Iman Jama
31.1K subscribers
4.54K photos
1.06K videos
1 file
611 links
Journalist
Download Telegram
Hindiya ayaa isku diyaarinaysa inay ka baxdo heshiiska xabbad-joojinta ee kala dhaxeeyay Pakistan , waxaana daqiiqad walba la arkayaa xiisadda labada dal inay sare marayso, taa oo ah mid walaac leh, sabab la xiriirta labadan dal waxay ku hubaysanyihiin nukliyeer, mana aha kuwa isku naxariista , haddii iska horimaad uu ka dhex qarxo!

Wasiirka difaaca Pakistan, Khawaja Asif wuxuu si cad u sheegay haddii ay Hindiya soo muujiso wax dhaqdhaqaaq ay ku weerarrayso Pakistan, in cidda dagaalka hor billaabi doonta inay tahay Pakistan.

Pakistan, waxaa ay sidoo kale hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Hindiya iyo kuwa xiriirka la leh , halka 48 saac loo qabtay inay Pakistan uga baxaan dhammaan muwaadiniinta Hindiya.
Fiiro gaar ah;

Haddii rabbi idmo , waxaad heli doontaa faahfaahin ku saabsan wax kasta oo la xiriira xiisadan iyo cabsida mar horaba laga muujinayo in labada dal uu dagaal ka dhex qarxi karo, xilli Pakistan ay qab qabatay askar ka tirsan ciidanka xadduuda Hindiya..!

Sawirka : wasiirka difaaca Pakistan, Khawaja Asif.
Iran ayaa heshiis 4 bilyan oo dollar ah la saxiixan doonta shirkaddo laga leeyahay Ruushka si ay u horumariyaan toddobo goobood oo saliid ah oo ku yaal Iran, sida uu sheegay wasiirka batroolka Iran, Mohsen Paknejad oo maanta gaaray Moscow.
Trump ayaa saxiixay amar fulineed oo uu ku bixiyay in la billaabo macdan qodista xeebaha iyo dhulka Mareykanka , iyadoo amarkan uu farayo shirkadaha macdanta Mareykanka inay tagaan goobaha macdanta ee adduunka oo dhan , si Mareykanka uusan uga harin tartanka bilowga ah ee macdanta, sida ay warisay shabakadda Bloomberg.

Macdanta ayaa muhiimad u leh warshadaha milatariga , diyaaradaha Mareykanka , maraakiibta iyo nidaamyada difaaca oo u baahan macdan, xaaladda colaadeed ee dunidda ayaana quwadaha oo isku diyaarinaya dagaallo waxay u deg degayaan sidii ay ku heli lahaayeen macdanta ay u baahanyihiin warshadahooda, xilli shirkadaha Mareykanka ay hadda diiradda saarayaan macdanta Afrika.
Zelensky; “ Waa run hadalka Trump, annaga ma heysano hub aan kula dagaallano Ruushka si aan uga soo ceshano jasiiradda Crimea, balse waxaan leenahay inan hab diblomaasiyadeed iyo cunaqabateyn ku soo ceshano… mana ka quusaneyno inan Ruushka ka soo ceshano Crimea.”
Wasiirka arrimaha dibadda Suuriya, Asaad al-Shaibani ayaa maanta u sheegay warbaahinta in Yahuudda u dhalatay Suuriya ay billaabeen inay ku soo laabtaan Suuriya , iyagoo kormeeraya macbadyadooda.
Suuriya waxay doonaysaa hab diblomaasiyadeed inay kula heshiiso Israa’iil;

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac wuxuu si cad u sheegay toddobaadkan inuu diyaar u yahay heshiis diblomaasiyadeed oo uu la galo Israa’iil, kaa oo suragelinaya in Israa’iil ay safaaradeeda ka furato Dimishiq , halka Suuriyana ay safaarad ku yeelanayso Telaabiib, balse wuxuu sheegay in xiriir u dhexmaro Suuriya iyo Israa’iil ku xirantahay shuruudaha uu xiriirka diblomaasiyadeed ku billaabanayo. Wuxuu hadalkan u sheegay labo xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiillada Mareykanka oo Sabtidii toddobaadkan booqday Dimishiq, sida ay shabakadda Bloomberg, ka soo xigatay xildhibaanka ka tirsan Congress-ka Mareykanka ee Cory Mills oo wadahadal 90 daqiiqo socday la yeeshay madaxweynaha Suuriya.

Sharac, wuxuu sidoo kale warqad ku socota Trump u dhiibay Xildhibaan Cory Mills, kaasoo sheegay inuu dhawaan warqadan gaarsiin doono Trump, wallow uusan sheegin waxa ku qoran.

Fiiro gaar ah;

Suuriya , tan iyo markii xukunka laga tuuray Assad, waxay duqeymo burburin ah kala kulmaysay Israa’iil, taa oo ay dheertahay inay ciidanka Israa’iil gudaha u galeen dhulka Suuriya , halka Netanyahu uu sheegay inaysan marna kalsooni ku qabin maamulka uu hoggaamiyo Axmed Sharac oo xukunka la wareegay, balse hadda Sharac wuxuu u muuqda mid soo afjaraya cadaawada Israa’iil, wuxuuna doonayaa inay Suuriya qeyb ka noqoto heshiiska Abraham ee Carabta iyo Israa’iil ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed.

Suuriya , waligeed ma aqoonsan Israa’iil, iyadoo markii ay ugu dhaweyd inuu heshiis dhex maro ay ahayd sannadkii 2019-kii, markaa oo Madaxweynaha Ruushka uu iskudayay inuu dhex dhexaadiyo Israa’iil iyo Suuriya , balse daqiiqadii u dambeysay wada-hadallo ay ka yeelan lahaayeen sida ay xiriir diblomaasiyadeed u dhex mari lahaa oo lagu ballanay inay ka dhacaan Moscow, waxaa ka baxay Bashaar Al-assad, markaa oo la aaminsanyahay inay cadaadisay Iran, si uu u joojiyo iskudayga uu Dimishiq ku keenayo Israa’iil.
Toddobaadyo ka hor , markii ay wada-hadal ku yeesheen dalka Azerbaijan; saraakiil Turki iyo Israa’iil ah , oo kullamadooda uu soo dhammaaday wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan wuxuu sheegay inay Suuriya xor u tahay haddii ay xiriir la sameynayo Israa’iil , tan oo Turkiga oo ku caawiyay Axmed Sharac inuu la wareego Dimishiq uu ku soo bandhigay in looga baahanyahay Sharac inuu hab diblomaasiyadeed ku wajaho khatarta uga imaanaysa Israa’iil.
Sharac, ma wuxuu go’aankan uga danleeyahay kursigiisa inuusan la kulmin khatar, mise dadka iyo dhulka Suuriya ayuu ka fogeynaya khatarta dib ugu celin karta dagaal burburiya?
Zelensky; “ Waxaan dooneynaa inuu Mareykanka noo ilaaliyo sida uu Israa’iil u ilaaliyo oo uu nasiiyo heshiis la mid ah midka Israa’iil… waxa u dambeeya ee aan fileyno ayaa taa ah.”
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Ku-xigeenka Madaxa howlgallada guud ee ciidanka Ruushka , Jen. Yaroslav Moskalik ayaa maanta lagu dilay qarax ka dhacay gaari uu la socday , xilli uu ku sugnaa dulleedka magaalada Moscow, iyadoo weerarka lala xiriiriyay sirdoonka Ukraine.
Ciidanka Mareykanka ee ku sugan saxaraha Negev ee koonfurta dhulka Israa’iil heysato ayaa ku qasbanaaday inay gacan ka geystaan ka hortagga weerar gantaallada riddada dheer oo Xuutiyiinta ay xalay ku qaadeen Israa’iil, iyadoo nidaamka difaaca Mareykanka ee THAAD , uu riday tiro gantaallo ah si gantaallada Xuutiga loo qabto. Ma jiro khasaare la soo sheegay , balse weerarka wuxuu soo muujiyay inay Xuutiyiinta sare u qaadeen awoodda gantaallada, oo toddobaadkii hore ay markii u horreysay gantaallo la beegsadeen waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato ee xadka la leh Lubnaan.
Xamaas ayaa aqbali doonta heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Qasa, kaasoo ay ku jirto sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil iyo xabbad joojin shan sanno ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.
Telefishinka dawladda Iran, ayaa ku warramay inuu qarax weyn ka dhacay dekedda Shahid Rajaee ee magaalada Bandar Abbas oo kun kilomitir koonfurta ka xigta Tehran, iyadoo la sheegay ugu yaraan 47 qof inay ku dhaawacmeen, balse lama sheegin waxa dhaliyay qaraxa iyo dabka qabsaday dekedda Shahid Rajaee.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv, ayaa isagoo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan Israa’iil, wuxuu sheegay inaysan Israa’iil wax lug ah ku lahayn qaraxa ka dhacay dekedda magaalada Bandar Abbas, ee dalka Iran , halkaa oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 406 qof. Ma jirto warbixin ka soo baxday hay’adaha ammaanka Iran oo lagu soo bandhigay waxa uu ka dhashay qaraxa dekedda Shahid Rajaee.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaallada CCTV-ga ayaa muujinaya qeyb ka mid ah qaraxii saaka ka dhacay dekedda Bandar Abbas ee dalka Iiraan, kaasi oo tirada dhaawaca ay hadda kor u dhaaftay 600 oo qof.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaal ay soo bandhigeen Xamaas oo muujinayay howlgallo ay fuliyeen Qasaam.
Wiil uu dhalay sarkaal sare oo ah ku-xigeenka waaxda dhijitaalka hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa ku geeriyooday bariga Ukraine , isagoo u dagaallamaya Ruushka oo ka mid ahaa calooshood u shaqeystayaal uu lacag ku siinayay Putin inay u dagaallamaan Ruushka, sida uu ku warramay wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee The Guardian.