Iman Jama
29K subscribers
2.7K photos
777 videos
1 file
462 links
Journalist
Download Telegram
Deeq-bixiyayaasha ugu waaweyn ee Dimuqraadiga ayaa hadda billaabay inay si joogta ah uga soo muuqdaan warbaahinta , iyagoo ku baaqaya in si deg deg loo beddelo Biden , si loo helo musharrax awood leh oo doorashada November, kula tartama Trump.

Aasaasaha Netflix, Reed Hastings iyo maamulihii hore ee PayPal, Bill Harris oo malaayiin doollar ku bixiyay ololaha dimuquraadiga , ayaa soo jeediyay in la joogo waqtigii dimuquraadiga uu ku soo bandhigo lahaa musharrax rajo leh ah oo la tartama Trump.
Fiiro gaar ah;

Doodda la xiriirka in la beddelo Biden , ee ka soo billaabay dooddii u dambeysay ee labada musharrax Biden iyo Trump ay yeesheen toddobaad ka hor ah , ayaa waxaa dabka ku shidan markii maalin ka hor waraysi uu bixiyay Biden , uu mar kale ka sheegay hadallo isku dhex yaac ah , sida inoo yahay haweenay madow ah , ayaa si weyn u niyad jabisay taageerrayaasha dimuquraadiga, kuwaaso hadda u muuqda inay sare u qaadayaan cadaadiska ay ku doonayaan in la beddelo Biden oo la soo sharraxo musharrax cusub.

Sawirka; Bill Harris , maamulihii hore ee PayPal.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa ka diidday Netanyahu in dib loo dhigo kiisaska musuq maasuqa ee loo heysto, kaddib markii uu codsaday illaa November in dib loo dhigo.

Fiiro gaar ah;

Mid ka mid ah ujeeddooyinka gaarka ah ee Netanyahu uu u doonayo inuu socdo dagaalka Qasa , ayaa lagu eedeya inay tahay hab uu ku doonayo inuu uga baxsado kiisaska musuq maasuqa ah ee loo heysto , iyadoo ka hor 7 Oktoobar, markii uu dhacay weerarkii Xamaas , ay ka socdeen gudaha Israa’iil bannaanbaxyo waa weyn oo lagu dalbanayay Netanyahu inuu xilka ka deggo, isla maalinta weerarka uu dhacay maamulka Netanyahu ayaa soo saaray amar lagu mamnuucay isku soo baxyada, sababo la xiriira dagaalka.
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain, Keir Starmer ayaa ku dhawaaqay inuu meesha ka saarayo qorshaha dawladda hore ee Conservative-ka ee ahaa in dadka magangalyo doonka ah loo masaafuriyo Rwanda.

“Qorshaha Rwanda wuu dhintay,” ayuu yiri Starmer, tallaabadaas oo ay soo dhaweeyeen dadka u dooda xuquuqda aadanaha.
Markab burburiye ah oo ay leeyihiin ciidanka badda Iran , ayaa shil ku galay dekedda magaalada Bandar Abbas ee bartamaha Iran, iyadoo la arkay sawirrada laga soo qaaday markabka Sahand oo qayb ka mid ah biyaha hoos galay.
Weerar duqeyn ah oo ay Israa’iil ka geysatay Qasa, waxaa lagu dilay Wasiir ku-xigeenkii Shaqada Qasa, Ehab al-Ghussein ee maamulka Xamaas, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay Xamaas.
Wasiirka difaaca Israa’iil, Yoav Gallant ayaa markii u horreysay tan iyo bilowgii dagaalka ku dhawaaqay inay ku jiraan waqti xasaasi ah , isagoo markaa caddeeyay inay u baahanyihiin inay soo gabagabeeyaan heshiiska xabbad-joojinta Qasa, si loo sii daayo maxaabiista, sida ay sheegtay Al-jazeera oo xiganaysa telefishinka Israa’iil ee Channel 12.
Muxuu hadalkan u yahay mid layaab leh;

Israa’iil ayaa burburisay heshiis kasta oo la isku dayay, si loo joojiyo dagaalka, waxayna ahayd diidmo ka imaanaysay Netanyahu, hadda hadalkan wuxuu ka soo baxay Wasiirka difaaca, taa oo ka dhigan militari ahaan , ma ay doonayaan ciidanka inay sii wadaan dagaalka, sababtoo ah xaaladda ka jirta goobta dagaalka.

Waxyar ka hor, telefishinka Al-jazeera ayaa laga sii daayay, in kulan saacado ka hor ay yeesheen Netanyahu iyo Gallant , inuu ku dhammaaday cannaan, ka timid Netanyahu oo saraakiisha sare ee militariga ku eedeynaya inay doonayaan xukuumadiisa inay afgembiyaan, taa oo ku soo aaday saacado kaddib markii taliska dhexe ee militariga Israa’iil uu wargeliyay Netanyahu , saraakiisha hoggaaminaysa dagaalka ee ku sugan gudaha Qasa, inay soo gudbiyeen qoraal wadajir ah oo ay ku dalbanayaan heshiis dhaqso ah iyo inay taageerri doonaan nooc kasta oo heshiis lala galo Xamaas.

Dhammaadka Netanayahu;

Wuxuu hadda la kulmaya marxalad aan horey usoo marin Netanyahu, qoysaska maxaabiista ayaa xiray waddooyinka Tel Aviv, iyagoo u diidday wasiirrada inay ka soo baxaan guryahadooda, saraakiisha militariga ayaa u sheegay inaysan sii wadi karin dagaalka, halka Mareykanka uu ka hor istaagay, sabab uu dagaalka ku dheereyn karay Netanyahu, oo dejiyay qorshe lagu weerarrayo Lubnaan, halka xeer Ilaaliyaha guud ee Israa’iil uu ku soo celiyay Netanayahu codsiga uu ku dalbaday in dib loo dhigo kiiska musuq maasuqa ee loo heyso, arrimahan oo dhan waxay burburinayaan siyaasiyigii waqtiga ugu dheer maamullayay Israa’iil, indhaho oo dhan ayaanna ku sii jeeda habka uu uga baxsan karo xaaladahan.

Xalka kaliya waa ‘heshiis’;

Waddada kaliya ee badbaadada u leh Netanyahu, hadda waa heshiis , taa oo ay xataa ku riixayaan saraakiisha sirdoonka ee wada-xaajoodka ku matalaya Israa’iil, iyadoo dhexdhexaadiyayaasha Qatar iyo Masar ay u sheegeen Mareykanka caqabadaha ka jira dhinaca Israa’iil , xilli maamulka Biden uu dadaal ku bixinaya in la joojiyo dagaalka.

Dhab ahaantii, Israa’iil waa inay hadda qaadata heshiis, toddobaadyada ina soo aadana - waa kuwo u leh mudnaan Qasa!
Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta Qasa,Abuu Cubeyda; “Weli waxaan ka dagaallamayna Qasa iyada oo aan helin taageero dibadeed… Mujaahidiintayadu waxay dagaalamayeen 9 bilood waxayna jabiyeen ciidamada cadawga oo ay taageerayaan Maraykanka iyo Ingiriiska…. Ra'yi ururin madax-bannaan ayaa muujinaya, ka dib bilo gardaro ah, sida ay dadkeenu u taageerayaan iska caabintooda."
Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horreysay sheegay inuu martiqaad rasmi ah u fidin doono Madaxweynaha Suuriya,
Bashar al-Assad , si dib loogu hagaajiyo xiriirka labada dal.
Fiiro gaar ah;

Erdogan , wuxuu muddo 10 sanno ah si xooggan u maalgeliyay mucaaraadka Suuriya , si ay xukunka uga tuuraan Bashar al-Assad, laakin hadda wuxuu aqbalay Erdogan inaysan taas shaqeynayna, si la mid ah Mareykanka oo waqti hore aqbalay inaysan awoodin xukunka in laga tuuro Bashar al-Assad, wuxuuna qaatay siyaasad go’doomin ah, balse Turkiga sidaa ma sameyn karo sababo la xiriir xadka labada dal iyo khatarta amni ee uga imaan karta Suuriya , taa oo hadda ku qasbaysa inuu xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi la yeesho Suuriya , isagoo aqoonsan Bashar al-Assad.

Waddamada Carabta , ayaa iyagana ka qaaday xannibaada Bashar al-Assad,iyagoo dib usoo celiyay kursigii Jaamacadda Carabta. Sidoo kale , waa inan ku sheega Bashar al-Assad, waa hoggaamiyaha kaliya ee ka badbaaday ololihii guga Carabta ee ay ka faa’iideysteen reer galbeedka iyo dhaqdhaqaaqii isbeddelka uu doonayay Mareykanka oo sidoo kale taageerraya siyaasadda bariga dhexe ee Israa’iil , xukunka uga tuuray hoggaamiyayaashii Carabta oo mayalka adkaa. Waxyaabaha hadda ka dhacaya Suuriya ayaa yimid , dhimashada malaayiin Suuriyaan, burbur gobollo iyo barakac aan xad lahayn oo ka dhashay iskudaygii xukunka looga tuurayay Assad ee aan lagu guuleysan.
Itoobiya oo sannado badan la daalaa dhacaysay khilaaf siyaasadeed oo hoose ayaa sidoo kale halis ugu jira in la isku dayo in la afgambiyo dawladda, sida uu sheegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed intii ay socotay khudbadii furitaanka fadhiga Baarlamaanka ee 4 bishan.

"Dhawaan, odayaasha iyo dadka kale waxay yeelanayeen dooddo ku saabsan in afgambi la sameeyo," ayuu Abiy u sheegay xildhibaannada, isagoo intaa ku daray ; “Aan ku siiyo talo… inqilaab laguma guulaysan karo Itoobiya. Waxa aanu u dhisnay hay’adahayaga si aanu uga hortagno afgambiga… Inqilaabka kaliya ee abid ka dhacay Itoobiya wuxuu ahaa 50 sanno kahor — Hadda ma guulaysan karto.”
Abiy ayaa ka gaabsaday inuu si dhab ah u qeexo cidda saxda ah ee “talada” loo jeediyay, si kastaba ha ahaatee, sida ay soo bandhigtay Thereport oo xiganaysa ilo-wareedyo , xukuumadda Abiy ayaa hadda ka feejigan khataraha afgambiga ee la dareemayo. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xukuumadda Abiy ay qaadayso tallaabooyin ay ka mid yihiin adeegsiga baraha bulshada si ay uga hortagaan sheekooyinka iyo xoojinta ammaanka meelaha qaar oo ay ku jirto Addis Ababa.

Fiiro gaar ah;

Walaaca laga qabo afgambiga ka dhici kara Itoobiya ayaa soo ifbaxay kaddib markii ay bilowdeen wada hadal u dhaxeeya dawladda Mareykanka iyo madaxda xisbiyada mucaaradka Itoobiya iyo sidoo kale xubno saameyn ku leh jaaliyadda Itoobiya ee degan Mareykanka, si la mid ah tallaabooyinkii uu Mareykanka qaaday ka hor inta uusan gelin Ciraaq iyo Liibiya.
Howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen koonfurta Qasa
dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta, waxaa lagu dilay sarkaal calooshiis u shaqeyste ah oo darajadiisuna ahayd gaashaanle oo ka barbar dagaallamayay guutada 601 ee ciidanka Israa’iil,sida ay Al-jazeera ka soo xigatay warbixin ay baahiyeen ciidanka Israa’iil.

Fiiro gaar ah;

Shaacintan ayaa ku soo aaday, kaddib markii 24 saac ee la soo dhaafay lagu dhaawacay xadka Lubnaan , labo qof oo u dhashay Mareykanka , iyagoo ku sugan saldhig ay ciidanka Israa’iil leeyihiin oo ay weerarreen Xisbullah, saacad kaddib markii uu galinkii dambe ee shalay uu dhacay weerarka , warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay labadan qof inay gacan ka siinayeen ciidanka Israa’iil diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, mid ka mid ah ayaanna si xun u dhaawacmay.
Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale la waydiiyay ciyaaryahanka wanaagsan xiddagaha kubadda cagta ka sii baxaya ee Ronaldo iyo Messi, isagoo mar kale diidday in la is barbar dhigo, dareenka bani’aadanimo ee Ronaldo ayuu ku sheegay inuu yahay wax aan qof walba laga helin karin, isagoo ku ammaanay ficilada uu ku taageerray Falastiiniyiinta iyo bulshooyinka la kulmo dhibaatooyinka bani’aadanimo.
Erdogan, oo waraysi bixiyay markii uu ka soo noqday Jarmalka oo uu uga qaybgalay kulan ka tirsan tartanka dalalka Yurub ee kubadda cagta oo Turkiga uu ka haray, ayaa ku tilmaamay dhacdooyinka dunidda ee ay arkayaan dhallinyarada Islaamka ah inay yihiin kuwa siyaasadeed oo lagu gudbiyo afkaar, wuxuu markaa tusaale usoo qaatay sida tartanka kubadda cagta Yurub garoommada loo suray calanka Ukraine ee taa beddelkeeda aan laga oggalayn calanka Falastiin, si la mid ah filimaanta iyo sheekooyinka baraha bulshada ayuu ku tilmaamay kuwa lagu gudbiyo afkaar siyaasadeed oo gaar ah , waxa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay hoos u dhaca dunidda Islaamka iyo sida dalalka ay u yihiin kuwo aan wax soo saar lahayn, xilli ganacsiga adduunka uu noqday mid siyaasadeed oo wax lagu beddelo, isagoo markaa tixraacaya in shirkadaha Shiinaha ay soo saaraan sijaayada lagu tukado ,tusbaxyada,kafanta iyo dharka lagu xajiyo, mar haddii ay bulsho awooddi waydo inay soo saarto waxa ay ku cibaadaysanayaan , si fudud ayuu sheegay inay u dhacayso in looga beddelo qibladda ay u tukadaan, iyadoo bulsho Islaamka ay leeyihiin dalal qani ah oo sidoo kale leh khayraad dabiici ah , haddana in la hago oo ay ku guul-darraysteen inay saameyn dunidda ku yeeshaan oo wax-soosaarka ay lumiyeen, wuxuu ku sheegay tilmaam xun oo mustaqbalka saameyn ku yeelanaysa bulshada ugu dhallinyarada badan ee Islaamka oo 70% ay yihiin dhallinyaro, taa oo uu sheegay inay tahay xaalad masiibo ah oo hoggaamiyayaasha Islaamka uga baahan si deg deg ah inay u beddelaan.

Dhallinyarada Islaamka , ayuu usoo jeediyay in loo baahanyahay inay kala aqoonsadaan , kuwa la jira iyo kuwa ka soo horjeeda, nooca uu doono iyo diinta uu doono ha haysto, isagoo markaa tixraacayay sida loogu hagay dalalka iyo shaqsiyaadka caanka ah inay Israa’iil ku taageeraan xasuuqa ay ka geysanayso Falastiin.
Madaxweynaha Faransiiska , Emmanuel Macron ayaa u muuqda inuu ku guuleystay qorshaha uu ku doonayay inuu uga hortago inay dawladda la wareegaan isbahaysiga midigta fog ee RN, kaddib guushii lama filanka ahayd ee ay ka gaareen kuraasta doorashada Baarlamaanka Midowga Yurub.

Macron , ayaa markii ay dhacday doorashada Baarlamaanka Midowga Yurub , wuxuu ku dhawaaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay oo ka dhacda Faransiiska , wareegii koowaad waxaa dhacay wax naxdin leh , markii ay doorashada hoggaanka ay u qabteen isla isbahaysiga midigta ee uu ka foganaayay, balse wareegii labaad ee doorashada oo shalay la qabtay, hadda waxaa ku guuleystay kuraasta ugu badan isbahaysiga dabacsan ee bidixda , iyagoo helay codod ka badan labada xisbi ee kale oo uu ku jiro midka uu hoggaamiyo Macron iyo isbahaysiga midigta.
Ma jirto isbahaysi ku guuleysatay aqlabiyad buuxda oo ah 577 kursi ee Baarlamaanka Faransiiska , si ay awood ugu yeeshaan inay soo dhisaan dawladda, hadda waddada kaliya ee furan waa in xisbiga Macron uu ku biiraa isbahaysiga bidixda , si ay usoo dhisaan dawlad isbahaysi ah, taa oo haddii aysan dhicin uu Faransiiska galayo qalalaase siyaasadeed, xilli dhowaan ay Paris martigelinayso ciyaaraha Olombikada oo uu ka soo horreeyo shir weynaha NATO oo labo maalmood kaddib la qabanyo, taa oo ku qasbaysa si dhaqso ah in loo helo waddo cad oo lagu soo dhisayo dawlad.

Fiiro gaar ah;

Markii ay soo baxday natiijada doorashada Faransiiska ee looga guuleystay isbahaysiga midigta fog, ayaa si dhaqso ah waxaa usoo hadlay Wasiirka Qurbajoogta Israa’iil, Amichai Shikli oo sheegay ; “Natiijooyinka doorashada Faransiiska waxay aad ugu xun yihiin Yuhuudda Faransiiska iyo Israa'iil."
Ra’iisul wasaaraha Faransiiska, Gabriel Attal ayaa is casilay , kaddib markii xisbigiisa uu ku guuldareystay inuu ku guuleysto aqlabiyadda doorashada baarlamaanka, balse Macron ayaa ka dalbaday inuu xilka sii hayo, si loo xaqiijiyo xasilloonida siyaasadeed.

Gabriel , oo 35 jir ah wuxuu noqday shaqsigii ugu da’da yaraa ee xilka qabanaya, wuxuuna ka tirsan yahay xisbiga Macron ee Renaissance, kaas oo qayb ka ah isbahaysiga dhexe ee wadajirka ah ee soo galay kaalinta labaad doorashada baarlamaanka.