Iman Jama
31.1K subscribers
4.54K photos
1.06K videos
1 file
610 links
Journalist
Download Telegram
Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa u yeeray guddiga amniga qaranka subaxnimadii berri ah, si ay uga jawaabaan tallaabadan ay Hindiya hoos ugu dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed oo ay ku cayrisay u qeybsanihii milatariga ee safaaradda Pakistan ay ku leedahay Hindiya.

Dhanka kale, xukuumadda Modi ayaa balamisay kulan dhammaan xisbiyada ay leeyihiin berri, oo uu guddoominayo Wasiirka Difaaca Hindiya,Rajnath Singh.

Fiiro gaar ah;

Labada dal ayaa xiisad ka dhex qaraxday, markii Hindiya ay ku eedeysay Pakistan inay wax ka ogeyd koox weerar lagu dilay 36 Hindiya ka fuliyay ka gobolka ay muslimiinta degganyihiin ee Kashmiir.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Daanta Galbeed, Maxamuud Cabbaas , ayaa ku tilmaamay guutooyinka hubaysan ee Xamaas ‘dawacooyin’, isagoo usoo jeediy inay sii daayaan maxaabiista Israa’iil ee ay Qasa ku hayaan, waxaa kaloo uu ku tilmaamay ficilada Xamaas , sababta ugu weyn ee ka dambeysa weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysaneyso marinka Qasa.
Madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelensky wuxuu ka soo horjeestay qorshaha uu Mareykanka ugu aqoonsanayo jasiiradda Crimea ee horey uu Ruushka u qabsaday inay tahay dhul uu Ruushka leeyahay , iyadoo Zelensky uu sheegay dhul kasta oo Ukraine ah oo Ruushku qabsaday inan loo aqoonsan karin dhul Ruushka leeyahay.

Balse, waqti badan ma qaadan Trump oo ka jawaabay hadalka Zelensky , wuxuu yiri ; “ Iska aamus, maxaad dagaal ula geli wayday Ruushka markii 2014-kii ay soo galeen Crimea, waa adigii sheegi jiray in ka hor waqtigaa Ruushka uu dhaqdhaqaaq ka wado Crimea…. Waa laga soo gudbay taa waa in hadda dagaalkan la joojiya si kastaba.”
Ruushka ayaa weerar ballaaran oo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn maanta ku qaaday Ukraine , iyadoo weerarrada ay ka dhaceen caasimadda Kyiv iyo magaalooyinka kale ee Dnipro, Kharkiv, Mykolaiv, iyo Kherson, xilli Trump uu sheegay in lagu dhowyahay heshiiska lagu joojinayo dagaalka.
Guddoomiyaha gobolka California ee dalka Mareykanka , Gavin Newsom ayaa ku dhawaaqay in dhaqaalaha gobolka California uu dhaafay dhaqaalaha Japan, taa oo California dhigaysa booska afaraad ee dhaqaalaha adduunka oo kaliya waxaa ka sarreeya guud ahaan Mareykanka, Shiinaha iyo Jarmalka.

Ku dhawaaqistan ayaa timid markii xogta cusub ee la sii daayeen hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Xafiiska fallanqaynta Dhaqaalaha ee Maraykanka (BEA) lagu caddeeyay in gobolka California uu noqday goobta afaraad ee dhaqaalaha adduunka, kaddib markii kobaca dhaqaalaha (GDP) ee California uu gaaray $4.10 trillion, halka Japan uu GDP-geedu yahay $4.02 trillion.

Gobolka California, wuxuu sidoo kale labo jeer ka dhaqaale badan yahay guud ahaan qaaradda Afrika oo GDP-geedu yahay iskudarka dhammaan dalalka Afrika $2.8 trillion.
Dawladda Spain , ayaa diidday dhammaan codsiyada Israa’iil ay ku doonaysay inay Spain dib ugu fasaxdo shirkadda hubka Israa’iil inay helaan sharciyad ay ku adeegsadaan dhulka Spain , tan oo keentay dawladda Spain inay ku celisay inaysan marna u oggolaan doonin inay dib sharciyad u siiyaan sharkadaha hubka Israa’iil. Ma jirin wax hub ah oo ay Spain ka iibisay ama ka iibsatay Israa’iil , tan iyo 7 Oktoobar,2023 — waxaana lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay dawladda Spain ; “ Waxaa naga go’an qadiyadda ilaalinta Falastiin.”
Maxaa ka dhacaya halkan?
Markii u horreysay si shaac baxsan, waxaa loo arkayaa tartanka u dhaxeeya Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ee ay ku doonayaan inay ku hagaan aragtida bulshada Soomaalida, si looga hortaggo danahooda inay ka horyimaadaan dadweynaha. Labada dhinac waxay baraha bulshada iyo dadweynaha dhexdooda ku leeyihiin dad loo maalgeliyo inay xakameeyaan aragtida dadweynaha, tana waxaa la arkay markii heshiiska shidaalka la soo bandhigay oo diidmo adag la kulmay , in taageerrayaasha Turkiga ay u arkeen inuu jiro olole iyaga ka dhan ah oo ka imaanaya taageerrayaasha Imaaraadka Carabta, waxayna dhankooda billaabeen in waxyaabo la xiriira Imaaraadka baahiyaan! Marka iska horimaadkan waa mid soconaya oo dhinac walba uu ku soo bandhigi doono wajiga aan wanaagsanan ee la ogeysiinayo bulshada, waxay u baahantahay si taxaddar leh labada dhinac waxa ay baahinayaan oo dacayaad badan ay ku jiri karto in loola socdo, waayo waxaa ku jira waxyaabo ka hor imaanaya danaha muwaadiniinta oo dhinac walba uu bannaanka soo dhigi doono..!
Hindiya ayaa isku diyaarinaysa inay ka baxdo heshiiska xabbad-joojinta ee kala dhaxeeyay Pakistan , waxaana daqiiqad walba la arkayaa xiisadda labada dal inay sare marayso, taa oo ah mid walaac leh, sabab la xiriirta labadan dal waxay ku hubaysanyihiin nukliyeer, mana aha kuwa isku naxariista , haddii iska horimaad uu ka dhex qarxo!

Wasiirka difaaca Pakistan, Khawaja Asif wuxuu si cad u sheegay haddii ay Hindiya soo muujiso wax dhaqdhaqaaq ay ku weerarrayso Pakistan, in cidda dagaalka hor billaabi doonta inay tahay Pakistan.

Pakistan, waxaa ay sidoo kale hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Hindiya iyo kuwa xiriirka la leh , halka 48 saac loo qabtay inay Pakistan uga baxaan dhammaan muwaadiniinta Hindiya.
Fiiro gaar ah;

Haddii rabbi idmo , waxaad heli doontaa faahfaahin ku saabsan wax kasta oo la xiriira xiisadan iyo cabsida mar horaba laga muujinayo in labada dal uu dagaal ka dhex qarxi karo, xilli Pakistan ay qab qabatay askar ka tirsan ciidanka xadduuda Hindiya..!

Sawirka : wasiirka difaaca Pakistan, Khawaja Asif.
Iran ayaa heshiis 4 bilyan oo dollar ah la saxiixan doonta shirkaddo laga leeyahay Ruushka si ay u horumariyaan toddobo goobood oo saliid ah oo ku yaal Iran, sida uu sheegay wasiirka batroolka Iran, Mohsen Paknejad oo maanta gaaray Moscow.
Trump ayaa saxiixay amar fulineed oo uu ku bixiyay in la billaabo macdan qodista xeebaha iyo dhulka Mareykanka , iyadoo amarkan uu farayo shirkadaha macdanta Mareykanka inay tagaan goobaha macdanta ee adduunka oo dhan , si Mareykanka uusan uga harin tartanka bilowga ah ee macdanta, sida ay warisay shabakadda Bloomberg.

Macdanta ayaa muhiimad u leh warshadaha milatariga , diyaaradaha Mareykanka , maraakiibta iyo nidaamyada difaaca oo u baahan macdan, xaaladda colaadeed ee dunidda ayaana quwadaha oo isku diyaarinaya dagaallo waxay u deg degayaan sidii ay ku heli lahaayeen macdanta ay u baahanyihiin warshadahooda, xilli shirkadaha Mareykanka ay hadda diiradda saarayaan macdanta Afrika.
Zelensky; “ Waa run hadalka Trump, annaga ma heysano hub aan kula dagaallano Ruushka si aan uga soo ceshano jasiiradda Crimea, balse waxaan leenahay inan hab diblomaasiyadeed iyo cunaqabateyn ku soo ceshano… mana ka quusaneyno inan Ruushka ka soo ceshano Crimea.”
Wasiirka arrimaha dibadda Suuriya, Asaad al-Shaibani ayaa maanta u sheegay warbaahinta in Yahuudda u dhalatay Suuriya ay billaabeen inay ku soo laabtaan Suuriya , iyagoo kormeeraya macbadyadooda.
Suuriya waxay doonaysaa hab diblomaasiyadeed inay kula heshiiso Israa’iil;

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac wuxuu si cad u sheegay toddobaadkan inuu diyaar u yahay heshiis diblomaasiyadeed oo uu la galo Israa’iil, kaa oo suragelinaya in Israa’iil ay safaaradeeda ka furato Dimishiq , halka Suuriyana ay safaarad ku yeelanayso Telaabiib, balse wuxuu sheegay in xiriir u dhexmaro Suuriya iyo Israa’iil ku xirantahay shuruudaha uu xiriirka diblomaasiyadeed ku billaabanayo. Wuxuu hadalkan u sheegay labo xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiillada Mareykanka oo Sabtidii toddobaadkan booqday Dimishiq, sida ay shabakadda Bloomberg, ka soo xigatay xildhibaanka ka tirsan Congress-ka Mareykanka ee Cory Mills oo wadahadal 90 daqiiqo socday la yeeshay madaxweynaha Suuriya.

Sharac, wuxuu sidoo kale warqad ku socota Trump u dhiibay Xildhibaan Cory Mills, kaasoo sheegay inuu dhawaan warqadan gaarsiin doono Trump, wallow uusan sheegin waxa ku qoran.

Fiiro gaar ah;

Suuriya , tan iyo markii xukunka laga tuuray Assad, waxay duqeymo burburin ah kala kulmaysay Israa’iil, taa oo ay dheertahay inay ciidanka Israa’iil gudaha u galeen dhulka Suuriya , halka Netanyahu uu sheegay inaysan marna kalsooni ku qabin maamulka uu hoggaamiyo Axmed Sharac oo xukunka la wareegay, balse hadda Sharac wuxuu u muuqda mid soo afjaraya cadaawada Israa’iil, wuxuuna doonayaa inay Suuriya qeyb ka noqoto heshiiska Abraham ee Carabta iyo Israa’iil ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed.

Suuriya , waligeed ma aqoonsan Israa’iil, iyadoo markii ay ugu dhaweyd inuu heshiis dhex maro ay ahayd sannadkii 2019-kii, markaa oo Madaxweynaha Ruushka uu iskudayay inuu dhex dhexaadiyo Israa’iil iyo Suuriya , balse daqiiqadii u dambeysay wada-hadallo ay ka yeelan lahaayeen sida ay xiriir diblomaasiyadeed u dhex mari lahaa oo lagu ballanay inay ka dhacaan Moscow, waxaa ka baxay Bashaar Al-assad, markaa oo la aaminsanyahay inay cadaadisay Iran, si uu u joojiyo iskudayga uu Dimishiq ku keenayo Israa’iil.
Toddobaadyo ka hor , markii ay wada-hadal ku yeesheen dalka Azerbaijan; saraakiil Turki iyo Israa’iil ah , oo kullamadooda uu soo dhammaaday wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan wuxuu sheegay inay Suuriya xor u tahay haddii ay xiriir la sameynayo Israa’iil , tan oo Turkiga oo ku caawiyay Axmed Sharac inuu la wareego Dimishiq uu ku soo bandhigay in looga baahanyahay Sharac inuu hab diblomaasiyadeed ku wajaho khatarta uga imaanaysa Israa’iil.
Sharac, ma wuxuu go’aankan uga danleeyahay kursigiisa inuusan la kulmin khatar, mise dadka iyo dhulka Suuriya ayuu ka fogeynaya khatarta dib ugu celin karta dagaal burburiya?