Halxiraale
3.49K subscribers
60 photos
4 videos
8 links
๐ŸŒทBismillaah๐ŸŒท

๐Ÿ”ฐ Halxiraale chenel ๐Ÿ”ฐ

Kanalka @halxiraale waxaad ka heli kartaa halxiraale iyo Jawaabo oo aqoon guud ku soo biir linkiga u dir asxaabbtada si ay ayagana ugu faaideystaan mahadsanidiin
Download Telegram
Sheeg Wax Naagta xagga hore kaga yaal, ninkane xaga dambe kaga yaal๐ŸŽƒ๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡
Jawaabta
Ku Saliya xabiibkeena Mohammed ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู…
Halxiraale
Sheeg Wax Naagta xagga hore kaga yaal, ninkane xaga dambe kaga yaal๐ŸŽƒ๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡ Jawaabta
Jawaabta su'aashaas dad badan ayaa isku soo dayey, balse Waxaa haleelay 2 qof kaliya
1. Sahro maxamed
2. MK

Aad baad u mahadsan tihin inta isku dayday, si gaar ah 2da ruux ee jawaabta haleelay waan u mahadcelineeynaa

Jawaabta saxda ah waa

2da erey u fiirso
Naag (waxa dhanka hore kaga yaal waa xarafka :'N')
niN (xarafka gadaal uga yaalo waa '' N'')

Naag.... Horay ayuu kaga yaalaa N, balse niN... Waxuu kaga yaalaa gadaal

Mahadsanidiin
Asc
Dhamaanteen Waxaan leenahay indho aan wax ku aragno, balse
Sheeg waxaa kaliya uu arki karo indhoolaha Waliba asiga oo araga ka maqan yahay?
Sheeg magac Hadii horay loo aqriyo noqonaayo magac rag ama niN, hadii gadaal loo aqriya noqonaayo magac dumar?
NiN baa Bari naagtiisa oo gacanta ku heysato timir ku yiri '' waad iga furan tahay hadaad cunto ama laqdo, ama tufto ama tuurto'' sheeg sidee naagtaas uga badbaadin kartaa in la furo?
Waa maalin jimco ah, waxaa sunno ah in aan badino saliga nabiga ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู…

Waxaana ku jiro saacad saacadii aqbalka aheyd, oo hadii alle aad wax weydiisato lagu siinaayo,

Ducada aan badino, xuska alle aan ku dadaalno, jimcaha saliga yaan la hilmaamin

Mahadsanid
HALXIRAALE: SHEEG GEEDKA UGU DHEER MEESHA UU KU YAALO ?
Halxiraale: Sheeg halka adiga iyo geedka aad ka siman tihiin (meesha aad isku mid ka tihin)
Ramadan kariim
Halxiraale
Halxiraale: Sheeg halka adiga iyo geedka aad ka siman tihiin (meesha aad isku mid ka tihin)
Jawaabta su'ashii isbuuci tagay ee aheyd, sheeg halka adiga iyo geedka aad ka siman tihin oo isku mid ka tihin

Jawaabta saxda waxaa isku dayey dad ku dhaw laabtameeyo, waxaa ka jawaabay 1 ruux kaliya

Waana "CALI MUXIDIN"

Jawabta waa: HOOSKA
U diyaar garow hal xiraalaha isbuuca
Sheeg wax korkaaga ku yaalo, oo aadan taaban Karin? Aad u fikir, maskaxda shiil, jawaabta waa kaama dheero, balse waa hadii aad maskaxda aad uga shaqeysiiso?
Nin duq ah 60sano jir ah oo timaha ka biibeen ayaa soo dagay guri, ninkaan ayaa qolka keensaday wax walbo oo agab ah oo qof u baahnaan karo, marki uu mudo dagnaay ayaa qarashki kirada lagu siyaadiyey, waana uu ka guuray guriga, waxuu rartay alaabta oo dhan, balse hal mid ama hal sheey ayuu ka tagay!!

Sheeg halka sheey ee uu guriga uga tagay???