Maymuun thoughts ❤️😊
14.5K subscribers
560 photos
27 videos
5 files
18 links
Soo dhowoow is ku day inaad cid nagusoo biiriso hal qofna ha ahaatee adiga oo linkiga zhere gareynaya halkaan waxaad ka helaysaa fikrado ku cajabiya♥️

Wixii talo ah halkan igalasoo xidhiidh💚👇 @Maymuuncali

https://t.me/Audiobook2s

2021-5-24
Download Telegram
Wakanaa chanalka❤️
Aadanuhu kuma nafiso kumana xasilo in duruufaha haysta xal looga balan qaado ama niyad dhis iyo dhiirigalin loo sameeyo balse waxa kaliya uuku xasilo waa inuu arko qof ay haysato duruufaha uu sheeganayo mid kadaran.!
Inaad daryeesho waalidkii ku daryeelay adigoo yar waa qayb kamid ah baarinimada iyo baraaraha nolosha.
Orah Afkaaga kasoo baxaa waxaa ugu Wangsan Saliga Nebi Mohammad😍ﷺ:🤍❤️
Awareness.!❤️

Qofkasta oo inaga mid ah wuxuu leeyahay caadooyin aanuu jeceleyn sameyntooda doonayana inuu iska joojiyo tusaale ahaan (moobeelka oo uu wakhti badan ku lumiyo , dib dhigashada ama heesaha oo uu jecelahay inuu iska joojiyo ama qaar kale qof waxbuu jecelahay inuu iska joojiyo ) hadda ka hor maalin buug aan akhrinayey baa qoraagu wuxuu yidhi dhibaatada ugu weyn ee uu qof yeelan karo maaha inuu caadooyin xun xun  leeyahay kuwaas oo uu doonayo inuu iska joojiyo lakiin dhibta ugu weyn waa inuu qofku noqdo (sleep walk ) oo uu ka wado inaanuu ku baraarugsaneyn in waxaa uu sameynayo ay caado xun tahay, markaa waxaan ugu socdaa qofku waa inuu markasta noqdaa mid ku baraarugsan dhaqamada uu sameynayo , dib isu eegaa oo waxyaabaha uu sida maalinlaha ah u sameeyo ka warhaya oo uu is qiimeeyaa bal ka waran qofka maalin kasta intaas oo saacadood ku bixinaya tiktok ama waxyaabo kale oo aan macno weyn lahayn haddana aan isba ogeyn miyaanuu ka darneyn ka og inuu wax khaldan sameynayo diyaarna u ah inuu iska joojiyo caadadaas xun.!❤️


#Maymun
GACALO waxa aan kuu wadaa dhawr qodob oo ku anfici kara;

1. Nolosha adduunku waxa ay noqotay mid maslaxad ku dhisan. Xiriirada badankoodu waxa ay noqdeen kuwa dan ku dhisan haddii ay yihiin kuwa saaxaabtinimo, kuwa jacayl iyo kuwa qoysba. La how wax dadku kuugu soo hirtaan, sidoo kalana adigu ku dooro dadka kale hadba waxa ay kugu kordhinayaan.

2. Haddii aad ku jirta da’da qaan-gaadhnimada ama labaatanyeedaba waxa aad haysataa fursad wayn. Fursad ay fududahay in ay si fudud ku gu dhaafto adiga oo aan ka faa’iidaysan. Ka lahow nolosha qorshe cad, si’aadan hadhow u wareerin. Baro xirfad, kaa caawinaysa in aad nolosha horay ugu socoto.

3. Ka gudub xayn daabka maxay dadka kale iga aaminayaan. Anigaa kuu sheegaya, wax macno ah kuma fadhido waxa ay dadka kale kaa aamini doonaan. Cidina kuma xasuusnaan doonto, marna ha isaga dayn, qorshe aad lahayd, shaqo aad bilaabi lahayd ama qof aad dooran lahayd dadku sida ay kuu arki doonaan.

4. Marna hadde waa marna ha ka baqin in aad hadalkaaga qeexdid, oo aad noqotid qof yaqaanna waxa uu rabo. Dadku way dareemaan shakiga iyo kalsooni darrada, daqiiqadda la dareemo in ay labo-labayn ku gu jirto cid walba ayaa kaa shakin doonta wayna adkaanaysaa in aad nolosha heer sare gaartid.

5. Ugu dambayn, nolosha waxaa sida ay tahay ugu raaxaysta kuwa hadafka leh, kuwa yaqaanna meesha ay u socdaan, una samra caqabadaha hor taagan. Marna nolosha aad hadda ku jirtid yay kaa dhaadhicin in aadan wax wayn qaban karin. Waligaana ha ku tashan qof kale ee adigu samayso isha dhaqaalaha aad naftaada ku kaafin lahayd, inta ka horraysana dadaal kaasho.


By : faadumo alimaad
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Procrastination ( dib udhigid.)!🫠


Qoraaga mark twine ayaa hadda ka hor wuxuu yiri "the secret to getting ahead is getting started." Oo ah sirta hormarka iyo guushu waa inaad bilow sameyso.

Dibdhigashadu waa tuuga wakhtiga iyo dhibaatada ugu weyn ee horusocdka kaa joojinaysa maalin kasta waxay leedahay fursado aanay maalinka soo socda lahayn sidoo kale maalin walba waxay leedahay shaqo iyada u gaar ah markaa shaqada aad maanta dib u dhigto waxay kaa khalkhalinaysaa ta barri ku sugaysa.

Xalka ugu fudud ee aniga I caawiyay waa inaad sameysato jadwal maalinkastana aad qorato waxa aad dooneyso inaad qabato lakiin waxaasi ha noqdaan wax fudud oo aad sameyn karto si aanad naftaada u dhibin ama u aaminin inaanad waxba qaban karin marka aad jadwalka wada raaci kariweydo bal maanta is weydii waxa ugu fudud ee hadii aad sameyso aad hore u soconeyso walow waxaasi haba yaraadaane.!❤️🍂



#Maymun
Waxaan urajaynaya gabdhaha.🎀🩷

1. Hami waliba , dadaal waliba oo maankaaga ahaaday , riyo kasta oo aad rajaynayso inay maalin dhabawdo in ebbe ku tuso rajaynta iyo riyadii aad doonaysay.
2. Nolosha waxaad uqalantaa jacayl , naxariis iyo wax walba oo wanaagsan fadlan ka raadi meelaha munaasibka ah ee lagaa ixtiraamayo , lagu dareensiinayo inaad shay walba ka koraysid aduu .
3. Noloshu way balaadhan tahay , dhis maankaaga Hubka keliya ee aad maanta hayso inaad ku dagaal dagta waa wacyigaaga oo dhisan , fadlan is qaabe oo noloshada qaabe ,  qof aragti fog noqo meelaha dhawdhaw weligaa yaysan wax sare kula ahaan .
4 . Noqo indheer garad keligeed wax qabsan karaysa, wax raadsan karaysa , nolosheeda dabaran karaysa oo xaqeeda dhacsan karaysa.
5. Noloshu way wajiyo badan tahay marka ay kuu toosi waydo maalin noloshu fadlan caawimo dalbo basharku makala maarmaan oo ilaahay wuxuu isugu abuuray in qofba qofka kale caawiyo , garab qabto ee ha qarsan culaysyada Nolosha .
6. Yeelo saaxiibo hankoodu sareeyo , midkiinba ka kale xasuusiyo ahdaafta iyo ujeedoyinka nolosha inaad wada dhistaan ,is dhiirigelisaan , marxaladaha iyo caqabadaha Noloshana yaga oo gacanta ishaysta kawada gudbi kara.
7.  Xidhiidh samayso , oo xidhiidhka aad samaynaysa ha noqdo mid ka madhan isxagxagashooyinka ,iyo weliba naaqusnaanta almacnow xidhiidh caafimaad qaba la samee qofka aad jamato , qof aad iska caawinkaraysan wax walba , agtiisa aanad ka cabsoonayn inaad wax la share garayso , qof aan kuu arkayn inaad ka liidato ee isagu kuuba arkaya inaad tahay boqorad han sare leh oo meel kasoo bixi karaysa , xulo dookhaaga ka ugu wanaagsan , dooro ruux bilaa shuruud ku jecel , jacaylkaasba waare .
8. Ha ilaawin noloshada inaad ka dhigto ahmiyadada koowad , cunto nafaqo leh cun , is qurxi , maqaarkaaga qurxiso waliba adoo ka fogaanaya waxyaabaha ka halaynaya quruxdaada ee waxyeelada ugaysanaya , timahaga qurxiso usamee week kasta routine faaido uleh , biyo badan cab , wax akhri , wax cusub baadh , salaada iyo cabsida ilaahay aad ugu dadaal , quraan akhri , tasbiixso oo dikri .
Forwarded from Iftiinka Mabda'a
Qanaacada nafta waa mid kamid ah dabeecadaha ugu wanaagsan ee qofku yeelan karo, iyadoo qofka ka dhigeysa mid raalli ah oo ku qanacsan wixii uu Ilaahay u qoray. Quraanka iyo axaadiista ayaa inoo sheegaya qiimaha ay leedahay qanaacada iyo raalli ahaanshaha rabitaanka Ilaahay.

Quraanka Kariimka ah waxaa lagu yiri:

"Haddii aad ku sugnaato dabeecad wanaagsan oo sabir iyo shukri ah, waxaad heli doontaa abaalgud weyn"


لَا يُكَلِّفُ اللّٰهُ نَفْسًا اِلَّا وُسْعَهَا ۗ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ ۗ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَآ اِنْ نَّسِيْنَآ اَوْ اَخْطَأْنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَآ اِصْرًا كَمَا حَمَلْتَهٗ عَلَى الَّذِيْنَ مِنْ قَبْلِنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهٖۚ وَاعْفُ عَنَّاۗ وَاغْفِرْ لَنَاۗ وَارْحَمْنَا ۗ اَنْتَ مَوْلٰىنَا فَانْصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكٰفِرِيْنَ
(Suuradda Al-Baqara: 286).



Sidoo kale waxaa ku jirta aayad kale oo tilmaamaysa in ruuxa qanaaco qaba uu yahay kan ugu liibaan badan:

"Qof kasta oo camal wanaagsan sameeya isaga oo mu'min ah, ha ahaado lab ama dhedig, waxaan ku siin doonaa nolol wanaagsan".


مَنْ عَمِلَ صَالِحًا مِّنْ ذَكَرٍ اَوْ اُنْثٰى وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَنُحْيِيَنَّهٗ حَيٰوةً طَيِّبَةًۚ وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ اَجْرَهُمْ بِاَحْسَنِ مَا كَانُوْا يَعْمَلُوْنَ
(Suuradda An-Nahl: 97)
.


Xadiiska Nabiga (SCW) wuxuu yiri: "Loo arzaaqay ruuxii qanaaco qabaa, nasiib wacnaan lehna wuxuu ka helay aduunka." (Bukhaari iyo Muslim). Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa in qofka raalli ka noqda wixii Ilaahay siiyey uu yahay qof nasiib badan oo barako ku jira.

Qormo Gaaban: Qanaacada iyo Macaanka Nolosha

Qanaacadu waa awoodda uu qofku ku qanco xaalada uu ku sugan yahay. Waa farxad iyo raaxo qalbiga ah oo aan lagu iibsan karin maal, hadiyad iyo aduunyo midna. Marka qofku yeesho qanaaco, wuxuu ka fogaadaa murugada iyo danaynta badan ee dunida.

Waxaa muhiim ah inaan mar walba xusuusnaano in qanaacadu tahay qeyb kamid ah imaanaka, qofka Allaah ku kalsoon oo ku qanacsan in wixii loo qoray uu yahay waxa ugu khayr badan, ma dareemo walbahaar iyo niyad jab.

Dhiirigelin: Ha ku noolaan walbahaar iyo doon-doon aan dhammaad lahayn. Ogoow in Ilaahay ku siiyay wixii ugu wanaagsan ee ku anfaca adiga, iyo haddii aad wax ka weydiiso, u yeel sabir oo ka yeelnaado qalbigaaga mid raalli ah. Qanaacadu waa furaha farxadda iyo deganaanshaha nafta.

Rabbi ha inawada siiyo qanaaco iyo nolol barakaysan!❤️🤲
Talo;

1: waa in aanad ka cabsan waxa aad is leedahay qabso oo aad isku daydaa, waa intaas oo ay kuu hirgashaa oo aad ku guulaysataaye.

2: waa in aad naftaada ka ilaalisaa dib u dhigashadda, wax kasta oo aad dib u dhigataa guul kama gaadhaysid.

3: waa in aad u fiirsan hadal oo aanay saamayn kugu yeelan hadal qof kugu yidhi.

4: waa in aad bulshada kugu hareeraysan ay afkaaga iyo adinkaaga ka amaan helaan.

5: waa in aad noqotaa qof urursan meel kasta oo aad tagtid.

6: waa in aad sirahaaga aanad bannaanka keenin.

7: waa in aad ka ag dhawaataa dad adiga kaa sarreeya si aad wax uga faa’iiddid.

8: waa in aad tahay qof lagu soo hiran karo oo marti-soorka yaqaanna.

9: waa in aad iska ilaalisa dulmiga, adiguna aad diiddaa in naftaada dulmi lagu sameeyo.

10: waa in aad naftaada ixtiraamtaa oo qiimaha ugu weyn iyada siisaa.
Ads 🔺✖️ ka warhay 500,000+ Soomaali oo ku jira Telegram!

Star Tech waa shabakad hormuud u ah Midowga Telegramers-ka Soomaaliyeed oo ka kooban in ka badan 30+ channels oo ay ku xiran yihiin dad ka badan 500,000 oo Soomaali ah.

📢 Tani waa tiro sax ah oo hubo oo la isku halayn karo 100% 

ADDEEGYADA STAR TECH

➡️Xayaysiis digital oo beegsanaya Tirada Dadka somaliyeed ee aad u baahantahay.

➡️  Samaynta, qaabaynta iyo nashqadaynta sawiradda iyo muuqaalada xayeysiiska.

➡️Hal-abuur iyo xirfado ku suurtagelunaya inaad Ganacsigaaga ka dhigto hela macaamiil dhab ah.


Maxaad sugaysaa?

Ku xayaysii ganacsigaaga Star Tech oo hel macaamiil iyo subscribe xadi badan muddo kooban Gudaheed.! 1️⃣ 👍

📞 Nala soo xiriir maanta si aad u bilowdo!

HALKAN TAABO
Ogsoonoow.❤️🥀

Ogsoonoow inay qanaacadu tahay waxa nolosha qurxiya markasta oo aad ku qanacdo waxa ilaahay ku siiyo waxa aad ku noolaanaysaa nolol xasiloon oo dagan.❤️


Ogsoonoow inaad heleyso wax walba oo ilaahay kuu qorey wixii ku seegana ay yihiin wax aan khayr kuugu jirin.❤️


Ogsoonoow inay mar walba jiraan dad ku riyoonaya inay ku noolaadaan nolosha aad ku nooshahay, dhib kasta oo ku haystana inay jiraan dad adiga kaa daran.


Ogsoonoow inaad haysato nimcada ugu weyn ee ilaahay bixiyo taas oo ah islaamnimada sidaa darteed markasta oo aad is tidhaahdo waxbaa kaa maqan dib u xasuuso ina aanuu jirin qof adiga kaa qanisan aduunkanna aanuu ahayn wax weyn oo lagusii nagaanayo gurigii dhabta ta ahaana hadhsanayahy lagaana rabo in aad u shaqaysato.!❤️



#Maymun
Waa sidee caqliyadda dhalinyarada Soomaaliyda ee qarnigan 21aad nool?
Qaab sidee ah ayey u fikiraan? Waa maxay maanhagahooda ay ku halbeegaan wax kasta?

Weydiimahani waxay bud-dhig u yihiin dood muhiim ah oo ka qabsoomi doonta telegram-ka

Goobta: kanaalka Dareenbulsho
Goorta: habeenimada Axadu soo galayso 9:00 xiliga Geeska Afrika
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Buugga The 7 Habits of Highly Effective People wuxuu mudan yahay in la akhriyo sababahan awgood:

1. Horumar Shaqsiyadeed: Wuxuu bixiyaa tilmaamo waxtar leh oo ku saabsan sidii qofku u horumarin lahaa naftiisa.

2. Xoojinta Xiriirrada: Wuxuu ku barayaa fahamka, wada shaqaynta, iyo ixtiraamka dadka kale.

3. Guul Waarta: Wuxuu diiradda saarayaa caadooyin kuu sabababya guul waarta oo nolosha isku dheelli tiran.

4. Kordhinta Is-Aqoonsiga: Wuxuu kaa caawinayaa inaad barato naftaada oo aad badasho caadooyinka kaa hor taagan hormarka.

5. Wuxuu Xoogga Saar Habab La Qaadan Karo: Wuxuu bixiyaa caadooyin si cad loogu isticmaali karo nolol maalmeedkeena.

6. Xigmad aan Lumin: Wuxuu ku salaysan yahay mabaadi'da caalamiga ah ee had iyo jeer shaqeeya.❤️
Chanalka buugta Waan idiin soo dhigay soo koobistiisa iyo pdfkiisaba akhris iyo dhagaysi wacan ❤️
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM