Iman Jama
31.1K subscribers
4.58K photos
1.07K videos
1 file
622 links
Journalist
Download Telegram
Kuwani waa tobanka dal ee lacagta ugu badan ku bixiya milatariga iyo difaaca , sida uu soo bandhigay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Caalamiga ah ee Stockholm (SIPRI);

🥇🇺🇸 Mareykanka - $997 bilyan
🥈🇨🇳 Shiinaha - $314 bilyan (lagu qiyaasay)
🥉🇷🇺 Russia - $149 bilyan (lagu qiyaasay)
4️⃣🇩🇪 Germany - $88.5 bilyan
5️⃣🇮🇳 India - $86.1 bilyan
6️⃣🇬🇧 Ingiriiska - $81.8 bilyan
7️⃣🇸🇦 Sacuudi Carabiya - $80.3 bilyan (lagu qiyaasay)
8️⃣🇺🇦 Ukraine - $64.7 bilyan
9️⃣🇫🇷 France - $64.7 bilyan
🔟🇯🇵 Japan - $55.3 bilyan
Iran ayaa la kulantay weerarkii ugu weynaa ee dhinaca internetka oo la isku dayay saacadihii u dambeeyay in guud ahaan hawada laga saaro isgaarsiinta Iran , iyadoo weerarka sidoo kale lagu beegsaday bankiyada iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha Iran, sida u sheegay madaxa isgaarsiinta dawladda Iran , Behzad Akbari oo xaqiijiyay inay ka hortageen weerarrada internetka ee lagu soo qaaday oo ku soo aaday xilli uu qarax weyn maalin ka hor burburiyay qeybo ka mid ah dekedda ugu weyn ee Iran, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Lama sheegin cidda weerartay isgaarsiinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha Iran, balse Iran ayaa inta badan ku eedeysa inay Israa’iil ka dambeyso weerarrada internetka er ka dhaca dalkeeda.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters; madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa qorsheynaya in uu Sucuudiga ku qanciyo heshiis ay ku helayaan hub qiimahiisu yahay $100 bilyan , inta uu ku guda jiro booqashadiisa Bariga Dhexe ee bishii May. Hubkan uu Trump usoo bandhigi doono Sacuudiga ayaa lagu soo waramayaa in ay ku jiri doonaan hub aan horey loo siin Sucuudiga, sida diyaaradaha, difaaca cirka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Raadaarada, iyadoo ujeeddada heshiiskan lagu sheegay inuu Mareykanka ku doonayo joojinta heshiiska ay boqortooyadda Sacuudiga ku doonayso inay hub ka soo iibsato Shiinaha, taa beddelkeeda Trump , wuxuu u sheegayaa dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga , inuu Mareykanku diyaar u yahay bixinta nooc kasta oo hubka ay doonayso Riyadh.
Xiisada u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan ayaa cirka isku sii shareertay kadib weerar kooxo hubeysan ku qaadeen gobolka Kashmiir, tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkaa labada dal waxay jareen xiriirkii u dhaxeeyay, waxayna xireen xadduuda ay wadaagaan oo ay ku daabuleen ciidan badan iyo gaadiid dagaal, halkaa oo ay labada ciidan isku dhaafsadeen is-rasaaseyn, taa oo sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal ka dhex qarxa labadan dal oo ku hubaysan nukliyeerka.

Warbixintan maqalka ah ayaa ku siinaysa, faahfaahinta ,fallanqeyn iyo macluumaad la xiriira xiisadan oo ay ku jirto labada dal kan milatari ahaan awood badan, waxa laga filan karo xiisadan, sida ay dalalka u kala taageerrayaan, Pakistan oo noqotay dalkii u horreeyay oo gudmad dibadda ah hela, Mareykanka iyo Israa’iil oo taageerraya Hindiya iyo warbixinnadii u dambeeyay.

Si aad u hesho warbixintan, fadlan ku dhufo lifaaqan ; https://youtu.be/1lLuF76m_a8
Dalal Yurub oo ay ugu horreeyaan Spain , Portugal iyo qeybo ka mid ah Faransiiska ayaa maanta wajahaya xaalad koronto la’aan ah, iyadoo caasimaadda Spain iyo Portugal , ay ku jiraan xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay mugdiga guud ee ay galeen, lama soo bandhigin waxa dhaliyay inay koronto go’do , xilli mar horaba la dareemay saameyn ay koronto la’aanta ay ka jiraan dhul ballaaraan oo ka tirsan dalalkan oo aysan shaqeynayn tareennada, waddooyinka ayaa mugdi ah , makhaayadaha iyo xarumaha dadweynaha ayaa ah sidoo kale kuwa la xiray.
Saraakiisha sirdoonka milatariga Pakistan, ayaa la wadaagay hoggaanka sare ee dawladda Pakistan inay arkayaan suragalnimada weerar ay Hindiya doonayso inay ku soo qaado Pakistan, tan oo ay xigtay in wasiirka difaaca Pakistan,Khawaja Asif uu ku dhawaaqay inay Hindiya soo weerarri doonto Pakistan, isagoo ku sheegay xaaladan inay ku riixeyso milatariga Pakistan inay si dhammeystiran isku diyaariyaan, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Fiiro gaar ah;

Ma cadda haddii hadalka ka soo baxay dawladda Pakistan uu la xiriiro mid ay ku doonayso inay ku daboosho dhaqdhaqaaqyada aan horey loo arag ee ay wadaan milatariga Pakistan oo nidaamyo gantaallo oo aan horey loo geyn xadka Hindiya, hadda halkaa ku daabulaya, sidoo kale diyaaradaha milatariga Pakistan waxay billaabeen inay dibadda kala yimaadaan tiknoolajiyada ay ugu horreeyaan nidaamyada la socodka hawada iyo agab kale oo milatari, halka Turkiga u muuqdo mid ku luv yeeshay xiisadan, kaddib markii 48 saac ee u dambeysay diyaaradaha milatariga Turkiga ay ka degayeen garoommada milatariga ee ku yaalla Pakistan, iyadoo markii dambe wasaaradda difaaca Turkiga ay sheegtay in diyaaradaha milatari ee Turkiga oo lagu arkay garoommada Pakistan inaysan wax hub ah geyn,balse halkaa ay u tageen inay shidaal ka qaataan!

.. Wax kasta oo ku saabsan xiisadda Pakistan iyo Hindiya , suragalnimada dagaal dhex mari kara iyo awoodooda milatari, waxaan ku soo bandhigay warbixin maqal ah oo aad ka heli kartid bartayda
YouTube ama link-gan: https://youtu.be/1lLuF76m_a8?si=_SVpChxoZSbctISG
Ruushka, wuxuu saldhig cusub oo milatari ka hirgeliyay meel 100 km u jirta dalka Finland, halkaa oo uu ku daabulay kumannaan ciidan ah , gantaalladiisa iyo gaadiidka dagaalka, tan oo walaac horleh dhalisay oo ku saabsan inuu Ruushka isku dayayo cadaadis iyo duullaan uu ku qaadi karo dalalka NATO.

Mareykankana, wuxuu soo saaray hadal cabsi geliyay dalalka Yurub oo lagu soo bandhigay awoodda milatari ee Ruushka, maxaa ka soo baxay dhinaca Ruushka oo colaad dhexda u gelin kara NATO iyo Ruushka?

Wax walba oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa cusub ee Ruusha uu billaabay iyo fallanqeyn la xiriirta waxa la filan karo waxaad ka helaysaa warbixintan maqalka ah ee aan ku baahiyay bartayda Youtube, ama si fudud halkan uga daawo; https://youtu.be/jLjbck5es0w
https://youtu.be/jLjbck5es0w
Diyaaradda dagaal ee ciidanka Mareykanka ee F-18 ayaa lagu warramaya inay maanta ku dul dhacday marabka diyaaradaha xambaara Mareykanka ee USS Harry S. Truman, kaasoo ku sugan badda cas, iyadoo shilkan uu dhaliyay dhaawaca qaar ka mid ah ciidanka Mareykanka , sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahiyeen ciidanka badda Mareykanka.
Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay adeegsan doonto hubkooda nukliyeerka haddii ay dhacdo khatar ku wajahan jiritaankeeda; ma aha inay Pakistan sugi doonto in la isla gaaro weerarrada nukliyeerka, balse isla marka uu dhaco ku xad-gudubka madax bannaanida Pakistan , waxay qaadi doonta Islamabad weerar nukliyeer, xilli feejignaan sare la geliyay milatariga Pakistan, kaddib markii ay Hindiya sare u qaaday hanjabaada ka dhanka ah Pakistan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda difaaca Pakistan.
Hoggaamiyaha xisbiga Liberal-ka ee dalka Canada, Mark Carney oo ah ra’iisul wasaaraha xilka haya ayaa ku dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada guud ee Canada oo u suragelinaysa inuu xilka sii hayo, balse ma cadda inuu ku guuleysan doono inuu soo dhiso xukuumad aqlabiyad leh,iyadoo hoggaamiyaha xisbiga doorashada kula tartamay ee Conservative-ka, Pierre Poilievre uu aqlabay in looga guuleystay doorashada, wuxuuna hambalyo u diray xisbiga Liberal-ka.
Fiiro gaar ah;

Ra’iisul wasaaraha Canada, Mark Carney ku dhawaaqista guusha doorashada kaddib wuxuu sheegay inuu la fariisan doono madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, si ay uga wadahadlaan xiriirka dhaqaale iyo amniga, iyadoo la ixtiraamayo madaxbannaanida labada dal, halka uu ballanqaaday inuu la shaqeyn doono dhamaan xisbiyada kale ee dalka Canada.Inkastoo uu yahay siyaasi cusub, haddana waxaa lagu amaanaa khibradiisa dhaqaale.

Doorashadan waxay sidoo kale si weyn saameyn ugu lahayd bulshada muslimiinta Canada, sabab la xiriirta hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka, Pierre Poilievre wuxuu horey u ballanqaaday inuu masaafurin doono dadka ajaaniibta ah ee faafiya nacaybka , wuxuu markaa si gaar ah u cambaareeyay mudaaharaadyada lagu taageerrayo Falastiiniyiinta. Xaaladan ayaa la aaminsanyahay inay sare u qaaday dareenka muslimiinta Canada,maaddama xisbiga hadda ku dhawaaqay doorashada inuu ku guuleystay ee Liberal-ka uu isku soo bandhigay inuu yahay dhex dhexaad, iyagoo marar kala duwan ku baaqay joojinta dagaalka Qasa.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo hadal gaar ah la wadaagay wargeyska laga leeyahay dalka Sacuudiga ee Asharq Al-Awsat , wuxuu yiri ; “ Hay'adaha amniga ee Soomaaliya waxay xaqiijiyeen in xiriir joogto ah uu ka dhaxeeyo Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha AS iyo Daacish ee Soomaaliya, oo ay isku dhaafsadeen hub iyo khibrad….Waxaan gacanta ku dhignay hub iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo kasoo gudbay Yemen, waxaana sidoo kale qabannay shabakadihii kala gudbinayay.”
Madaxweyne Xasan, wuxuu markii u horreysay shaaca ka qaaday inay Soomaaliya qeyb ka tahay isbahaysiga Carabta ee la-dagaallanka Xuutiyiinta oo ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta , isagoo intaa ku daray inay dawladda Sacuudiga ku garab-taaganyihiin dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta. Inta uu ku jiray Madaxweyne Xasan, hadal uu siiyay wargeyska Sacuudiga laga leeyahay ee Asharq Al-Awsat , wuxuu sidoo kale sheegay in ujeeddada dhaqdhaqaaqa kooxaha AS iyo Daacish ee gudaha Soomaaliya la xiriirto sidii ay u qabsan lahaayeen xeebaha badda cas iyo badweynta Hindiya, iyagoo tan ku taageerraya Xuutiyiinta Yemen.
Fiiro gaar ah;

Madaxweyne Xasan, wuxuu iskudayay muddo xileedkiisii hore inuu ciidamo ku biiriyo isbahaysiga ay dhiseen Sacuudiga iyo Imaaraadka ee gudaha Yemen kula dagaallamayay Xuutiyiinta , markaa oo aysan suragelin, taa beddelkeeda waxay Soomaaliya xiriirka u jartay Iran oo Sacuudiga uu xiriirka ugu jaray , isagoo ku eedeynaya inay taageerto Xuutiyiinta , balse isbahaysiga ma noqon mid gaara ujeeddooyinkiisa, waxayna natiijada noqotay in waqtigan la soo gaaro Xuutiga inay helaan awood ka sareysa markii howlgalka isbahaysigaa uu bilowday, taa oo ku riixday inuu Sacuudiga wax ka beddelo siyaasadiisa, wuxuuna soo celiyay xiriirka Iran , markaa oo Riyadh ay sidoo kale ka mamnuucday Mareykanka inuu Xuutiyiinta ka weerarro saldhigyada iyo hawada Sacuudiga, si ay u xaqiijiyaan inay meesha ka saareen cadaawada Xuutiga.

Toddobaadkii hore, wasiirka difaaca Sacuudiga Khalid Bin Salman Bin Abdulaziz, ayaa booqday Tehran , isagoo geeyay farriin uu ka siday dhaxal sugaha boqorka, Maxamed Bin Salmaan, si sare loogu qaado xiriirka Sacuudiga iyo Iran oo lagu soo celiyay wada-xaajood uu sannadkii 2023 ,dhex dhexaadiyay Shiinaha, tan oo ka dhigan hadalka madaxweyne Xasan uu ku raadinayo taageerrada Sacuudiga, inuu ku soo aadday xilli uu isbeddel ku yimid siyaasadda Sacuudiga ee ka dhanka Xuutiga.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Baraha xiriirka la leh ciidanka Pakistan , ayaa baahiyay muuqaal muujinaya ciidanka Pakistan oo qarxinaya labo goobood oo difaac oo ay ciidanka Hindiya ku lahaayeen Kashmir, inta lagu jiray iska horimaad maanta ka dhacay xadduuda labada dal.
Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyooday , tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay bakhaar ku yaalla magaalada Isfahan ee bartamaha dalka Iran,maalmo kadib markii qarax weyn uu ka dhacay dekedda ugu weyn Iran ee Shahid Rajaee oo ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 1,000 qof, sida ay ku warrantay shabakadda Al-Hadath.
Qatar iyo Ingiriiska , waxay sheegeen inay hoggaamin doonaan olole dib u dhis loogu sameynayo Suuriya , isla markaana Qaramada Midoobay , Mareykanka iyo dalalka Yurub ay cunaqabateynta uga qaadayaan Suuriya ,si dawladda uu hoggaamiyo Axmed Sharac ay u hesho fursad ay ku xoojiso dawlad dhiska iyo horumarinta Suuriya oo muddo ka badan 11 sanno ku jirtay dagaallo sokeeyo, kaddib warsaxaafadeed ay wadajir ah usoo saareen labada dal oo ku soo aadday xilli Sacuudiga iyo Qatar ay horey u sheegeen inay bixinayaan deymaha lagu leeyahay dawladda Suuriya.