Sheekooyin Jacayl
11.9K subscribers
43 photos
1 video
1 file
349 links
Kanaalkaan @SheekooyinJacayl waa kanaal aad ka heli doonto
Sheekooyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ /sheekooyin iyo /Qoraalo xiiso badan😘

***
Maamule: @Abwaan_Saajac
Download Telegram
Forwarded from Sheekooyin Jacayl (~abdi Faisal★)
KUFSI IYO KADEED ADUUN

Q- 4aad
Qorshaha dunida laguugu yaboohay iyo midka aad adiga doonaysid oo is leedahay gaar mararka qaar kala duwanaantiisa wuxuu gaaraa heer aan la mahdin amaba lagu riyoon, waana midda hadda haysata Idil, hammiga ay lahayd ee ahaa in ay mar uun nolosha ay kusoo kortay mid dhaanto hesho mase hirgalin wali, halganka arrintaana waa mid socda wali.

Riyada qof walba oo Dumar ah ay leedahay ee ah in qoyskeeda uu noqdo qoys guuleysta riyadaas oo hadda muuqato in ay soo gunaanadmatay maadaama farxaddii reerkii loo yagleelay uu hadda xaalkiisu sidaa kusoo dhamaaday in nolosha ay dib dambe u bilowdana ay ku qasbantahay.

Xaqiiqdii Idil waxay ahayd qof mar walba iimaan leh una taagan ku samridda waxa ay wajahayso iyada oo gabar wali Da’ yar ah, balse hammiga sare ee ay lahayd ayaa la oran karay wuxuu ka kaalmeeynayay in ay noqoto qof adag oo aan marnaba ka niyad jabin nolosha, qaab walba oo nolosha ay u qabatana ay ka go’nayd in ay u wajahdo.

Daganaanta Idil iyo Iimaan uu Alle ku mannaystay ayaa la oran karay qayb ayey ka ahaayeen in meel walba oo ay cagta saarto ciddii aragtaa in aysan dhaayaha ka qaadin, oo waxay goob walba ka ahayd qof laga jecelyahay, waana haybad uusan qof walba heli Karin.

Idil waxay kusoo laabatay guriga waalidkeed mar labaad oo cid ogayd in lasoo furay ama la socotay ma jirin, maadaama rabitaanka cidda qabtay ay u hayeen uu mar walba meeshiisa ahaa hadana qanaaca xumada nafteeda ay dareentay ayey ku go’aansatay in ay soo gunaanado jiritaanka qoyskeeda.

Lasoco...

J_O_I_N__U_S⤵️
t.me/SheeKooyin1
Forwarded from Ali Hassan Hussein
Dhiirigeliye
Waa Hoy loogu Talagalay In cilmiga lagu faafiyo
https://t.me/dhiirigeliye156
Halkaan waxaad kaheleeysaa saaxiib postiyo diini ah xikmado kuraali galiyo 🌷qoraalo farxad ku dheehantahay💫 dhiirigelin 🌻 waano🍁
Ku dhufo linkiga hoose si aad ugu biirto
👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇

https://t.me/Lovestories5301
KUFSI IYO KADEED ADDUUN

Q- 5aad
Qofka bani aadamka ah Duruufo badan uusan jeclaysan wuu u dul qaadan karaa marxalado jiro awgood, balse marka dhaga hadal iyo war xumo loogu daro waxaa gaabta ama soo yaraada dulqaadka uu qofku u yeelan karo hadalda duul duulaya ee liddiga ku ah qalbigiisa.

Aadanaha dhiigiisa ayaa ah Dab dareen la wareegaya, Dulqaadka waa deeq uu Alle qofka ku mannaysto balse wuxuu leeyahay Xad la tijaabsho goortaas uu qofku noqon karo mid dulqaadkiisa ku adkaysta ama ay noqoto in ay naftiisa dhahdo “ igu filan, igu filan”, waana heerka ay Idil dulqaad ahaan gaartay.

Idil markii ay sidaa usoo gashayba salaan iyo is waraysi dhex maray waalidkeed ayey ugu sheegtay in ay kasoo tagtay ciddaas wixii hadda ka dambeeyana ay u tahay safar dhankaa iyo Muqdisho ayna jeceshahay nafsiyan in ay shaqaysato oo isku tashato si dadkeeda iyo iyadaba ay wax u tarto.

Laguma farxin ayaa la oran karay Xaaladda idil ay marayso, aabaheeda aad ayuu uga xumaaday in gabadhiisa ay maanta meel cidla ah fadhiso, guurkii uu shalay xoolaha badan uga qaatayna uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday maadama ay gabadhiisa wax ay ka faaiidday ama ay kasoo heshay aysan jirin, cidda kaliya ee faaiidayna uu isagu yahay.

Hooyada mar walba lama mid ah ahayn Aabaha, dhanka dareenka naxariista iyo fahmidda gabadheeda, waxay bilowday in gabadheeda ay samirsiiso xaalkuna uu noqon karo mid sii wacnaado oo aysan u shallaayin wixii dhacay, naf huris badana ay u samaysay ciddeeda si faqriga iyo dhibaatada ay ku jiraan ay uga saarto, waana ku guulaysatay ayaa la oran karay idil ilaa xad arrinkaa maadama qoyskeeda xoolihii guurkeeda laga helay ay u tarmeen ayna hadda ka mid yihiin dadka ugu ladan halka ay daganaayeen.

Idil waxay bilowday u diyaar garow ay u diyaar garoobaysay in ay u jihaysato xagaa iyo Xamr kadibna nolosheeda ay xagaa kasii jaan qaaddo maadaama ay u aragtay xamar meel ka jaanis fiican wax badan oo nolosha ahna laga gaari karo marka lala bar bar dhigo tuulada ay daganayd, balse, waxaa jiray arrin ay idil sugaysay oo is lahayd dhamee marka hore oo qayb ka noqo waana Arooska walaasheeda ku xigta ee Faadumo oo markaa soo dhawaa.

Wax waqtigu is guraba waxaa la gaaray xilligii la aqal gayn lahaa Faadumo oo ay soo doonteen cid ay qaraabo dhaw ahaayeen Idil oo aad ay isugu fiicnaayeen reerka idil lana oran karay abaal badan ayey ku lahaayeen reerka ay idil ka dhalatay maadama ay mar walba caawin jireen waa xilliga ay ku jireen Xaaladda adag.

Aabaha idil go’aan uu qaatay ayuu ka salaysnaa guurka faadumo ee ma ahayn mid Faadumo rabitaankeeda ku yimid sida idil oo kale, labada gabdhood halka ay iska shabbahaan marka guurkooda la tilmaamayo ayaa ah in dookhooda aan marnaba loo madax bannayn oo mar walba Danta waalidkood uu ku jaan go’naa mustaqbalkooda.

Habeenkii ugu horeeyay ee aqal galka faadumo ayaa waxaa dhacday Musiibo aad u daran oo aan lagu wada farxin taas oo ahayd kadib markii uu qaniinay Bahal la dhaho Jilbis habeenkii nolosheeda ugu qiima badnaa ee macaanso is lahayd.

Maxaa la macaansadaa waxaa soo gunaanadmay waqtiga nolosha Faadumo oo ku ekaa habeenkaa, nasiib darro ayey dadka qaar u arki karayeen balse wuxuu ahaa habeenka loo asteeyay in uu soo gunaanadmo safarka nolosheeda.

Haashim oo ahaa Wiilka ay ka dhimatay faadumo wuxuu ahaa Nin leh Xaasas kale oo ma ahayn faadumo gabadha ugu horaysay noloshiisa, wuxuu Oday u ahaa 2 reer oo kale, balse, maadaama uu ahaa wiil uu aabihii aad u jeclaa ugana kalsooni badnaa inta kale ee la dhalatay ayey labada oday waa idil aabaheed iyo haashim aabihii ku heshiyeen in lasii balaarsho xiiriikooda qoysnimo si ay labadaas qoys u noqdaan laba aan waligood kala go’in oo Qaraabanimada kale uu Hilib kale ugu darsamo.

Hadaf ay wada tiigsanayeen labada oday ayuu ahaa in ay hiliboobaan oo ay noqdaan Ul iyo diirkeeda, caku iyo nolosha reer baaddiyaha, waxa lagu xiriiraya oo lagu hiliboobaya ayaa ah Mustabalka gabadhahaas masaakiinta ah ee ayaguba hadaf ay tiigsadaan ku riyoonaya waqti walba.

LASOCO...
J_O_I_N__U_S⤵️
@SheeKooyin1
CIID WANAAGSAN.

Dhammaan umada soomaaliyeed, gaar ahaanna Asxaabta ku xidhan kannaalkaa @Sheekooyin1 waxan ugu tahniyadeynayaa Farxada Ciida, Ciidan ciideeda Caafimaad iyo Cudur li'i Ku gaara saaxiibayaal dhamaantiin.

Waan idin Jeclahay.
❤️❤️❤️

@Sheekooyin1
Ciid Mubarak.

Asalaama Calaykum
Waxaan kuu haynaa
Channal Telegram oo Beec ah waxaana ku jirto 1000 ama 1k+ Subscribes waxa uuna furan yahay muddo 4 bil ah .

dadka ku jiro dhammaan waa soomaali inaad wax Uun u galiso ayu ka rabaa adigoon share out i samey dhihin Ku bilaabo .

hadaba haddii aad rabto haddaba igala soo xiriir
➡️ @Saajac252
Farxada ciida awgeed qiimaha kannaalku waa keliya $7 Hadda la xidhiidh👇
@Saajac252
KUFSI IYO KADEED ADUUN

Q- 6aad
Waxaa la yaab leh in waalidiinta Miyiga qaarkood aysan uga fakarin dareenka owlaadooda sida ay uga fakaraan dareenkooda ama damacooda ku aaddan Dunida, haddiiba ay sidaa uga fakari lahaayeen ma dhacdeen waxa ku dhacay Idil.

Dumarka waa iska masaakiin waana Xilaha uu nin walba ku riyoonaya, waxay magan u yihin inta aysan gacanta u galin ninka ay la noolaanayaan aabahood, waxaana wanaagsan aabaha dhalay Hablaha in uu uga fakaro dantooda si la mid ah dantiisa.

M ahan in Xoolo la siisto Nolosha Gabar dhan oo Riyo leh, damacna leh, damiirna leh, xaqna u leh in ay wax jeclaato waxna diiddo, inta uu aabaha dhalay u baahan yahayna in ka badan ama la mid ahna u baahantahay, waasa kuma aabaha miyiga ku nool ee sidaa u fakaraya?

Xaalka idil isaga oo markaa cakirnaa nolol iyo hammi kalana tiigsanaysa xamarna u xir xiran ayuu dhacay shilkan lama filaanka ah ee ku dhacay walaasheeda ka yarayd ee faadumo, dhimashada faadumo waxay idil u ahayd Musiibo.

Marka laga soo tago ka xumaanta iyo ka nixidda ay ka naxday geerida walaasheed idil isma lahayn xaalad kale oo aadan ku farxin ayaad galaysaa qorshahaba uguma jirin, waxayna ahayd mid isku diyaarinaysa safar ay ku aaddo xagaa iyo xamar, maxaasa dhacay?

Cidda Gabar kale uma joogin aan ka ahayn Idil oo markaa lasoo furay walina ku guda jirto tirsashada cuddadeeda, odayga idil dhalay oo uu Alle ku ibtileeyey Xoolo jacayl ayaa ku fakaray maadaama uu xoolo badan ka qaatay faadumo guurkeeda, hadana ay faadumo xijaabatay habeenkii ugu horeeyey aqal galkeeda, si uu xoolaha uu qaatay u xalaalaysto ayuu ku fakaray in uu cidda idil ugu baddalo gabadhii ka dhimatay.

Ma ahayn arrin ay ku fakaraysay idil waxay isku dayday in ay iska caabiso dalabka aabaheed balse cadaadis badan oo kasoo fuulay dhanka aabaheed ayey hadana ku aqbashay in ay Marwo u noqoto Nin kale oo aan ku imaan rabitaankeeda walaasheedna ay ka dhimatay.

Dunida waa mid dareen badan, halka ay u duulaysana duul garan kara ma jiro ilaa duulka ay ku dul dagto ma ahee, bal eeg idil, marnaba xor uma aysan noqon dookha iyo aaya ka talinta nolosheeda, mar walba waxay aqbalaysay wax aysan shaqsi ahaan qaadan lahayn, balse sababta ay ku qaadaneysay ay ahayd qaddarin ay qaddarinayso rabitaanka waalidkeed.

Waxaa meeshaas ku dhamaaday hammigii ay idil lahayd ee ahaa in ay mar uun xamar tagto oo nolosheeda si isku filnaan leh oo ka wanaagsan qaabka hadda loo maamulayo ay u maamulato, wax badan oo ay ku naaloonaysay in ay gaartana ay gaarto.

Qorshahaaga dunida waa sidaa, waad riyootaa riyo badan ayaad leedahay sida aad ku fulin lahaydna waa is tusisaa mar walba, balse mar walba waxaa jira qorsha ka wayn kaaga kaas oo ah midka hirgaliddiisu ay dhab tahay, haddii qorshahaas iyo kaaga ay is haleelaana waxaa tahay mid ku guulaysta gaaritaanka hadafkisa, haddii aysan is haleelina mar walb waxaad noqonaysaa mid ku dhex jira Xaalad uusan jeclayn qorshahana ugu jirin in uu dhex galo balse dantu ay ku qasabtay, waana arrinka haysto gabadhan Idil ah.

Waxaa jiray su’aalo badan oo ay is waydiinaysay Idil kuwaas oo ahaa sababta ay mar walba u wajahayso wax aysan ku riyoon jeclayna dhex ahaashahooda iyada oo mararka qaar isku arki jirtay in ay tahay gabar nasiib xun oo waqtigu uusan la jirin.

Waxaa la dhihi karay fakarka ay sidaa u fakartay waa mid meesha ku jiray, hadana maadaama ay ahayd Qof Alle Caqli, Daganaan iyo Iimaanba uu ugu deeqay, waxay ahayd mid fahmi kartay in Qaddarta Eebe ma ahee wax kale aysan soconayn, waxa ay noqon lahaydna ay ku noqonayso xaaladda hadda haddiiba loogu tala galay,

Waa xaalka adduun iyo micnihiisa in qof walba marka uu dhib ku jiro uu sidaa isku canaanto, su’aashuse waxay tahay maxaa ka qaban kartaa arrinta ku timaada doorashada abuurahaaga (Alle), waxaa la oran karaa inaga ayey na haysaa sugnaasho la’aan ee ma ahan yabooha Alle mid aan maslaxaddena ku jirin.

LASOCO...
J_O_I_N__U_S⤵️
@SheeKooyin1
KUFSI IYO KADEED ADUUN

Q-7aad
Damaca iyo dareenka nagu jira mar walba waa mid aanan u riyaaqin marka ay dhacaan wax aysan nafteena jeclaysan raalina ka ahayn amaba qorshaha ugu jirin, balse dhabta nolosha sidaa ma ahan, adiga waa lagu abuurtay dariiq aad ku socoto inta aad nooshahayna waa laguu jeexay, haa doorashada noloshaada xaq ayaad u leedahay, balse qaddarta wax shuqul ah ama awood ah oo aad ku leedahay ma jirto.

Mustaqbalka sida uu noqonayo mar walba waa mid naga daahsoon, idil arrimo badan ayey ku hamminaysay oo nolosheeda ah waxaana la oran karaa dariiqa loo jeexay nolosheeda ayey maraysaa ee micnaha ma ahan in wax walba oo ay ku hammin jirtay uu meeshan kusoo gunanadmay maadama ay gashay guur labaad oo aan ku imaan rabitaankeeda shaqsinimo, balse ku yimid is maslaxaynta iyo is jeclaysiga labada oday ee kala dhalay ninka ay marwada u noqon doonto iyo iyada Idil ah.

Idil waa la aqal geeyay oo guriigii loogu tala galay walasheed ayay Iyana ku dul habsatay waxayna ku qasbanaatay nolosha ay wajihi lahayd walaasheed in ay wajahdo, wax badan oo walaasheed qabyo u ahaana ay iyada dhamaystirto waa qancinta iyo la dhaqanka Haashim.

Haashim wuxuu ahaa nin aad u qiima badan garan karana amaba aqrin kara wajiyada dadka uu markaa wax la wadaagayo, wuu dareensana in gabadha loo keenay aysan faraxsanayn huri waytana ay mesha ku joogto, balse wuxuu is lahaa waa dumar marka ay dhadhamiso nolosha dhabta ah ee ay kula wadaagayso iyada ayaa dan u dagi doonto ee ha cadaadin.

Idil marnaba xumaan kulama dhaqmin haashim, waxay ahayd qof mar walba fahamsan waxa ay meesha u joogto oo ah qancinta ninkeeda cusub iyo in si hufan oo hagar la’aan ah ay u gudato waajibaadkeeda Marwanimo.

Idil maadama ay ahayd Xaaska saddexaad ee haashim lana soo baxday fir fircooni iyo fur furnaan taas oo dareensiisay haashim in u ka jeclaado xaasaskiisa kale ee ilmaha u leh.

Kasbashada qofka la kasbado mar walba waa lagu kala duwan yahay, idil waxaa la oran karay kama ahayn ku xumee ama kasoo jiido ninka Dumarka kale ee lala qabo, balse waxay ka ahayd garasho ay garanaysay waajibkeeda iyo waxa laga doonayo ama laga rabo.

LASOCO...
J_O_I_N__U_S⤵️
@SheeKooyin1
KUFSI IYO KADEED ADDUUN

Q- 8aad
Waa abaal marinta uu Alle ku abaal marsho kuwa aan dhagart iyo xaasidnimada aqoon ee mar walba u guta waajibkooda sida laga rabo ayaga oo aan baddal ahaan doonayn amaba ku fakarin in ay wax uga helaan qofka ay wanaajinayaan.

Wanaaga ama dhaqankaaga oo si hagar la’aan ah aad u qabato ayaa wuxuu ku dhaxalsiiya in aad noqoto qof la jecel yahay laguna jecel yahay wanaagiisa iyo dhaqankiisa ee aan lagu jeclaan dhaqaale ama waqtiga gaaban oo xaalad wanaagsan muujiya.

Mar walba oo guushaada ay badato waxaa bato xasadkaaga, idil maadama dhaqankeeda dumarnimo oo wanaagsana darteed ay ku hanatay qalbiga Haashim, waxaa soo if baxay xasadnimo iyo dhagar ay maleegayeen Hablaha kale ee lala qabo.

Dumarka runta marka laga hadlo sida badan waxay eedda saaraan raga ama dumar kale ayaga oo aan eegayn waxa isla ayaga ka hallaysan ama ay halleeyeen loogana baahan yahay in ay dib u saxaan, waxaan uga jeedaa taa marwooyinkan la dagaalamaya gabadhan la leeyahay idil iyaga ayaa marka la eego ka muhiimsan kana nasiib wanaagsan idil maadama awlaad iyo xoolaba Alle siiyay, ma ahan in ay ka maseeraan ama ay ku tashadaan sidii gabadhan looga saari lahaa Reerka.

Qof walba oo Dhagar maleega waa hubaal in uusan guulaysan, waa laga yaabaa in guul ku meel gaar ah uu gaaro qofkaas, balse, ugu dambaynta ayaa ah in arrinkiisu uu kusoo gunaanadmo shallaayto iyo is canaanasho naftiisa uu cananaanayo.

Xiriirka ka dhaxeeya idil iyo Haashim heer wanaagsan ayuu gaaray ayaa la oran karay oo waxaa ka dhex beermay Jacayl aad u daran kaas oo idil hilmaansiiyay in ay wax tabayso ama leedahayba Hadaf kale oo nololeed oo ay waligeed ku riyoon jirtay.

Idil iyo Haashim jacaylka ka dhaxeeya ayaa wuxuu kallifay in cadaawad badan ay kala kulmaan dhanka dumarka kale ee uu haashim qabay, cadaadis badan oo haashim kaga imaanayay mid ka mid ah xaasaskiisa kale ayaa kallifay ugu dambaytii in ay kala tagaan maadama harsasho la’aan iyo dhaqan xumo uu kala kulmay Haashim.

Idil kuma faraxsanayn in ay sabab u noqoto duminta guri ka mid ah guryaha uga soo horeeyay nolosha qoyskaas, waliba waxay ka wal walsanayd caruurta ay islaantaas dhashay, dhowr jeer ayay isku dayday in ay isku celiso labadaas qof ee kala irdhoobay balse go’aan uu haashim gaaray dartiis ayey wax walba u suuroobi waayeen.

Waxaa jira wax badan oo aadan jeclayn ku lug lahaanshahooda balse duruufaha qaar ayaa kallifa in aad si dadban ugu lug yeelato, Idil kama ahayn wanaajinta iyo wax la wadaagidda ninkeeda haashim ka maseersiin ay ugu dan lahayd ama ku xumayn ay ula jeedday Xaasaska kale ee uu Haashim qabo, ee waxay ka ahayd gudashada waajibkeeda Marwanimo, taas ayaa sababtay ayaa la dhihi karay in xaasaska qaar ay si kale u fahmaan.

Jacaylka idil uu u qabo haashim ma ahayn oo kaliya mid ku kooban isaga oo waxaa aad u wada jeclaa labada Waalid ee Haashim, runtii waxaa la oran karay iyada oo aan wax Owlaad ah u dhalin haashim hadana waxay ahayd mid kalsoonida qoyskaas si la yaab leh u kasbatay.

Waajibaadkaaga oo aad u gudato si daacadnimo ku jirto micnaheeda maahan in aad ku qanacsantahay nolosha aad ku jirto, idil iyada oo leh Hammi iyo Hadaf ay tiigsanayso ayey haddana aqbashay Xaaladda lama filaanka ah ee ay gashay.

Waxay ku tala gashay in ay waajibkeeda ay si wanaagsan oo Eed la’aan ah u gudato, waana midda sababtay in Cadaawad badan loo qaado, xaasaskii qoyska uga soo horeeyey ee meesha ku ilma dhalayna qaarkood ay hilfaha qaateen jaantana rogeen.

Idil mar walba waxay isku dayi jirtay in ay sii balaariso Xiriirka kala dhaxeeya Marwooninka kale ee saygeeda, waxaa la dhihi karay mararka qaar waa fahmi karayeen mar marna ma fahmi karayn, dumarse waa dumar marka ay arkaan in saygooda uu jacyal qaas u qabo mid kale waa iska imaanayaa Masayrka iyo Xiqdinimada, taas oo la dhihi karo waa mid ka mid ah Dabeecadaha Dumarka.

Nolosha sideedaba marka ay kuu bilaabato waxba kama garan kartid adiga ku nool ee Abuuraha sameeyey ayaa garan kara habka ay u soconayso iyo meesha ay ku biyo shuban doonto.

LASOCO...
J_O_I_N__U_S⤵️
@sheekooyin1
Saaxibayal maanta waxan idinka codsnyaa in aad chennelkan hoose ku biirtaan oo join dhahdaan
Plz👇👇👇

T.me/Sheekooyinsom
T.me/Sheekooyinsom
👆
Forwarded from Ifiyaha Nolosha
Hadii umaduhu iskugu faanaan xagga Xumaanta annagu waxan Ku faani lahayn Xajaaj Bin Yuusuf.

-Cumar bin Cabdulcaziiz

📥 @Ifiyaha_Nolosha 📥
KUFSI IYO KADEED ADUUN

Q- 9aad
Nolosha sideedaba waa dariiq jeexan oo socodkiisa uu bilowdo marka ay nolosha qofkaas bilaabato, dariiqyada qaar waa kuwa Qodxa miiran, qaarkoodna waa rays ay lugta ku raaxayso ku socoshadeeda, halka qaar ay dab aan kulaylkiisa la mahdin yeeshaan, qaar kalana qabow lagu qaboobo.
Idil way ogayd xaalka ay marayso in uu yahay xaal la qaddaray, iimaanka uu alle siiyey dartiis ayey ku sugaysay halka ay ka gaarayso iyada oo waddada ay marayso hadba qaabka ay tahay ula jaan qaadeysay.
Dib aan yara u milicsano nolosha idil sida ay ku bilaabatay ilaa hadda meesha ay marayso, waxaad ka garan kartaa in idil tahay qof u aqbasha nolosha sida ay usoo qabato, waxaa kaloo laga fahmi karayaa in idil tahay qanciso u taagan qancinta dadka ay wax kala dhaxeeyaan ha ahaadaan waalidkeed, walaalaheed iyo qooysaska ay usoo kala dhaxdayba.
Qoyska ay hadda dhaqayso idil ee haashim ma ahayn mid ku yimid dookheeda iyo ku tala galkeedaba hadana waxaad ka fahami kartaa maadaam nin xaasas leh ay guursatay in aysan u hakan caqabadaha ku hor gudban oo ay si toos ah waajibkeeda dumarnimo u gudatay, taas oo sababtay in la wada jeclaado.
Idil qoyskaas waxay ku raagtay Muddo toddobo Sana ah oo aysan waxba dhalin, ha yeeshee iyada mar walba waxaa qalbigeeda ku taagnaa Hawo ka duwan midda ay ku nooshahay, waxay mar walba ku hammin jirtay in ay mar uun ka madax banaanaatoo rabitaanka Dadka kale oo ay u madax banaanaato rabitaankeeda shaqsiyadeeda.
Waa gabar runtii la dhahi karo 17 sano waxay ku noolayd rabitaanka waalidkeeda iyo rabitaanka Niman aan ku iman hawadeeda ama dookheeda, taas oo ay adkaysi daran u yeelatay, waxayna mar walba jeclayd in howsha loo dhiibo sida loogu dhiibay oo raali laga wada yahay uga soo baxdo, waxaana la oran karay mar walba waxay u taagnayd raali galinta waalidkeeda iyo dadka ku hareeraysan nolosheeda.
Qofka qaaliga ah ee hal doorka dadka ah mar walba waa mid la imtixaano, imitixaanadaas oo kala noqon kara kuwa dhanka caafimaadka ah iyo kuwa kale oo marrinka nolosha ku yimaada, tusaale gaaban waxaa kuugu filan Imitxaanka ay Idil marayso.
Wanaaga iyo ixtiraamka faraha badan ee idil ay lala lahayd qoyska ay ninka ka qabto aad ayuu mar walba u balaarnaa, dhowr jeer ayaa Cadaadis uga imaanayay dhanka aabaha dhalay wiilka oo isagu mar walba waxaa ku jiray Damac ah in gabadhan sidan u wanaagsan ay wax la wadaagaan, isaga oo aaminsanaa in Geedka macaan uu mira macaan dhalo, idilna ay la mid ahayd geed macaaan, miraha uu Alle jirkeeda kasoo gooyana ay la mid noqon karaan ama kasii wanaagsanaan karaan idil.
Quruxda iyo qiimaha shaqsiyadeed ee ay idil lahayd waxaaba la oran karay waxay qayb ka qaadanayeen cadaadiska nololeed ee idil uga imaanayey qoysaska ay u dhaxdo, maxaa yeelay, hammiga cid walba ay gabadhaas ka lahayd iyo rajada ah in owlaad ay u dhasho la hiliboobaan oo meesha ka maqan ayaa la dhihi karay waxay sabab u ahayd in idil lagu kahaysto wax aysan awood u lahayn hanashadooda waa owlaaddee.
Wax muddo la wada joogaba idil marnaba xageeda damac ah in ay furriin sii waydiisato haashim kuma jirin oo qoyska ay hadda la nooshahay waxaa la dhihi karay aad ayuu uga wanaagsanaa qoyskii kale ee ay nolosha ku bilaabatay.
Khibradda ay u kala lahayd labada qoys ayaa aad u kala duwanaa sidaas si la mid ah labada nin ay u kala dhaxday oo dhaqankoodu kala macaanaa, ma ahan in kii hore uu dhaqan xumaa, micnaha ayaa ah in Idil hanashada qalbigeeda uu Haashim aad ugu guulaystay marka lala bar bar dhigo kii ka horeeyey.
Waxaa taas sii dheerayd Haashim hooyadiis oo soddohda idil ahayd ayaa Iyana qayb wayn ku lahayd farxadda idil ee qoyskan, waxaana la dhihi karay aad ayey isku fahmeen idil oo waxayba noqdeen saaxiibo gaar ah oo is fahamsan.
In soddohdaada aad saaxiib noqotaan sida badan nolosha guurka ku salaysan kuma dhacdo, dumarkase waa kuwa kala nasiib badan, qaarna sida idil oo kale ayey soddohdu u noqotaa qaarna waa uga duwanaataa oo ayaga oo ah marwooyin fiican ayaa lagu sallidaa Soddohda oo aakhirka sababta in gurigooda uu dumo.

LASOCO...
J_O_I_N__U_S⤵️
@sheekooyin1
Kannaalka Turjumaad waxaan kusoo gudbineynaa; Xikmado, Odhaahyo & Maahmaahyo laguugu soo turjumay Afkaaga Hooyo.
t.me/Turjumaad
KUFSI IYO KADEED ADUUN

Q- 10aad
Mar walba oo Cadaadis uga yimaada Qaraabada Qoyska waxaa jilbaha u aasan jiray oo difaaci jiray soddohda idil waa Haashim hooyadii oo dhihi jirtay “iiga leexda gabadha ma idinka ayaa awlaadda farqaha ku sita, awlaadda waa deeq Alle baxsho, gabadhaydan idil waqtiga uu Alle ugu tala galo ayey helaysaa awlaad, inta ka sokaysase ima qusayso dhalma la’aanteeda ee waxaa I quseeya dhaqankeeda”

Idil waxaa la dhihi karay waxay usoo dul qaadatay af xumo fara badan, ma ahan oo kaliya hadalada ay kala kulmayso dadkan oo wararkan iyo kuwa kasii xunba waa usoo horeeyen oo iyada oo nolosha guurka ku cusub ayey usoo dulqaadatay, hadana ma ahan kuwan kuwa ka hor istaagaya in ay gudato waajibkeeda Dumarnimo.

Xaqiiqda marka laga hadlo hadalada dadka afkooda kasoo baxaya waa kuwa saamayn balaaran ku yeesha qalbiga qofka loogu dan leeyahay dhinac ay doontaba samayntaas ha ahaato, balse waxa muhiimka ah ayaa ah qaabka uu qofka uga jawaab celsho, taas oo iyana la dhihi karo waa midda saamaynta sii yeelata.

Guurka imitxaankiisa ugu horeeya wuxuu billowdaa marka aad toddobada ka baxdo oo haddaad tahay rag iyo dumarba midkood aad su’aalaha bulshada kaaga imaanayo si u wajahayso.

Qaabka ay dadka wax kuu waydiinayaan ayaaba ah qaab laga yaabo in qalbiga qofka uu dhibsado, qof walbase culayskiisa ayaa haysta, maadaama guurka uu yahay is baddala laga rajaynayo in uu nolosha si saamayn ugu yeesho, la yaab ma lahan in su’aalhiiisa ay hadba qaab yeeshaan.

Maalmaha hore waa qaabka shaqada aad u gudatay oo wax lagaa waydiinayo, bil marka ay dhamaatana waxaa kusoo xigto in lagu waydiiyo bal in ay siyaado jirto iyo in kale, waana markaas marka uu billowdo cadaadiska iyo culayska xaga maskaxda ah ee wada fuula Sayga iyo Marwada dhaqaya reerkaas cusub.
#KIKA -10

LASOCO...
J_O_I_N__U_S⤵️
@sheekooyin1
Habeen wanaagsan.
✼ ҉ ✼ ҉ ✼ ҉ - ҉ ✼ ҉ ✼ ҉ ✼

┏━━━━━°❀•:🎀 - 🎀:•❀━━━━━┓
KOOXDA KULMIS
*✿❀ - ❀✿*
✿: Buug soomaali PDF ah
✿: Aqoonkaal media
✿: ku baro afcarabiga qoralo
✿: Faafinta diinta islaamka

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: culimada su'aashaada weydii
✿: xikmado xul ah.
✿: kala soco WARARKA
✿:Axaadiista nebiga oo afsomali ah

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Love stories
✿: su'aalo guud(diini iyo maadi)
✿: Xikmado badan
✿: Buug somali maqal ah

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Dhambaal
✿: Dareenka dunida
✿: Buugwalba ood u baahato
✿: Xikmad iyo dhiirigelin

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: weheliso
✿: Hoyga sheekooyinka
✿: Dareenka dunida

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Halxiraale
✿: Noqo mufakir
✿: Science iyo qur'aanka
✿: Buuug dhagaysi ah

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Su'aalo iyo jawaabo
✿: siirada nebiga SCW
✿: Oraahyo
✿: Baro af English-ka

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: sheekoyin qosol iyo xikmad ah
✿: Dhagayso quraanka
✿: cilmi nafsiga
✿: Siyaasadda dunida

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Sahanka nolosha
✿: cilmi iyo aqoon
✿: Baro luuqada English'ka

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: Iftiinshe
✿: Dhiirigeliye
✿: Baahiyaha kheyrka
✿: Qaado iftiinka

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: ila qosol
✿: oraahside
✿: baraaruji awoodahaaga
✿: niyadeena

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: qoraal qaadasho mudan
✿: korodhso online academy
✿: Rajada nolosha
✿: sheekoyin

⊰᯽⊱┈──╌❊ - ❊╌──┈⊰᯽⊱

✿: dunida dahsoon
✿:faafinta khayrka
✿: arrimaha islaamka
✿: Aqoonkaal media
*✿❀ - ❀✿*

┗━━━━━°❀•:🎀 - 🎀:•❀━━━━━┛


❂✿❂✿❂ - ✿❂✿❂

Xogta link'yadan: @kooxda_kulmis

❂✿❂✿❂ - ✿❂✿❂


Si aad kannaalkaaga link'yadan ugu darto,la xidhiidh: @nabiilsulaymaan


▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂
SPONSORED BY
📌 @kaydbooks
📌@xikmadbadan
📌@Oraahyo



■□■□■□■□ - ■□■□■□■


Halkaan waxaad ka helaysaa BUUG soomaali PDF ah, iyo buug( Exams ka) dhamaan manaahijta iskoolada soomaalida. Jion dheh.


■□■□■□■□ - ■□■□■□■




🄺🄾🄾🅇🄳🄰 🅺︎🆄︎🅻︎🅼︎🅸︎🆂︎