Iman Jama
31.1K subscribers
4.55K photos
1.06K videos
1 file
614 links
Journalist
Download Telegram
Toddobaadyo ka hor , markii ay wada-hadal ku yeesheen dalka Azerbaijan; saraakiil Turki iyo Israa’iil ah , oo kullamadooda uu soo dhammaaday wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan wuxuu sheegay inay Suuriya xor u tahay haddii ay xiriir la sameynayo Israa’iil , tan oo Turkiga oo ku caawiyay Axmed Sharac inuu la wareego Dimishiq uu ku soo bandhigay in looga baahanyahay Sharac inuu hab diblomaasiyadeed ku wajaho khatarta uga imaanaysa Israa’iil.
Sharac, ma wuxuu go’aankan uga danleeyahay kursigiisa inuusan la kulmin khatar, mise dadka iyo dhulka Suuriya ayuu ka fogeynaya khatarta dib ugu celin karta dagaal burburiya?
Zelensky; “ Waxaan dooneynaa inuu Mareykanka noo ilaaliyo sida uu Israa’iil u ilaaliyo oo uu nasiiyo heshiis la mid ah midka Israa’iil… waxa u dambeeya ee aan fileyno ayaa taa ah.”
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Ku-xigeenka Madaxa howlgallada guud ee ciidanka Ruushka , Jen. Yaroslav Moskalik ayaa maanta lagu dilay qarax ka dhacay gaari uu la socday , xilli uu ku sugnaa dulleedka magaalada Moscow, iyadoo weerarka lala xiriiriyay sirdoonka Ukraine.
Ciidanka Mareykanka ee ku sugan saxaraha Negev ee koonfurta dhulka Israa’iil heysato ayaa ku qasbanaaday inay gacan ka geystaan ka hortagga weerar gantaallada riddada dheer oo Xuutiyiinta ay xalay ku qaadeen Israa’iil, iyadoo nidaamka difaaca Mareykanka ee THAAD , uu riday tiro gantaallo ah si gantaallada Xuutiga loo qabto. Ma jiro khasaare la soo sheegay , balse weerarka wuxuu soo muujiyay inay Xuutiyiinta sare u qaadeen awoodda gantaallada, oo toddobaadkii hore ay markii u horreysay gantaallo la beegsadeen waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato ee xadka la leh Lubnaan.
Xamaas ayaa aqbali doonta heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Qasa, kaasoo ay ku jirto sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil iyo xabbad joojin shan sanno ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.
Telefishinka dawladda Iran, ayaa ku warramay inuu qarax weyn ka dhacay dekedda Shahid Rajaee ee magaalada Bandar Abbas oo kun kilomitir koonfurta ka xigta Tehran, iyadoo la sheegay ugu yaraan 47 qof inay ku dhaawacmeen, balse lama sheegin waxa dhaliyay qaraxa iyo dabka qabsaday dekedda Shahid Rajaee.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv, ayaa isagoo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan Israa’iil, wuxuu sheegay inaysan Israa’iil wax lug ah ku lahayn qaraxa ka dhacay dekedda magaalada Bandar Abbas, ee dalka Iran , halkaa oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 406 qof. Ma jirto warbixin ka soo baxday hay’adaha ammaanka Iran oo lagu soo bandhigay waxa uu ka dhashay qaraxa dekedda Shahid Rajaee.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaallada CCTV-ga ayaa muujinaya qeyb ka mid ah qaraxii saaka ka dhacay dekedda Bandar Abbas ee dalka Iiraan, kaasi oo tirada dhaawaca ay hadda kor u dhaaftay 600 oo qof.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaal ay soo bandhigeen Xamaas oo muujinayay howlgallo ay fuliyeen Qasaam.
Wiil uu dhalay sarkaal sare oo ah ku-xigeenka waaxda dhijitaalka hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa ku geeriyooday bariga Ukraine , isagoo u dagaallamaya Ruushka oo ka mid ahaa calooshood u shaqeystayaal uu lacag ku siinayay Putin inay u dagaallamaan Ruushka, sida uu ku warramay wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee The Guardian.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Mikhail Bogdanov ayaa maanta gaaray Muqdisho , iyadoo booqashada ay ku soo aadday xilli Ruushka uu iskudayayo inuu dib usoo celiyo xiriirka Soomaaliya.

Bogdanov, waa sarkaal ku dhow Putin oo sidoo kale ah ergaygiisa gaarka ah ee bariga dhexe iyo Afrika oo Putin la wadaaga siyaasadda arrimaha dibadda ee Afrika, ayaa berri la kulmi doona saraakiisha dawladda Soomaaliya, wuxuuna noqonayaa sarkaalkii u sarreeyay ee Ruushka oo ku hoyanaya Muqdisho , tan iyo markii uu hoos u dhacay xiriirka labada dal.
Muxuu ka dhigan yahay socdaalkan?

Ruushka , wuxuu ku soo bandhigayaa booqashadan inuu raadinayo hab uu ku ballaariyo xiriirka Soomaaliya , oo suragal ka dhigaysa inuu dib safaaradiisa ka furto Muqdisho. Waxaa loo qaabeeyay socdaalkan hannaan dadweynaha labada dal iyo caalamka lagu tusayo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, wuxuuna booqanayaa Bogdanov, xafiisyada u sarreeya iyo xarumo dawladeed, isagoo ka soo baxaya xayndaabka garoonka diyaaradaha oo ay inta badan ka dhacaan kullamada saraakiisha sare ee reer galbeedka iyo dawladda.

Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale ku qancinaya Ruushka inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya , tan oo Turkiga uu ka raadinayo xulafo ay dan wadaagyihiin oo leh codka diidmada qayaxan ee golaha ammaanka, sababtoo ah Turkiga ayaa hadda la kulmaya cadaadis uga imaanaya Mareykanka iyo xulafadiisa ee gudaha Soomaaliya. Wuxuuna u baahanyahay Ruushka inuu helo saldhig saad ee xeebaha Soomaaliya.

Loolanka quwadaha ayaa sidoo kale Ruushka ku riixaya inuusan ka maqnaan Soomaaliya , dib usoo laabashada Ruushka ayaa sidoo kale markii u horreysay dhexda u gelinaysa Soomaaliya loolan aysan horey ula kulmin oo u dhaxeeya Mareykanka, reer Yurub, Shiinaha iyo Ruushka.
𝗪𝗮𝘅𝘆𝗮𝗮𝗯𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗮𝗱 𝘂𝗴𝗮 𝗯𝗮𝗮𝗵𝗮𝗻𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗻𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝘁𝗶𝗱 𝗾𝗮𝗿𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆 𝗱𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗜𝗿𝗮𝗻

Iran, ayaa wali ku howlan muddo ka badan 24 saac inay damiso dabka qabsaday dekedda ku taal koonfurta dalkaa oo shalay uu ka dhacay qarax weyn oo sababay dhimashada 25 qof iyo dhaawaca ku dhawaad kun qof, waxaa markiiba lagu sheegay mid ka mid ah khasaarihii u sarreeyay ee dhaqaale oo ay wajahayso Iran, muddooyinkii u dambeeyay,kaddib burburka gaaray nidaamka dekedan.

𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗼𝗴𝗻𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗱𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗮𝘅𝗮 𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆?

Dekedda uu qaraxa ka dhacay ee Shahid Rajaee, waa dekedda ugu weyn Iran ee alaab soo dejinta, iyadoo saraakiisha Iran ay horey u sheegeen 80% wax soo dejinta iyo dhoofinta Iran, inay soo marto dekedda Shahid Rajaee oo ku taal koonfurta gobolka Hormozgan, ee waqooyiga xeebaha gacanka Hormuz ee koonfurta Iran. Waxaa loogu magac darray madaxweynihii labaad ee Iran, Mohammad-Ali Rajai oo la dilay labo toddobaad kaliya markii uu xilka la wareegay sannadkii 1981.