-Kugu xiiqay sidan kuu lahaa, xaaxiyey toose
-Xag un labada daarood ku daran, hays xakabin meele!

-Haddaan anigu odayoobay een, anafadii daayey
-Ashahaado mooyeenna aan, eebo ridi waayey
-Allaa igu og inaan aabbahaa, cidi u aareynin !

"Manfac xalay la cunay saaka waa laga muxtaadaa!"
__
(laga muxtaajaa e) laga baahanyahay.
__
(laga muxtaajaa e) laga baahanyahay.
-Madi Carata maqasheeda koris minaw-san baa dhaanta
-Mataan lidiqa laas miilo leh yaa mitimis dhaama
-Marwo Camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta
-Xididkaan murwaad lagu ogeyn malihi baa dhaanta
-Muslinnimo nimaan kuula socon muuminnimo khaas ah
-Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaanta
_
?

-Waxaadan lahayn wiilkayoow laguma waynaado
-Waxaad waayo maashaba nin laa weel isugu gaystay
___
Maxamed Cabdullaahi Gandaal

- Hadduu aar hal dilo oo dhurwaa, hilib usoo doonto
- Hungurina ka geyn waa kalyana, kuma hagaajaane
- Huuhdooda unbaad maqliye, lay hor iman maayo
____
Xuseen Yogol Furre (Camanje)

- Shinbir duulis badan oo dhulkii, dagi aqoon waayey
- Kol unbuu libaax labadii daan, dalaq yidhaahdaaye
- Inay edebtu shay door ah tahay, baan isaga daayey
_
Faarax xuseen sharmaake

• Guuldarooyinkaa rimani marbay, geli shinkoodiiye
• Gidhgidhahan istaamayi marbuu, gaadhi qarixiiye
• Marbuu gaanka qaayibani nafluhu, googan kaligiise
• Geedada balaadhani marbay, golongol dhuubnaane
• Guryo dabaq ah kii lihi marbuu, geed dugaashaniye
• Ninkii godob lahaan jiray marbay, goosan aanaduye
____
Kaadheeri

-Adduunyadan sidii luqunta-diin laabatee hoyatay,
-Goortii an laacaba haddii layga lalinaayo,
-oo aanay lugi lug ii raacahayn ma anigaa laylyi.
_
Gaariye

-Cammuudduba halkii laga guraa way ka godantaaye
-Rabbiyoo gargaariyo naftoo, gudubta mooyaane
-Gacan taagan lama buuxin karo goor iyo ayaane
____
Cabdulle Raage Taraawiil

Dirham iyo diinaar waxa dunida maal daadsan
Dadku nolosha wey dhisi karaan dahab la'aantiiye
Tolow dunida sidey nogon laheed dumar la'aantood

-Dib maxaa idiin celinayee, hore idiin diiday
-Mar uun maad ku dayataan khalqigan, libinta doonaaya
____
Af-qallooc

Nin gablamay, nin good cunay, nimay gooli ku abraartay
Nin libaax ku gowdiidsadoo micida gaadhsiiyay
Nin abeeso marada u gashoo miratay guudkiisa
Guur kaa xumaadaa ka daran, geeri loo dhalay e.