Haddii Wiilka isha ee nooluhu uu yahay liid jiifa(horizontal line) taasi macnaheedu waa in xayawaankaasi yahay "ugaadh", awoodna uu leeyahay inuu siwacan u arko dhulka,si uu u helo meel uu ku baxsado ama uu ku dhuunto.
Haddii se Wiilka isha ee nooluhu uu yahay liid joog ah(vertical line),taasi macnaheedu waa in xayawaankaasi yahay "ugaadhsade" awoodna uu u leeyahay inuu sifiican u arki karo bartilmaameedka saxda ah.

Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh
Aad baan idiin wada salaamay dhammaantiin walaalayaal.
Intan meel fog gaysta.
Waxa aan idinla jeclaaday in aan idinla wadaago dhawrkan qodob:
Saddex xidhiidh waligaa ku dedaal in aad ku guulaysato;
1: Xidhiidhka aad Ilaahay la leedahay
2: Xidhiidhka aad waalidkaaga la leedahay
3: Xidhiidhka aad ehelkaaga la leedahay.
Waligaa iska ilaali saddexdan:
Waliga iska ilaali In aad qof bilic ama muuqaal ku doorato, taa badalkeeda shakhsiyada qofka ku dooro.
Waligaa iska ilaali in aad ka niyad xumaato wanaag uu qof kale helay, taa badalkeeda si wanaagsan ugu hambalyee, adna xaga Ilaahay iyadoo faraj lagaaga furay ayaad is arki.
Waligaa iska ilaali in ay kalsoonidaadu kuu horseedo xishood la'aan, maalinta aad xishoodka iska indho tirto ayaa ay sharaftaada iyo qiimahaaguna noqonayaan wax liita.
Saddex waligaa saaxiib la ahow:
1: Qur'aan akhirksa adiga oo qalbi soo jeeda kuu akhrinaya.
2: Fadhiisiga xalqadaha cilmiga
3: iyo in Carrabkaagu noqdo mid habeen iyo maalinba Ilaahay xusaya, iyadoo maskaxdaaduna hadba dikrigaad wado ay dhuuxayso macnihiisa iyo miisaankiisaba.
Ilaahay ha ina xafido aakhiro iyo adduunba. Maalin wanaagsan.

Forwarded from RAADSAN (Sainab)
Waxaa la yiri,
Haddii aad booqatid guriga qof sabool ah, oo aad ehel ama asxaab tihiin, biyaha uu qofkaasi kuu keeno waxaa laga cabbaa wax badan, si aad qofka saboolka ah u dareensiisid in uu yahay qof deeqsi ah, oo ay gurigiisa barako taallo.
Haddiise uu ku casuumo qof qani ah, ama madax ah, cuntada uu qofkaasi kuu keeno waxaa laga cunaa wax yar, si aad u ilaashatid sharafkaaga, oo aad qofka qaniga ah u dareensiisid in aadan baahneyn.
Arrintani waxa ay keenaysaa, in uu qofka saboolkani dareemo in uu yahay qof macna leh, oo wanaagsan, oo bulshada waxtari kara. Dhanka hantiilaha se, tallaabadaadu waxa ay sababeysaa, qofka hantiilaha in uu ku baraarugo in aysan hantidu waxba aheyn, cid walbaana aysan isaga u baahneyn, oo waxa uu ka kaaftoomayaa in uu kibro.
βLadane

Maalinkaaga caadiga ah qof kale ayey riyadiisa tahay inuu maalinkaagan oo kale helo.
Illaahay ugu mahadnaq intaad hayso ,inta kalena isaga ayaa kusiin doona.
{..ΩΩΨ¦ΩΩ Ψ΄ΩΩΩΨ±ΩΨͺΩΩ Ω ΩΩΨ£ΩΨ²ΩΩΨ―ΩΩΩΩΩΩΩ Ω Ϋ ...} β€οΈβπ©Ή

This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
π΄ Hello Bitcoiners π₯
Forwarded from Beta academy (cryptocurrency)
Markii ugu horraysay maraynku wuxuu doortay madaxweynihii ugu horreeyey ee taageera crypto iyo Bitcoin. Crypto wali ma aysan helin taageeri sidaas u saamayn leh.
Ma xasuusataa 11-kii ballanqaad ee Madaxweyne Donald Trump u sameeyey bulshada Bitcoin iyo cryptocurrency: halkan ka aqriso.
1/ Shaqada ka eryi doono Gary Gensler, Guddoomiyaha SEC, Maalinta 1aad
2/ Aasaasi doono "Keydka Qaranka ee Bitcoin"
3/ Ka dhigi doono Mareykanka "caasimadda Bitcoin iyo cryptocurrency-ga ee adduunka"
4/ Haysan doono 100% ee 203,650 $BTC ($14.95B) oo hadda ay haysato dowladda Mareykanka
5/ Ka saari doono canshuurta faa'iidada raasumaalka Bitcoin
6/ Taageeri doono macdanta Bitcoin ee Mareykanka
7/ Joojin doono cadaadiska sharciyeynta ("ololaha ka dhanka ah crypto")
8/ Daahfuri doono "golaha la-talinta madaxweynaha ee Bitcoin iyo crypto"
9/ Ilaalin doono xuquuqda dadka ee inay haystaan digital assets-kooda iyaga oo aan cid kale ku halleynin
10/ Majirto CBDC (Lacag Digital ah oo ay dowladda leedahay)
11/ Cafin doono xukunka nolosha ee labalaabka ah ee Ross Ulbricht, aasaasaha Silk Road.

Xilligan aynu maanta nool nahay, waxyaabaha ugu wanaagsan ee aad naftaada u samayn kartid waxa weeye, inaad naftaada barto oo aad ku tababbarto in ay toddobaadkii maalin sooshal miidhiyaha ka maqnaan karto, bishiina toddobaad, sanadkiina, ugu yaraan bil.
Waxaad dib u baranaysaa, sidii aad fikradahaaga ula kaliyoobi lahayd. Waxaad la midoobaysaa naftaada. Waxaad ogaanaysaa, naf-la-kaliyowgu, in uu yahay privilege iyo luxury aan la wada heli karin maanta. Waayo, maanta waxa dadka yeeshay Algorithm qofka naftiisaba uga aqoon badan oo hadba kusoo harqinaya bad-wayn uu isku dhex illaawayo.
β Mubarak Hadi
https://t.me/Sabiil40

Forwarded from Maymuun thoughts β€οΈπ (Maymuun Cali)
TALO WALAALNIMO.
Hadii aad tahay wiil ama gabar ka yar 25 sano noloshana hadaf iyo hididiilo wanaagsan kaleh qoraalkan waa kaagi.
{Nolosha dhalinyaranimada}
Waxaan dareensanahay adiga qoraalkan akhrisanaya inaa tahay qof daβyar oo nolosha hami sare ka leh doonayana inuu wax uun guul ah xaqiijiyo oo hadafkiisa ka miro dhaliyo lehna riyo qurux badan inuu rumeeyana dadaal ugu jira.
Walaalkay/Walaashayda Curdanka ah ee noloshu u jilcaysoow dhalinyaranimadu waa wakhti aad dib usoo jaleeci doontid adigoo jeclaysanaya waa wakhti aan xasuustaada Ka goβi doonin waa xiliga aad noloshaada qaabayn kartid si taban iyo si togonba
Waa wakhti hadii ciyaar ciyaar kaaga lumo aadan dib dambe ooga soo kaban karin aadna Ka shalayn doontid intaad dunida guudkeeda saarantahay.
Hadaba akhristahan sharafta lahoow iga qaado talooyinkaan aan u arkay inay ku anfacayaan idam alle.
β’ Gudo waajibaadka ale sida salaada soonka iyo dhamaan acmaasha khayrka ah waad ku liibaanaysan aduun iyo aakhiraba arimahaagana ilaahay ayaa kuu fududayn doona.
β’ waxba ha shukaansan adiga oo aanay noloshaaduba guur diyaar u ahayn Ka faaidi maysid wax aan Ka ahayn wakhti dhumis khasaare iyo dib udhac.
β’ ugaara gabdhaha:gabareey raga u jirso intii uu alle amray inaad u jirsato,
_hadii aad nin saaxib moodo dareenkaaga,qalbi furnaantaada iyo quruxdaaduba waxay noqonayaan mindi lagu isticmaalo si laguu gawraco,ilaa Kuwa ale u naxariistay mooyane.
β’ Ka dheerow daawashada aflaanta xun xun mukhaadaraadka iyo wax walbe oo La halmaala,waxay dilayaan awoodaada jireed iyo midaada maskaxeedba.
β’ Jooji iska daba socodka shahwaadka nafta ama waxa naftu jeceshahay oo mar walbe Ka hormari waxa Muhiimka ah.
β’ dhiso oo ku dhaqan caadooyin wanaagsan haba yaraadeen eh waxay qaabaynayan hab dhaqankaaga dhanka wanaagsan ayayna kuu jiidayaan.
β’ Ka dheerow waxa loo yaqaan amraadul qalbi ama cudurada qalbiga sida kibirka,istustuska,faanka bilaa micnaha ah iyo isla waynida,Noloshaada ayay dabar aadan Ka baxsan karin ku noqonayaane.
β’ ugu yaraan ku bixi 30 daqiiqo maalinkii Akhrinta,qorida iyo baarida waxa aad jeceshahay waxaa kobcaya Aqoontaada si tartiib tartiib ah.
β’ baro xirfado aad Ka heli karto dakhli aad noloshaada ku maarayso.
β’ baro sida dadka looga hor hadlo sida xogaha loo baaro loona gudbiyo waxay Kaa saacidaysa gaarida hadafkaaga kuuna sahlaysaa.
β’ wakhtigaaga ilaali kana dheerow danaystayaasha iyo saaxibada xun waa waxa dhalinyaro badan marin habaabiyaye.
β’ ugu yaraan samee 30 daqiiqo oo jimicsi ah maalinkii si aad Kor ugu qaado caafimaadkaga jireed iyo maskaxeedba.
Ugu danbayn waxaan filayaa inaad wax uun ka Faa,iday waxaan kuu rajaynayah hadaf iyo yool walbe oo wanaagsan oo aad leedahay inaad sida ugu quruxda badan u gaadhid.

8 Qodob oo aynu ka baran karno Suuratu Al BAQARA :
1- Aqbalidda Ducada.
2- Faaβidada samirka: Alle wuxuu yidhi: β Samirka iyo salaadda gargaarsada/miciinsada.β
3- Balaayada Khayr baa ku jirta: Alle wuxuu yidhi: β Waxa laga yaabaa in aad shay karahdaan isaga oo khayr idiin leh.β
4- Alle waa ka xaggiisa loo iisho: Alle wuxuu yidhi: β Alle ayaan idin kaga filan.β
5- Alle ayaa waxkasta qaddara.
6- In Alle oo kaliya loo cawdo.
7- Noloshu waa meel imtixaan ah.
8- Hidaayadu xagga Alle ayay ka timaaddaa.
Intan iyo in ka badan ayaynu ka baran karnaa SUURATU AL BAQARA, kaliya intani waa in kooban.
βSandheere.

Qaybaha sannadka (Quarter-yada) iyo doorkooda dhaqaalaha
Qeybaha quarters-ka ee Quarter 1 (Q1) Quarter 2 (2), Quarter 3 (Q3) waxay qayb ka yihiin habtirsiga sannadka gaar ahaan dhanka dhanka dhaqaalaha (fiscal year). Sannadku waxa uu ka kooban yahay afar quarter oo kala ah:
1. Quarter 1 (Q1): January β March (3 bilood ugu horeeya)
2. Quarter 2 (Q2): April β June (3 bilood labaad)
3. Quarter 3 (Q3): July β September (3 bilood ee saddexaad)
4. Quarter 4 (Q4): October β December (3 bilood ee u dambeeya)
Xiriirka u dhexeeya Quarter-yada iyo dhaqaalaha ama financial markets:
1. Warbixinta dhaqaalaha: Shirkadaha iyo dawladaha waxay soo bandhigaan warbixinno dhaqaale (financial reports) mar kasta oo quarter dhammaado. Warbixinnadan waxay bixiyaan aragti ku saabsan waxqabadka shirkad ama dalkaas, taas oo muhiim u ah maalgashadayaasha, ganacsatada, iyo go'aan qaadayaasha.
2. Maalgashiga iyo suuqyada: Suuqyada saamiyada iyo kuwa kale ee maaliyadeed waxay si dhow ula socdaan warbixinada dhaqaale ee quarter-yada, sida dakhliga, faa'iidada, iyo khasaaraha shirkadaha. Warbixinnadan waxay saameyn karaan qiimaha saamiyada iyo xaaladda guud ee suuqa.
3. Bilowga sannadka Q1 iyo Q2: Suuqyada waxay inta badan la socdaan heerka kobaca dhaqaale ee quarter-yada hore, oo ay tahay mid muhim ah in la fahmo sida dhaqaalaha iyo shirkadaha ay u hormarayaan, iyadoo la tixgelinayo culeysyada ama horumarka ku dhici kara shirkadahaas.
4. Dhaqaalaha guud iyo saadaasha: Xogta laga helo quarter-yada waxay caawin kartaa saadaasha dhaqaalaha, gaar ahaan marka la eego heerka kobaca, shaqo la'aanta, sicir bararka, iyo heerarka dulsaarada, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xaalada guud ee suuqa.
Sidaas darteed, Quarter-yadu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqaalaha guud ee suuqyada maaliyadeed, iyadoo xogta laga helo quarter-yadaasi ay saameyn ku yeelan karto qorsheynta maaliyadeed, maalgashiga, iyo go'aan qaadashada ganacsi.

Heerka kala saraynta hantiyaha adduunka marka loo eego marketcap-kooda:
1. Gold (dahabka) - Market Cap: $18.475 trillion.
2. Apple (Shirkada apple) - Market Cap: $3.369 trillion.
3. NVIDIA (Mid kamid ah campanyada ugu waaweyn caalamka xaga technologyada fadhigiisu yahay Santa Clara, California) - Market Cap: $3.320 trillion.
4. Microsoft (Companyga caanka ah ee soo saara softwarada computersku ku shaqeeyaan ) - Market Cap: $3.051 trillion.
5. Google (Searching machine ee adduunka ugu wayn) - Market Cap: $2.104 trillion.
6. Amazon ( Company caan ah ) - Market Cap: $2.081 trillion.
7. Silver (macdanka silverka Ag ) - Market Cap: $1.849 trillion.
8. Saudi Aramco ( Shirkadda shidaalka ee Saudi Arabia) - Market Cap: $1.772 trillion.
9. Meta Platforms (Facebook, Instagram, snap chat ..) - Market Cap: $1.431 trillion
10.Bitcoin (BTC) - Market Cap: $1.366 trillion.
https://t.me/Sabiil40
Khaalid M. Cabdisamed

Maanta iyo waayahan aynu noolahay waxa uu u baahanyahay feejignaan iyo feker badan in lagu wajaho. Sababta oo ah, qofka in yar oo wacyi la'aan ah laga dareemo waxa lagu dedaalayaa in la duufsado. Haddaba, waxa aan ku ogaysiin lahaa saddexdan qodob oo aad ku baraarugsantahay, se aan uga goleeyahay isxusuusin:
1. Diintu waa halka u horraysa ee shaqsiga laga weeraro, waana midda haddii qofku uu saldhig u sameeyo ka guulaysanayo arrimo badan, ee si aan laguu harawsan af Carabiga ka baro in aad diintaada ku raacan karto ama ka baro in aad ku dhex geli karto badweyntiisa aan laga gayoon karin.
2. Marka aad afkaaga barato ayuu wax kasta fududaadaa ee afkaaga gundhigiisa iyo barashadiisa ku dedaal. Sababta oo ah, luuqaddaha adduunka inta aad afkaaga ka taqaan un baad ka baran.
3. Ha moogaanin, maanta luuqadda adduunka ka talisaa, laguna hadlo inta u badani waa luuqadda Ingriiska, ee waxa aad ku dedaashaa in aad caalamka Galbeedka siyaasad ahaan iyo aqoon ahaanba ula socoto. Af Ingriiska ku dedaal oo u baro si aadan u anban, aqoonta lagu qorayna waa bad e, ha moogaanin.
Haddii aadan sidaa samayn waxa laga yaabaa in maalinba meesha dameeraha loo dhaan dirayo aad daba socoto, se haddii aad ahaato qof luuqaddaha iyo aqoomaha adduunka yaal wax kala socoda, waxa hubaal ah in aad noqonayso qof leh mad-had iyo aragti u gaar ah.
βMuxammed Khaliif

Ψ₯ΩΨ§ ΩΩΩ ΩΨ₯ΩΨ§ Ψ₯ΩΩΩ Ψ±Ψ§Ψ¬ΨΉΩΩ..π
Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo madaxwayne hore Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ).
Waxa uu ahaa aabihii jamhuuriyadda Somaliland iyo hogaamiyeheedii ruuxiga ahaa.
Baro jannaad idam Alle, aabbe qaran ayaad ahayde. π€²