Iman Jama
31.6K subscribers
4.66K photos
1.07K videos
1 file
630 links
Journalist
Download Telegram
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Paris , halkaa oo uu ku qaabbilay, madaxweynaha Faransiiska,Emmanuel Macron, iyadoo ay booqashadan ay noqonayso socdaalkii u horreyay ee rasmi ah oo Sharac uu ku tagayo Yurub.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaal laga soo bandhigay ; garoonka diyaaradaha caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa muujinaya burbur weyn oo garoonka ka soo gaaray, duqeymihii ay maalin ka hor ka geysatay Israa’iil.
Waxaad helo doontaa haddii rabbi idmo fallanqeynta iska horimaadka Pakistan iyo Hindiya , iyo dhacdooyin isbeddelo laga arkay oo ka yimid Suuriya,Ruushka illaa Mareykanka .

Waxaan ka codsanaya inad ku biirto kanaalkayga YouTube , oo sidoo kale macluumaadka aad uga heli doontid hab muuqaal ah; https://youtube.com/@imanjama-?si=w5X7dsnVJg035z5j
Mareykanka ayaa toddobaadkan muhaajiriintii u horreyay oo sharci darro ku jooga Mareykanka u tarxiilaya dalka Liibiya, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

CBS News, ayaa sidoo kale saraakiil ka tirsan Mareykanka ka soo xigatay inay Liibiya ku jirto toddobo waddan oo maamulka Trump ay u gudbiyeen codsi la xiriir inay dib u dejin u sameeyaan muhaajiriinta sharci darrada ku joogta Mareykanka. Dalalka kale ee la filayo Mareykanka inuu dadka u tarxiilo waxaa ku jira ; Rwanda oo xaqiijisay inay wada-hadallo bilow ah kula jirto Mareykanka ,halka Benin, Angola, Equatorial Guinea, Eswatini, iyo Moldova ay iyaguna qeyb ka yihiin dalalka uu Mareykanka u tarxiilayo dadka sharci darrada ku jooga.

Fiiro gaar ah;

Ujeeddada qorshahan ayaa lagu sheegay inay maamulka Trump ka doonayaan inay si dhaqso ah u awoodaan muhaajiriin badan inay ka saaraan Mareykanka , iyagoo aan sugin in waddamada ay ka soo jeedaan ay oggolaasho ka helaan.
Trump ; “ Xuutiyiintu waxay ahaayeen kuwa adkeysi badan iyo geesinimo weyn muujiyay, intii aan la dagaallamaynay.”
Iman Jama
Trump ; “ Xuutiyiintu waxay ahaayeen kuwa adkeysi badan iyo geesinimo weyn muujiyay, intii aan la dagaallamaynay.”
Trump ; “Xuutiyiinta, waxay ballanqaadeen in aysan weerar ku qaadi doonin maraakiibta, taasna waanu ixtiraamaynaa.”
Mareykanka ayaa u oggolaaday inay Qatar maalgeliso hay’adaha dawladda Suuriya oo ay ku jirto inay Qatar bixin doonto mushaaraadka shaqaalaha hay’adaha dawladda Suuriya oo la kordhiyay 400% , taa oo loola jeedo qofkii horey u qaadanayay mushaar $100 , hadda wuxuu qaadan doonaa mushaar $500 ah, tallaabadan oo la sheegay inay u suragelinayso dawladda uu hoggaamiyo Axmed Sharac, inay hesho habab ay ku horumariso dhaqaalaha iyo adeegga hay’adaha dawladda, iyadoo Mareykanka uu ka qaaday hindisadaha dawladda Qatar ay ku maalgelinayso hay’adaha dawladda Suuriya inuu la kulmo cunshuurta Mareykanka uu horay Suuriya u saaray tan iyo maamulkii hore ee Bashaar Al Assad, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Israa'iil iyo Turkiga ayaa berri yeelan doona wejiga saddexaad ee wada-hadallada tooska ah oo ka dhacaya dalka Azerbaijan, sida uu sheegay telefishinka Israa’iil Kann.

Fiiro gaar ah;

Wada-hadalka ma gaarsiisna inay kulmaan Erdogan iyo Netanyahu , balse waa wada-hadal farsamo oo xiriirka ay ku soo celinayaan labada dhinac.
Hay’adda sirdoonka gudaha Jarmalka , waxay hakisay go’aankii toddobaadkii hore ay shaacisay ee la xiriira in xisbiga midigta fog ee AfD, loo aqoonsado xisbi xagjir ah.
Hindiya , waxay saacadihii u dambeeyay dhowr magaalo oo ka tirsan Pakistan , ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse inta uu weerarkaa socday Pakistan ayaa mar kale soo muujisay awoodeeda difaac iyo tiknoolajiyada oo u suragelisay inay 25 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee ay Israa’iil soo saarto oo ay adeegsanaysay Hindiya dhulka soo dhigaan.

Fiiro gaar ah;

Illaa Hindiya , waxay ku dhibtoonaysa inay ka soo kabato fadeexada ay ka wajahday iska horimaadka ay kula jirto Pakistan oo ay ka dhalatay in diyaaradihii casriga ahaa ay dhulka dhigeen ciidanka Pakistan.

Fallanqeynta iska horimaadka iyo waxyaabihii u dambeeyay ee dhacay ayaad ka heli doontaa ‘Insha’allah’, waqti dhow boggan iyo bartayda YouTube.
Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaallo riddi gaaban ah ku riday goobo aan ka fogeyn xeebaha Kuuriyada Koonfur, tan oo dib usoo celisay walaaca Seoul ay ka qabtay inay Pyongyang, dib usoo celinayso xiisadda labada dhinac , sida ay ku warrantay Reuters.
Erdogan ayaa maanta ku dhawaaqay in PKK , ay hubka dhigi doonto labada maalin ee soo socota , lana kala diri doono dagaalyahannada kurdida -Turkiga oo tan iyo 1978 u dagaallamayay in gobolkooda uu madax bannaani ka helo Turkiga.

Hadda,ku dhawaaqista Erdogan ayaa ka dhigan guushii u sarreysay oo uu ka gaarayo khilaafka gudaha iyo inuu soo afjarayo khatarta ugu weyn ee Turkiga uu ku wajahayay gobolka.
Magaalada Port Suudaan, oo labadii sanno ee u dambeysay ay milatariga ugu shaqeynayaan sida caasimad kumeel-gaar ah ayaa toddobaadkan la kulmaysa weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu waxyeeleeyay kaabayaasha ay ku jiraan dekedda, garoonka diyaaradaha iyo saldhigyada milatari, iyadoo hadda uu wacad ku maray hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Cabdifatax Burhan inay si adag uga aargoosan doonaan RSF oo lagu eedeyay inay markii u horreysay bilowday weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taa oo meesha ka saaraysa dheelitirka xagga hawada ee ay ku gacan sareeyeen militariga Suudaan.
Dagaalka Hindiya iyo Pakistan: Hindiya oo weerar labaad ku qaaday Pakistan

31 diyaaradood oo laga soo riday Hindiya

Pakistan oo isku diyaarinaysa jawaabta weerarrada Hindiya

Dagaalkan ma wuxuu ku eg yahay xiisadda labada dhinac, mise waa dagaal wakiilleed oo dhinacyo kale ku lug leeyihiin?

Warbixintan ayaa ku siinaysa wax kasta oo ku saabsan dagaalka labada quwadood ee ku hubaysan nukliyeerka;https://youtu.be/KZgdXH3gIW8
Pakistan ayaa waxyar ka hor ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Hindiya , iyadoo qaraxyo laga maqlay garoonka diyaaradaha Jammu, sida ay warisay Reuters.
Fiiro gaar ah;

Pakistan waxay adeegsataa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga , wuxuuna u muuqdaa weerarkan in looga jawaabayo, weerar ay maanta Hindiya u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku beegsatay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Pakistan , balse saraakiisha Pakistan ayaa sheegay inaysan wali dhicin jawaabta Pakistan ee weerarrada ay Hindiya ka geysatay Pakistan.

Waxaa badan surtagalnimada 48 saac ee soo socota ay Pakistan ku qaadi karto duullaan ay uga jawaabayso weerarrada Hindiya , xilli mar horaba ay Pakistan khasaare baaxad leh gaarsiisay Hindiya oo ay ka soo riday diyaaraddo, sidoo kalena ay ka dhishay 50 Askari , 15 rayid ah iyo boqollaal ay madaafiic ku dhaawaceen ciidanka Pakistan oo sidoo kale gacanta ku dhigay askar ka tirsan ciidanka milatariga Hindiya, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Pakistan.
Sirdoonka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha Pakistan ee J-10, ay soo rideen dhowr diyaaradood oo ay lahaayeen ciidanka cirka Hindiya oo ay ku jiraan diyaaradaha jiilka 4.5 ee Rafale, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters, ka soo xigatay labo sarkaal oo Mareykan ah. Horey sirdoonka Faransiiska ayaa u xaqiijiyay inay Pakistan soo riday diyaaradaha Rafale ee Faransiiska uu soo saaro.