Iman Jama
31.6K subscribers
4.68K photos
1.08K videos
1 file
633 links
Journalist
Download Telegram
Fiiro gaar ah;

Hindiya waxay wajahaysaa fadeexadii u sarreeysay taariikhda dagaallada , kaddib markii wax ka yar 24 saac ay ku lumisay 6 diyaaradood oo ay ku jiraan kuwa jiilka 4.5 ee Faransiiska uu soo saaro ee Rafale oo mid kasta ay joogto $288 milyan oo ay weheliyaan tobannaan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn.
Warbaahinta Masar, waxay billaabeen wax u eg hadalkii Soomaalida ka caan baxay ee ‘gurigee ku dumay ‘ inay u adeegsadaan ciidankooda cirka Masar, kaddib markii hindisihii u horreeyay ee Al Sisi uu ku sheegay inuu ku hormarinayo ciidanka cirka, isagoo markaa 6 bilyan oo doollar ku qarash gareeyay 54 diyaaradood oo ah nooca uu Faransiiska soo saaro ee Rafale oo hadda u yaallo Masar oo ahayd dalkii u horreeyay diyaradan ka iibsada Faransiiska , balse si lama filan ah waxaa toddobaadkan la arkay diyaaradan oo ciidanka cirka Pakistan ay sidii buufintii dhulka uga dhufanayaan, iyagoo ka soo toogtay masaafo 75 km ah, oo saddex ka mid ah diyaaradahan oo ay lahayd Hindiya ay ka soo rideen.
Ma aha kaliya Masar ee Faransiiska oo dunidda oo dhan u tusayay diyaaradan inay leedahay awood sarreysa ayaa hadda uu ‘guri ku dumay’, tan ugu daran waa markii Faransiiska uu ku qanciyay dalalka Yurub inay iska qubaan diyaaradaha Mareykanka oo ay adeegsadaan Rafale, oo markaa uu u tusay inay tahay diyaarad aan uga baahnayn sida kuwa Mareykanka inay oggolaasho u helaan marka ay adeegsanayaan..!
Kooxda Xuutiyiinta Yemen , ayaa waxyar ka hor ku weerarray gantaallada riddada dheer garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion, iyadoo weerarkan ay ka dhalatay in la xiro garoonka, sida uu ku warramay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth.

Fiiro gaar ah;

Xuutiyiinta , oo heshiis xabbad-joojin ah la gaaray Mareykanka , ayaa ku xiray joojinta weerarrada Israa’iil , in la joojiyo dagaalka Qasa. Weerarrankan waxay Xuutiyiinta ku xaqiijinayaan inuu Mareykanka ka tanaasulay mid ka mid ah ujeddooyinka uu ku joogay badda cas , ee ilaalinta Israa’iil.
Ruushka, waxaa laga yaabaa inuu weerar baaxad leh ku qaadayo caasimadda Ukraine ee Kyiv, ka hor inta aan la dhaqangelin heshiiskii u horreeyay ee xabbad-joojin soddon maalin ah oo Trump uu soo jeediyay, isagoo ku hanjabay haddii aysan Ruushka iyo Ukraine aqbalin xabbad-joojin inuu cunaqabateyn saarayo. Ruushka ayaa soo dhaweeyay xabbad-joojinta, laakin waxaa xigay safaaradda Mareykanka ee Kyiv inay soo saartay digniin ka dhan ah weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka dhici kara Kyiv.
Maamulka garoommada diyaaradaha ee Hindiya ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay duulimaadyada madaniga ah ee 32 garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalooyinka waa weyn ee Hindiya, tani waa hakintii u sarreysay oo ay Hindiya ku joojinayso duulimaadyada maxalliga ah tan iyo intii lagu jiray iska horimaadka Pakistan.
Pakistan, waxay horraantii maanta ku qaaday Hindiya , weerar milatari oo looga jawaabay duqeymihii horey Hindiya uga geysatay gudaha Pakistan, iyadoo weerarka milatari ee Pakistan uu isagu jiray duqeyn cirka ah iyo weerar internet oo lagu beegsaday xarumaha difaaca iyo isgaarsiinta milatariga.

Wax kasta oo ku saabsan weerar ay Pakistan , qaaday ayaad heli doontaa mar dhow , haddii rabbi idmo.
Wax kasta oo ku saabsan weerarka ay Pakistan ku qaaday Hindiya;

Pakistan ayaa horraantii maanta ku qaaday Hindiya, weerar looga jawaabay gantaalladii ay Hindiya ku weerartay toddobadii bishan gudaha Pakistan.

Sidee u dhacay weerarka?

Weerarka Pakistan ayaa lagu sheegay inuu lagu ekeeyay saldhigyada milatari ee la sheegay markii horaba in laga soo abaabulay duqeymihii ay Hindiya ka geysatay gudaha Pakistan.

Milatariga Pakistan, waxay fuliyeen weerar dhinaca cirka, iyadoo ka hor inta uusan weerarkan dhicin, laga soo sheegay hay’adaha difaaca Hindiya inay la kulmeen weerar dhinaca internetka ah, oo sidoo kale lagu beegsaday isgaarsiinta milatariga. Milatariga Pakistan ayaa xaqiijiyay inay jabiyeen isgaarsiinta milatariga Hindiya,sidoo kalena ay beegsadeen nidaamyada xiriirka dayax-gacmeedyada.

Pakistan ayaa weerarkeeda uga magac-dartay ‘hawlgalka Bunyan-ul-Marsoos’. Weerarkan ayaa si gaar ah u beegsaday saldhigyada milatari ee muhiimka ah ee Hindiya , ku leedahay gobollada Punjab,Jammu iyo Kashmir, halka CNN ay ku warrantay weerarrada Pakistan oo lagu dilay saraakiil milatari inay ka dhaceen 25 magaalo oo ka tirsan Hindiya, waxaana ka mid ah goobaha la beegsaday saldhigga kaydadka hubka Hindiya ee BrahMos iyo garoomada diyaaradaha.

Waxay adeegsadeen milatariga Pakistan , inta uu socday weerarka ay ku qaadeen Hindiya gantaallo xawaare sare leh iyo diyaarado dagaal oo casri ah, sida J-10c iyo JF-17 Thunder.Sidoo kale, waxay isticmaashay Pakistan diyaarado aan duuliye lahayn si ay u beegsato bartilmaameedyada Hindiya.

Warbixin muuqaal oo faahfaahinta wax kasta oo ku saabsan weerarka Pakistan, halkan ka raac; https://youtu.be/r9J-B33eaEY https://youtu.be/r9J-B33eaEY
Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif; “Pakistan hadda kama fikirayso suurtagalnimada isticmaalka hubkeeda nukliyeerka.”
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Jerusalem Post, ayaa ku warramay madaxweynaha Mareykanka , Donald Trump inta uu ku suganyahay Sacuudiga inuu ku dhawaaqi doono Mareykanka inuu si rasmi ah u aqoonsaday dawladda Falastiin.

Waa isbeddelkii u sarreeyay ee Mareykanka oo ka dhan ah Israa’iil oo ka soo horjeeday aqoonsiga dawladda Falastiin, halka uu Trump , inta uu joogo Riyadh uu sidoo kale heshiis nukliyeer la geli doono Sacuudiga.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Marco Rubio oo telefoon kula hadlay wasiirrada arrimaha dibadda Pakistan iyo Hindiya , ayaa ku dhawaaqay inuu Mareykanka dhex dhexaadin doono Hindiya iyo Pakistan , si meesha looga saaro iska horimaadka labada dal ee nukliyeerka ku hubeysan.
Pakistan ; “ Kubadda waxay hortaalla Hindiya … miyay doonaysa in iska horimaadku sii socdo .”

Hadalkan kaddib , waxaa soo baxay wasiirka arrimaha dibadda Hindiya; “ Ma dooneyno dagaal.”
Milatariga Pakistan ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ku xaqiijiyay howlgal ay fulisay diyaaradda JF-17 Thunder oo ay si wadajir ah u sameeyeen Shiinaha iyo Pakistan , in lagu burburiyay mid ka mid ah nidaamyada difaaci adduunka ugu wanaagsan ee S-400 oo Ruushka uu soo saaro, kaasoo Hindiya ugu fadhiya 1.6 bilyan oo dollar , waana kan kaliya ee ugu sarreeya nidaamka difaaca ee ay heysato Hindiya iyo xataa Ruushka, sheegashadan waxaa ka horyimid afhayeen u hadlay ciidanka Hindiya oo sheegtay inaysan jirin warka Pakistan ay ku sheegatay burburinta nidaamka difaac ee S-400 , balse waxyar ka hor wakaaladda wararka Pakistan ee APP, ayaa sheegtay inay ciidanka cirka Pakistan gacanta ku hayaan caddeymo ku fulin burburinta nidaamka S-400.
Wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua oo u muuqata inay ku qanceen sheegashada ciidanka Pakistan ee burburinta nidaamka S-400 , ayaa dhankeeda sheegtay in howlgalka nidaamkan lagu burburiyay uu ka dhacay saldhig ku yaalla magaalada Jalandhar, gobolka Punjab ee Hindiya.

Fiiro gaar ah;

Haddii ay Pakistan xaqiijiso inay burburisay nidaamka S-400 , waa fadeexadii u sarreysa ee gaaraysa Hindiya iyo Ruushka.
Inta uu socday weerarka ay horraantii maanta Pakistan ku qaaday Hindiya , daqiiqado ka hor waxaa dhacay weerar dhinaca internetka ah oo hawada looga saaray 70% korontada Hindiya , halka ku dhawaad saacad aysan shaqeynayn xiriirka isgaarsiinta ee milatariga Hindiya oo sidoo kale lumiyay shabakadahooda farriimaha ku wadaagayeen inay ku xiriiraan, sida lagu xaqiijiyay warsaxaafadeed ka soo baxay milatariga Pakistan oo uu baahiyay telefishinka Al Jazeera, halka telefishinka Hindiya ee NDTV, uu ku warramay inay suragal tahay Pakistan inay gaartay dayax-gacmeedka xiriirka isgaarsiinta milatariga Hindiya , taa oo u suragelisay inay jabiyaan isgaarsiinta saraakiisha , saldhigyada iyo xarumaha milatariga Hindiya.

Waxaa kaloo soo baxaya wararkii u horreyay oo ka imaanaya warbaahinta Pakistan oo sheegay in mar kale ciidanka Pakistan ay soo rideen diyaarad kale ee nooca dagaalka Hindiya ee Rafale.
Fiiro gaar ah;

Sidan oo kale Pakistan ayaa u fulisay weerar internet inta uu socday howlgalkii ay isku difaacaysay ee muddada uu socday weerarkii ay Hindiya toddobadii bishan ku qaaday gudaha Pakistan , markaa oo sidan kale hawada looga saaray isgaarsiinta milatariga Hindiya , taa oo la aaminsanyahay inay tahay wax u suragelin waayay ciidanka Hindiya inay fuliyaan weerarro sax.
Hindiya ayaa xaqiijisay inay Pakistan , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qarxisay macbadyo ku yaalla gudaha Hindiya , sida ay warisay CNN.

Wuxuu u muuqdaa bartilmaameedka Pakistan ee macbadyada Hinduuga inay la xiriirto , jawaabta Hindiya oo toddobadii bishan labo masjid ku dhufatay gantaallo.
Pakistan ayaa ku guulaysatay inay burburiso kaydkii saadka oo uu lahaa mid ka mid ah saldhigyada saadka ciidamada Hindiya ee ugu muhiimsan, kaasoo ku yaalla magaalada Uri, sida ay ku warrameen CNN iyo Reuters.
Mareykanka iyo Shiinaha ayaa wada-hadalladii u horreyay oo la xiriira arrimaha ganacsiga iyo canshuurta ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, balse saacad kaddib wafdiga Shiinaha wada-hadallada uga qeybgalayay ayaa bannaanka uga soo baxay goobta ay wada-hadallada ka dhacayeen, iyadoo aan wax sharraxaad ah laga bixin, sida ay warisay CNN.
Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Ishaq Dar ayaa sheegay in Pakistan iyo Hindiya ay ku heshiiyeen xabbad joojin degdeg ah.