga ay qeyb ka yihiin xiddigii hore ee kooxda Barcelona haatanna ah madaxa kubbadda cagta Cameroon, Samuel Eto’o, halyeeygii Nigeria , Jay-Jay Okocha iyo Emmanuel Adebayor. Waxaa lagu sheegay ujeeddada booqashada mid lagu horumarinayo kubadda cagta Soomaaliya.
Pakistan iyo Turkiga ayaa ballaarinaya iskaashiga dhinaca milatariga oo ay ku jirto inay isku furaan wax soosaarka warshadaha, taa oo suragal ka dhigaysa inay wadajir ah usoo saaraan qalabka milatari, si la mid ah heshiiska u dhaxeeya Pakistan iyo Shiinaha ,sida lagu sheegay warsaxaafadeed laga soo saaray booqasho uu shalay ku tagay Turkiga ; Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif oo la kulmay Erdogan, waxaana booqashada ku weheliyay wasiirrada difaac,arrimaha dibadda iyo taliyayaasha milatariga.
Hoggaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz ayaa maanta sheegay xulafada reer galbeedka oo Mareykanka ku jiro inay u oggolaadeen Ukraine inay weerarri karto bartilmaameedyada xasaasiga ee milatariga Ruushka si aan xad lahayn , tan oo uu sheegay inay ka dhalatay Ruushka inuu sare u qaaday weerarrada uu ka geysanayo Ukraine.
Ruushka, waqti badan ma maqnaan ; Aqalka Kremlin ee Ruushka wuxuu sheegay in go’aanku yahay mid khatar ah oo ay ka dhalanayo cawaaqib aan la mahdin.
Fiiro gaar ah;
Xiisadda u dhaxeysa reer galbeedka iyo Ruushka ee dagaalka Ukraine ayaa u muuqata in mar kale dib loo arkayo, kaddib markii Putin uu lugta ku dhuftay dhammaan soo jeedinta Mareykanka ee joojinta dagaalka, si daacadnimada arrintaa uu u muujiyo Trump, wuxuu joojiyay taageerrada Mareykanka uu siinayay Ukraine , halka uu xataa oggolaaday wada-xaajoodyada lagu joojinayo dagaalka inan waqtigan lagu soo darin ka hadalka dhulka Ruushka uu heysato, balse intaa oo dhan kuma qancin Putin, oo wuxuu sare u qaaday weerarrada.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa maanta gaaray magaalada Tehran ee xarunta dalka Iran, iyadoo ay weheliyaan wasiirrada difaaca , arrimaha dibadda iyo saraakiisha milatariga iyo sirdoonka , wuxuuna la kulmay hoggaamiyaha Iran Cali Khamenei, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dawladda Iran ee IRNA.
Fiiro gaar ah;
Ra’iisul wasaaraha Pakistan iyo wafdigiisa, waxay labadii maalin ee u dambeysay ku sugnaayeen Turkiga , oo ay la gaareen heshiisyo lagu ballaarinayo iskaashiga difaaca iyo sirdoonka.
Fiiro gaar ah;
Ra’iisul wasaaraha Pakistan iyo wafdigiisa, waxay labadii maalin ee u dambeysay ku sugnaayeen Turkiga , oo ay la gaareen heshiisyo lagu ballaarinayo iskaashiga difaaca iyo sirdoonka.
Akadeemiyada CNN waxay xarunta dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi , ku qabanaysa tababbar bilaash ah oo loogu talagay in sare loogu qaado xirfada , hal- abuurka da’yarta Afrika iyo dalalka koonfurta caalamka, iyadoo dadka tababbarkan ka faa’iideysan kara ay ku jiraan ; saxafiyiinta, dadka leh hal abuurka sheekooyinka iyo xirfadaha la xiriira, waxaad codsigaaga ka faa’iideysiga tababbarkan ku gudbin karta lifaaqan; https://academy.cnn.com/voices-from-the-south-storytelling-for-impact/
Xogta aadan horey u maqal;
Waxaa soo baxaya tartan aamusan oo dhinaca milatariga oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha, labada quwad waxay soo saarayaan mashiinno dagaal oo walaac dhalinaya.
Warbixin ku siinaysa macluumaadka daahqaadaya tartanka milatari ee Mareykanka iyo Shiinaha, waxaan ku baahiyay bartayda Youtube oo aad ka heli kartid halkan; https://youtu.be/2kMNXECtGNI?si=6OewcmgklJLkvKwB https://youtu.be/2kMNXECtGNI?si=6OewcmgklJLkvKwB

Xogta aadan maqal: Tartanka milatari ee Mareykanka iyo Shiinaha
Warbixintan ayaa ku siinaysa macluumaad ka xiriira tartan milatari oo si aamusan uga dhex sacda Mareykanka iyo Shiinaha
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
17 qof ayaa ku dhaawacantay , markii gaari la jiirsiiyay boqollaal qof oo ku sugnaa magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska , iyagoo u dabaal-degayay ku guuleysiga horyaalka Ingiriiska ee kooxda Liverpool, illaa hadda hal qof ayay booliska u xireen dhacdadaan.
Hay’adda sirdoonka difaaca Mareykanka ayaa warbixin ay sii daysay maanta , waxaa lagu soo bandhigay qiimeynta khataraha adduunka oo lagu caddeeyay inay Hindiya waqtigan u aragto Shiinaha inuu yahay ‘cadowgeeda koowaad’, halka Pakistan ay u arkaan dhibaato amni.
Mareykanka wuxuu toddobaadkan shaaca ka qaaday inay ku guda jiraan dhismaha nidaam difaac oo ay ku baxayso ku dhawaad hal tirilyan oo dollar oo Trump uu ku sheegay haddii dunidda oo dhan ay hal mar gantaallo ku soo weerarto Mareykanka inuu nidaamkan difaac awood u yeelanayo inuu ka hortaggo!
Ukraine, Israa’iil illaa badda cas , ayaa lagu arkay nidaamyada difaaca Mareykanka oo aan ku filnayn inay weerarrada ka hortagaan, taa suragal ka dhigaysa waxa ku riixaya inuu Mareykanka waqtigan lacag badan ku bixiyo soo saarista nidaam difaac. Waxaa jira marxalad kale oo ku khasbaysa inuu Mareykanka horumariyo mashiinadiisa dagaal waa in Shiinaha , uu dhisayo nidaamyo dagaal oo aan horey loo arag!
Fiiro gaar ah;
Bartayda YouTube , waxaan maanta ku baahiyay warbixin ku siinaysa macluumaad aadan horey u maqal ee tartanka u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha ee dhinaca hubka oo ay ku jiraan mashaariic dagaal oo labada quwad ay hormarinayaan. Halkan ka daawo warbixinta: https://youtu.be/2kMNXECtGNI?si=fyy_U00vm29KZb8-

Wargeyska Wall Street Journal, ayaa ku warramay inuu Trump , ka fiirsanayo cunaqabateyn cusub iyo tallaabooyin dhaqaale inuu ku soo rogo toddobaadkan Ruushka , kaddib markii Ruushka uu sare u qaaday weerarrada uu ka geysanayo Ukraine , iyadoo hadda la xaqiijiyay xiriirka Trump iyo Putin inuu ku dhowyahay burbur , kaddib markii dhawaan uu ku guul-darraystay Trump inuu ku qanciyo Putin, xataa xabbad-joojin kumeel-gaar ah, tan oo ay xigtay inuu ugu yeeray Putin inuu yahay nin waalan!
Wadahadalkii u dambeeyay ee Trump uu la yeeshay Putin oo toddobaadkii hore telefoonka ku dhacay, markii uu soo dhammaaday, wuxuu Trump la wadaagay madaxweynaha Ukraine iyo hoggaamiyayaasha Yurub , inaysan ula muuqan Putin inuu dagaalka joojinayo, waxaa xigay inuu shalay hoggaamiyaha Jarmalka , shaaca ka qaaday xulafada reer galbeedka oo Mareykanka ku jiro inay u oggolaadeen Ukraine inay si aan xad lahayn u adeegsan karto gantaallada riddada dheer , ayna weerarri karto saldhigyada xasaasiga ah ee milatariga Ruushka , tan oo xaqiijinaysa in dib loo arkayo khilaafka reer galbeedka iyo Ruushka oo ka dhalanaya dagaalka Ukraine.