Quluubta
12.9K subscribers
901 photos
50 videos
8 files
158 links
= Madashaan waxa aad ka heli doontaa
• Su'aalo iyo jawaabo kala duwan
• wax-yaabo ku saabsan quraanka kariimka ah
• qisooyin, sheekooyin, suugaan, iyo wixii nafci leh.

" Ku mahadsanid soo booqashadaada "

Wixii fariina ah noogu reeb
@Mr_ahmed_alta
Download Telegram
Magacyada alle Micnahooda
Magaca 44aad
اَلْرَّقِيْبُ،
الحفيظ الذي يراقب الأشياء، فلا تعزب عنه مثقال ذرة في الأرض ولا في السماء
AL-RAQIIBU waa: Alle waa mid xifdiya oo ilaaliya shay walba, mana jiro wax quraanjo la miisaann ah(ama ka yarba) oo Alle xifdigiisa ka bixi kara cir iyo dhul meeshu doono ha joogee.

Magaca AL-RAQIIBU (اَلْرَّقِيْبُ)
waxa uu quraanka ku jiraa 3 jeer
Magacyada alle Micnahooda
Magaca 45aad
اَلْمُجِيْبُ،
هو الذي يجيب دعاء الداعين، ويغيث الملهوفين، ويعطي السائلين، ويجيب المضطرين.
AL-MUJIIBU waa: Alle waa kan ajiiba baryada ku barya, waana midka waraabiya kuwa u hamuunta qaba, oo wax siiya kuwa weydiista, waana kan ajiiba baryada kuwa la dhibaateeyay

Magaca AL-MUJIIBU (اَلْمُجِيْبُ)
Waxa uu quraanka kusoo arooray isagoo qaabkan ah hal mar iyo hal mar oo uu qaab jamac ah ku yimid
Magacyada alle Micnahooda
Magaca 46aad
اَلْوَاْسِعُ،
هو الذي وسع رزقه جميع خلقه، ووسعت رحمته كل شيء، ووسع غناه مفاقر عباده.
AL-WAASICU waa: Alle waa mid u waasiciyay(u fidiyay/ballaariyay) risqiga dhammaan abuurtiisa, raxmadiisa waa mid u waasaciyay shay walba,qaninimadiisana u waasiciyay adoomadiisa baahan.

Magaca AL-WAASICU (اَلْوَاْسِعُ)
waxa uu quraanka ku jiraa guud ahaan 9 jeer, 7 jeer oo ka mida waxaa la xiriira magaca Alle ee AL-CALIIM, marna waxaa la xiriira magaca AL-XAKIIM, marka soo harayna lama xiriiraan wax magac kale ah
[إِنَّ رَبَّكَ وَاسِعُ الْمَغْفِرَةِ]
" Rabbigaa waa mid dambidhaafkiisu waasac yahay"
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Dhiigaagu waa noocee ?
Anonymous Poll
27%
A+-
25%
O+-
6%
B+-
4%
AB+-
38%
Ma aqaano .💔😂
Forwarded from Dhaqan_wanaag ꨄ (Muhyadiin)
Oo walaalo ah! 🥳
Magacyada alle Micnahooda
Magaca 47aad
اَلْحَمَكِيْمُ،
هو الله الحكيم سبحانه، فلا يَخلُقُ شيئاً عبثا، ولا يُشَرِّعُ شيئاً سدى، الذي له الحُكم في الأولى والآخرة.
AL-XAKIIMU waa: Alle dhahirnaa oo nasahnaaye waa xikmad badane, xikmadihiisana waxaa ka mida in aanu shay u abuurin ciyaar ama dheeldheel, in aanu jidaynin oo aanu sharciyaynin wax aan wax faa'ido ah lahayn, waana Allaha iska leh xukunka aduunyo iyo aakhiraba.

Magaca AL-XAKIIMU (اَلْحَمَكِيْمُ)
Waxa uu quraanka kusoo arooray isagoo sidan ah oo magac alle ah 38 jeer, mar kale isagoo aan ahayn magac alle balse ah timaan(sifo) alle ayuu quraanka kusoo arooray 40 jeer
Magacyada alle Micnahooda
Magaca 48aad
اَلْوَدُوْدُ،
الذي يحب أنبياءه ورسله وأتباعهم، ويحبونه، فهو أحب إليهم من كل شيء، قد امتلأت قلوبهم من محبته، ولهجت ألسنتهم بالثناء عليه.
AL-WADUUDU waa: Alle waa mid jecel nebiyadiisa, Farriinwadayaashiisa(rususha), iyo intii raacdaba, iyaguna(nebiyada,rususha,kuwa raacay) waa kuwo jecel rabbigooda, isaga(Alle) ayayna shay walba ka jecelyihiin, qalbiyadoodana waxaa ka buuxsamay jacaylkiisa, carrabyadooduna waxay ku dulsuganyihiin mar walba xuskiisa iyo amaantiisa.

Magaca AL-WADUUDU (اَلْوَدُوْدُ)
Quraanka waxa uu ku jiraa 2 jeer
Nolosha isbeddelku wuu qurxuxiyaa, macne buuranna wuu u sameeyaa. Si aad naf ahaan, cilmi ahaan, dhaqan ahaan iyo weliba feker ahaanba aad isbeddel u dareento, badi fiiradaada shaqsiyadeed, hana ku koobnaan hal meel ee maskaxda shaqo u dir si ay arrimo badan uga gungaadho. Sababta oo ah, haddii seeraha noloshaadu ku wareegto uu ahaado aqalkiina, degmadiina iyo gobalkiina, kuwaas oo aanay wax kala dunaanshaha oo buurani u dhexaynin, waxa aad weligaa ku sugnaan xaalad kooban, waxana aad adduunka uga go'aan qaadan hawlihiisa qolkaas aadan weligaa dhaafin.

Nolosha safarka, daawashada muuqaallada wax ku oolka ah, akhriska, la sheekaysiga dadka kaa gobal duwan, dadka kaa dhaqan duwan iyo kuwa kaa aqoon badanba, waxa ay u sameeyaan macno gaar ah; waxana aad ka helaysaa in aad ahaato qof waayaha adduun kolba halka uu marayo la socdo.

Midka wax kasta isku fuuqsadaa waa akhriska, oo haddii aad akhriskaaga dhisto waxa aad maalin kasta ku dhex sugnaan gobal, wadan, tuulo, feker, suugaan, dhaqan iyo mawduucyo badan oo xitaa in aad safar ku heshaa ay adkaan lahayd! Haddaba, akhrisku nolosha waa u Ina Daanweyne ee ha moogaanin e, maanka ku hay mar walba.

Haddii mawdku ku daayo akhris maanka ku hay!

-Muxammed Khaliif
Forwarded from RAADSAN (Sainab)
Wuxu yidhi ;

"Mar uun buu walaac iyo wareer wayne ,kaa bixine
Walbahaarku waa kaa yaraan wiiga ,dabadiiye
Nafyahay wakhtiga haw nuglaan waaxid , baa jira e.' "

DHAYMO NAFEED 🤍
Ku Qurxinta maalinkiina saliga nabigaﷺ💖❤️
💫Dadnimada wanaagsani waa deeq illahay💫
Magacyada alle Micnahooda
Magaca 49aad
اَلْمَجِيْدُ،
أي ذو المجد، والعظمة وكمال السلطان.
AL-MAJIIDU waa: Allaha sharafta,weynida iyo awooda dhammayska tiran iska leh ee boqorka ah.

Magaca AL-MAJIIDU (اَلْمَجِيْدُ)
Waxa uu quraanka ku jiraa 2 jeer oo kaliya waxayna kalayihiin;
1: { قَالُوا أَتَعْجَبِينَ مِنْ أَمْرِ اللَّهِ رَحْمَةُ اللَّهِ وَبَرَكَاتُهُ عَلَيْكُمْ أَهْلَ الْبَيْتِ إِنَّهُ حَمِيدٌ مَجِيدٌ} سورة هود 73
2: { ذُو الْعَرْشِ الْمَجِيدُ} سورة البروج 15
Magacyada alle Micnahooda
Magaca 50aad
اَلْبَاْعِثُ،
أن الله هو باعث النبيين مبشرين ومنذرين
وكذالك هو باعث الموتى من القبور يوم القيامة.
AL-BAACISU waa: Alle waa kan soo saara( soo dira) nabiyada iyagoo dadka u bishaaraynaya una digaya, sidaasoo kale Alle waa kan ka soo saaraya kuwa dhintay qubuurahooda maalinka qiyaame, si loo kala xukumo.

Magaca AL-BAACISU (اَلْبَاْعِثُ)
Kuma soo aroorin quraanka isagoo magac alle ah balse qaab fal(ficil) ah ayuu kusoo arooray quraanka sida
{ هُوَ الَّذِي بَعَثَ فِي الْأُمِّيِّينَ رَسُولًا مِّنْهُمْ يَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِهِ وَيُزَكِّيهِمْ وَيُعَلِّمُهُمُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَإِن كَانُوا مِن قَبْلُ لَفِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ } سورة الجمعة 2.
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Forwarded from RAADSAN (Sainab)
Waxa aad I leedahay: "ii warran oo qalbigeyga samir sii."
Aniguna waxa aan ku leeyahay: oo ma waxa jira samirsiis ka mudan in uu ILLAAHAY WEYNAAYE og yahay waxa qalbigaaga ka hugmaya ?!
Haddii aanay dadku mudnaantaada ogeyn ,ama waxa aadan ahayn ay kugu sheegaan , maxaad uga baahantahay qareen ku difaaca ,adiga oo asal ahaan ba aan eedaysane ahayn?!
Garsoonka samooyinka iyo dhulku ma sugo markhaatiyo , waxa markhaatiyada suga cidda aan dhacdada xog'ogaalka u ahayn . Illaahay wax walba waa ka daalacanayaa!

-WAAN KU SALAAMAY SAAXIIB
BOGGA|204
أكتب لك وصيّة من قلبي، احفظها بقلبك!

كُن لله، واعمل جُهدك دون انتظار أحد، اعتبر أنّك في الميدان وحدك، وخُذ من القرآن زادَك، تَدَبَّر الآيات؛ لا تَمُرّ عليها دون وقفة! اقرأ شيئًا من حديث رسول الله ﷺ رافِقه اليوم تلقاه غدًا، انتبه أن تكون متاحًا لكلّ شيء، اختَر صديقًا، برنامجًا، مسارًا، قرارًا، مشروعًا، اختَر بعد استخارةٍ ودراسةٍ وتأمُّل، ثمّ انظر احتياجك وقدرتك.

استثمر صحّتك، اعتنِ بجسدك، بل دَرّب من اليوم جسدك على الحركة، العمل، الصّيام، الجوع، الرّياضة، الغذاء، النّوم، العفّة والعافية.. درّب قلبك، حُبًّا، صدقًا، إخلاصًا، سِرًّا، يقينًا، إيمانًا، وأمّة، أدرِك أنّك مسؤولٌ عنك، ولن يأخذ بيدك مثل يدك.

اعلَم أنّ وقتك هو عُمرك، وكُلّ دقيقة كفيلة بتغييرك، وكُلّ يومٍ هو جزءٌ من رسالتك! لا تَنسَ أُمّتك، أعطِها روحك، بين دعوةٍ في الظِّلّ وغرسٍ لا يَذبُل، لا تُسقط نفسك لأنّك ضَعُفت، لكلّ واحدٍ قوّته وضعفه، قُم مهما احتضنت الأرض، لا تَنسَ النَّظَرَ إلىٰ السّماء، خُذ من السّجود سِقاء، وأكمِل الطّريق عَلّك ذات يومٍ تَصِل!

@t.me/abuuyax
Forwarded from RAADSAN (Sainab)
Maahmaah;

Rag samaantii waa saddex :
1. Wixiisa u daa
2. Waxaagana sii
3. Walaalowna ku dheh

💕
Raggu saddex waa isaga mid ;
1. Wixii tagey ka hadhidii
2. Waxa jooga ka hadalkii
3. Waxa soo socda halowsigii

-Maah-maah soomaaliyeed
Forwarded from Midnimo forward via @Midnimo_bot
▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂
🦋KOOXDA MIDNIMO🦋

Halkaan waxaa isugu keenay🧭
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.⬇️

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 💔😢
@Lamaane24h 🫂💝
@Qalbitabat14 ❤️‍🩹
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

⬇️KU BIIR ⬇️
https://t.me/addlist/pd0DDQsvgBU3ZTU0