Abdirashid M. Hashi
1.04K subscribers
25 photos
12 videos
2 links
Spokesperson for the 9th President of Federal Republic of Somalia H.E. Mohamed A. Farmaajo | The Director of Communications
@TheVillaSomalia during the 9th Presidency.
Download Telegram
Waxaan cid walba oo ay khusayso la wadaagaynaa in Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) uu waqti hore go’aan isaga ka soo fuley oo uu si iskiis ah u go’aansaday in uu ka baxo Nabad iyo Nolol, go’aankaasna uu mar hore la wadaagay hoggaanka Nabad iyo Nolol, wuxuuna doortay in uu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed.

Sidaas darteed waxaan cid walba u xaqiijinaynaa in afkaarta uu la wadaago dadweynaha ay yihiin kuwo isaga u gaar ah oo wixii hada ka danbeeya aysan ahayn fikrado lagu matalo Nabad iyo Nolol.

Ugu danbayn, waxa uu hoggaamiyaha Nabad iyo Nolol Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u mahad celinayaa dhammaan taageerayaasha Nabad iyo Nolol oo marwalba heegan u ah in ay adkeeyaan mabaadida aan u taaganahay ee ay ugu horayso wadaniyadda (Patriotism), isaga oo ku dhiiri galiyey in ay marwalba adkeeyaan midnimadooda.

Dhammaad

Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Afhayeenka Madaxweynihii Hore ee JFS
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo