SNA RADIO
18.9K subscribers
2.09K photos
208 videos
4 links
Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida
Download Telegram
Ciidanka xoogga dalka ayaa howllgalo ay kasameeyeen howdka degaanka Jabad-godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe kudilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal Khawaarijta katirsan meeydadka khawaarijta ayaa daadsan.
Faaf faahin dheeraad ah kala soco SNA RADIO πŸ“»
❀59πŸ‘Œ6πŸ‘3
❀5
WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho -02-03-2026 :Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Africa Ee AUSSOM & Kuwa UPDF Ayaa ka saaray Maleeshiyadka Argagixisada ee ku dhuumaaleysanayay deegaanada Mubaarak & Daaru salaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan Oo Qayb Ka ah Hawlgalada Bedar ayaa Waxa Shacabka ku dhaqan Deeganadan looga dulqaaday heeryo Cadow Oo in muda ah saarnayd.

inta u socday hawlgalka,waxaa lagu dilay Dhagarqabayaal ka tirsanaa kooxaha argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa dhibaataynta Shacabka.

Ciidanka XDS waxaa ka go’an Ciribtirka Maleeshiyadka Argagixisada ee khatarta ku ah Amniga Shacabka,Si Muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku halleyn karo.

Wasaarada Gaashandhiga & Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii wadi doonaan ilaa laga xaqiijiyo Amniga ,Xasiloonida,iyo Nabada guud ahaan dalkeena.

#Dhammaad
❀35πŸ’―5πŸ”₯3🫑3
Howlgal ay si wadajir ah u wada fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Gor Gor iyo Guutada 14 October ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu dilay Maleyshiyaad ka tirsan khawaarijta .

Geesiyaashaan ka tirsan ururada 141 GT 14 October , ururka 204 GT 20 ee Kumaandooska Gor gor iyo Ciidanka Degaanka ayaa Howlgal ka fuliyey buulo naageey iyo busleey daaud waxaana lagu dilay Maleyshiyo ka tirsan Khawaarijta

Taliyaha guutada 14 October ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Dhaxe Cabdi raxmaan Muunye oo Howlgalka hogaaminayay ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ay howlgalka ku dileen 9 Xubnood oo ka tirsan nabadiidka
❀15πŸ‘4
πŸ‘26❀22πŸ”₯9😁4πŸ‘3πŸ’―2
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Kumaandooska Danab, ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku badbaadiyeen dad rayid ah oo ay afduubteen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda ugu soo celiyaan sagaal qof oo ay afduub u haysteen argagixisadu, iyagoo sidoo kale dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo uu ku jiray horjoogihii kooxda.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna ciribtirayaan Khawaarijta arxanka daran ee ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an sii dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad, xasillooni iyo karaamo.
πŸ‘13❀8
πŸ‘6❀2🫑1
πŸ‘21❀13πŸ‘13🫑3😁2