Villa Somalia
45.9K subscribers
25 photos
8 links
This is the Official Channel of Presidency of Federal Republic of Somalia.
twitter.com/TheVillaSomalia.
Download Telegram
MADAXWEYNE FARMAAJO OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY DALKA QATAR

Dooxa, Maarso 5, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar halkaas oo uu ku tagay safar shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

“Safarka Madaxweynuhu waxa uu daba socodaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee miro dhalka ah ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Agaasimaha ayaa xusay muhiimadda Booqashada Madaxweynuhu ay u leedahay mustaqbalka iskaashiga labada dal, iyada oo Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ay ka wadahadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Shacab ee Walaalaha ah.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
MADAXWEYNE FARMAAJO " WAXAAN MURUGADA LA QEYBSANAYAA GANACSATADA SUUQA HARGAYSA EE DABKU UU GALAAFTAY HANTIDOODA,"

Muqdisho, Abriil 02, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka murugaysan khasaaraha dabkii caawa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle uga baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.

"Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay maalmahan barakaysan awgood ugu hiiliyaan walaalahooda dhibtu soo gaartay, lana garab istaagaan duco iyo taakuleyn inta ay karaan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA GARAAD MAXAMUUD CISMAAN MASHQARE

Muqdisho, Abriil 02, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare oo ku geeriyoodey dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Garaad Mashqare uu ahaa hoggaan dhaqan oo lagu yaqiinnay Alle ka cabsi iyo cibaado badan, door muhiim ahna ka qaata midnimada, wadajir, nabad ku wada noolaanshaha iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan ummaad Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare. Marxuumku, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
Telegram: https://t.me/TheVillaSomalia
MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYEY XILDHIBAANNADA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Muqdisho, Abriil 14, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay gudashada Dhaarta Dastuuriga ah ayaa tilmaamay doorka shacabku ay ka sugayaan Xildhibaannada cusub ee ku aaddan xoojinta dowlad-nimada, horumarinta dalka iyo adkeynta midnimada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammeystirka doorashadu, si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebteembar ee ay ku heshiiyeen Madaxda Madasha Wadatashiga Qaranku, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Barlamaanka JFS, kaas oo saldhig u ah fulinta doorashooyin wadar-ogol ah.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada Aqal in ay dhammeystiraan dadaalkii uu Barlamaanka 10aad ku bixiyay meel marinta hindise sharciyeedyo waxtar u leh dowlad dhisidda kuwaas oo hortabin u leh sii ambaqaadida isbadallada socda ee amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee lagu tallaabsaday sanadihii ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa shacabka soomaaliyeed ku adkeeyey in ay xoojiyaan wadajirka iyo midnimadooda, ilaashadaanna miraha dowladnimada, iyada oo muwaadin kasta uu mudnaanta siinayo danaha Qaranka iyo sidii aan u horumarin lahayn dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Xildhibaannada Labada Aqal ee maanta la dhaariyey in uu Alle u fududeeyo waajibaadka Qaran ee horyaalla, kana yeelo masuuliyiin ka shaqeeya danta dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA ABWAAN BEDDEL JAAMAC XIRSI

Muqdisho, Abriil 18, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo dil xaqdarro ah loogu gaystay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska dalka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee maanta ay kooxaha arxanlaaweyaasha ahi la beegsadeen Xarunta Villa Hargeysa, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada gurracan ee kooxaha argagixisada ah, si buuxdana loola shaqeeyo ciidammadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeen u taagan sugidda amniga dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuum Beddel Jaamac Xirsi Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta uu dhaawacu ka soo gaaray falkii argagixiso ee maanta lala beegsaday Xarunta Villa Hargeysa.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
MADAXWEYNE FARMAAJO OO DHAMBAAL HAMBALYO AH U DIRAY SHAQAALAHA SOOMAALIYEED

Muqdisho, May 01, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxaa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna, waxaana uu Shaqaalaha Soomaaliyeed ku bogaadiyey dadaalka ay soo geliyeen dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

“Waxaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, iyagoo ay ka go’an tahay horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Waxaan ku boorrinayaa in ay dadaalkooda sii labo jibbaaraan, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dawladdu ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

“Tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaan xaqiijinnay joogteynta xuquuqda mushaharka ee shaqaalaha dawladda. Sidoo kale, waxaannu meel marinnay siyaasado iyo shuruuc kala duwan oo ay ku jiraan kuwo caalami ah, oo door weyn ka qaadanaya horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed.”

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa u duceeyey waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
MADAXWEYNE FARMAAJO OO BAHDA WARBAAHINTA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY MAALINTA XORRIYADDA SAXAAFADDA ADDUUNKA

Muqdisho, May 03, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan saxafiyiinta iyo xarumaha Warbaahinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, isaga oo ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladdu ay door muhiim ah siisay horumarinta iyo taabbagelinta xorriyadda saxaafadda, iyada oo dadaal ku bixisay ilaalinta xuquuqda Warbaahinta lana meel mariyey shuruuc iyo xeer ilaaliye u gaar ah saxaafadda, si looga hortago tacaddiga iyo meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta.

"Waxaan guud ahaan Saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda Adduunka. Tan iyo 2017-kii, Annaga oo ka duulayna in saxaafaddu ay xor noqoto, lana ilaaliyo xuquuqdooda warbaahineed, waxaan mudnaanta siinnay xoojinta xorriyadda hadalka ee warbaahinta iyo badqabka weriyeyaasha. Waxaan idinku boorrinayaa in aad sii labo jibbaartaan dadaalkiinna, idinka oo sawir qurxoon ka gudbinaya dalka, xoojinaya midnimada, waddaniyadda iyo dal jacaylka."

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xusay doorka wanaagsan ee Warbaahinta Soomaaliyeed ay ka qaataan dowladda dhiska, wacyi gelinta bulshada iyo la dagaallanka afkaarta xagjirka, ayaa u duceeyey saxafiyiintii Soomaaliyeed ee shahiiday iyaga oo u adeegaya dadkooda iyo dalkooda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
The owner of this channel has been inactive for the last 11 months. If they remain inactive for the next 18 days, they may lose their account and admin rights in this channel. The contents of the channel will remain accessible for all users.