Sheekooyin Jacayl
11.5K subscribers
46 photos
1 video
1 file
357 links
Kanaalkaan @SheekooyinJacayl waa kanaal aad ka heli doonto
Sheekooyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ /sheekooyin iyo /Qoraalo xiiso badan😘

***
Maamule: @Abwaan_Saajac
Download Telegram
╔═══❖•ೋ° - °ೋ•❖═══╗
Kooxda Kulmis
https://t.me/kaydbooks
回回回回回 - 回回回回回
📌 @DhigaalBooks
❇️ @HoygaShekoyinka
❇️ @kaydbooks
❇️ @BaahiyahaQeyrka
❇️ @Cazaam101
❇️ @dhalinyarnimoH 
❇️ @Duruusta_nolosha
❇️ @ethical_hacking_dark
❇️ @FAHANKANOLOSHA35
❇️ @hadafkanolosha
❇️ @ila_qosol
❇️ @ibramursal
❇️ @kaydbooks
❇️ @kubaro_english_video
❇️ @kubarosifududcilanka
❇️ @Xasuusiye44
❇️ @murtida_nolosha
❇️ @murti_maahmaah
❇️ @ma_ogtahay_123
❇️ @Odhaah_Wanaagsan
❇️ @qisooyinka
❇️ @reyxaana
❇️ @Sheekooyin1
❇️ @wax_fahan
❇️ @WAYDIIMO_WARCELIN
❇️ @XAQIIQOTUBETV
❇️ @xikmadahaan
❇️ @Xisaabad
❇️ @Halyeeyadii_hore
❇️ @xikmaawi_media
❇️ @Nasiib149
❇️ @ereyomacaan
❇️ @QALINKA24
❇️ @Ibnusalaad
❇️ @Badbaadinaftaada
❇️ @wanagmedia
❇️ @Gutaale5
❇️ @Sheekooyin1
📌 @DhigaalBooks
📌 @BigfanPro
📌 @somali120
📌 @Dhaqan_wanaag
📌 @Hayaanka_nolosha

╚═══❖•ೋ° - °ೋ•❖═══╝
"Halkan waxaad ka hellaysaa Sheekooyin isuggu jira Qosol, jacayl, Sheeko faanneedyo iyo taxanayaal Xiiso leh."

Si aad linksgan ugusoo
biirto, halkan tag: @kooxda_kulmis
▀▄▀▄▀▄ - ▄▀▄▀▄▀

■□■□■□■□ - ■□■□■□■
ꜱᴘᴏɴꜱoʀᴇᴅ ʙʏ:
📌 @reyxaana
📌 @kaydbooks


↬❢ THE__END ❢↫.
Kanaalka Ifiyaha Nolosha waxaad ka hellaysaan Xikmado, Murti, Dhiirigelin, Iyo qooraallo Ku xiisa geliya.
13-03-2022
Https://t.me/Ifiyaha_Nolosha
Forwarded from Gutalefx (Gutale)
Diyaar ma ila tihiin inaa hal cunug ama labo inaa ciid siino walalayaal an wax u aruurino inta dhiman si ay noola farxaan,

Manta rayigaga io wax qabadkaaga ii muhiima 🙏🤲.......🩴👖👕
Anonymous Poll
90%
Haa
10%
Maya
Forwarded from Kaamil Academy
Asalaama Calaykum
Waxaan kuu haynaa
Channal Telegram oo Beec ah waxaana ku jirto 1000 ama 1k+ Subscribes waxa uuna furan yahay muddo 4 bil ah .

dadka ku jiro dhammaan waa soomaali inaad wax Uun u galiso ayu ka rabaa adigoon share out i samey dhihin Ku bilaabo .

hadaba haddii aad rabto haddaba igala soo xiriir
➡️ @Saajac252
Qiimuhu waa kaliya $14 oo qiima dhimis leh.

F.G: qiima dhimistu waxaay soconeysaa mudo 1 Isbuuc ah.
.
Sheeko cusub⬇️
Asalaama Calaykum
Waxaan kuu haynaa
Channal Telegram oo Beec ah waxaana ku jirto 1000 ama 1k+ Subscribes waxa uuna furan yahay muddo 4 bil ah .

dadka ku jiro dhammaan waa soomaali inaad wax Uun u galiso ayu ka rabaa adigoon share out i samey dhihin Ku bilaabo .

Waxyaabaha aad kaga faaiideysan karto waxa kamid ah in aad lacag ka samayso.

hadaba haddii aad rabto haddaba igala soo xiriir
➡️ @Saajac252
Qiimuhu waa kaliya $10 nadiif ah.

F.G: qiima dhimistu waxaay soconeysaa mudo 24 Saac ah.
@Saajac252
Cusbooneysiin

"Waxaad ka hellaysaa halkan murti, maahmaahyo, gabayo, sheekooyin, taariikho iyo wax walba oo Ku saabsan DHAQANKA Iyo AFKA".

23/04/2022
t.me/AfSoomaaliga
Sheeko aan horre channelka usoo gelinay oo hakad galay ayaan dib u bilaabi I.a.
#KIKA
Forwarded from Sheekooyin Jacayl (~abdi Faisal★)
Sheekadii: KUFSI IYO KADEED ADDUUN Q: 1-aad

Idil waa gabadha ay sheekadeena ku socoto, runtii waxay Astaan u tahay Noolaha oo dhan, marka aan sidaa leeyahay waa noolaha ku nool dunideena Soomaalida ah, wax badan oo muddo ay si wanaagsan oo dookheeda ah iyo si dookha dadkeedaba ay u dooreen ay ku baadi goobaysay ayaysan ku helin sidii ay rabtay, balse, si kale oo lama filaan ah oo xanuun daran ku reebay laabteeda ku heshay.

Waa Gabar yar oo ka dhalatay Cid Faqri ah, waxay ahayd gabadha Curadda ah ee uu Alle ku mannaystay qoyskaas, dhulka ay ku noolaydna Miyi (Baadiye) ayuu ahaa oo dadkeedu xoolo dhaqato ayay ahaayen.

Haybad iyo hananaan Dumarnimana Alle wuu ku mannaystay, Qurux iyo qiimana waa u dhalatay, intaas waxaa usii dheeraa Garaadka ay lahayd oo la oran karay wuu ka hormarsanaa Da’da ay markaa jirtay.

Idil waxay ahayd Gabar yar oo kusoo kortay Nolol adag oo ah midda Miyiga taas oo ay garan karaan Dadka kusoo barbaaray dhadhanshana nolosha kale ee Magaalada, ma ahayn mid Nasiib u yeelatay in ay Qallinka qaadato sida asaageeda ku nool magaalooyinka, taas baddalkeeda waxay qaadatay Qorayga ama Usha ay ku raaci jirtay Xoolaha ay qoyskooda lahaayeen.

Subixii marka ay kasoo kacdo oo ay ku dhufato koobka shaaha ah kaas oo mararka qaar aananba la heli jirin ilaa Cassirkii ama habeenkii ayey soofin jirtay inta ay xoola lahaayen, waana mid ka mid ah sababa Dunida loo keenay oo ay qosykooda u dhaleen.

Qoysaska Miyiga Dhalmada ay Ilmaha dhalaan sababaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah Ciidaminta si uu Cunugaas ugu adeego Cidda oo waxaa la oran karaa ma jiro Hadaf kasii shisheeya ama dhaafsiisan.

Macnaha nolosha qolo walba waa sida ay u fahanto, Dunida sababaha Dadka uu Alle ugu abuurtay ayaa kow ka ah in ay isaga caabudaan kadibna ku intifaacaan nimacadiisa uu dunida ku mannaystay, dunidana ay nuuriyeen oo ku cammiraan Garaadka iyo xooga uu Alle uga duway abuurtiisa kale.

Balse taas waxaa mooddaa in umaddeena aysan ku baraarugsanayn, marka aad aragto dadka ku nool Baaddiyaha qaabka ay caruurta u dhalaan iyo sida ay u koriyaan iyo hadafka ay ka lahaayen marka ay dhalayeen ilmahaas, waxaa kuu soo baxayso in ay ahayd oo kaliya Xoolaha ha kuu raaco kuna intifaac xoogiisa marka aad xoog yarayso.

Waxaa kaloo laga dheehan karaa in waaliddiinta dhalaya ilmahaas in ay ujeeddada koowaada ay ahayd in ay ku danaystaan, balse wax la dhaho u danayn loo danaynayo ubadkaas aysan jirin, marka uu cabaar noolaadana uu ku biyo shubto qaabka ay ahaayeen waalidkiisa, waa nolol Mugdi oo mugdi kale laga sii dhaxlayo runtii.

Mar walba nolosha qoyska ayaa muhiimadda leh iyadoo mararka qaar waalidiinta ilmaha miyiga dhalay la oran karo maba oga Xaqa uu leeyahay cunugaas ay dunida keeneen ayaga oo aaminsan qaarkood in sababta ay u dhaleen ay tahay in ay ciidansadaan taa baddalkeedana ay koriyaan ama wax uu cuno ay ugu deeqaan, aakhirkana uu ku biyo shubto sida ayaga oo kale, noloshaas adag aan lahayn hadaf aan ka ahayn xoolo dhaqid la iska dhaxlo ayuu ku biyo shubtaa cunugiina ilaa la isku sii gudbiyo jiilba jiil dhaqanka nuucaas ah ee cuuryaaminta iyo caqli aan la maalin ku dhisan.

Waa Nolol runtii ku dhisan Colaad, Caddaalad darro, dhicid la is dhaco iyo Xoolo jacayl, waxaa kaloo ka marnayn noloshaas Faanka, gabdhaha iyo wiilasha ma sinna ayaa la oran karaa marka loo eego Qoyska qiimihiisa, gabadha waa mid loo koriyo hal u jeedo oo ah in inta ay yartahay xoolaha lagu raacdo marka ay kortana Xoolo lagu kala baddasho, halka wiilka loo adeegsado Difaaca Beesha iyo Danaha kale ee markaaa xooga u baahan.

Ka raali noqdo waan ku fogaaday dhaleecaynta nolosha baaddiyaha iyo sida aan fakar ahaan ka qabo, waa la dhihi karaa in qaarkiin aysan igu raacin balse xaqiiqda ayaa waxay tahay haddii nolol wanaagsan ay tahay in la iska dhexli lahaa, sida magaalada loogu soo diro dadka in ay wax ka qabsadaana baadiyaha loogu safri lahaa in wax laga soo qabsado haddiiba ay y jirto wax laga soo qabsan karo.

Lasoco...

J_O_I_N__U_S⤵️
@sheeKooyin1
DARU TAFSIIR
Tafsiir Qur'aan shiiq Nuur Cali Jaamac.
Waa Tafsiir hada socdo, waxuna ka socda xafada galmudug misjidka waalideyn,
Kala soco Toos
Adigoo gurigaga joogo ka faa'ideeso
Walaalaha Qeerka jecel gaarsii.
Fadlan kusoo biir :
╭══😘════════ღ❦ღ══╮
@Tafsiir_Laqbo
╰══ღ❦ღ════════👍══╯


igalla soo xiriir⬇️
@Qadar_Carab

T.me/tafsiir_laqbo
KUFSI IYO KADEED ADUUN

Qaybtii 2aad
Idil wax ay soo martaba Xaalado kala duwan oo nolosheeda ah oo la oran karay waxay ahaayeen xaalado adag hadana waa mid ugu dambayntii usoo baxday dunideeda oo ay kasoo muuqdeen astaanta Qurux walba oo lagu xulan karay Qofka Dumarka ah.

idil waxay lahayd haybad ay kaga tilmaaneed gabdhaha asaageeda, marka ay ku dhex jirtana waxay ahayd midda kaliya ee ay ishu qabato,marka ay kaligeed tahayna haybad gabarnimo oo indhuhu aysan ka libirsanayn ayey kala gaar ahayd gabadhaha berrigaas ku nool.

Tilmaan gaar ah oo aan hadda ka bixinayo ma jirto, balse waxaan kusoo gaabin lahaa in dhamaan inta dumar lagu xusho oo xushmad iyo xishoodna usii dheertay in gabadhaas uu Alle ku mannaystay, xaqiiqdiina waxaa la oran karay waxay ahayd mid ka duwan dumarka asaageeda ah ee markaa ay ku dhex noolayd.

Waxay ahayd midda kaliya ee inta Rag ee degaankaas kuwada nool ay ka sheekayn jireen, waxay kaloo ahayd Riyada raga degaankaas, waxay ahayd midda ay ka maseeraan Dumarka asaageeda ah, waxay ahayd mid loo tirsho Hannaan sharafeed u gaar ah, waxay ahayd iftiinka degmadaas ee lagu doogsado aragtideeda quruxda macaan gaar ahaan xilliga ay laafyoonayso dariiqyada degaankaas, waxay ahayd gabar leh Hammi sare oo ay mar walba niyadda ku haysay.

Waxay ahayd oo kale mid leh Riyo ah in mar uun ay noqoto Marwo lagu soo harsado gurigeeda barbaarisana Awlaad kasoo go’day Cad ka mid ah jirkeeda, runtii inta laguma soo koobi karo hammiyada ay lahayd gabadhaas, waxaa usii dheeraa howl karnimo, Baarinimo iyo dulqaad ay u yeelato wax badan oo nolosha ay u yaboohday.

Idil war la’aan kama ahayn nolosha ay ku nooshahay oo waxay mar uun ku hammin jirtay in waqti ay noqotaba ay noqon doonto qofka ay rabto in ay noqoto, balse inta taa laga gaarayo ay mari doonto Marin (Waddo) adag oo dhib iyo dheefba leh.

Idil iyada oo markaa qaan gaartay ayey u ekayd sida Gabar ka wayn Da’deeda shan sano oo kale, waxay ahayd mid Laf iyo Xoogba la isugu daray, waxay kaloo ahayd dumarka xaga hore ka dhisan, waxaa kaloo taas usii dheerayd in ay ahayd qof wada siman oo hilibkeeda iyo lafteedaba ay wada socdeen, midabkeedana wuxuu ahaa midbka caddaan xigeenka ah, tima dhaadheer oo aad u jilicsana waa lahayd, marka ay laafyoonaysana ninka ag maraya hubaal in uu istaagayey oo magnad aan la aqoon halka uu ka yimid ayaa ku dhagi jiray.

Dumarka quruxdooda ma ahan in ay ayaga kugu soo jiitaan ee waa in in qurxudooda ay si dabiici ah kuu soo jiidato oo dareen ahaan marka aad nin rag ah tahay aad dareenta halka lagaa jiro ee lagaa soo jiitay, xaqiiqdiina idil haybaddaas waa lahayd.

Waxaa jiray Reer kale oo la oran jiray reer Cilmi Warfaa oo ayagan ahaa dad ka mid ah dadka degaankaas ay ku noolayd Idil ugu qanisan micnaha ugu Xoola badnaa aadna looga haybaysan jiray qiimaha ay lahaayeen dartood, waxayna ahaayeen Qoys aad u wanaagsan oo qof walba uu jeclaa in uu wax la wadaago.

Waa dhaqanka Aadanaha in marka uu qofku xoolo leeyahay la siiyo qiimayn gaar ah, ma ahan waxa ay dadku qiimeeyaan garaadka iyo qiimaha uu qofku yeelan karo, balse marka aad xoolo leedahay waxaa tahay ninka wax walba ah oo sifo uusan xitaaa waligiis yeelan quruxdeeda loo yeelo.

Waxaan maqli jiray Nin dhaqaala leh ceebtiisa lama arko, si walba uu u garaad yarhay ama u qiima daran yahayna mar walba isag ayaa ku sita oo ka sita kan garaadka iyo qiimaha badan ee aan xoolaha lahayn, taasna runtii waxaa la oran karaa waa mid ka mid ah Caddalad darrada Dunida.

Dadku sida badan ma ahan kuwa wax ku eego qiimaha iyo garaadka qofka ee qof walba wuxuu wax ku egayaa dhaqaalaha, waxaana la oran karaa waa mid ka mid ah musiibooyinka dadka dhaxalsiiya dhibaatada nolosha, taas oo dadka qaar ka dhigta kuwa haddii ay shalay ahaayeen Dad, maanta noqda Bahalo waxyeeladooda ay saamayn badan yeelato.

Idil isla markii ay sidaa madaxa usoo kala qaadday ayaa waxaa soo doontay reer cilimi warfaa oo xoolo badan oo Geel ah ugu deeqay qoyskooda si ay u hantaan gabadhan ah midda kaliya ee uu qof walba ka eegay degmada
Idil runtii kuma faraxsanayn in sidaas ay noqoto nolosheeda, waxay ku hamminaysay in dhawaan ay u safarto xagaa iyo Muqdisho, si ay u tijaabiso nasiibkeeda, nolol dhaanta middan miyiga ahna ay hesho, maadaama qosykeeda aysan hadda sidii hore ahayn oo ilma kale oo la dhashay ay soo koreen haba ugu horayso gabadha iyada ku xigto oo la dhaho Faadumo.

#KIKA 2
Lasoco Qeybta Xigta.

J_O_I_N__U_S⤵️
@sheekooyin1
KUFSI IYO KADEED ADDUUN

Q 3-aad
Idil waxay noqotay mid lagu qasbay Guur aysan filayn, ninka loo soo doonay magiciisa wuxuu ahaa Axmed Cilmi Warfaa, wuxuu ahaa wiil asaageeda ah balse dookhu uusan kulmin, wuxuu ka mid ahaa mid ka mid ah dhallinta ku hamminaysay in ay mar uun dhinaca gabadhaas quruxda badan dhulka dhigaan, garabkeedana barkadaan.
Waxaa la oran karay Axmed waa u romowday riyadiisa, ugu dambayn calafka ayaa wax walba ka wayn, Riyo kasta iyo hammi kasta oo ay lahayd gabadhaas wuxuu soo gunaanadmay markii uu aabaheed tirsaday Xoolaha lagu soo doontay.
Dunidan qof murugadiisa ayaa ah qof farxaddiisa, Axmed wuxuu ahaa ninka ugu farxadda badan dunida uu ku noolaa oo wuxuu is lahaa duni kuu dhiman ma jirto marba haddi aad xoolana haysato dumar tan ugu quruxda badan degmadana ay xilahaaga tahay, halka Idil iyadana ay isku aragtay Qof Xaqii nolosha ay u lahayd la dhinac marshay oo riyadeeda oo dhan loo marin habaabshay xoolo dartii.
Danta ayaa dadka midaysa, reer Cilmi Warfaa iyaga isma lahayn riyada gabadhaas dunsha ee dantoodu waxay ahayd gabadhan aan nuuceeda laga helayn deegmada ku dul daga, waa intaas oo Dad la mid ah nuuceeda aad ka heshaan. Halka reerka Idil oo ahaa reer Faqri ahna uu hammigoodu ahaa in ay mar uun ka baxaan faqriga, Allana uu sabab uga dhigay in idil ay noqoto gabadha ay ku tanaadaan, iyaguse isma oranayn oo maba ku jirin in riyada idil la dhaawacay ama la baaba’shay
Waxaan maqli jiray xanuunka cidda uu hayo ayaa dareemi karta sida uu u hayo iyo baaxadda uu leeyahay, idil iyada oo kaliya ayaa hammi dareenka ah in riyo la burburshay, qof dhan noloshiisana lagu dheelay, balse taas cid la og ma jirin, wuxuu ahaa dareen iyada ku gaar ah oo kaliya.
Wax walba bilow ayey leeyihin bilowgaas oo laga qabo rajooyin iyo hammi badan, idil waxaa loo aqal geeyay ninkii Axmed ahaa, oo sidaas ayey waxay uga mid noqtay reer Cilmi Warfaa, waxaa u bilowday Nolol cusub oo ka duwan tii ay ku noolayd.
Markan waxay leedahay Guri ay iyada maamusho, garaadka idil wuxuu ahaa mid ka wayn da’deeda oo da’ahaan gabadhu waa yarayd, balse, waxay ahayd mid garan karta waxa laga doonayo iyo waxa ay ka mudnaayeen Dadka ay Xilaha u ahayd.
Xushmad, Naxariis, qiimo inta uu la eg yahay dhamaan Alle wuu ugu deeqay wayna kula dhaqmi jirtay reerka ay Marwada u ahayd, waxaana la oran karay dhmaan reerka oo dhan kor ilaa hoos waa ay deeqday Idil oo waxay ahayd midda kaliya ee qof walba uu jeclaa in uu la saaxiibo ama wax la wadaago.
Axmed aad ayuu u jeclaa idil oo wax uu ka taban jiray ma jirin sidaas si la mid ah idil Iyana waa ay jeclayd ninkeeda iyo dhamaan ciddiisa, sida aan soo sheegayna danta ayaa ah midda midaysa Umadaha, haddii ay taas meesha ka baxdana waxaa bilowda iska horimaad iyo is jiid jiid umaddaas dhex mara.
Waxaa la joogay in muddo ah idilna wali ma curan oo Alle wax caloosheeda ma uusan ku beerin, ma ahayn hammiga reer cilmi warfaa in gabadha ay xoolaha intaa la eg ay ka baxsheen aysan wali fulin mid ka mid ah sababihii loo soo guursaday, balse, is waydiinta ayaa waxay tahay waxa laga doonayay Idil in ay fuliso ma wax ay awood u leedahaybaa mise waa wax ka baxsan awoodda Aadanaha?
Yaaba is wadiiya su’aalahaas qof walba waxaa u muuqda waxa uu doonayo, cadaadiska ah Idil in aysan curan ma ahayn mid ka imaanayay Axmed xagiisa oo wuxuu ahaa mid ka imaanayay Aabaha dhalay axmed, waa Cilim Warfaa.
Umadda haddii dhinaca diinta iyo aqoontaba ay ka arradan tahay waxaa ku yaraadaa dulqaadka, waxaa kaloo daboola qalbigooda mugdi aysan waxba ka arki karayn, kaas oo ku kabiixa ama ku qasba in ay faraha la galaan wax aysan awooddooda lahayn, garan karina macnahooda, waana miidda haysata maanta Idil.
Culays dhinac walba ah ayaa ku yimid dhamaan qoysaska labada dhinac, inkastoo la oran karay dhamaan culaysyada waxay ahaayeen kuwa ku badan Idil xageeda oo Aflagaaddo, Dhaga hadal iyo Dhaqan xumaba way kala kulmaysay dhamaan cidda reer Cilmi Warfaa marka laga reebo ninkeeda waa axmed oo isagu ku qanacsanaa marwadiisa ogaana in waxa laga dalbanayo gabadha aysan ahayn wax ay iyada awooddeeda leedahay.

Lasoco qeybta xigta.
#KIKA 3