Xuutiyiinta Yemen , ayaa ku dhawaaqay inay maanta soo rideen diyaaraddii 22 -aad ee nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ee MQ-9 Reaper , iyadoo afhayeenka dhinaca milatariga ee Xuutiyiinta uu markii u horreysay shaaca ka qaaday ujeeddada ay sare ugu qaadeen burburinta diyaaradan; “ Diyaaradan waxay bixisaa macluumaadka bartilmaameedyada, mar kasta oo mid ka mid ah meesha laga saaro, waxaa hoos u dhacaya weerarrada uu dhulkeenna ka geysanayo Mareykanka .” ayuu yiri Yaxye Sariic.
Mid kasta oo ka mid ah diyaaradan ayaa qiimo ahaan joogta 33 milyan oo dollar.

Kuma filnaa in wax badan laga fahmo hab ay dawladda Turkiga u baahisay heshiiskan, tana waxay mar kale lagama maarmaan ka dhigaysa in faahfaahin laga helo dhinaca Soomaaliya.
Waxaa jira hal qodob oo laga helayo faahfaahinta muddada heshiiska ;
Waa qodobka 4 aad farqadiisa 12, oo lagu muujiyay in heshiiska uu dhaqangal ahaanayo muddo shan sanno ah oo lagu kordhin karo saddex sanno mar kasta oo muddo kordhin loo baahdo, markaa waa loo qaateen faa’iidada 5 boqolkiiba ah ee Soomaaliya , maaddama markaa heshiiska laga bixi karo ama qaab dhismeedkiisa wax laga beddeli karo , laakin wali tan dammaad ma bixinayso oo Soomaaliya kuma filna muddo shan sanno ah inay isku diyaariso, maaddama waqtigaa aan lagu heli karin hay’adda batroolka inay awood u yeelato soo saarista shidaal iyo dhoofintiisa, sidoo kale waa wax dhaqaale u baahan qalabka, sideedana shidaalka wuxuu faa’iido leeyahay marka shirkadaha dalka ay soo saaraan.Inta badan dalalka dunidda oo Carabta ku jirta waa xaalad ay soo mareen faa’iidada yar ee 5% ah

Khayraadka waxay udud-dhexaad u yihiin rajada ay Soomaalida ka qabaan in xaaladda burbur ee muddada dheer ku jiraan , marxalad ay uga bixi karaan , iyadoo dhibaatooyinka lala xiriirinayo xaaladda dhaqaale oo nidaamka dawladeed ka dhigay mid daciif ah.
Heshiiskan shidaalka iyo gaaska, wuxuu ku bilowday iyadoo la daboolay habka loo saxiixay iyo ansixinta Baarlamaanka , halkaa oo ah meesha uu ka soo bilowday walaaca. Qodobka doodda ay ka taagantahay ee faa’iidada 90% ee Turkiga heshiiskan ka helayo, si loo fahmo waa in la oggaado muddada uu heshiiska soconaya , maaddama ay Turkida iyagu maalgelinayaan heshiiska , waxay tani la xiriiri kartaa shirkadaha inay dib usoo ceshanayaan dhaqaalaha ka galay soo saarista shidaalka , mar kale in tani tahay khasaare ay wajahday Soomaaliya , waxa loo baahanyahay muddada ay ku soo ceshanayaan kharashka wax soosaarista in la caddeeyo, sidoo kale si daah furan loo helo kharashka ku baxaya shaqada!

Turkiga wuxuu Soomaaliya ku leeyahay sooyaal mugdi ah oo la xiriira heshiisyada dhaqaalaha; waxay shirkadaha Turkiga maamullan labada il dhaqaale ee caasimadda Muqdisho ee kala ah dekedda iyo garoonka diyaaradaha , waxay shirkadaha Turkiga ka saareen kaydka heshiisyada Soomaaliya , heshiisyada ay kula wareegeen dekedda iyo garoonka oo si daah furan aysan cidna ula xisaabtami karin, oo dawladdu waxay qaadataa xisaabta ay go’aamiyaan shirkadaha Turkiga , waa wajiga aan naxariista lahayn ee Turkiga , mana jirto wax horumarin ah oo dekedda iyo garoonkaba lagu sameeyay , wax walba meeshoodii ayay joogaan, hadda in shidaalka iyo gaaska ku jira badda iyo bariga Soomaaliya ay soo saarayaan shirkadaha Turkiga , marka dib loo tixraaco habdhaqanka shirkadaha Turkiga waa inaysan jirin rajo laga qabo inuu Turkiga u horseedo Soomaaliya barwaaqada ay muddada dheer ku taamayaan!
Saraakiisha dawladda ee heshiiskan ku lug leh waa inay soo baxaan oo ay dadweynaha usoo bandhigaan sharraxaad ku filan oo lagu fahmi karo waxa ku dhex jira heshiiskan!
Fiiro gaar ah;
Waxaa ku jira qoraalka sawirro aan ka qaaday qeybta afka Soomaaliga ee heshiiska laga soo bandhigay;

Dawladda Jordan, ayaa maanta ku dhawaaqday in laga mamnuucay gudaha dalka Jordan — ururka Ikhwaanul Muslimiin , iyadoo lala wareegayo hintida iyo xafiisyada ururkan, qof kasta oo ku biira ayaa sidoo kale loo aqoonsan doonaa dambile, mana jiro doono dhaqdhaqaaqyo ururkan la xiriira oo ka dhici kara gudaha Jordan , sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Jordan.
Fiiro gaar ah;
Ururka Ikhwaanul Muslimiin, ayaa taageerrayaal badan ku leh Jordan , kuwaasoo qaban qaabiya dhaqdhaqaaqyada looga soo horjeedo xiriirka Jordan iyo Israa’iil iyo xasuuqa ay Israa’iil ka wado marinka Qasa.
Horey , dalalka Carabta oo ay ugu horreyaan; Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxrayn ayaa u mamnuucay ururkan oo ay u aqoonsadeen urur argixiso ah, tan iyo wixii ka dambeeyay kacdoonkii halista geliyay kuraasta boqoradda Carbeed.

Hindiya ayaa hoos u dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed ee Pakistan, waxaana inuu toddobo maalin uga baxo Hindiya loo qabtay u qeybsanaha dhinaca milatariga ee safaaradda Pakistan ay ku leedahay New Delhi, intaa oo kaliya ma ahee waxaa la joojiyay heshiisyada u socday labada dal , halka sidoo kale ay Hindiya xirtay xadka ay la wadaagto Pakistan.
Arrimahan oo dhacay waxay la xiriiraan go’aan ay Hindiya uga jawaabayso, dhimashii ugu badnayd , tan iyo 2000 oo Hindi lagu dilay oo ka dhacday gobolka ay Muslimiinta degganyihiin ee Khashmiir, halkaa oo shalay lagu dilay 36 Hindi ah , wallow la xiddiday faafinta tirada dhimatay, kaddib markii rag hubaysan oo soo xirtay dharka ciidanka Hindiya ay rasaas ku fureen dalxiisayaal Hindi oo ku sugnaa gobolkaa. Hindiya ayaa ku eedeysa Pakistan inay taageerto muslimiinta Kashmiir ee doonaya inay madax bannaani ka helaan Hindiya.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa u yeeray guddiga amniga qaranka subaxnimadii berri ah, si ay uga jawaabaan tallaabadan ay Hindiya hoos ugu dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed oo ay ku cayrisay u qeybsanihii milatariga ee safaaradda Pakistan ay ku leedahay Hindiya.
Dhanka kale, xukuumadda Modi ayaa balamisay kulan dhammaan xisbiyada ay leeyihiin berri, oo uu guddoominayo Wasiirka Difaaca Hindiya,Rajnath Singh.
Fiiro gaar ah;
Labada dal ayaa xiisad ka dhex qaraxday, markii Hindiya ay ku eedeysay Pakistan inay wax ka ogeyd koox weerar lagu dilay 36 Hindiya ka fuliyay ka gobolka ay muslimiinta degganyihiin ee Kashmiir.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Daanta Galbeed, Maxamuud Cabbaas , ayaa ku tilmaamay guutooyinka hubaysan ee Xamaas ‘dawacooyin’, isagoo usoo jeediy inay sii daayaan maxaabiista Israa’iil ee ay Qasa ku hayaan, waxaa kaloo uu ku tilmaamay ficilada Xamaas , sababta ugu weyn ee ka dambeysa weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysaneyso marinka Qasa.