Ciid wanaagsan marlabaad dhamaantiin walaalayaal, si gaar ah Ciid wanaagsan saaxiibada North America aynu kuwada ciidayno hadda waa wakhtigeenii aan Farxi lahayn una dabaal degi lahayn munaasabadda Ciid Al fitri alle hanaga aqbalo dhamaan acmaashii suubanayd ee aan soo samaynay bishii Ramadaan. โค๏ธ
โค6๐2
ู
ู ูุงู ู
ููู
ูุนุจุฏ ุฑู
ุถุงู ูุงู ุฑู
ุถุงู ูุฏ ูุงุช ูู
ู ูุงู ู
ููู
ูุนุจุฏ ุงููู ูุงู ุงููู ุญู ูุง ูู
ูุช.
โQofka idinka mid ah oo caabudi jiray Ramadaan hadaba ha ogaado Ramadaan wuu dhamaaday, balse qofkii caabudi jiray Eebe Wayne, ha ogaado alle waa mid sifada nolosha abadagi ah leh waligiisna ma uu dhimanayoโ
Oraahdaan waxaa noo jeediyey habeenadii u dambeeyey ee bishii Ramadaan shiikh kawacdiya misaajid aan kutukan jiray. asaga oo nagu baraarujinaya in aan cibaadada la dayicin lagana tagin marka Ramadaan dhamaado kadib.
Hadaba aaa in aan ku dadaalno in aan cibaadadii sii wadno inta aan awoodno, ilaahay waxa aan ka baryaynaa in uu dhamaanteen wadada saxdaa nagu hanuuniyo naguna sugo.
Intaan ayan jeclaystay in aan idinla wadaago maantaโค๏ธ

โค9๐4
Wakhtigaaga haku lumin ka fakarka arimuhu sida ay ahaan lahaayeen (hadii aan waxaas haysan lahaa, hadii aan, meeshaas joogi lahaa, hadii xiriirkii iga xumaaday uu ii hagaagi lahaa, hadii xaalkaygu sidaas ahaan lahaa, hadii, hadii, hadii.) Ogow hadda meesh aad joogtid iyo sida uu yahay xaalkaagu ayaa ah meesha uu alle SWT kuu qadaray kulana rabay in aad joogtid. Alle aamin, ku kalsoonow horayna u soco. Caqabad kasta oo dhanka alle kaaga timaada waxa ay noqon kartaa fursad uu kugu galadaystay oo aan la qiyaasi karin faa,iidadeeda. go,aankana adigaa iska leh.
โค18๐3
Qofkii ilaahay dartiis wax uga taga ilaahay wuxuu ugu badalaa wixii uu ka tagay wax ka khayr badan. waxyaabaha ilaahay kuugu badalayo way kala duwanaan karaan waxaa ka mid ah in alle xasilooni qalbiga uu kuu galiyo, jacaylkiisa in uu kugu irsaaqo, ama firfircooni iyo nasaad aad wax badan kuqabsan kartid in lagu siiyo. khasab ma ahan in wax aad taaban kartid, lacag ama xoolo kale in laguugu badalo. dhinaca kale alle waxa uu kuugu dib dhigi karaa maalinta qiyaamaha oo ilaahay kaaga badbaadin karaa Naarta kulul, Sidoo kalana Janno uu alle kugu siin karaa. Haddaba ha u ogolaan shaydaan in uu ka waswaasiyo asaga oo kuleh wixii aad alle dartiis uga tagtay wali alle wax kuuguma uusan badalin ee hawlahaagii hore iskaga laabo. Ku kalsoonow Eebe wayne balan qaadkiisu waa dhab ุงู ูุนุฏ ุงููู ุญู
โค15๐8
Markii aad aragtid qof xumaan samaynaya kama dhigna in uu yahay qof ay qofnimadiisu liidato, bini aadamka ilaahay abuurtay qofwalba oo kamid ah waxa uu la harjadayaa caqabado u gaar ah waxa uuna kujiraa hardanka nolosha, haddaba erayga wanaagsan waa sadaqo,e dadka u quur, dhiiragali sidoo kalana wanaag u rajee. โค๏ธ
โค12
Waxay tiri 15 sanadood ayaan suurad baqra aqrinteeda wadaa!
Mudo dhan shan iyo toban sano ayaan aqrinayaa suurad baqra maalin kasta, ilaahay noloshayda oo dhan buu ku wanaajiyay oo barako ayaan ka helay bay tiri, caruurtii buu ilaahay baari iiga dhigay, nolol xasiloon oo qabowna waa aan ku noolahay, wax kasta oo aan u baahdana isla goortaas baan helaa Allaahu Akbar!
Suurad baqra waa dawada murugada, albaab kasta oo kaa xidhana waa lagu furtaa, guriga lagu aqriyona shaydaanku ma uu soo galo. Qof kastoow naftaada haka hagran inaad aqriso maalin kasta.
XIGASHO. Tiirka nolosha

โค17
Waxaa la arkaa in aad waydid wax aad muddo badan ku taamaysay sida qof aad jeclayd in aad nolosha wadaagtaan, shaqo aad ku riyoon jirtay, ama fursad mar la,arag ah oo aad islahayd wax wayn ayey noloshaada ka badalaysaa, Sidoo kale waxaa la arkaa in aad la kulantid ama ay kugu dhacaan wax aad ka cararaysay sida in waaridkaa kugu daro gabar/wiil ay wanaag ka dhex arkeen ama aad heshid shaqo aan ahayn middii aad filaysay, balse aan kuu sheego taas micnaheedu kama dhigna in aad nasiib xuntahay ama dadaalka aad bixisay uu yaryahay ee waxaa macquul ah in ilaahay uu kuu diyaarinayo marxaladda xigta ee noloshaada lagaba yaabee waxaad aad jeclayd oo aad wayday in aysan khayr kuu ahayn sidaas si lamid ah waxaas aad necbayd oo kugu dhacay in aysan shar kuu ahayn ููุนูุณูู ุฃููู ุชูููุฑููููุง ุดูููุฆูุง ูููููู ุฎูููุฑู ููููู
ู ููุนูุณูู ุฃููู ุชูุญูุจูููุง ุดูููุฆูุง ูููููู ุดูุฑูู ููููู
ู ููุงูููููู ููุนูููู
ู ููุฃูููุชูู
ู ููุง ุชูุนูููู
ูููู
Marwalba aan aamino midka maamulka dunidaan haya โ๏ธ
Marwalba aan aamino midka maamulka dunidaan haya โ๏ธ
โค10๐9
Fadliga Tobanka Maalmood ee Ugu Horeeya Bisha Dul-Xijjah
Fadlan qormadan dhameyso ๐๐คฒ
Alle ayaa mahad leh, kaas oo noo fududeeyey inaan gaarno maalamahaan kheyrka badan, kana dhigay maalmo gaar ah iyo kuwo uu fadli yeelay camalka suuban. Ma jiro waqti kale oo camalka wanaagsan uu ka fadli badan yahay camalka lalayimaado maalmaha ugu horreeya ee bisha Dul-Xijjah.
Waa fursad qaali ah oo qofkii muslimka ahi u baahan yahay inuu si dhab ah uga faaโiidaysto. Qormadan waxaan ku eegaynaa fadliga maalmahan, camallada lagu ay tahay in lagu dadaalo, iyo sida uu qofka muslimka ahi uu uga faaโiidaysan karo.
Dulucda Qormada
Bisha Dul-Xijjah waa bishii laba iyo tobnaad ee sannadka Hijriga, waxayna leedahay fadli weyn gaar ahaan tobanka maalmood ee ugu horreeya. Nabi Maxamed (NNKH) wuxuu yiri:
"Ma jiraan maalmo camalka suuban uu ka fadli badan yahay maalmahaas tobanka ah." Saxaabada ayaa waydiisay, Nabi allow Xattaa ma jihaadkii Ilaahay dartiis?" Wuxuu yiri: "Xattaa jihaadkii Ilaahay dartiis, marka laga reebo nin labaxay naftiisa iyo maalkiisa, markaasna aan waxba kalasoo laaban." (Bukhaari)
Maalmahan waxaa ka mid ah maalinta Carafo โ oo ah maalinta ugu fadliga badan sanadka kadib Layllatul Qadr โ waxaana maalintaas ilaahay cafiyaa dambiyada sannadkii hore iyo kan dambe, haddii uu qofku soomo. Waxaa sidoo kale lagu gudanayaa mid kamid ah waajibaadka xajka, kaas oo ah tiir kamid ah shanta tiir ee Islaamka.
Camallada lagu dadaalayo maalmahan waxaa ka mid ah:
Soonka (gaar ahaan maalinta Carafo)
Salaadda faralka iyo sunnooyinka
Dikriga badan (Takbiir (ุงููู ุงูุจุฑ), tahmiid, (ุงูุญู ุฏ ููู), tasbiix, (ุณุจุญุงู ุงููู) iyo inta lamid ah oo kujiro saliga Nabiga SCW
Akhrinta Qurโaanka
Sadaqada iyo quudinta kuwa aan waxba haysan
Dadaalka lagu kasbanayo raalli ahaanshaha Ilaahay
Gabagabo
Tobanka maalmood ee ugu horreeya bisha Dul-Xijjah waa hadiyad Rabbi uu siiyey ummadda Nabi Maxamed (NNKH). Waa fursad aan dib loo heli karin ilaa sannadka dambe. Qof kasta oo Muslim ahi waa inuu isudiyaariyaa, niyad wanaagsana la yimaadaa, sidii uu uga faaโiidaysan lahaa waqtigaan barakaysan. Haddii aan la xajineyn, hala soomo, haddii aan la soomi karin, halagu dadaalo ducada, salaadda iyo dikriga. Waa maalmo kooban balse abaalmarintoodu aad bay u weyn tahay.
Ilaahay ha inaga dhigo kuwii ka faaโiidaysta fursadaha mar laโaragga ah ee cimrigooda soo mara.
Amiin, Amiin, Amiin
Xigasho, Rajada Nolosha

โค17๐2
Ciid wanaagsan dhamaan walaalaha halkaan aan kawada socono, ilaahay Ciidaan teeda kale Nabad iyo Caafimaad hanagu gaarsiiyoโค๏ธ๐
โค13๐3
Asalaamu alaykum, walaalaha nagu xiran dhamaantiin in aad fiicantihiin ayaan rajaynayaa, muddo halkaan waxba ma aynaan soo dhigin mashquullo jiray awgood. Insha allah hadda kadib barnaamijyadeenii iyo kuwa kale oo aan isleenahay waxbaa laga faa,iidayaa ayaan soo gudbin doonnaa. Stay tune ๐โ
โค15
โRamadaan aa ba,aye ma sagaal iyo labaatan ayaa kahartayโ waa maahmaah ay dadka Soomaaliyeed kucabiraan in haddii maalinka koobaad ee Ramadaan ay tagto ayba iska yartahay inta hartay. Ramadaan mubaarak dhamaantiin walaalayaal, waxaan rajaynayaa in maalinkiinu uu quruxbadnaa aadna si fiican u afurteen dadkeena qurbaha jooga weli ma aynaan afurin, ilaahay ha idinka aqbalo adinka iyo annagabaโค๏ธ๐คฒ
โค6
https://youtu.be/P7mZ0SyWndA?si=NoDyjVpWWcqA0qbO
Walaalaha Nagu xiran ee barriga afrika jooga oo suxuurtu u dhowdahay barnaamijkaan in ay ku sugaan ayaan ku dhiiri gelinayaa anigu afurkii ayaan kusugay. Dhab ahaantii wax wayn ayaad ka faa,iidaysaa waa
Faylasuuf iyo mufakir islaami ah shiikh abdurahman bashiir

โค3
Maanta waxaa nasii macsalaamaynaysa maalinkii 4aad ee Ramadaan, Halka walaalaha Nagu xiran oo badankood kusugan dalkiina ay u soo galayso maalinkii 5aad. Waxa ay ka dhigantahay in 10% Ramadaan uu galbatay ilaahay ajarkiisa hanoo dhiteeyo intii naga gudubtay, khayrkiisa barakadiisana hanoo labo jibaaro inta nagu soo food leh.
#RamadaanMubaarakโค๏ธ๐คฒ
#RamadaanMubaarakโค๏ธ๐คฒ
โค3๐1
The owner of this channel has been inactive for the last 17 months. If they remain inactive for the next 30 days, they may lose their account and admin rights in this channel. The contents of the channel will remain accessible for all users.