Iman Jama
31.2K subscribers
4.62K photos
1.07K videos
1 file
625 links
Journalist
Download Telegram
Hal milyan oo qof oo u badan carruur iyo dhallinyaro ayaa toddobaadyo gudahood ugu dhiman kara marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta gaajo iyo macaluul ka dhalatay in marinka loo diiday wax gargaar ah inuu galo, sida uu ku dhawaaqay hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka Xamaas, Cabdul Raxmaan Shadiid oo muuqaal laga sii daayay telefishinka Al Jazeera ku shaaciyay in ururka Xamaas uu diyaar u yahay heshiis lagu sii deynayo maxaabiista Israa’iil, si loo badbaadiyo Falastiiniyiinta macaluusha u dhimanaysa , loona joojiyo dagaalka.
Wuxuu sheegay inay Israa’iil jabisay axdigii Geneva iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada — falcelinta ka timid Qaramada Midoobay iyo caalamkana ay noqotay cambaareyn oo uga dhigan dadka Qasa in laga aamusay marxaladda ay ku jiraan, taa oo uu ku sheegay inay ka dhigantahay dunidda inay ku qanacsantahay waxa ay Israa’iil kula kacayso dadka Qasa, si buu yiri loo badbaadiyo dadka dhimanaya, waxay Xamaas qaadanaysa heshiis , iyadoo xataa ku gacan sarraysa dagaalka dhulka oo uu ku tilmaamay mid ay Qasaam ku gaarayaan madaxa askarta Israa’iil iyo burburinta gaadiidkooda, balse aargoosigu wuxuu ku dhacaya dadka rayidka ah oo la kulmaya duqeymo arxan darro iyo in gaajada oo ay Israa’iil u adeegsato hub ay ku dileyso dadka Qasa…!
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Marco Rubio ayaa ku eedeyay dawladda Jarmalka inay awood u siisay hay’adaheeda sirdoonka inay dabagalaan mucaaradka , tallaabadaa oo uu ku tilmaamay inay ka hor imaanayso dimoqraadiyada, isagoo ka falcelinayay warbixinta ay hay’adda sirdoonka gudaha Jarmalka ka soo saartay baaritaan lagu waday xisbiga midigta fog ee AfD oo doorashadii u dambeysay kaalinta labaad soogalay, kaa oo hadda sirdoonka Jarmalka ay u aqoonsadeen xisbi xagjir ah oo kala qeybinaya dadka Jarmalka loona baahanyahay in laga hortaggo ku lug lahaanshahooda siyaasadda oo lagu sheegay inay halis ku tahay Jarmalka.
Rubio, wuxuu ku baaqay in go’aanka ay ka laabato dawladda Jarmalka , balse waqti badan ma qaadan xafiiska warfaafinta ee waaxda arrimaha dibadda Jarmalka inay barta X, uga jawaabaan qoraalka uu baahiyay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , iyadoo falcelinta lagu difaacay go’aanka loogu aqoonsaday xisbiga xagjir ah AfD, waxaana lagu yiri qoraalka falcelinta ;”Tani waa dimuqraadiyad. Go’aankani wuxuu ka dhashay baaris dhab ah oo madax bannaan oo lagu ilaalinayo Dastuurkeena iyo sareynta sharciga…Waxaan taariikhdeena ka baranay in loo baahan yahay in la joojiyo xagjirnimada.”
Israa’iil , waxay u muuqataa inay duullaan dhab ah ku qaaday Suuriya, waxayna hadda duqeymo xooggan ay ka geysanayaan diyaaradaha Israa’iil bartilmaameedyo xarumaha milatariga iyo dawladda ee ku yaalla Dimishiq iyo magaalada Xama, iyadoo la soo sheegayo in diyaaradaha Israa’iil ay dul heehaabyeen guriga madaxweynaha Suuriya.

Warbaahinta Suuriya , ayaa ku warramay in diyaaradaha Turkiga lagu arkay hawada magaalada Xama, kuwaasoo iskudayaya inay joojiyaan tobannaanka diyaaradaha dagaalka Israa’iil ee buuxiyay hawada magaalada Xama, halka warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, Kann ay shaaca ka qaaday in milatariga Israa’iil ay diyaariyeen bartilmaamadyo xarumaha dawladda iyo milatariga Suuriya oo duqeymaha ay ka sii socon doonaan— waxaa intaa dheer oo telefishinka Israa’iil ee Channel 12 uu ku warramay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee milatariga Israa’iil ku deggeen deegaanno ka tirsan dhulka Suuriya ee ku dhow xadka Jordan.
Netanyahu , wuxuu billaabay duullaankiisa Suuriya — magaalo kasta oo muhiim ah ka bilow caasimadda Dimishiq , Xumus, Xama iyo Latakia waxaa hawadooda buuxiyay diyaaradaha Israa’iil, halka gobollada koonfurta iyo bariga ee xadka la leh; Lubnaan, Jordan iyo dhulka ay Israa’iil heysato uu ka dejiyay diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay la socdaan ciidan milatari ah, waxay u muuqataa tallaabadii u dambeysay oo uu ku doonayo inuu dagaal ku galiyo dawladda cusub ee Suuriya , xilli diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay ku noq noqonayaan hawada guriga uu degganyahay madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac. Tani kuma dhici karto Mareykanka la’aantii, waxay u muuqataa inuu Trump , siiyay Israa’iil oggolaanshaha duullaanka Suuriya…!
Kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa dhowr gantaal ku weerarray saakay bartilmaameedyo kala duwan oo ku yaalla gudaha Israa’iil, iyadoo ciidanka Israa’iil ay ku andacoonayaan in dhammaan laga hortagay gantaallada Xuutiga.
Saraakiisha sare ee Iran , ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, inay la socdaan qorshaha Israa’iil ay ku doonayso inay ku weerarto Iran, haddii xataa heshiis la xiriira barnaamijka nukliyeerka ay gaaran Mareykanka iyo Iran.
Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee The Times, ayaa ka soo xigtay sarkaalkii hore ee howlgelinta hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, Ralph Goff in Maraykanku waligiis ugu talagalin Ukraine inay ku guulaysato dagaalka ay kula jirto Ruushka , taa beddelkeeda uu Mareykanka siiyay Ukraine , hub ay kula dagaallanto Ruushka oo aan u suragelinayn inay guul gaaraan, markaa oo uu ku eedeyay Washington, inay ka cabsanaysay Putin inuu adeegsado nukliyeer , haddii la ballaariyo taageerrada dagaalka ee Ukraine.
Ilmo yar ayaa Sabtida maanta gaajo iyo nafaqo-darro ugu dhintay marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta , sida ay ku dhawaaqday ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka dhulka Falastiiniyiinta,Francesca Albanese oo intaa ku dartay suurtagalnimada toddobaadyo lagu arki karo kumannaan reer Falastiin ah oo Qasa ugu dhimanaya gaajo, kaddib go’doomin adag oo ay Israa’iil ku hayo Qasa oo la diiday inay galaan wax gargaar ah.
Ra’iisul wasaaraha dawladda caalamka aqoonsanyahay ee Yemen , Axmed Cawad Bin Mubaarak ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilkaa iska casilay, isagoo is casilaadiisa ku sababeeyay inuu ka wajahay maamulka inuusan awoodin isticmaalka awoodiisa dastuuriga ah oo uu ku gaari karo go’aamo uu dib u habeyn ku sameeyo maamulka oo ay ugu horreyso isku shaandheynta hay’adaha dawladda, iyadoo hadda is casilaadan iyo khilaafka uu soo baxay xilli Mareykanka iyo xulafada Carabta ee taageerta maamulkan ay isku dayayeen inay ballaariyaan awoodda maamulkan si ay u qaadaan weerarro ay dib ugu qabsanayaan dhulka ay Xuutiyiinta maamullaan ee Yemen.
Waxyar kaddib 3:55, waxaad heli doontaa fallanqeynta weerar ay maanta Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Israa'iil oo loo aqoonsaday weerarkii ugu cuslaa, ujeeddada weerarka iyo haddii u dhalin karo dagaal gobol,sabab la xiriirta weerarka wuxuu fadeexad dusha u saray Mareykanka iyo Israa'iil.
Haddii aad danayso hab muuqaal ah inaad fallanqeyntan ku heshid,fadlan ku biir bartayda Youtube; https://www.youtube.com/@ImanJama-
Xuutiyiinta Yemen, ayaa weerarkii ugu tayada sarreeyay ku qaaday Telaabiib

Weerarkan ma wuxuu albaabka u furi kara dagaal gobolleed? Mise waa farrin ka timid Iran?

Warbixintan ayaa ku siinaysa wax kasta oo ku saabsan weerarka Xuutiga;

- Halkan waxaad heli kartaa warbixinta oo muuqaal ah, haddii aadan dooneyn inad qoraal ku akhriso; https://youtu.be/WjJNu-qJjv4 https://youtu.be/WjJNu-qJjv4
Israa’iil, ma aysan qarin inay Axadda maanta la kullantay weerar fadeexad ah oo dhaliyay dhaawaca 8 qof oo shan ka mid ah la sheegay inay ku jiraan xaalad dhimasho dhalin karta, kaddib markii gantaal nooca ballistic-ga oo ay kooxda Xuutiyiinta ka soo tureen Yemen, uu ku dhacay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion.

Raadiyaha ciidamada Israa’iil oo soo xiganaya ilo militari ayaa sheegay in nidaamka difaaca Mareykanka ee THAAD iyo nidaamyada difaac ee Israa’iil ay isku dayeen in ay ka hortagaan gantaalka Xuutiyiinta,balse ay ku guuldareysteen, iyadoo in ka badan 3 milyan oo Israa’iiliyiin oo ay ku jiraan saraakiisha sare ee Israa’iil ay gabbaad galeen.
Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel-ka 12 , ayaa sheegay in gantaalka Yemen uu ka gudbay afar lakab oo ah hababka difaaca hawada, wuxuuna ku dhacay wadnaha garoonka diyaaradaha Ben Gurion ,waxa la arkay waa in goobta uu ku dhacay uu ka sameeyay god 25 mitir ah. Warbixinta Channel 12, ayaa shaaca ka qaaday in madaxa gantaalku uu ahaa mid aad u weyn, oo sababay mowjad qarax weyn oo laga maqlay xaafadaha Telaabiib, taa oo ka dhigan in Xuutiga ay wax ka beddel ku sameeyeen madaxyada qarxa ee gantaallada ay ku weerarrayaan Israa’iil.

Booliiska Israa’iil ayaa amray in la mamnuuco in loo safro garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, halka Channel 12 ee Israa’iil uu sheegay in la hakiyay duullimaadyadii imanayey iyo kuwii dhoofayey.

Wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth ayaa sidoo kale ka soo xigatay madaxa guddiga shaqaalaha hay’adda duulista rayidka ee Israa’iil , in dadka ku dhaawacmay gantaalka uu mid ka mid ah ku sugnaa gudaha garoonka gaar ahaanna Terminal 3, taa oo ka dhigan qaraxyada gantaalka inay gudaha u galeen garoonka, taa oo noqonaysa markii u horreysay oo Xuutiga ay khasaare dhab ah gaarsiiyeen garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.

Weerarka wuxuu dhaliyay si deg deg ah in loo joojiyo duulimaadyo ay Telaabiib ku imaan lahaayeen diyaaradaha Swiss, Austria, Australia , Lufthansa iyo tobannaan diyaaradood oo kale oo maanta la qorsheeyay inay duulimaad ku yimaadaan garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.

Iyadoo warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in hoggaanka ammaanka Israa’iil ay si weyn uga walaacsan yahay fashilinka ay kala kulmeen inay ka hortagi waayeen gantaalka Xuutiyiinta ee lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, ayaa weerarka sidoo kale wuxuu dhaliyay in la baajiyay shirkii ugu muhiimsanaa ee golaha amniga israa’iil oo maanta la qorsheeyay inuu qabsoomo, sabab la xiriirta weerarka Xuutiyiinta, sida uu ku warramay wargeyska Walla.

Wargeyska kale ee ka soo baxa israa’iil ee Yedioth Ahronoth ayaa sheegay, in shirkii golaha wasiirada amniga uu dib u dhacay ilaa 7-da fiidnimo ee caawa. Halka wargeyska Maariv uu sheegay in Netanyahu uu wada tashiyo dhanka ammaanka la yeeshay saraakiisha sare ee amniga , kaddib guul-darrada ay Israa’iil kala kullantay inay ka hortagto weerarka Xuutiyiinta. Warbixinta wargeyska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Netanyahu uu qaban doono caawa kulan deg deg ah la xiriira habka ay Israa’iil uga jawaabi karto weerarka khasaaraha dhaliyay ee Israa’iil ay kala kulantay Xuutiyiinta Yemen.