This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv, ayaa isagoo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan Israa’iil, wuxuu sheegay inaysan Israa’iil wax lug ah ku lahayn qaraxa ka dhacay dekedda magaalada Bandar Abbas, ee dalka Iran , halkaa oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 406 qof. Ma jirto warbixin ka soo baxday hay’adaha ammaanka Iran oo lagu soo bandhigay waxa uu ka dhashay qaraxa dekedda Shahid Rajaee.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaallada CCTV-ga ayaa muujinaya qeyb ka mid ah qaraxii saaka ka dhacay dekedda Bandar Abbas ee dalka Iiraan, kaasi oo tirada dhaawaca ay hadda kor u dhaaftay 600 oo qof.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaal ay soo bandhigeen Xamaas oo muujinayay howlgallo ay fuliyeen Qasaam.
Wiil uu dhalay sarkaal sare oo ah ku-xigeenka waaxda dhijitaalka hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa ku geeriyooday bariga Ukraine , isagoo u dagaallamaya Ruushka oo ka mid ahaa calooshood u shaqeystayaal uu lacag ku siinayay Putin inay u dagaallamaan Ruushka, sida uu ku warramay wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee The Guardian.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Mikhail Bogdanov ayaa maanta gaaray Muqdisho , iyadoo booqashada ay ku soo aadday xilli Ruushka uu iskudayayo inuu dib usoo celiyo xiriirka Soomaaliya.
Bogdanov, waa sarkaal ku dhow Putin oo sidoo kale ah ergaygiisa gaarka ah ee bariga dhexe iyo Afrika oo Putin la wadaaga siyaasadda arrimaha dibadda ee Afrika, ayaa berri la kulmi doona saraakiisha dawladda Soomaaliya, wuxuuna noqonayaa sarkaalkii u sarreeyay ee Ruushka oo ku hoyanaya Muqdisho , tan iyo markii uu hoos u dhacay xiriirka labada dal.

Muxuu ka dhigan yahay socdaalkan?
Ruushka , wuxuu ku soo bandhigayaa booqashadan inuu raadinayo hab uu ku ballaariyo xiriirka Soomaaliya , oo suragal ka dhigaysa inuu dib safaaradiisa ka furto Muqdisho. Waxaa loo qaabeeyay socdaalkan hannaan dadweynaha labada dal iyo caalamka lagu tusayo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, wuxuuna booqanayaa Bogdanov, xafiisyada u sarreeya iyo xarumo dawladeed, isagoo ka soo baxaya xayndaabka garoonka diyaaradaha oo ay inta badan ka dhacaan kullamada saraakiisha sare ee reer galbeedka iyo dawladda.
Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale ku qancinaya Ruushka inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya , tan oo Turkiga uu ka raadinayo xulafo ay dan wadaagyihiin oo leh codka diidmada qayaxan ee golaha ammaanka, sababtoo ah Turkiga ayaa hadda la kulmaya cadaadis uga imaanaya Mareykanka iyo xulafadiisa ee gudaha Soomaaliya. Wuxuuna u baahanyahay Ruushka inuu helo saldhig saad ee xeebaha Soomaaliya.
Loolanka quwadaha ayaa sidoo kale Ruushka ku riixaya inuusan ka maqnaan Soomaaliya , dib usoo laabashada Ruushka ayaa sidoo kale markii u horreysay dhexda u gelinaysa Soomaaliya loolan aysan horey ula kulmin oo u dhaxeeya Mareykanka, reer Yurub, Shiinaha iyo Ruushka.

Iman Jama
Waxaa kaloo uu Shiinaha dhammeystiray qorshihiisa ku wajahan Taiwan, halkaa oo toddobaadyo ka hor uu ku soo bandhigay dhoolatus ciidanka Shiinaha ay ku hareereeyeen jasiiradda , intaa oo kaliya ma aha warbaahinta dawladda Shiinaha hadda waxay joogtaysay soo…
Warbixintan oo aan horey ugu sharraxay isbeddelada caalamka oo Soomaaliya soo gaaray , ayaan ku sheegay inuu Ruushku ku soo laabanayo Soomaaliya.
𝗪𝗮𝘅𝘆𝗮𝗮𝗯𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗮𝗱 𝘂𝗴𝗮 𝗯𝗮𝗮𝗵𝗮𝗻𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗻𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝘁𝗶𝗱 𝗾𝗮𝗿𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆 𝗱𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗜𝗿𝗮𝗻
Iran, ayaa wali ku howlan muddo ka badan 24 saac inay damiso dabka qabsaday dekedda ku taal koonfurta dalkaa oo shalay uu ka dhacay qarax weyn oo sababay dhimashada 25 qof iyo dhaawaca ku dhawaad kun qof, waxaa markiiba lagu sheegay mid ka mid ah khasaarihii u sarreeyay ee dhaqaale oo ay wajahayso Iran, muddooyinkii u dambeeyay,kaddib burburka gaaray nidaamka dekedan.
𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗼𝗴𝗻𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗱𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗮𝘅𝗮 𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆?
Dekedda uu qaraxa ka dhacay ee Shahid Rajaee, waa dekedda ugu weyn Iran ee alaab soo dejinta, iyadoo saraakiisha Iran ay horey u sheegeen 80% wax soo dejinta iyo dhoofinta Iran, inay soo marto dekedda Shahid Rajaee oo ku taal koonfurta gobolka Hormozgan, ee waqooyiga xeebaha gacanka Hormuz ee koonfurta Iran. Waxaa loogu magac darray madaxweynihii labaad ee Iran, Mohammad-Ali Rajai oo la dilay labo toddobaad kaliya markii uu xilka la wareegay sannadkii 1981.

Baaxadda dekedda Shahid Rajaee waxa ay ku fadhidaa qiyaastii 2400 hektar. Dekeddu waxa ay awood u leedahay in ay qaado 70 milyan oo tan oo xamuul ah.Dekeddu waxa ay leedahay 23.5 kilomitir oo tareennada gudaha ah oo kala gudbiya badeecadaha ka degaya iyo kuwa ka baxaya dekedda. Waa mid ka mid ah goobaha sida weyn loo ilaaliyo ee Iran, sababtoo ah waa il dhaqaale oo muhiimad u leh dhaqaalaha Iran.Sannadkii 2011-kii, dekedda Shahid Rajaee ayaa kaalinta 44-aad ka gashay 3,500 ee dekedaha waaweyn ee adduunka. Sannadkii 2020-kii ayaa lagu maalgeliyay ku dhawaad 3 bilyan oo dollar.
𝗠𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗷𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻 𝘄𝗲𝗲𝗿𝗮𝗿𝗿𝗼 𝗵𝗼𝗿𝗲𝘆 𝗱𝗲𝗸𝗲𝗱𝗮𝗻 𝘂𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆?
Dekedan maaddama ay tahay goobta ugu weyn ee soo dejinta iyo dhoofinta dekedaha Iran,mar kasta waxaa loo arkayay bartilmaameed lagu beegsan karo dhaqaalaha Iran, taasi waxay keentay in marar kale duwan ay Israa’iil weerarto nidaamka dekedan, iyadoo loo marayo weerarro dhinaca internetka, oo midkii ugu caansanaa waxay Israa’iil ku qaaday sannadkii 2020-kii, markaa oo saacado ay gacanta ku heysay Israa’iil, nidaamka dekedan, taa oo Iran ku khasabtay inay sare u qaado ammaanka dhinaca tiknoolajiyada ee dekedan, waxaa la aaminsanyahay inay Iran waqtiyo kala duwan qarisay weerarro ay dekedan wajahday.
𝗜𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗺𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗹𝗮𝗹𝗮 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗮𝘅𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆?
Muuqaallada internerka lagu baahiyay, ayaa soo muujiyay qaraxyo xooggan oo ka dhacaya bakhaarada kaydka iyo qeybo ka mid ah dekeddan, illaa hadda warbixinnada soo baxay waxaa lala xiriiriyay qaraxa dekedda Shahid Rajaee
shixnad walxo kiimikaad ah oo loo adeegsaday gantaalaha.Qaraxa ayaa dhacay xilli Iran iyo Mareykanka ay Sabtidii ku kulmeen Cumaan wareegii saddexaad ee wada xaajoodka barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran ee sida xawliga ah u socda.
Saraakiisha dawladda Iran, waxay diiddeen inay toos ah u sheegaan in qaraxa dekedda ka dhacay uu ahaa weerar dibadda looga soo qaaday. Si kastaba ha ahaatee, wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Arakchi, oo hoggaaminaya wada-hadallada ay Iran kula jirto Mareykanka, ayaa isagoo hortaagan warbaahinta wuxuu qiray inay Iran ku jirto xaalad feejignaan sare , isagoo tixraacaya iskudayada weerarro kala duwan oo si joogto ah ay Iran ula kulantay,markaa oo uu caddeeyay inay Iran wajahday iskudayo dumin ah iyo weerarro la iskudayay dilal kala duwan oo lagu beegsado saraakiisha Iran, balse kama hadlin wax la xiriira qaraxa ka dhacay dekedda, waxaana yar faah faahinta laga bixiyay qaraxa ka dhacay dekedan.
Shirkadda amniga ee gaarka loo leeyahay ee Ambrey oo la socota ganacsiga badaha oo ah shirkad Ingiriiska laga leeyahay ayaa sheegtay in dekedda ay soo gaareen kiimikooyinka shidaalka gantaalaha bishii Maarso. Waa qayb ka mid ah shixnad ammonium perchlorate ah oo laga soo raray Shiinaha oo ay laba markab u rareen Iran, oo ay soo bandhigeen saraakiisha sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, markaa oo aan boggan ku baahiyay bishii Jannaayo, iyagoo ka digaya inay Iran kala soo wareegtay Shiinaha labo Markab oo sida shidaalka adag oo loogu talagalay nidaamka gantaallada Iran,tallaabadan oo ay sheegeen inay Iran u qaaday markii weerarkii sannadkii hore ee Israa’iil ay ku qaaday ay ka dhalatay burbur soo gaaray kaydka shidaalka adag ee gantaallada Iran.
"Dabka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay si aan habboonayn oo loo maareeyay shixnadda shidaalka adag ee loogu talagalay in loo isticmaalo gantaallada ballistic-ga ee Iran," ayuu lagu yiri warbixinta shirkadda Ambrey.
Iran ma aysan qiran qaadashada shixnadda. Hawlgalka Iran ee Qaramada Midoobay kama aysan jawaabin , markii wakaaladda wararka ee AP ay wax ka waydiisay waxa ka dhacay dekedda iyo haddii uu ka dhashay shidaalka adag ee gantaallada oo ay Iran kala soo wareegtay Shiinaha.

Haddii ay dhab tahay waxa qarxay inuu yahay shidaalka gantaallada, ma cadda sababta Iran ay uga rari weyday dekedda,iyadoo dunidda oo dhan ay xasuusato qaraxii dekedda Beirut ee 2020 oo ka dhashay boqollaal tan oo kiimikada ammonium nitrate ah , oo sababtay qaraxyo waa weyn , waxaana waqtigaa dekedda Beirut ku geeriyooday qaraxa ka dhacay in ka badan 200 oo qof , halka lix kun oo qof ay ku dhaawacmeen.
Hasanzadeh, oo ah sarkaalka maamulka masiibooyinka Iran, ayaa mar sii horreysay u sheegay telefishinka dawladda Iran, in qaraxa uu ka yimid konteenaro yaal dekedda Shahid Rajeei, isagoo aan tafaasiil ka bixin.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ay bilowday baaritaan la xiriira qaraxa. Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.
Saraakiisha Israa’iil ayaa dhankooda iska diidday inay wax lug ah ku leeyihiin qaraxa ka dhacay dekedda Shahid Rajeei oo la aaminsanyahay inuu saameyn ku yeelanayo dhaqaalaha Iran, sida ay baahisay warbaahinta Israa’iil.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Mikhail Bogdanov ayaa maanta la wadaagay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ,casuumaad rasmi oo uu ka waday Putin, si uu madaxweyne Xasan u booqdo Moscow , halkaa oo wada-hadallo rasmi ah oo lagu raadinayo dib u habeynta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka ay ku yeelanayaan labada hoggaamiye , inta uu socdo shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Ruushka , oo markii u horreysay uu martigelinayo Putin.
Bogdanov, oo sidoo kale ah ergayga gaarka ah ee Putin ayaa booqasho labo maalin ah ku joogay Muqdisho , iyadoo wada-hadallada uu maanta xarunta madaxtooyadda kula yeeshay Madaxweyne Xasan , uu ku soo bandhigay qorshaha Ruushka uu ku doonayo in sare loo qaado xiriirka labada dal , markaa oo la sheegay Madaxweyne Xasan , inuu dhankiisa xaqiijiyay inay Soomaaliya diyaar u yahay horumarinta xiriirka Muqdisho iyo Moscow , si loo gaaro habab iskaashi wadaag ah — inta uu kulanka socday Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale wafdiga Ruushka warbixin ka siiyay qorshaha nabadeynta iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada oo uu tilmaamay inay Soomaaliya , soo dhaweyn doonto cid kasta oo kala qeybgasha, sida aan ka soo xigtay diblomaasi Soomaali ah oo la socday qodobbada kulanka looga hadlay.
Diyaaradaha Israa’iil, ayaa maanta ku daadiyay hawada Qasa , lacag ay la socdaan kaararka hadalka oo lagu soo dul qoray, farriimo looga dalbanayo dadka Qasa inay la shaqeeyaan ciidanka Israa’iil oo ay la wadaagaan xogaha dagaallamayaasha iyo saraakiisha Xamaas, oo taa beddelkeeda ay ku helayaan lacag iyo habab lagu caawinayo oo ay uga bixi karaan Qasa.