cilmi nafsiga|&Science Facts๐Ÿ’ก๐Ÿ˜ฑ๐ŸŒ“๏ธ๐ŸŒโ–ช๏ธ
15.1K subscribers
692 photos
55 videos
45 files
53 links
Halkaan Waxaad Ka Heleysaa cilmi nafsiga , Cilmi-nafsiga iyo horumarinta nafta.

Sido Kale Waxeynu Bixina Laba course oo Free Ah Hadii Aad Rabtid igala soo Xariir :

@Mrxoosh
โ•ญโ”€โ•โ”…๐ŸŒทโ”…โ”…๐ŸŒทโ”…โ”…โ•โ”€โ•ฎ
https://t.me/cilminafsi
โ•ฐโ”€โ•โ”…๐ŸŒทโ”…โ”…๐ŸŒทโ”…โ”…โ•โ”€
Download Telegram
Channel kaan iyo kuwo kaleba aad baan uga mashquulay , Dadka subscriber kor un buu u socdaa xitaa anoo ka xiray sharekiii oo Cidna uma share gareyso groupki aan ku jiray waan ka bixiyey !

Lakiin Hadda ka dib wakhti ayaan idin Sameyn inshallah .

Soo dhawaada Dadka Cusub !

15k

@mrxoosh
Qarnigaan waa Qarni mucjiso ah , Waxad arki 12 jir Raadinaya jeceel dhab ah , aniga marka aan 12 jirka ahaa waxaan aad ula yaabi jiray muxuu Dayaxa ii raacayaa meel kasta oo aan tago .

@mrxoosh
Siraha lagu gaaro guusha teeda ugu wayn waxay tahay idinka oo ku sugnaada hadafkiina oo marnaba aanan ka shakin.

@mrxoosh
Tilmaamaha guusha waa kuwo la kasban karo xataa haddii uusan qofku lahayn.

@mrxoosh
Guushu waa boqortooyo ay taajkeeda xirtaan ciddii qiimaheeda bixisa. Hankiina gaarsiiya inaad dayaxa gaadhaan, xataa haddii aad gaari weydaan waxaa markaas hubaal ah inaad daruuraha ka dul-mareysaan. Ku dadaala inaad weligiin ahaataan falaha ficilka guusha ee aydnaadan ahaan fal-celiyaha ficilka guusha. Umana ay baahna aqoon badan ee waxay u baahan tahay xikmad badan. Haddii aad xisaabta ku soo barateen mid la yiraahdo ma-dhamaato (Infinitive), qorsheysta inaad fekerkiina iyo rajadiina ka yeelshaan ma-dhamaato. Ogada haddii malihiinu ku xooggan yahay inaad guuldaraysataan weligiin guuleysan-meysaan, haddiise malihiinu uu ku xooggan yahay inaad guuleysataan, weligiin guuldaraysan-meysaan.
Kuwa ka cabsada in ay ku dhaqaaqaan waddada guusha waa kuwa naftooda ku xukumay in ay dhex-fadhiyaan fashilka ay ku sugan yihiin. Noloshu waxay soo dhoweysaa dadka aanan wakhtigooda dayicin ee iyagana si xalaal ah u faaโ€™iideysta bulshadoodana si xalaal ah ugu faaโ€™iideeya. Xeerka nolosha ayaa wuxuu yahay mar-kasta oo dadku ay shaqo adag qabtaan, noloshu waxay u ballaqaysaa irdo cusub oo fursado ah, kuwaas oo aanan u furmeen haddii uusan la yimaadeen dadaalkaas adag. In guul aad gaartaan waa arin muhim ah, waxaase ka muhimsan inaad isu diyaarisaan guusha. Maxaa-yeeley guul ay guuldarri ka danbayso maahan guul.
ogaada qof hadaf leh wakhti iskama dayaco. Ogaada qofka guusha kama danbaysta ah heley waa qofka ku guuleystay jannada eebbe.

@mrxoosh
Dhalinyaro waan ogahay in Dowlad ay Fashilmatay lakiin Dhaqaaqa idinka oo aanan ka fileynin hiil kuwan fashilmay.

@mrxoosh
Caqabaduhu waa shayga ugu horeeya oo idiin muuqanaya markaad ka fekertaan inaad hadaf yeelataan. Waa dhab oo waa idin cabnsi gelinayaan caqabadahaas. Waxaad kaga adkaan kartaan waa niyad adag iyo fal joogto ah

@mrxoosh
Guuldarridu maahan sida ay inoogu muuqato oo fashilaad ah, bal waxay tahay goob lagu nasto marka la gelayo socdaalka guusha.

@mrxoosh
Qofku in uusan hadafkiisu gaarin u sabab maahan in ay awooddu ku yar-tahay, bal waa in isaga laga waayay hankii uu hadafka ku gaari lahaa

Gabar Ayaa waxa ay soo Qortay lama kale aqoon badnee waa la kala akhris badan yahay. .
Ana waxaaan ku leeyahay Hanka yuusan dib kuu Dhigin Guul lama kala xigee

M

@mrxoosh
Duruuftu maahan mid keenta guusha iyo guuldarrida, laakiin mid ay tahayba dadka ayaa sababa.
ogaada qof hadaf leh wakhti iskama dayaco.
Asc Halkaan Waa Channelka Rasmiga Haanaa Mohamed
kuso biir weynu kala Faaideysan doona Insha Allah

https://t.me/+XvmWK3fSEKk0NzA0
qabiilku waa dowladda dadka aan dowladda lahayn.

Hadalkan waxaa laga hayaa abdi siciid ismaaciil Eebe cimriga iyo Cafimaadka ha u siyaadiyo .
Driven or Dragged
==============

Qofku marna hadaf la'aan ma ahan ... ha waynaado ama ha yaraado ... ha ku saabsanaado adduunyada iyo nolosha ama ha khuseeyo aakhiro iyo nolosha dambe ee joogtada ah.

Su'aasha asaasiga ah waa maxaa qofka ku xambaara in uu waqti iyo juhdi geliyo xaqiijinta hadafkiisa?

Hadafka qofka uu leeyahay - guud ahaan - waa labo nooc: mid qofka ay ku xambaarto wax isagu uu doortay oo uu arko in dantiisa adduun ama aakhiro ay ku jirto oo uusan u samaynayn aad wax ku heshid, dhaqaale ha lagugu siiyo, ha lagugu ammaano ama sumcad ku hel.

Hadafka noocaan ah waa mid daakhili ah (Internal goal) oo ay kaxaynayso xamaas aan wax damac ka baxsan qofka dantiisa aysan wadin (Intrinsic motivation). Qofka noocaan ah waxaa la yiraahdaa waa qof uu hadafkiisu wado "Driven".

Haddiise qofka uu u samaynayo ficil aad ku heshid sumcad, aqbalaad iyo ictiraaf ay saaxiibadiisa iyo bulshadiisu ku qaddariso, aad dhaqaale iyo lacag ku heshid ama aad iska xashid dhaliil ama cambaarayn lagu xantay ... sidoo kale waxaa laga yaabaa in uu u sameeyo ficilka ama u beegsado hadafka iyo ay bulshada ama asxaabtiisu samayso, in uu ka harona loo arki karo dib u dhac, qof takooran ama keligii socod ah.

Hadafka noocaan waa mid ka baxsan qofka doonistiisa daakhiliga ah (External goal), ayna dhiiri gelinayso xamaasad ka dhalatay wax ka baxsan qofka (External motivation). Ficilka ama hab-dhaqanka ku yimaada ama ku dhisan hadafkaan waa mid qofka la qabadsiiyey ee ma ahan mid qofka naftiisa kasoo go'ay ama dantiisa oo barax la' uu ka arkay. Wuxuu u samaynayaa oo keliya aad aqbalaad ku heshid, ama "reward" kale noocuu doonaba ha noqdo. Qofka noocaan ahi waa qof la wado ama la jiidayo "Dragged" ee ma ahan "Driven".

Dib u qiimee ... ficilada aad samaysid ... ma hadaf aad dantaada shakhsi, adduun ama aakhiro aad ka aragtay baa saldhig u ah ... mise waxaa ku wada mowjad kale oo aadan kantarooli karin ama dano kale kugu xambaarayaan?

Maxaad u samaysaa waxa aad samaysid ... ma joogtaa xilligii aad dib u eegis samayn lahayn?
100 Quotes That Will Change Your life (TaiLieuTuHoc).pdf
897.6 KB
Tell your feelings with emojis โค๏ธ
Samee waxaaad awoodid , kuna samee waxaad hadda heysatid ,kana biloow meesha hadda joogtid .

@mrxoosh