Iman Jama
31.1K subscribers
4.58K photos
1.07K videos
1 file
622 links
Journalist
Download Telegram
Trump; “ Habeenkii oo dhan ma seexdo, waxaan ka fakaraa sidii aan uga adkaan lahaa Shiinaha.”
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Taliyaha sirdoonka ee ciidanka guud ee Turkiga , Gen. Yaşar Kadioğlu ayaa booqasho ku jooga dalka Pakistan,isagoo ay weheliyaan saraakiil kale oo ka tirsan qeybaha ciidanka Turkiga , iyagoo booqday xarunta ciidanka cirka Pakistan ee ku taal caasimadda Islamabad , halkaa oo ay saraakiisha ugu sarreysa milatariga Pakistan kula yeesheen wada-hadallo la xiriira mashaariicda difaaca ee wadajirka ah iyo iskaashigooda barnaamijyada dayax-gacmeedka sirdoonka oo horumarintooda lagu sheegay in labada dal uu gacan ka siinayo la socodka kooxaha argagixisada iyo cadowgooda,waxayna booqashadan ku soo aadday xilli ay sare martay xiisadda u dhaxeysa Pakistan iyo Hindiya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa maanta baahisay digniintii u horreysay oo si adag loogu diray Japan, iyadoo Shiinaha uu uga digay Japan inay ka dhisto gobolka xulufo milatari oo ka soo horjeeda Shiinaha, kaddib markii Ra’iisul wasaaraha Japan, Shigeru Ishiba oo booqday Filibiin uu sheegay inay dhisayaan xulafo iskaashi sirdoon iyo milatari oo la socda dhaqdhaqaaqyada Shiinaha ee bariga iyo koonfurta Aasiya.
Wasaaradda difaaca Turkiga , ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay xiisadda Pakistan iyo Hindiya , waxaa lagu sheegay ; “ Waa lama huraan in Hindiya ay u dhaqanto si mas’uuliyad leh, kana fogaato tillaabooyinka xiisadda sii kordhinaya, una hoggaansanto sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da diblomaasiyadeed….Turkigu wuxuu si buuxda u fahansan yahay walaaca amniga ee sharciga ah ee ka jira dalka ay walaalaha yihiin ee Pakistan, waxaana filaynaa in labada dhinacba ay raadiyaan xal nabadeed, iyadoo beesha caalamku ay door wax ku ool ah ka qaadanayso geeddi-socodkan.”
Taiwan, ayaa xaqiijisay in dawladda Soomaaliya ka mamnuucday inay dalkeeda soo galaan muwaadiniinta heysta baasaboorka Taiwan oo ah jasiirad aan heysan aqoonsi rasmi ah, iyadoo Taiwan ay ku eedeysay dawladda Soomaaliya in tallaabada ay qaaday uu ka dhashay cadaadis uga yimid Shiinaha, oo si dhaqso ah usoo dhaweeyay go’aanka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan, ayaa xaqiijisay in hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay soo gaarsiisay warqad rasmi ah oo lagu xaqiijinayo inan loo oggolaan doonin dadka heysta baasaboorka Taiwan, inay usoo safraan Soomaaliya , iyadoo go’aanka sidoo kale la gaarsiiyay shirkadaha duulimaadyada ee yimaada Soomaaliya inaysan soo qaadi karin dadka heysta baasaboorka Taiwan, tan oo ka mamnuucaysa saraakiisha Taiwan inay gaaraan Hargeysa.
Fiiro gaar ah;

Soomaaliya ayaa muddo dheer ku dhaqmaysay siyaasadda ‘Shiinaha hal ah’, halka Shiinaha uu bixiyo dabool diblomaasiyadeed oo lagu ilaaliyo madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxaana loo arkaa tallaabada u dambeysay ee ay qaaday dawladda Soomaaliya , mid looga hortagayo xiriirka Taiwan iyo Somaliland.

Waxaa kaloo ay Soomaaliya doonaysa inuu Shiinaha sare u qaado iskaashiga labada dal oo ay ku jirto horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda, xilli saraakiisha Soomaaliya qaarkood ay ku talinayaan inay dawladda Soomaaliya u adeegsato Shiinaha inuu door ku yeesho qorshaha looga hortagayo iskudayga ay Iran ku taageerrayso kooxaha ka dagaallama Soomaaliya , taa oo ka imaanaysa xiriirka Xuutiyiinta , AS iyo Daacish oo wax u dhimaya xasilloonida Soomaaliya.
Xiisad horleh ayaa ka taagan koonfur-bari Aasiya, kaddib markii ciidanka Shiinaha ay qabsadeen dhul ka tirsan Filibiin, iyadoo xiisadda ay dhalisay inuu ra’iisul wasaaraha Japan si deg deg ah u gaaro dalka Filibiin, isagoo u ballanqaaday taageerro.

Warbixin, muuqaal ah oo aan ku baahiyay bartayda youtube, ayaad ka helaysa faahfaahinta xiisadan cusub iyo dhaqdhaqaaqyada ka socda koonfur-bari Aasiya. Si fudud halkan uga daawo; https://youtu.be/5Sm35-4Mjsk
https://youtu.be/5Sm35-4Mjsk
Suuriya, waxaa maanta ka dhacay rabshado culus oo ka dhashay dagaallo u dhexeeya beelaha Druze iyo kooxo hubeysan oo Sunni ah, gaar ahaan magaalooyinka Jaramana iyo Sahnaya oo ku dhow caasimadda Dimishiq.Rabshadahan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 16 askari oo ka tirsan ciidanka Suuriya iyo 8 qof oo rayid ah, sida ay ku warrameen telefishinka Al Jazeera iyo wakaaladda wararka ee Reuters.
Isku dhacyadan ayaa billaabmay kadib markii la faafiyay cod lagu aflagaadeed Nabi Maxamed (NNKH), taasoo kicisay xiisado diimeed iyo dagaallo u dhexeeya beelaha.

Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in codkaasi uu yahay been abuur, balse rabshadaha ayaa durba ku fiday deegaanno kale oo ay ku badanyihiin dadka ka soo jeeda Druze, tan oo ay xigtay duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen caasimadda Dimishiq iyo deegaannada ay rabshadaha ka dhaceen, duqeymaha oo lagu dhaawacay qaar ka mid ah ciidanka amniga Suuriya, waxayna Israa’iil ku andacootay in duqeymaha lagu difaacayo bulshada Druze, digniina loogu dirayo dawladda Suuriya si ay u ilaaliso nabadgalyadda dadka Druze, wallow ay ciidanka amniga Suuriya ku dhawaaqeen in la soo afjaray rabshadaha ka dhacay dulleedka Dimishiq iyo magaalooyinka Jaramana iyo Sahnaya, haddana xaaladda lagu soo celiyay xasillooni, balse hoggaamiyaha bulshada Druze , Mowafaq Tarif ayaa sheegay inay ka dalban doonaan Israa’iil inay ilaaliso bulshada Druze, haddii ay sii socdaan rabshadaha ka dhanka ah Druze, wuxuuna la kulmay taliyaha ciidanka Israa’iil ee aagga waqooyi, Ori Gordin, tan oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo inay Israa’iil hurinayso dagaal sokeeye oo dib uga qarxa Suuriya.
Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay wajahayso xaaladdii ugu sarreysay ee dabiici ah, kaddib markii dab si dhaqso ah u faafaya uu qabsaday buuraha ku hareeraysan magaalada Qudus, gaar ahaan keynta Eshtaol, iyagoo mar horaba saraakiisha Israa’iil ay sheegeen inuu dabku yahay midkii ugu weynaa ee qabsanaya dhulka ay maamullaan, tan oo keentay inay Israa’iil dalbato kaalmo caalami ah, qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa billaabay inay ku taageerraan sidii dabkan lagu damin lahaa.

Ma xaqiijin Israa’iil , waxa dhaliyay dabkan, balse warbaahinta Israa’iil qaarkood ayaa la xiriiray ficil ay ka dambeeyaan Falastiiniyiinta, xilli maanta ay Israa’iil u dabaal-deggayso maalinta ay u aqoonsantahay ‘maalinta qaranimada.’
Dadaallada ay dawladda Soomaaliya ku raadinaysan inay Iran , gacan ku siiso sidii loo joojin lahaa iskaashiga iyo taageerrada ay sheegtay Soomaaliya inay Xuutiyiinta siiyaan kooxaha ka dagaallama Soomaaliya ee AS iyo Daacish, ayaa la aaminsanyahay inay burbureen, kaddib shuruudo adag oo ka yimid dhinaca Iran, taa oo mar kale fogeysay fursad kale oo dib loogu soo celin karay xiriirka Soomaaliya iyo Iran.

Haddaba si aad wax badan uga oggaato , marxaladda uu xilligan ku jiro xiriirka Soomaaliya iyo Iran ee meesha ka maqan tan iyo 2016-kii, waxaad halkan ka heli karta warbixin muuqaal ah oo faahfaahin ka bixinaysa oo aan ku baahiyay bartayda Youtube, ama si fudud halkan ugu raac; https://youtu.be/hz0zqE45XOM
Dadaallada ay dawladda Soomaaliya ku raadinaysay inay Iran , gacan ku siiso sidii loo joojin lahaa iskaashiga iyo taageerrada ay sheegtay Soomaaliya inay Xuutiyiinta siiyaan kooxaha ka dagaallama Soomaaliya ee AS iyo Daacish, ayaa la aaminsanyahay inay burbureen, kaddib shuruudo adag oo ka yimid dhinaca Iran, taa oo mar kale fogeysay fursad kale oo dib loogu soo celin karay xiriirka Soomaaliya iyo Iran.

Haddaba si aad wax badan uga oggaato , marxaladda uu xilligan ku jiro xiriirka Soomaaliya iyo Iran ee meesha ka maqan tan iyo 2016-kii, waxaad halkan ka heli karta warbixin muuqaal ah oo faahfaahin ka bixinaysa oo aan ku baahiyay bartayda Youtube, ama si fudud halkan ugu raac; https://youtu.be/hz0zqE45XOM
Milatariga Pakistan ayaa maanta dhoolatus ballaaran ka sameeyay , dhowr magaalo oo ku dhow xadka Hindiya oo kala ah ; Sialkot, Narowal, Zafarwal, iyo Shakargarh , iyadoo milatariga Pakistan ay dhoolatuskan u adeegsadeen taangiyo, madaafiic, iyo hub casri ah, taas oo muujinaysa diyaargarow buuxa oo dagaal, xilli ay jirto suragalnimada ay Hindiya ku doonayso inay ku qaado Pakistan, weerar ay uga jawaabayso , toogashadii ka dhacay Kashmir. Hindiya waxay sidoo kale dalkeeda ka mamnuucday barta YouTube -ka ee milatariga Pakistan oo lagu baahiyay dhoolatuska iyo dhaqdhaqaaqyada ay ciidanka Pakistan ka wadaan xadka.
Mareykanka iyo Ukraine ayaa kala saxiixday heshiis muhiim ah oo Mareykanka uu ku helayo macdanta Ukraine,iyadoo tan ay Ukraine ku beddelanayso inay taageerro ka hesho Mareykanka iyo hirgelinta sanduuqa maalgelinta dib u dhiska Ukraine , balse heshiiskan kuma jirto dammaanad amni oo Ukraine ay ka heli karto Mareykanka.

Ukraine waxay leedahay qiyaastii 5% ka mid ah keydadka macdanta muhiimka ah ee dunidda, oo loo isticmaalo qalabka elektarooniga, baabuurta korontada iyo hubka militari.
Fiiro gaar ah;

Trump, waxaa ku dheeratay inuu joojiyo dagaalka Ukraine, isagoo xataa tanaasul badan u sameeyay Putin, waxaana hadda soo baxday kaddib markii Ukraine uu ka helay heshiiska macdanta inuu u fasaxay kaalmadii u horreysay ee milatari, tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay oo uu joojiyay taageerrada milatari ee Mareykanka uu siinayay Ukraine, tallaabadan oo muujinaysa inaysan Trump u muuqan si dhaqso ah oo dagaalkan lagu joojin karo iyo hab uu ku hagaajin karo xiriirka diblomaasiyadeed ee Ruushka, taana waxay hadda soo muujisay inuu dib u hagaajinayo xiriirkii reer Yurub ee uu uga tagay , si kalsooni uu uga helo Putin.
Xubnaha jamhuuriga ee ku dhow Trump, ayaa u arka in bahdilaad weyn uu Trump kala kulmayo Putin, kaddib markii tanaasul kasta oo uu la yimid Trump uusan waxba ka soo qaadin Putin, wuxuuna fashiliyay dadaal kasta oo Trump uu ku raadinayay inta aan la gaarin boqolkiisa maalin ee ugu horreysa xafiiska inuu joojiyo dagaalka Ukraine , tani waxay keentay hadda in 72 senator oo ka tirsan golaha Sanet-ka Mareykanka inay diyaariyaan hindise sharciyeed canshuur lagu saarayo Ruushka iyo in canshuur 500% ah la saaro dal kasta oo iibsada shidaalka iyo gaaska Ruushka , si Putin loo tuso waxa uu Mareykanka gaarsiin karo haddii uusan qaadan heshiiska nabadda ee Ukraine, sida ay sheegtay shabakadda Bloomberg.
Sirdoonka Pakistan iyo kuwa reer galbeedka ayaa aaminsan inuu dhacayo weerar ay Hindiya ku qaadayso Pakistan! Nooca weerarka la filayo inayo Hindiya ku qaado Pakistan iyo dhacdooyinkii u dambeeyay, waxaa fallanqeyn dhammeystiran ka siinaysa warbixintan aan ku baahiyay bartayda Youtube; https://youtu.be/97ZC6t74jw8
https://youtu.be/97ZC6t74jw8
Donald Trump, ayaa xilka ka qaaday la-taliyihii amniga qaranka ee Mareykanka , Mike Waltz iyo ku-xigeenka,Alex Wong , iyadoo la filayo in jagada la taliyaha amniga loo magacaabo , ergeyga gaarka ah ee Aqalka Cad u qaabilsan bariga dhexe Steve Witkoff, sida ay ku warrameen CBS News iyo Politico.

Dhowr sarkaal oo kale oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa sidoo kale la filaya in xilka la qaado, sida ay sheegtay Politico.

Fiiro gaar ah ;

Trump, wuxuu xilka ka qaadistan sameeyay boqolkiisa maalin ee u horreysay ee xafiiska, taa oo ka dhigaysa madaxweynihii u horreeyay ee Mareykanka oo xafiiskiisa nadiifinaya boqolkiisa maalin ee u horreysay.

Sawirka; Mike Waltz
Trump: “ Ciddii iskudayda inay Iran ka soo iibsato shidaal iyo gaas, wuxuu Mareykanka ka qaadi doonaa tallaabo adag, wax ganacsi ahna lama sameyn doono Mareykanka.”
Wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badr Hamad Al Busaidi ayaa shaaca ka qaaday inuu baaqday wareegga saddexaad ee wadahadallada Iran iyo Mareykanka oo lagu ballansanaa in la qabto 3 bishan May, isagoo sheegay inaysan wali dhinacyado isla qaadan qabsoomida waqtiga uu dhacayo wada-hadallada ay Cumaan dhex dhexaadinayso.

Fiiro gaar ah;

Labadii wareeg ee hore ma jirin, wax natiijo ah oo lagu gaaray, wuxuu Mareykanku ku adkaysanayaa burburinta xarumaha nukliyeerka, halka ay Iran doonaysa kaliya inay hoos u dhigto horumarinta nukliyeerka! Burbur kasta oo ku yimaada wada-hadalkan waxaa sugaya Netanyahu oo horey Trump uga heysta ballanqaad la xiriira haddii waddada diblomaasiyadeed ay burburto inay si wadajir ah u weerarri doonaan xarumaha nukliyeerka Iran.